SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee KMG: Dowlada soomaaliyeed waxaa la dhisi doonaa bishan dhamaadkeeda. 

 Bulhan
Hersi Bulhan Farah, Gudoomiyaha Baarlamaanka ee KMG

"....wax walba waa dhamaadeen wax khilaaf ah ma jiro, xubanaha maqana waa in ka yar toban xubnood iyagana waxaan ku raja waynahay in ay soo gudbin doonaan beelahooda, wax wayna maahan...."

Qore: Canab mumtaz
Somalitalk.com | Nairobi

 
Gudoomiyaha baarlamaanka ee KMG ah Hersi Bulhan Farah oo iiga waramayay kulankii baarlamaanka ee maanta oo baaqday ayaan  ka waydiiyay ololaha doorashayooyinka baarlamaanka iyo madaxweynahaba loogu jiro goorta ay soo afjarmayaan, cidda u taagan iyo waliba waxa uu ka rajaynayo shirka, waxa uuna yiri.
 
J.waxaan ku raja waynahay in ay dhawaan soo afjarmaan iyadoo aan qorshaynayno mudo todobaad ka dib ah inaan doorano Gudoomiyii Baarlamaanka KMG ee soomaaliya ay yeelan lahayd.iyadoo ay ku xigto doorashadda madaxweynaha soomaaliyeed.
 
S.Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in ay jagada gudoomiyenimo u sharaxan yihiin rag badan oo caan ah maxaa ka jira?
 
J.Ma jiraan ilaa hadda wax na soo gaaray oo u taagan jagadda Gudoomiyenimada baarlamaanka,wararka sheegaya in ay sharaxan yihiin dad badana ma aqaano halka laga keenay aniga gudoomiye ahaan wax isoo gaaray ma jiraan.
 
S.Waxaad ka warantaa doorashada madaxweynaha goormaa ayaa laga yaabaa in rasmi ah ay u bilowdaan?
 
J.waxaan ku wadnaa in aan bilowno bishan aan ku jirno, isla bishan si ay u dhamaadaan doorashadda madaxweynaha soomaaliya oo si wayn loo sugayo sida aad ogthiiina waxaa socda ololaha musharaxiinta u taagan madaxweynaha oo ay isku soo taageen siyaasiyiin aad u badan,waxayna ku kala hari doonaan codaynta oo sida ugu cadaaladsan u dhici doonta,waxaana howshan doorshada gacan wayn ka qaadanaya IGAD waxaan ku raja waynahay in ay wax wayn soo kordhin doonto sidii loogu tala galayna ay u dhici doonto. 
 
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI
S.waxaa jira warar sheegaya in IGAD ay dardar galinayso doorashada madaxweynaha si loo soo afjaro shirka inta uusan dhamaan sanadkan maxaa ka jira?
  
J.Haa waxaa socda olole wayn oo loogu tala galay in lagu soo afjaro bishan gudaheeda doorashada madaxweynaha soomaaliyeed oo si wayn loo wada sugayo, wax walbna waxa ay ku jiraan gacanta soomaaliyeed, laakiin sida aan jecelnahay waa in bishan aakhikrkeeda la dhiso dowlad dhamaystiran oo soomaaliyeed,IGAD waa dhamaatay xilkeedii wax walba anaga ayay noo yaalaan in ay dhamaystirno kana soo saarno dowlad soomaaliyeed oo dhowrta sharafta muwaadinka iyo dalkaba.
 
S.waxaa jira xubno baarlamaanka ka maqan oo wali khilaaf uu ka taagan yahay iyo siyasiyin wali cabasho muujinaya malaga yaabaa in ay wax u dhinto sii socoshada shirka?
 
J. maya, wax walba waa dhamaadeen wax khilaaf ah ma jiro, xubanaha maqana waa in ka yar toban xubnood iyagana waxaan ku raja waynahay in ay soo gudbin doonaan beelahooda, wax wayna maahan. waxii kale ee jirana waxa xalin doona baarlamaanka soomaaliyeed.
 
S.Maxaad ka filaysaa in ay ka soo baxaaan shirka gabagabada ku dhaw ee maanta aad u fadhisaan?
 
J.wax wayn ayaanu ka filaynaa waayo  waxaa ku baxay halkan dadaal badan oo soomeeliyeed iyo mid caalami,rajaduna ma xuma hadii ALLA idmo wax walba waxay u dhamaan doonaan sidii loogu tala galay umadda soomaaliyeedna waxaan u rajaynayaa guul iyo dowlad caadil ah iyo waliba soo dhawaynta dowladda la filayo in mar dhaw ay halkan ka curato.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2004

WARARKA KALE EE MAANTA


Moorgan oo Ku Siqaya Kismaayo

Sida ay werisey BBC-da qaybta afka Ingiriisiga ee UK, ugu yaraan 50 gaari oo ah kuwa gaashamaan oo ah ciidamada Morgan ayaa la sheegay in ay joogaan meel u dhow Kismaayo. Waxaa warku intaas ku daray in Isbahaysiga Dooxada Juba ay difaac ku jiraan isla markaasna uu halkaas Axadii shalay iska hor imaad u dhexeeya labadaas qaybood uu ku dhexmay aagaas. EEG Militia advances on Somali port.


Baaq ku Wajahan Warkii Amb Kiplagath ee Gen  Morgan
Haddii Kiplagath Ku Adkaysto Hanjabaadiisa Waxaan Qaadicidoonaa Dowlad Lagu soo Dhiso Kenya... Guji... Sept 6

500 oo arday oo Seminaar loogu soo Gabagabeeyay  Laascanood
Waxaa siminaarka lagu soo gabagabeeyay machadka Al-imaam Al-shaafici ee magaalada L/caanood... Guji.. Sept 6

Riyaale Wuxuu  Sanadkii Mushahar u Qaataa 0.5 Million
Sidaas waxaa yiri...
Guji...

Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in.. Guji... Sept 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD