MASRIYAD KA DIIDAY JARMALKA IYO
MARAYKANKA MALAAYIIN DOOLAR
Naag u dhalatay dalka Masar
laguna magacaabo Zuheyr Ismaaciil Ibraahiim laguna naanayso (Ummu
Shariif) oo ku nool magaalada lagu magacaabo Qana ee ku taal
koofrunta dalka Masar ayaa gebi ahaanba diidday lacag gaaraysa
1-milyan oo dollar oo ay u soo bandhigtay shirkad soo saarta
daawooyinka oo laga leeyahay dalka Jarmalka, sidoo kale ayay
haweeneydaasi u diidday dalab kaa la mid ah oo kaga yimid dalka
Mareykanka.
Islaantaan ayaa hantidan lala soo
doontay kaddib markii ay soo saartay daawo cusub oo ay ku daawaysay
illaa iyo 22 cudur oo intooda badani ay ku dhacaan maqaarka
bani’aadamka, mar ay ka hadlaysay dalabka hantidaan ee la soo
hordhigay iyo sababta ayay u diidday ayay Zuheyr waxay tiri: “Aad
bay iigu sahlan tahay inaan malaayiiintaa lacagta ah qaato, balse
waxaan sugayaa dalab iiga yimaada dalkayga ama ugu yaraan waddamada
Carabta, ma ahan in wax soo saar carbeed ay si sahal ah uga
faa’iidaystaan dalal shisheeye ah”.
Zuheyr oo la hadlaysay wargeyska
Sharqal-awsat waxay sheegtay in daawadaan cusub ay ka soo dhex
saartay qaar ka mid ah geedaha ayna ku guulaysatay inay ku daawayso
22 cudur oo maqaarka ku dhaca iyo cudurro kale oo ay ka mid yihiin:
tinta oo si lama filaan ah madaxa uga duusha (Bidaarta deg deg ah),
nabraha ka soo baxa maqaarka sare ee jirka, kuwa loo yaqaan
findoobka iyo tiro aan yareyn oo ah cudurrada maqaarka sida
hambalaaluqa ama waxa loo yaqaan dab-dhulka, cambaarta madaxa ka soo
baxda ama goosayga, roob sugowga, sidoo kale waxay islaantaasi
daawadaasi ku daweysay xanuunka ilkaha, madax xanuunka iyo hargabka,
waxaase la yaab leh markii la ogaaday in daawadaasi ay ku jirto
maaddo haddii si aad ah loo horumariyo wax weyn ka taraysa difaaca
iyo la dagaallanka iyo weliba daaweynta cudurka AIDS-ka.
Markii ay arrintaan soo if baxday
ayaa daawada ay soo saartay islaantaasi laga diiwaan geliyay dalka
Mareykanka iyadoo markiiba uu islaantaasi soo gaaray dalab ka yimid
qaar ka mid ah shirkadaha Mareykanka ee ka ganacsada daawooyinka,
balse Zuheyr waxay ku adkaysatay mowqifkeedii iyadoo weli taagan in
dalkeeda iyo waddamada carabta ay ka sugayso codsiyo kuwaa la mid
ah.
Mar ay ka hadlaysay qaabka ay ku
soo saartay daawadaan iyo waxa ku kalifay, waxay tiri “wiil aan
dhalay ayaa maqaarka sare ee madaxa waxaa kaga dhacay cudur sidii
cambaarta oo kale ah, daawo kasta oo ay dhaqaatiirta u soo qoreena
waxba way ka tari weyday, waxaan aaday magaalada lagu magacaabo
Sanbalaawiin oo ka tirtsan Gobolka Daqheliya halkaas oo ay Hooyaday
dagenaydoo wax wayn ka taqiinay isku daaweynta dhirta iyadoo harey
uga baratay ayeeyaday oo aad loogu amaani jiray dhir isku daaweynta,
waxay I soo siisay daawo ay ka soo saartay dhowr dhir oo ay isku
dardartay, waan la soo cararay oo wiilkaygii madaxa ka mariyay,
waxaase la yaab lahayd in markiiba wiilkayga uu iigu caafimaaday,
waxaan isga kaddib ku daaweeyay dad badan oo cudurada maqaarka la il
darnaa waxaana ka mid ahaa Injineer iyo weliba nin Dhaqtar ahaa.
Lix saacadood oo keliya ayay ku
qaadanaysay in ay diyaariso daawo 5cm ah kaddib markii ay isku
qooshto dhir kala duwan, dadka ay daweynaysayna waxay daawadaa ku
siinaysay lacag la’aan, dadka deriska la ah islaantaas waxay
sheegeen in dhammann dadkii ay daaweysay ay ka wada caafimaadeen
cuduradii ay qabeen kaddib markii saddex jee oo kelya ay ku dhayday
daawadaas.
Guriga islaantaas ayaa noqday meel
ay dadku isku ciriiryaan markii ay wada maqleen daawada ay soo
saartay iyagoo ka dalbanayay in ay daaweyso
Nin lagu magacaabo Axmed Cabdil
Muncim oo deggan magaalada Al-Uqsur ee dalka Masar oo ka mid ahaa
dadkii caafimaadka ku helay daawada islaantan oo la hadlayay
wargeyska Asharqalawsat ayaa waxa uu yiri “waxaa igu dhacay cudur
dhinaca maqaarka ah, jirkeyga oo idil ayaa is bedalay waxaa igu
dhacay ka sokoow cudurka I hay cuqdad nafsi dadkii waan ka xayirmay
oo banaanka waan mari waayay waxaan adeegsaday daawooyin fara baday
waxna waa tari waayeen, noloshii ayaan ka quustay xanuunkii iyo
cudurkiina sidii ayuu ii hayay nasiib wanaag qaar saaxiibadeyda ka
mid aha yaa markii dambe ii sheegay islaantaan oo markii aan u
tagayna daawooyinkii ay ii soo qortay uu ILAAH igu caafiyay.
AMIIN YUUSUF KHASAARO
amiinkhasaaro@hotmail.com