SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

DHAMBAAL: MADAXWEYNE RIYAALE IYO MUQUUNINTA SHACABKA SOMALILAND

QALLINKII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN. 

Somaliland waxay xor ahayd 13-kii sanadood ee ugu danbaysay, balse akhriste taasi waxay u muuqata mid meeshaba hadda ka sii baxaysa, xornimadii dalkani qaatay ayaa u ekaaday mid lagu tuntay oo karaamadii iyo tixgelintii ka luntay, dadkii u shahiiday ee ficilkooga iyo dhiigoogu Somaliland halkaa gaadhsiiyeyna waxaa loo ekaysiiyey qaar aan macno ku fadhiyin, xorriyaddi iyo dimuqraadiyadda uu Riyaale sheegay inuu dalka keenay ayaa hadda u muuqata mid aan shaqaynin oo wakhti lumis ah. 

Daahir Riyaale Kaahin wuxuu xukunka dalka ku yimid sida uu isagu sheegayba si nasiib ah, maalin qudhaata Madaxweynahu kuma uu fikirin inuu ka noqon doono Somaliland hogaan, balse garasho ay shacabka gobta ah ee Somaliland u garteen ayaa mansabka geeyey, Daahir Riyaale taasi muu garanin ee wuxuu Somaliland ugu abaal guday inuu cadawga Somaliland uu irrida u furo, Weli shacabyahow wanaagsani ma ka fikirteen Sababta uu Riyaale Saaxiibka inoogala dhigay Ismaciil Cumar Geelle oo la oga halka uu Somaliland iyo xornimadiina ka taagna? Ma ka fikirteen shacabyahow wanaagsani Sababta uu xidhiidhkeenii wanaagsana ee aynu la lahayn Jamhuuriyadda Federaaliga ee Ethiopia loo lumiyey, qoraalkayga ayaan jecelahahay inaan diiradda ku saaro oo aan idiinku sharaxo bogaga madow iyo mu’maradda Somaliland uu Daahir Riyaale doonaayo inuu u sameeyo. 

HALKEE AYUU KU DANBEEYEY XIDHIIDHKII SAAXIIBTINIMO EE SOMALILAND IYO ETHIOPIA 

Waxaynu nahay dal aan beesha caalamku aqoonsanayn, kaga darane caddow badan ku leh dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, marka ay sidaasi tahayna waxaa muhiim ah inaad yeelato saaxiib aad isku hallayn karto, saaxiib weyn oo difaac kaala gala hawlaha dibloomaasiyadda (the diplomatic missions) Saaxiib gobonimo iyo xornimo intaba kula jecel, saaxiib iskaashi fiican idinka dhexeeyo, dabcan waa arrinta keliftay in Madaxweynaheenii aynu jeclayn ee hore ilaahay naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal ku keliftay inuu inooga tago saaxiib inagala jaan qaada hawlaha caqabaddaha inagu ah, laga bilaabo sannadkii 2002, markii ay golayaasha qaranka Somaliland xilka si ku meel gaadh ah ugu dhiibeen Daahir Riyaale Kaahin wuxuu Riyaale bilaabay inuu xidhiidhkeenii soo jireenka ahaa ee inaga (Somaliland) iyo Ethiopia albaabada u laabo, wuxuuna yidhi waxaynu bilaabayna xidhiidh cusub oo aynu la yeelano jamhuuriyadda Jibouti?

Djibouti iyo Maamulka halkaasi ka taliya waa dal aan ogolayn xornimada iyo qaranimada iyo gobonimada shacabka Somaliland, Mr. Geelle Batal oo ah hogaanka dalkaasi wuxuu sannadkii 2000, hor istaagay qaramada midoobay, wuxuuna beesha caalamka hor dhigay sawir xun oo uu inaga siiyey, wuxuu ku tilmaamay Madaxweynaheeni hore Ilaahay ha naxariiste Cigaal Hogaamiye Kooxeed la mid ah kuwa muqdisho ka jira, wuxuuna beesha caalamka usoo jeediyey in Somaliland loola tacaamilo si ka xun hogaamiye koxeedkii ka jira Magaalada Muqdisho iyo Soomaaliyada burbursan, sidoo kale weraysi uu siiyey wakaaladda  wararka qaramada midoobay u qaabilsan geeska afrika IRIN wuxuu Geelle Batal ku tilmaamay Somaliland meel la mid ah Muqdisho iyo Soomaaliya oo aanay ka jirin wax nidaam ah iyo kala danbayn wuxuuna u sheegay beesha caalamka in maadama oo Soomaaliya la keenaayo Ciidamo Nabad ilaaliyeen ah, Somaliland lagu horaysiiyo 

Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Ethiopia waa dalkii keliyaha ee inaga difaacay xarunta qaramada Midoobay dhexdeeda, Dr. abdi Majiid Xuseen ilaahay naxariistii janno ha siiye safiirkii Ethiopia u fadhiyey qaramada midoobay iyo dawladiisu waxay ku adkaysatay una sheegtay beesha caalamka inaan Somaliland lagu sandulayn Karin waxaanay shacabkeedu ka raali ahayn, waxaanay hor istaagtay qaraaro ay dalal ka tirsan qaramada midoobay inala damacanayeen oo ay kow ka ahaayeen dalalka Jibouti iyo Masar iyo Sacuudi Arabiya. 

Akhristow maamulka Riyaale wuxuu ugu abaal guday Ethiopia dal aan lala shaqayn Karin, wuxuuna jarray ama joojiyey iskaashigii saaxiibtinimo ee ka dhexeeyey labada dal, Somaliland oo dhaqaale ahaan dhabarka ku haysay xoolaha nool ee aynu u  dhoofin jiray wadamada khaliijka weynu ognahay inay haatan xidhanyahiin, waxaa inoo soo raaca waxay ahayd in ganacsatadeena yar yar iyo waaweyni ay alaabada geyn jireen suuqyada waddanka Ethiopia, balse Maamulka Riyaale waa xidheen dhamaan ganacsigii labada dal, waynu ognahay suuqii weyna ee labada dal udhexeeyey ee Harta  Sheikh halka uu ku danbeeyey. 

Riyaale iyo Maamulkiisu waxay albaabada u laabeen xidhiidhkii iskaashiga amniga ee labada dal ee Madaxweyne Cigaal sannadkii 1999-kii ay ku wada duugeen isaga iyo Ra’isal wasaare Males Zanawi, taasi waxay dhashay in budhcaddu hadh iyo habeen ka soo gudbaan xuduudka labada dal, ganacsatada Somaliland-na xoolahooga lagu gubo xuduudka labada dal. 

Somalilander-ow maanta waxaynu naala cidlo, waxaana hubaal ah in  aynaan haysanin gashaan iyo itaal diblomaasiyadeed, waxaa hubaal ah in Maamulka Riyaale oo lagu shaqaysanayo (recruited by geele’s regime and egocentric arab nations) ay doonayaan in ay adhaxda jaran yagleeshii aynu soo wadnay 13 sanadood. 

Somalilander-ow adiga shallay cadawgaagii jabiyey ilaahay oo aad la kaashatay, maanta kii ku ka darran ayaa kugu soo socda, Embigathi iyo hogaamiye kooxeedka ku shiraya ayaa la raba in afka la idinka geliyo, waxaa jira heshiisyo hoose oo maamulka Riyaale la gallay diblomaasiyiin keniyati ah oo la doonaayo inuu riyaale ina geeyo xamar markale, waxaan daliil taasi uga dhigaya, maalmahii uu gebo gebada ku jiray shirka embigathi ka socda ee lagu muransana qaybsiga baarlamaan ku sheega halkaasi lagu wal walaqaayo, waxaa uu Riyaale Kenya u soo diray wasiirkiisa Maaliyadda Mr. Cawil wuxuuna Cawil dhex dhexaad ka gallay caqabado hor yaallay beesha hawiye, waxyaabahii la sheegay ee cawil u sheegay hogaamiye kooxeedka Hawiye waxaa ka mid ahaa in ay Somaliland keeni doonan muqdisho, ee ay horta ka sii horeeyaan. 

Waxaa meesha laga saaray karaamadii iyo tixgelintii Muwaadinka Somalilander-ka ah, waxaa meesha ka baxday is aaminiddii iyo fikradahii xorta ahaa ee shacabku filayeen in uu Riyaale garwaaqsan doono markuu xilka qabto, Car-juuq dheh waa hanaanka cad ee uu riyaale ku dhaqayo shacabka Somaliland, Bal u fiirso Somalilander-ow maxaa faraq u dhexeeya Kacaankii hanti wadaaga ee afweyne Barre iyo Kacaanka hadda ee Riyaale Kaahin waxaa inoogu xiga waxa weeyi “guul wadow Riyaalow Aabahii Garashadow”  iyo in kabaha oo loo qaado, Maxaa faraq u dhexeeya Ismaciil Hebel iyo Gaani, Maxaa faraq u dhexeeya Mr. Cawil (Mucjiso) iyo Moorgan, malaha waa magaca uun ee bi’I waaya eh dib wax u eega. 

Somalilanderow adiga ayey maanta kuu taalla hawli waxaa haboon inaad heeryada iyo mu’aamaradka Riyaale iska dul qaadan, Suxufiyiinta iyo dadkii waddanka u adeegaayey oo la xidh xidho haddii uu Daahir Riyaale iyo maamulkiisu danta dalka mooday waxaa hubaal ah in sidii xukunkii Siyaad barre looga qaaday oo kale looga qaadi doono Riyaale. 

Aan ku soo gunaanado: 

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Baroortu Suldaan Hure ka weyn [Jagne]
»WAA GOB, WAA GUN, WAA BOON, WAA BEER LAXAWSI [Eelay]
»
Madaxweynanimadu Soow Markii Reer Waqooyiga Maaha [C/waxid]
»
YAA MADAXWEYNE KA NOQONAYA SOOMAALIYA? [Ingiriis]
»
Musharixiinta Madaxwaynanimadda somalia [C/casis]
»
Hogaamiyaasha “ Waxaa I riday gacantii isoo saartay” [Siyad]
»
Maxay ku kala duwan yihiin shirkii carte iyo kan Kenya? [M.A.]
»
XILIBAAN WAXAA KU SAARAN BADBAADA UMADAADA
idawaqaca

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
March 15, 125
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD