FAALLO: MAXAA SABAB U AH
LIIDASHADA KHADADKA SHARIIKADAHA TELEPHONADA
MAGAALADA HARGEYSA IYO GUUD AHAAN
SOMALILAND
Qalinkii
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
Hargeysa
markaad gudaheeda
joogto waxaa
xaqiiq ah in aan
dhegta la dhigin
khadadka telephonada
ee gudaha la
iskula hadlo
(local calls), sababaha
ugu wacan waxa
weeyaan iyada
oo ay hargeysa
nasiib u heshay
inay noqoto
magaalooyinka yar
ee dunida
ku yaal
ee khadadka
wada hadalka
gudahu yahiin
bilaa lacag,
sababta keliya
ee farta
lagu fiiqi
karo ee la
odhan karo
waa sababtay in
ay shariikadaha ka
ganacsada khadadka
telephonadu uga
dhigeen macamiishooda
bilaa lacag
waxa weeyi
isku hirdin
weyn oo
dhex yaalla
iyaga laftigooda,
dhalinyaro iyo
wayeel ayaad
arkaysa iyaga
oo wakhtiyo
aan cadad
lahayn dhegta
haysta khadadka
telephonada iyaga
oo aan
habayaraate ka
fikiraynin biil
lacag telephone oo
lagu soo
dalaco, taasi
waxaa runtii
lagu tilmaami
kara horumar
weyn oo
laga gaadhay
xagga isgaadhsiinta
dalka “enormous telecommunication
development”, inkasta
oo aanan anigu
joogin wakhtigani
aan qoraayo
faalladani hadana
sida Saaxiibo
badan ii sheegeen
waxay hargeysa
markii ugu
horaysay nasiib
u heshay in lagu
dhex wadan
karo telephonada
gacanta (cellular phones)
kuwaasi oo ah
noocii ugu
danbeeyey ee
shariikadaha reer
Europe isticmaalan (European cellular
System), waxaa qofka
doonaya inuu
qaato khad
telephonada gacanta
ah ay shariikadahu ugu
geliyaan lacag
sida la ii sheegay
u dhiganta 10$ (toban
dollar) khadadkani oo
ah qaar ku
shaqeeya (prepaid system)
waxaa keliya
ee shariikaddu
ku siinaysa
sida Europe oo
kale (Chip sim) kaasi
oo ka kooban
cadad leased frequency ah,
oo aad ka
heli karto
adeegyo kooban
sida diridda
farriimaha gaagaban
(SMS messages) iyo
wixii la halmaala.
Sidoo
kale la hadalka
khadadka dibadda
ayaa ah qaar
gaadhay heerkii
ugu jabna taasi
oo la ii sheegay
in lagu hadlo
halkii miridh
(per minute) wax ka yar 1$ dollar,
iyada oo
runtii lagu
tilmaami karo
horumar baaxadleh,
dal aan
beesha caalamku
aqoonsayn oo
horumar baaxadleh
ka gaadhay
isgaadhsiinta, waxaanay ka
suuro gelin
dawladaha leh
dayax gacmeedyada
isgaadhsiinta (telecommunication
Satelites) sida
maraykanka, Japan, reer
Europe, iyo China.
Su’aahu
waxay tahay
Faa’iidadaa intaa
le’eg ma wada
mahadiyaan dhamaan
dadka reer
Somaliland
gudo iyo
dibadba, Hadaba
faaladaydan kooban
waxaan jecelahay
inaan ugu
bildhaamiyo
shariikadaha isgaadhsiinta
dalkii hooyo
ee
Somaliland
dhibaatooyinka ka haysta
qurbe jooga
jecel inay la
soo hadlaan
ehelkooga ku
sugan
Somaliland.
WAA MAXAY DHIBAATOOYINKA LA TAABAN KARO EE LAGALA
KULMO SHARIIKADAHA IS GAADHSIINTA
SOMALILAND
Waxaan
cudur daar ka
bixinaya haddii
uu tusaalaha
aan bixinaya
ku koobnaado
magaalada Hargeysa,
waayo waa
xarunta
Somaliland
markastana waxay
tusaale u tahay
dalka intiisa
kale.
Hargeysa
oo ah Caasimadda
Somaliland waxaa ku
yaalla dhawr
shariikadood oo
ka ganacsada
isgaadhsiinta oo
dhamaantood wadaaga
dhibaatooyin isku
mid ah, kuwaasi oo
u eg qaar
aan haboonayn
oo bur bur
balaadhan ku
keeni
kara habkooga
ganacsi.
Soltelco
waa shariikadda
ogaalkay haysata
saamiga ugu
badan ee
khadadka guryaha,
xafiisyada, iyo
goobaha ganacsiga
ku jira
magaalada hargeysa,
sidaan ku
qiyaasay waan
khaldanaan karaaaye
%60 ayey shariikadaasi
daboosha khadadka
telephonada ee
guryaha iyo
goobaha ganacsiga
, Soltelco oo la
odhan karo
waa shariikadahii
loogu hor
aas aasay
taariikh ahaan
shariikadaha is
gaadhsiinta ee
magaalada Hargeysa,
waxaanay fahmin
maamulkeedu dhibaato
badan oo ka
haysata macaamiisheeda
adeegooga, la yaab
baddanna kugu
noqonaysa in aad
aragto shariikad
faa’ido badan ka
hesho sannadkii
ka ganacsiga magaalada
hargeysa hadana
si kale u dayacan.
Dhamaan
xadhkaha waaweyn
(TEL cable lines) ayaad
arkaysa iyaga oo
si fool xun
iskugu dhexdaadsan
saqafyo sare
oo laga
sameeyey looxyo
iyo biro itaal
darran oo
ku taxan
cidhifyada dariiqyada
magaalada Hargeysa,
waxyaabaha kaa
yaabinaya waxaa
ka mid ah boqolaal line
oo wadaagaya hal
sanduuq oo
ku xidhan
saqaf si
dayacan looga
yagleelay cidhifyada
waddooyinka, taasi
oo khatar u ah
gaadiidka mara
magaalooyinka dhexdeeda.
Markaad
ictiraaqayso (foundation of any business
organization) waxaa
haboon inaad
yeelato qorshayaal
ficliya (effective plans)
oo aan
ganacsigaaga u keenin
khasaarooyin aan
laga kaban
Karin, maalin kasta
waxaa saaran
saqafyada biraha
itaalka darran
shaqaale ciida
ka badan oo
dayac tiraya
khadad xumaaday,
khadkii maanta
la dayac tiray
ayaad arkaysa
isaga oo
saacada ka dib hadana
cilladii ku
noqotay, markaa
hawshii oo
dhan ayaa
noqotay “Kud
ka guuro qanjo u
guur”
Magaalada Hargeysa
oo ah magaalooyinka
ugu roobka
badan Somaliland oo
ku taal
dhul joogiisu
sareeyo ayaa
fiicnaan lahayd
inay shariikadahu
siiyaan fiiro
gaar ah ciladaha
ka iman karta
marka ay roobab
ka da’aan magaalada,
ma jiraan wax xafidin
ah (telecom backed up systems) waxaa
halkaa kaaga
muuqanaysa in aanay
shariikadaasi lahaynba
qorshayaal wakhti
dheer ah (long plans),
ee dhamaan
ganacsigoogu yahiin wax
ku meel
gaadh ah oo ka
faa’iid ah (interesting the customer’s
financial benefits).
Xagga
dawladda Somaliland
waxaa uga
magacaaban wasaarad
la yidhaahdo wasaaradda
boosta iyo
Isgaadhsiinta, inkasta
oo aanan
arag wax boos ah oo
waddanka ka shaqaysa
hadana isgaadhsiintu
waa hawsha
ugu balaadhan
ee ay u magacaabantahay
wasaaraddu, maalin
qudhaata kumaan
arag wasaaradaasi
oo ka hadlaysa
dhibaatooyinka ka
haysta macaamiisha
shariikadaha
isgaadhsiinta.
Dhibaatada
labaad ee la
odhan karo
macaamiisha reer
Somaliland waa kala
darsaan shariikadaha
telephonada magaalada
hargeysa waxaa
ka mid ah inaan
shariikadna khadadkeedu
shariikadda kale la
hadli Karin, haddii
walaalka uu
gurigiisu ku
jiro khad STC ah
adiguna aad
isticmaasho Aerolite
ama Soltelco
waa inaad
dibadda u baxda
oo aad
raadsato khad
STC ah, weli lama arag
lamana maqal
dunida aynu
ku noolahay
dal sidaasi ah,
haa waa
jiraan shariikado
badan oo ka
ganacsada isgaadhsiinta
dunida sida
dalalka Great Britain,
maraykanka iyo
weliba dalkan
aan ku noolahay
ee pakistan
waxaa ku
yaalla intaasi
oo shariikadood
oo si
gaar ah loo
leeyahay, balse
ma dhicin inaanay
shariikadna shariikad
kale la hadal.
Dhibaatooyinka
ay qurbe jooga
Somaliland kala kulmaan
inay ehelkooga
la soo xidhiidhaan
waxaa ka mid ah iyaga
oo ay dhibaato
ku noqoto in ay
khadadku uba
sooba galaan,
(in ability to access the telephone lines) oo
mararka qaarkood
aad arkayso
Serverk-kii dhamaa
(adeegahii xidhiidhka
computerka) ee
shariikadda oo
mashquul samaynaya
( busy signal), waxyaabaha
ugu wacanna ay
tahay iyaga
oo sameeya
qorshayaal farsamo
xumi ah (bad engineering techniques) ka
soo qaad
tusaale waxaa
loogu tallo
gallay hal
xadhig (one console cable)
shan xaafadood
ama shan
khad, waxay
samaynayaan inay
ka dhigayaan labaatan
khad, waxaanay
musuq maasuqaan
hirarki loogu
tallo gallay
qof in loo
isticmaalo shan
qof (frequency of leased lines),
taasina waxay
sababaysa hoos u
dhac xagga
xidhiidhka ah oo
yimaada (disastrous and down signal
communication activity)
Hadaba
waxaan jecelahay
inaan kula
talliyo shariikadaha
waddaniga ah ee
Somaliland qodobadani
1.
dib u habayn
balaadhan oo
aad ku
samaysaan nidaamkiina
shaqo ee
shariikadahiina oo
ay ka mid yahiin inaad
si farsamaysan u
nidaamisaan xadhkaha
iyo qalabkiina.
-
balaadhin
aad ku
samaysaan
hawlahiina shaqo
waa muhiimadda
qudha ee
aad horumar
ku gaadhi
kartaan.
3.
Iskaashi iyo
isku xidh
xagga khadadka
ah oo aad
samaysaan si
macaamiishiinu awood
ugu yeeshan
inay wada
xidhiidhi karaan.
4.qiimo
jaban oo
aad samaysaan
maaha horumar
ee horumarku
waxaa kow ka ah
adiga oo
hawlahaaga ka dhiga
qaar casriyaysan
(modernized updated technology telecommunication devices like
cisco routers) ,
taasina waxay u
tahay hawl
fududayn balaadhan
macaamiishiina hadaad
doontan kuba
kordhiya lacagaha
aaad ka qaadano.
5.
inaad
samaysataan saldhig
dhexe oo
aad ka maamushaan
hawlahiina farsamada
(engineering techniques) waayo
waxaan arkaya in
farsamo yaqaanka
loo yeedho
uun marka
hawl culusi
idinku timaad.
Waxaan
ka cudur daaranaya
raali gelin
buuxdana ka bixinaya
hadaan khaladad
gallay, waayo
kuma sugni
waddankii hooyo
ee faaladaydu
waxay nuxur u
tahay duruufo
aan tix
raac ku
sameeyey.
Waxaan
saaxiibayaal idiin
wada rajaynaya
shaqo wanaag
iyo hanaan
toosan ilaahayna
ha idinku garabgallo
insha
allah.
WALAALKIIN MOHAMED ABDI
HASSAN (DIRIDHABA)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan