CARRABKII QALALNAA!!
(Qoraal ku saabsan Dhibaatada
Soomaaliya)
Waxaan ahayn Soomaali,
balse maanta waxaan u muuqdaa inaan ahay dhul-laawe, waxaan waayay bilicdii
Soomaaliya, waxaan is weydiiyay su’aasha ah maxaan loo burburiyay Soomaaliya,
waxaan inta badan ka murgaa dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Waxaan hilaami
Karin noloshii macaanayd ee aan Soomaaliya ku qabay, waayo hadda waxaan ahay
ruux Qaxooti ah oo ku nool dal shisheeye, waxaan xusuustaa inta badan dadkii
aan isla dagganayn xaafad qura, dariskii iyo xushmaddii dadka Soomaaliyeed
ay isku hayeen, waxaanan illoobi Karin naxariistii ay inta waaweyni u hayeen
dhallaanka iyo xushmadii ay inta yaryari u haysay dadka waaweyn.
Soomaaliya waa dalkaygii
hooyo; Waana meesha aan Dunida ugu jeclahay, balse waxaa haleelay burbur
baaxad weyn oo sababay inay isaga yaacaan noolihii kala gaddisnaa ee ku
noolaa sida: Dadka, shimbiraha, Xayawaannada duur-joogta ah, iyo wax walba
oo socon karay ama haadi (duuli) karay. Waxaa sidoo kale si daacadnimada ka
baxsan loo burburiyay bilicdii iyo meelihii il-qabadka lahaa ee lagu
aqoonsan jiray Soomaaliya.
Soomaaliya waxay ahayd
dalka ugu nabadgalyada fiican waddamada Afirka, haatanna waa meesha ugu
dhibaatada badan guud ahaan Waddamada la isku yiraahdo Geeska Afrika,
inkastoo ay dhibaatooyin la mid ah kuwa Soomaaliya ka jira laga heli karo
waddamada nabbadu ka jirto qaarkood. Soomaaliya waxay lahayd ciidan had iyo
goor heegan u ah inay ka difaacaan dalkooda hooyo codowga dibadda iyo kan
gudaha, maantana waa meesha keliya adduunka ee ay ku tartamaan
qabasashadeeda cadowgeeda iyo kan Islaamka sida: Itoobiya, Mareykanka,
Yuhudda iyo Waddamo kale oo aan halkaan ku soo koobi karin.
Dadka Soomaaliyeed oo
tiradoodu gaarayso 10-milyan in ka badan kala bar waxay ku nool yihiin
xerooyin qaxooti oo ku yaal waddamada dariska la ah Soomaaliya, Yurub iyo
Waqooyiga Ameerika, waxayna magan u yihiin dilka, dhaca, aflagaadaynta iyo
ihaanaysi.
Markii Soomaaliya ay
Dagaallada sokeeye ka qarxeen waxay dadku billaabeen inay u qaxaan hadba
halkii ay gaari karaan, dadkii u qaxay dalalka dariska ah sida: Kenya iyo
Itoobiya waxay la kulmeen dhibaatooyin kala geddisan oo ay ka mid yihiin dil,
dhac, kufsi, gaajo, xanuuno aan dawo lahayn iyo dhibaatooyin kale oo aan
halkaan lagu soo koobi karin, waxaana xerooyinkii ay ku jireen dadkaasi buux
dhaafiyay qabuuro ay ka buuxaan dad u dhintay dhibaatooyinki loo gaystay.
sidoo kale dadkii u qaxay dalalka Yurub iyo Waqooyiga America waxay la
kulmeen dhibaatooyin ka baaxad weyn tii ay la kulmeen dadkii u qaxay
waddamada darsika ah iyadoo ay u dheer tahay: Cilmilo aysan garanayn oo ay
magan u noqdeen, dad aan ku midab ahayn oo ay la darseen, diimo aysan aqoon
u lahayn oo ay la kulmeen, shaqooyin aanay qaban jirin oo ay naftu ku
qasabtay inay qabtaan, dhaqamo iyo caadooyin aanay aqoon u lahayn oo lagu
qasbay inay raacaan iyo sharciyo qallafsan oo lagu xukumay ama lagu
sandulleeyay.
Dadkii qaxay waxay u qaxeen
si ay u badbaadiyaan nafafkooda iyo nafafka qoysaskooda, haddana ma haystaan
daryeel, ma haystaan nolol ku filan oo mustakafi ah, sidoo kale waxaa
haysata dhibaato aan xagal-daaco lahayn, guud ahaanna shacabka Soomaaliyeed
way ka siman yihiin dhibaatooyinka isugu jira dilka, dhac, kufsi iyo
barakicin joog ah; gudaha ama dibadda kay doonaan ha joogaane.
Waxaan doonayaa inaan u
mahadceliyo dalkayga waayo ma aqaan wax aan ku masaalo ama aan ku tilmaamo,
wuxuu iiga wacan yahay dunida oo dhan, waxaaan rajeynayaa in ruux walba uu
laabta ku hayo in Soomaaliya mar kale laga heli doono Saaxada Adduunka.
Waxaan ka codsan lahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka inay u naxariistaan
walaalahooda ku dhibaataysan gudaha iyo dibadda dalka, si kuwa dibadda jira
ay dib ugu soo laabtaan kuwa gudaha joogana ay nolol wanaagsan u helaan.
Waayo shacabku gudaha ha joogo ama dibadda ha joogee waxay diyaar u yihiin
inay dib u arkaan Soomaaliya oo Qaran ah iyo iyagoo dib ugu soo laabtay
dhulkoodii Hooyo. (Beloved Country).
Intii dalka dumisay iyo
intii ka maqnayd burburka waxaan ugu baaqi lahaa inay ka qaybqaataan dib u
dhiska iyo dib u istaajinta ama dib u hagaajinta dalkii shalay burburay iyo
inuu ruux walba ku dhiirrigeliyo qoysaska iyo saaxiibada kaleba inay dalka
dib u dhisaan.
Waxaan rajeynayaa in
Soomaaliya ay dib u noqoto Qaran leh qiimihiisii hore, iyo in shacabka
Soomaaliyeed ay dib ugu soo laabtaan dadkoodii hooyo oo aysan hilaami karin.
ILAAHAY SOOMAALIDA KHAYR HA
SIIYO
"Aamiin"
Waxaa Qoray: - Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)
jantiile12@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga kus axiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6,
2004
Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay
Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka
ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in..
Guji...
Sept 6
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|