- Baaq ku Wajahan Warkii Amb Kiplagath ee
Gen Morgan
- Moorgan oo Ku Siqaya Kismaayo
- Baaq Uu Soo Saaray Xoghaynta U/H/G/J/Hoose
Ee Canada Tiradiisu O2/Se5/04.
Baaq ku Wajahan Warkii Amb Kiplagath ee
Gen Morgan
Sept 6, 2004
- Haddii Kiplagath Ku Adkaysto
Hanjabaadiisa Shaqsiyadeed Waxaan Qaadicidoonaa Dowlad kasta oo Kenya
Lagu soo Dhiso iyo Waxkasta oo Kasoo Baxa Shirka Kenya , Waxaanan Shirka
Kenya u Aqoonsan doonaa Mu,aamarad
Anaga oo aad uga Xun eedaynta Qaawan ee
Kiplagath u soo jeediyay Gen. Maxamed Saciis Xirsi (Morgan), Waxaan Baaq u
Soo Jeedinaynaa , Wadanada IGAD, Wadanada Daneeya Arimaha Soomaaliya Iyo
Dhamaan Beesha Caalamka. Waxaan ogaysiinaynaa arimahan:-
Tan iyo Markii uu Bilowmay Shirka Dibu
heshiisinta Soomaalliyeed Waxaa Jiray Gobolo Xoog lagu haysto Kuwaas oo ay
kamid yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose.
Gudiga Fududaynta IGAD Marna kamo aysan
Hadlin waxa Laga yeelayo Goboladaas, Sidoo Kale Axdiga Faderalka Kumeel
gaarka Laguma Cadayn Masiirka Gobolada Xooga Lagu daganyahay.
Sidoo Kale Waxaa Xaqiraad Loogaystay
Beelaha Ka soo Jeeda Dhulka Lahaysto oo Xubnahoodii Baarlamanka lagu abaal
Mariyay Kuwa Xooga ku Dagan Dhul aysan u dhalan,,
Mida kale Waxaa Gabi ahaanba Dhamaday
Shirkii Dibu heshii siinta waxayna IGAD Go,aamisay in Ergadu ay ku Laabtaan
Degaanadoodii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya , Gen.: Maxamed Saciid Kamid
Maaha Xubnaha Baarlamanka Waxa uu ahaa Ergadii Xiligeedii Dhamaaday Mana
Jiro Hab uu ugu soo laabto Kenya.
Hadaba Anaga oo ah Ergadii rasmiga ahayd,
Xubnaha barlamanka, Waxgaradka , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada iyo Guud
ahaan Dadka u Dhashay Jubooyinka ee Ka qaybqaadanaya Shirka Dib u
Heshiisiinta Somaliyeed Waxaan ugu Baaqaynaa in Amb. Kiplagath uu Ka Noqdo
Hanjabaadiisa .
Haddii Kiplagath Ku Adkaysto Hanjabaadiisa
Shaqsiyadeed Waxaan Qaadicidoonaa Dowlad kasta oo Kenya Lagu soo Dhiso iyo
Waxkasta oo Kasoo Baxa Shirka Kenya , Waxaanan Shirka Kenya u Aqoonsan
doonaa Mu,aamarad Lagu garabsiinayo Danbiilayaasha Xasuuqa, Dhaca , Dilka
Iyo fara Xumaynta ku haya Maatada Ku noo Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelada
Hoose.
Madaxa Warfaafinta Ururka SPM.
Dr. Mohamed/shugri Ahmed.
Kala xiriir:
cumar133@hotmail.com
Moorgan oo Ku Siqaya Kismaayo
Sida ay werisey BBC-da qaybta afka
Ingiriisiga ee UK, ugu yaraan 50 gaari oo ah kuwa gaashamaan oo ah ciidamada
Morgan ayaa la sheegay in ay joogaan meel u dhow Kismaayo. Waxaa warku
intaas ku daray in Isbahaysiga Dooxada Juba ay difaac ku jiraan isla
markaasna uu halkaas Axadii shalay iska hor imaad u dhexeeya labadaas
qaybood uu ku dhexmay aagaas.
EEG
Militia advances on Somali port.
Baaq Uu Soo Saaray Xoghaynta U/H/G/J/Hoose
Ee Canada Tiradiisu O2/Se5/04.
Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim.
- Ku:Ummadda Soomaaliyeed Oo Neceb Dulmiga Boobka Dhaca Iyo Gumaysiga kiisii
Hore Iyo Kancusubba.
- Ku: Dhamaan Ummadda Waamo (J/L)Cidkasta Oo Ay Leedahay Meelkasta Oo Aad
Jogtaan Dalka Gudihiisa Iyo Dibaddiisa.
Baaqan Oo Aanu Soosaray Idunkuna Wajihan Hadii Aad Tihiin Ummadda Dulman Ee
Waamo Meelkasta Oo Aad Jogtaan Dibadda Iyo Gudaha ,Kadib Markaanu Aragnay
In Aanay Waxba Ka Soo Socon Taloyin Iyo Tusaale Aanu Ugu Baaqnay Urur Goboleedka Dowladaha Bariga Afrika Iyo Tuugada Iskubahaystay Dhaca ,Boobka ,Dilka ,Barakicinta Ummadda Waamo Ee Dulqaadaka Badan.
In Qofwaliba Oo U Dhashay Waamo Kuna Abtirsada Meelkata Oo Aad Jogtaan
Aad U Istaagtaan Dalkiina Iyo Dadkiina Ladamacsanyahay In Laidanka Dhaxal Wareejiyo Oo Ay Utashadeen Gumaystayaasha Cadaawadda Dheer Inaka Dhaxaysay Iyo Calooshood U Shaqaystayaasha Raqiiska Ah Oo Ay Heleen.
Dhaaxaanu Aamusneen Dhaaxaanu Sabureeynay Maanta Waa Kama Danbeen Ee
Ciddii Fadhiday Kac Kii Taaganow Dhaqaaq, Dhegna Jalaq Ha U Siin Addon.Xabash,
Cafar.Gaal,Calooshii U Shaqayste Isku Bahaystay Doodsiinta Xaqaaga.
Raaca Fariinta Kitaabka Quraanka Oo Idanfaraysa In Aad Iska Qaadaan Duliga.
Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim .Fainqaataluukum Faqaatiluuhum OwliyaaiShaydaan
Ina Shaydaana Kaana Lirabihi Kafuuran.
S/Alcadiim.
Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim . Walaa Tahinuu Walaa Taxzanuu Wa antum
Alaclowna Wallaahu Macakum.
S/Alcadiim.
Wabilaahi Towfiiq.
Xoghaynta U/H/G/J/HOOSE Ee Canada.
Kala xiriir: A.Moamed <allore7@sympatico.ca>
PUNTLAND & HEESTA (HADDII AAN
BARBAARTII , BASANOOW DARAADA UGA SOO BANAAN....)
Mar hadii ka lulashadii
hogaamiyaha Pl ay dhamaatay,kaligiina uu yahay kan 40 meeyo soo
xushay,banaankana la dhigay ninkii tuugada ugu cilmiga badnaa,
waxay illa tahay in madaxwenaha lagu soo dhaweyn doono goortuu
tagu Puntland heesta soo socota :-
" Haddii aan barbaartii ,
baxsanoow daraadaa uga soo banaan baxay cidlo heygu baylihin..)
Intaasna waxaa u sii dheer isagoo
ah kii Baydhabo xoreeynteedii qaybta weyn ka qaatay,fagfagtii
qabiilka goosashada raba riyadoodii beeniyey, lana hubo in uu ka
dulqaadi doono Somaalida kuwa dulmiga wada ee dhulka ayan laheyn
xooga ku heysta ayaa waxyaabahaas oo dhan ay ku tuseeysaa
rajadiisu heerka ay gaarsiisan tahay eeyba ka muuqato sidii
loogu soo dhoweeyey Imaaraadka ee hadda booqashada ku joogo.
Ee waxaan bogaadinteyda ka dib ku
oran lahaa, Lotta continua....
Warsaxaafadeed ay IGAD ka soo saartay
Arrinta Gen,Morgan
Canab
Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
kulan ay iskugu yimaadeen Guddiga
fududeynta shirka ee IGAD ayay ka soo saareen war saxaafadeed ay ku
cambaareynaa Gen morgan oo ka maqan shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ee ka socda dalka kenya mudo dhowr bilood ah.
warsaxaafadeedkan ayaa ka dambeeyay kadib
markii la sheegay in ay jiraan warar sheegaya in Gen, uu abuubulayo
weerarro dagaal oo ku wajahan magaalada kismaayo iyo
agagaarkeeda,waxayna wakiilada IGAD ee shirka ku sheegeen
warsaxaafadedkooda in falalkaas uu morgan wado ay lidi ku yihiin
dadaalka nabad raadineed ee soomaaliya loogu jiro oo hadda ku dhaw
gabagabo in uu wiiqi karo isla markaasna uu abuuri karo jawi naxdin leh.
waxa ay xuseen in ay dhowr jeer u direen
casuumad iyo baaqyo si uu shirka ugu soo laabto balse aysan ka helin wax
jawaab ah oo ku aadan baaqyadoodaas sida ay ku sheegeen warkooda
Guddiga,waxayna uga digeen in uu joojiyo weeraradaas la sheegayo in uu
wada Gen moragan hadii uu ku kacana ay maxkamad la hortagi doonaan.
waxaa kale oo ay Guddigu sheegeen in ay ka
qaadayaan talaabo caalami ah shaqsi walba oo isku daya in uu gacan
taageero siiyo moorgan,iyo waliba dowladii iyagana talaabadaas mid la
mid ah u sahla in ay la tiigsan doonaan sharci caalami.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|