Hargeysa Wasiirkii hore ee Wasaaradda
Ganacsiga Somaliland, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ku eedeeyey
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), in
uu baalmaray ku dhaqanka Dastuurka Qaranka, taas oo sababtay burbur
dhaqaale oo waxyeeleeyay dalka, sidaana waxa uu ku sheegay
shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.
Shirka jaraa’id oo Maxamed Xaashi
ku soo bandhigay Dhaliilaha hoggaamineed ee Guddoomiye Qaybe
muddadii uu xilka hayey, waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiiladu ka
gaabiyey xilkii ay ummadda u hayeen, adeegena u noqdeen Waaxda
Fulinta (Xukuumadda) oo uu sheegay in awooddihii Waaxyaha Qaranka oo
dhami gacanta u galeen.
Waxa kale oo Inj. Maxamed Xaashi
tilmaamay in Dastuurka Qaranku weli qabyo yahay oo qaybo badani
dhiman tahay, taas waxa uu dhaliisheeda dusha ka saaray Golaha
Wakiilada oo uu sheegay in ay si badheedh ah uga dhego adaygeen in
ay u soo bandhigaan Xukuumadda qodobo ka mid ah Dastuurka.
Inj. Maxamed Xaashi ayaa war-saxaafadeed
uu ka akhriyay Shirkaasi jaraa’id oo uu ku faah-faahiyay dareenadii
Dadweynuhu ka bixiyeen Istiqaaladii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada,
Qaybe, iyo sida uu u arko waxqabadkiisa, waxa uu qornaa sidan:-
“Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe),
markii uu iska casilay xilka Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada,
dadweynaha reer Somaliland waxa uu muujiyey dareeno aad u kala duwan:-
- - Qayb u riyaaqday is-casilaada
Guddoomiyaha.
- - Iyo qaar ka xumaaday is-casilaadiisa.
Haddii aan iska baal maro
Shakhsiyadda Guddoomiyaha iyo Taariikhdiisa ee ka soo horjeedka
Jiritaanka Somaliland, oo aan isku koobo wax qabadkiisa intii uu
xilka hayey, waxa aan kala ogaan karaa labadaa fikradood ta toosan:
Guddoomiyuhu ma yahay nin la
mahadiyey oo istaahila Baroortii ay muujiyeen Taageerayaashiisu.
Mise waa nin la eeday oo Istaahila Farxaddii ay muujiyeen kuwii ka
soo horjeeday. Bal aan raadka Qaybe iyo sida uu u hoggaaminayo
Golaha aan dib u raadno ilaa 1997-kii.
Dawladda Somaliland waxay u qaybsan
tahay saddex Waaxood oo xilka u siman, oo mid waliba u madax bannaan
tahay xilkeeda oo kala ah:-
- 1. Waaxda Fulinta (Xukuumadda).
- 2. Waaxda Xeer-Dejinta (Baarlamaanka/Guurtida
iyo Wakiilada).
- 3. Waaxda Garsoorka.
Haddaba, Waaxahaa Qaranku ma yihiin
kuwo siman? Mise Waaxda Fulinta ayey awooddihii oo dhami gacanta u
galeen? Maxaase sababay?
Taladu waxay murkacatay, markii ay
Golaha Wakiiladu ka gaabiyeen xilkii ay ummadda u hayeen, adeegana u
noqdeen Waaxda Fulinta. Waxa aan qarsoodi ahayn in Dastuurku qaybo
yahay oo qayb wayni dhiman tahay. “Xeer baa Qeexi” oo aan
shir-guddoonku ku tala jirin in uu Golaha soo hor dhigo Xeerarka
dhiman si loo dhammaystiro.
Dhaliisha qabyada Dastuurka waxa ka
masuul ah Golaha Wakiilada, siiba Shir-guddoonka, Guddoomiyaha iyo
ku-xigeenkiisa koowaad (Md. Cabdiqaadir Jirde aw Cali, oo isagu
marar badan shirarka guddoomin jiray). Waxa ay si badheedh ah uga
dhaga adaygeen in ay u soo bandhigaan Xukuumadda Qodobka Dastuurka
130-5 ee u qoran sidan:
“Dastuurka Qodobka, 130,
(5):----------Waa in la diyaariyaa Xeerarka Dastuurka waafaqsan,
waxaana lagu keenayaa Xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido
Golaha Wakiiladu.”
Qabyadaa Dastuurku waxay xagal-daac
ku keentay:
- 1. Hab-sami u socodkii
Maamulka iyo hor-u-markii dalka, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo
noloshiii dadka dhinac kasta oo ay tahay.
- 2. Ma aha arrin ay il-duufeen
ee waa mid ay ku talagaleen iyaga oo ugu danaynaya Madaxweyne
lacagta badan uu qaato.
Waxa arrintani horseeday
musuq-maasuqa iyo talaxgabka Waaxaha Qaranka iyo hay’addihii
Dawladda.
Waxa isweydiin leh, waxa looga war-wareegayo
dhammaystirka Dastuurka?
Xaqiiq ahaan waxa jira qodobo
xasaasi ah oo loo mari la’ yahay dhammaystirka Dastuurka. Waa
qodobka taabanaya Mushaharka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Mushaharka iyio Gunnada: Qodobka
87: Mushaharka, gunnada iyo hantida Dawladda ee ay Madaxweynaha iyo
ku-xigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya Xeer.
Arrintani waxa ay sababtay in aan
Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanku ka gelin dood Mushahar, Gunno iyo
xuquuqda Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa toona, waxaanu qaataa
Madaxweynuhu lacag dhan $500,000 sannadkii, taas oo ka badan laba
Jibaar Mushaharkii Madaxweynihii Maraykanka (Clinton) qaadan jiray
oo ahayd $200,00 sannadkii.
Haddii aan si kale u dhigno,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maalintii waxa uu qaataa
$1400, waxana xusid mudan kharashka aan ku jirin sida: Nalka, Biyaha,
Shidaalka, ilaa Mafiiqaha iyo Shaqaalaha oo laga bixiyo Wasaaradda
Madaxtooyada.
Awoodda dhaqaale ee ku ururtay
gacanta Madaxweynuhu intaas uun kuma eka. Waxa ku soo hoyda adduun
badan oo aan Miisaaniyadda gelin sida:
Lacagta adag ee ka soo hoyata
Xoolaha la dhoofiyo, Dekedda Berbera, Haamaha Shidaalka ee Berbera,
iwm oo ah $51,400,000 ilaa 1997-2003. Waa intii Guddoomiyuhu xilka
hayey.
Si arrimahan dabool adag loo saaro,
Md. Qaybe, waxa uu baal maray ku dhaqanka Dastuurka Qodobka 55-7 u
soo bandhigidda Xisaab-xidhka Miisaaniyadda waxa u xilsaaran
Hanti-dhawrka Guud.
Waxyeelada Guddoomiyuhu kuma koobna
burburka dhaqaalaha oo qudha. Balse waxa Xukuumaddu ku dhaqantaa
Xeerka deg-degga ah oo Goluhu diiday, iyada oo ayna jirin sabab loo
isticmaalaa. Xeerkani dad badan oo Muwaadiniin ah, ayaa xorriyadooda
laga qaadaa.
Dastuurka Qodobka 92-3: Waxa
Xeerkan deg-degga ah dib-u-eegid ay labada Gole ku samayn doonaan
saddexdii (3) bilood hal mar….Xeerkaa deg-degga ah labada Gole maxay
uga aamusan yihiin?
“Lugo dhooqo, hadba midbaa la
saaraa” ee Shir-guddoonka Golaha Wakiiladu ma dherer le’ka Xilka loo
igmaday.” ayuu hadalkiisa ku gunnaanaday Maxamed Xaashi Cilmi.
Intaa ka bacdi Weriyayaasha ayaa
waxa Maxamed waydiiyeen su’aalo, waxayna u dhaceen sidan:-
S: Maxamed, waxa la yidhi, Salaadba
waqtigeedaa la Tukadaaye. Miyaanay ka habboonayn in aad ka hadasho
arrimaha xilligii Qaybe iska casiley xilka Guddoomiyaha?
J: Iminka ayay cusboonaatay
arrintii oo Khamiistii dhoweyd baan soo maray Golaha Wakiillada,
weli sidii bay u socotaa arrinta ninkii Looyarka ahaa [Mudane
Maxamed Jaamac]. Kolkaa iyadaa laba-kaclaysay, dabadeedna jaaniskii
hore haddii uu I dhaafay, dee kanba waan ka faa’iideysanayaa.
S: Miyaan la odhan karin hadalkaagu
waa mid aad ku taageerayso mucaaradaddii Xildhibaanada Golaha
Wakiillada ee ku kacsanaa Guddoomiyaha Golaha?
J: Horta anigu fikraddayda ayaan ka
hadlayaa, ma filaysaa in Guddoomiyuhu [Qaybe] yidhaahdo lacagtaa
maqan guddi ayaan u saarayaa ka soo shaqaysa. Waa maya. Inay ka
dabatagaan miyaad ka filaysaa lacagta intaa le’eg? Iyana waa maya.
Miyaad filaysaa inuu Qaybe Golaha Wakiillada horkeeno oo yidhaahdo
qodobkaa qeexaya Mushaharka iyo gunnada Madaxweynaha iyo Madaxweyne
ku-xigeenka ka dooda? Kolkaa khasaaraha u weyn ee ummadda ku dhacay
waxa uu kaga dhacay Golaha Wakiillada, gaar ahaan Shirguddoonka ayuu
kaga dhacay.
S: Markaa adigu dadka qaybtii ka
xumaatay iscasilaaddii Qaybe ma waxaad u aragtaa kuwo khaldan?
J: HAA, weliba isagu inuu yimaaddo
(Mudane Qaybe inuu noqdo guddoomiyaha Golaha) maan jeclayn. Waayo,
nin Somaliland aamminsanba ma aha.
S: Qoraalkaaga waxaad ku xustay
“haddaan baal maro shakhsiyadda Guddoomiyaha iyo taariikhdiisa ka
soo horjeedda jiritaanka Somaliland…” Maxaad ku caddaynaysaa
arrintaa?
J: Waxa jira waraaqo badan oo uu
qoray, mana qarsan jirin. Iyada oo xaalku sidaa yahay oo Qaybe yahay
ninka Somaliland ugu neceb, marka laga reebo Ina Cumar Geelle [Madaxweynaha
Jabuuti], ayaa Alle ha u naxariistee, Maxamed Cabdulle oo Sakhraan
lagu naanaysi jirey oo laba sannadood sugayey in Guddoomiyaha
Wakiillada loo sharraxo, ayaa mar uun la keenay Qaybe oo joogey
Addis Ababa. Kolkaa Qaybe nin Somalilander ah inaanu ahayn cid
waliba way ogtahay. Berigii dhoweyd ee qaybta lagu yareeyey [beesha]
Harti [saami qaybsigii Baarlamaanka ee shirka Mbagathi] wuu ka
xanaaqay [Qaybe]. Dee, Mbagathi maxaa naloogu badin waayey miyaad ka
filaysaa Guddoomiyaha halkan joogaa inuu yidhaahdo.
S: Dadka badankiisu waxay aaminsan
yihiin in wax waliba ka go’aan Madaxweynaha, Qaybe-na wuxuu sheegay
in sababta mucaaridku u eryanayaa ay tahay inuu yahay nin
Madaxweynuhu ku tiirsan yahay. Sidaa darteed-na waxa la filayaa in
mooshinkii iscasilaaddiisa la baabi’iyey markii uu Madaxweynuhu soo
farageliyey. Markaa haddii dadkiiba aaminsan yahay in wax waliba ku
xidhan yihiin Madaxweynaha oo uu isagu magacaabi karo Guddoomiyaha
Wakiillada ama Guurtida ama ridi karo, yaad ku canaananaysaa arrinta?
J: Inta aan u jeedaaba waa intaas.
Maxaa halkaa gaadhsiiyey [awoodda Madaxweynaha] baan leeyahay inay
arrintu sidaa ahaato? Waa dhaqaalahan faraha badan ee la bixinayo.
Dhaqaaluhuna waxa uu ka yimi shaqadii ay ka seexdeen Golaha
Wakiilladu. Waa halkaa meesha aan eedda ka saarayaa [Wakiillada],
waxa weeye, waxan maanta ay ugu wada xidhmeen [Madaxweynaha].
S: Waxaad iftiimisay in
Madaxweynuhu qaato Shan Boqol oo kun oo Doolar sannadkii, taas oo
aad sheegtay inay laba jibaar ka badan tahay Mushaharka
Madaxweynihii hore ee Maraykanka [Clinton]. Maadaama, aad hore isugu
sharraxday Madaxweyne, metelan haddii aad ku guulaysan lahayd.
Lacagtaa ma diidi lahayd?
J: Anigu, HAA. Waxaan tusaale kugu
siinayaa kolkii lay magacaabay [Wasiirka Ganacsiga] askari ma dalban
oo ma odhan gaadh iga qabta, sidaydii baan isaga noolaa oo
gurigeygii baan ku jirey. Kolkaa, waxa weeye, qofku waa inuu marka
hore ogyahay in Adduunyadani temporary [wax muddo gaaban jiraya]
tahay oo qof waliba camalka uu sii dhigtaa aakhiro kaga horreeyo.
Kolkaa 60 sannadood markaan soo jirey waxa ii hadhay waa wax yar.
Markaa ma qabo qofku xoolo ummaddeed inuu ku xisaabtamo, anigu ma
qabo. waayo, haddaad adigu lacag i amaahiso adiga uun baa igu leh,
haddii aan dhinto taada uun baa la ii raacayaa iyo carruurtaada.
Laakiin, bal hadda ka warran ninka – ka waalan ee silsiladda ku
xidhan, ka TB-du hayso ee daawada la’, ummadda baahan waxooda mid
waliba u raacayo iyo waxay dhaleenba.
S: Maadaama arrimaha aad sheegtay
muddo dheer soo jiitamayeen. Sidee adigu u aragtaa in lagu xakamayn
karo kharashka faraha badan ee madaxda sare ee dalka?
J: Waxa lagu xakamayn karaa,
qoladan [Golaha Wakiillada] oo hawshooda qabsada, waayo, horta
xeerka ayay Golaha keeni lahaayeen. Waxa laga doodi lahaa Mushaharka
Madaxweynaha maxaan ka dhignaa. Waxa laga doodi lahaa Bisilkiisu
muxuu noqonaya, haddii uu dhinto ama shaqada ka tago carruurtiisu
maxay helaysaa. Waa laga doodi lahaa, go’aan baana laga gaadhi lahaa.
kolkaa dembi isaga ma saarnaadeen.
S: Marka la eego marxaladihii dalku
soo maray. Ma kula tahay in laga gudbi kari lahaa mushaakilaadkii
dowladda horyaalley, haddii aan madaxdu aanay farsamooyin kale [kharash
iyo xaalmastuur] wax ku furfurin?
J: Horta, caqliga way ka fog tahay
taasi. Sidiisaba laaluushku waa xaaraan. Midda kale, haddii aanad
barin [dadka] kuugu iman maayaan. Anigu markii aan Wasaaradda
Ganacsiga tegey, Odayaal badan baa kuyuu [queue, saf] ii soo
qabsaday oo doonayey Shidaal, markii aan ku idhi aniguba ma lihi way
iga tageen, way isu sheegeen oo cidi iguma soo noqon. Markaa ninku
isaga ayaa samaysanaya oo abuuraya, laakiin wax loo dhashay ma aha,
wax xaq ahna ma aha. Waayo, waxaad deeqsi ku noqon kartaa waxa aad
adigu leedahay, laakiin, wax ummaddeed deeqsi kuma noqon kartid.
S: Inta aan ka hadlayso golahan oo
waqtigiisii dhammaad yahay, miyaanay kaaga haboonayn inaad ka
hadasho doorashada baarlamaanka in la soo dedejiyo, gole aan beelo
ahayn ee la soo doortayna uu meesha yimaaddo?
J: Horta, arrintan joogta ayaynu ka
hadlaynaa marka hore, laakiin, waxaad ka soo qaaddaa Golihii
deegaanka ee la soo doortay. Xisbi baa la doortay ee qof lama dooran.
Isha ay leedahayna waad aragtaa maanta oo waa kuwaa isku wada maran.
Qofku ka jooga ha ahaado ama ka imaya ha ahaadee, isaga waxa laga
filayaa - aasaaskii iyo jiritaankii [integrity] baan jirin. Golaha
yaa haga? Shirguddoonka ayaa hagi lahaa, sharciyada iyaga ayaa keeni
lahaa oo ka shaqayn lahaa. Markaa waxa weeye, hawshii ay qaban
lahaayeen – ninka madaxda ahi awood buu leeyahay inuu wax toosiyo,
dadku hoosta waxba kama toosin karo, way adag tahay. Kolkaa awooddii
ay wax ku toosin lahaayeen baa meesha ka maqan.
ENINGEER MOHAMED HASHI ELMI
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyeey:
mohamed abdi hassan <diridhaba2001@hotmail.com>
»MADAXWEYNE
RIYAALE IYO MUQUUNINTA SHACABKA [Diridhaba]