SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma Kornayl C/hi baa leh kursiga Soomaaliya  

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Sept 5, 2004

Asalaamu calaykum.

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Afhayeen u hadlay kornayl C/hi oo ka mid ahaa ergadii Puntland uga qaybqaadanaysay shirkii Kenya ayaa sheegay in reer Puntland ugu muhiimsan yihiin dadka shirka jooga kaddib markii la isku qab-qabsaday cidda xulaysa xubnaha baarlamaanka ka soo gelaya Puntland. Wuxuu ergigaasi yiri haddii aan taayada naloo yeelin waxaan iskaga baxaynaa shirka dabadeedna meesha waa lagu kala tagayaa. Siduu rabo ha u hadlo ergiga kornaylkee waxaan shaki lahayn inuu kornaylku kuraastii qaybiyey oo tiisii loo yeelay marka laga reebo afar ay IGAD kaga hagoogatay. Afhayeenka ka hor ayaa kornaylku qirtay inuu isagu ahaa mucaaradkii u horreeyey ee dowladdii Maxamed Siyaad ku baxay; wuxuuna sheegtay in shirkii Qaahira uu bannaday sidoo kalana uu dowladdii Carta uu cagta madaxa ka saaray. 

Waxaa kaloo jirta arrin ay taageerayaasha kornaylku mid la mid ah ku soo qoraan saxaafadda laakiin ay inta badan hoos hoos ugu sheekaystaan. Waxay kornaylka la meel dhigaan boqorkii caadilka ahaa ee Najaasha (RC) ee magan-geliyey saxaabadii (RC) Nabiga (SCW). Waxaa jirtay in Najaashahaas (RC) oo dhallinyar, caqlina u saaxiib ahaa looga baqay inuu dhaxlo boqor adeer u ahaa oo lahaa wiil eberkiis ah. Si aan taasi u dhicin ayaa Najaashe la is dhaafshay waxaana laga iibiyey niman ganacsato ahaa oo dhul fog u socday. Markay nimankii Najaashe la dhaqaaqeen baa boqorkii dhintay dabadeedna wiilkiisii wax kala wadi waayey (Wax-kala-wadi-waa). Waxaa dhacday in markaas  Najaashe loo cid diray oo laga raadshay nimankii laga iibshay, lana soo ceshaday si uu wax u maamulo. Taageerayaasha kornaylku waxay dhahaan hogaamiyayaasha Xamar iyagaa kornaylka u baahan! Waxay dhahaan: ma Cali Mahdi iyo C/Qaasim baa wax wadi kara?  

Taloow janankii Caydiid ma rumaysan lahaa haddii la yiraahdo ciddaadii qaar ka mid ah baa C/hi dabo ordaysa? Ma C/higii aan xitaa ra’iisul wasaare u diiday, oo Xamar iigu yimid, oo “mujaahidiintii dhintay ee USC Tarabuunka ugu istaagay maamuus darteed? Shaki ma leh in Caydiid dhihi lahaa Caato iyo Cali Mahdiyoow Allaha idin cadaabo! War ma C/hi baa ciddii idin ka dhaxal wareejiyey? Sidii Cali-dhuux ugu lahaa hashiisii Cartan: caraqda fuuqfuuqso ayaan kursiga Soomaaliyeed ku leeyahay haddii Caydiid “ciidda hoos maray” cid C/hi kaa celinaysa ma lahee ilmada isku celi. 

Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ka yaabiyey markii kornaylku tagay Eldoret inuu degay qasri uu isagu kireystey. Waxaa qoob iyo qaylo isku daray hogaamiyayaasha Xamar oo leh: C/hi waa la wataa! Dhowr ganacsato oo Xamar jooga ayaa ka lacag badan dadka Puntland oo dhan oo la isku daray; marka haddii qasri-degid madaxnimo keento bal may kiraystaan? Heer waxaa la gaaray haddii kornaylku la istaago qof Keya u dhashay  ama Itoobiya la shakiyo oo la yiraahdo wax bay la wadaan. 

Haddeer oon joogno waxay C/hi isku fiican yihiin oo uu codkooda isku hubaa dhowr hogaamiye-kooxeed oo Xamar iyo agagaarkeeda ka taliya. Waxaa ka mid ah: 

  1. Hilowle Iimaan Cumar
  2. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
  3. Xuseen Caydiid
  4. Maxamed M. Gacma-dheere.

Waxaa kale oo taageerayaasha C/hi sheegaan in xitaa mucaaradkii Puntland ay kornaylka heshiiyeen ooy ku taageereen inuu madaxweyne isu sharraxo. Marka waxay leeyihiin taageero dhow iyo mid dheerba waa haystaa. 

Hogaamiye-kooxeedyada Xamar oo falalkii ugu qaab-darnaa ka sameeyey  magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya (waa intii Talyaanigu xukumi jiray) laga soo bilaabo Gaalkacyo, Baladweyn, Xamar, Afgooye, Marka, Baydhabo, Qoryooley, Baraawe, Jilib, Kismaayo, Baardheere, Luuq ilaa Balad-Xaawo ay hadda ceebtaas ku sii dareen inay qaarkood  kornayl C/hi dabogalaan si uu madaxweyne u noqdo. Hadaaqa taageerayaasha kornaylka inuu dhab noqdo iyo in kale waxaa naga xigta muddo yar haddii Ilaah idmo. 

Ka warrama haddii kornayl C/hi madaxweyne noqdo? Meeshii hogaamiyayaasha Xamar laga filayey inay ceebahaas aan soo sheegnay iska mayraan haddii iyagoo hub, dhaqaale iyo dadba haysta uu kornaylku soo baxo waxay noqonaysaa inaysanba ahayn wax jira. Waxaana shaki lahayn in kornaylku noqon doono nin ka ciyaar badan, ka siyaasad badan sidoo kalana kasoo dad-jiidasho badan. Qabiilka kornaylku ka dhashay iyagana waxaa u yaal faan iyo inay yihiin dad waxay rabaan marsan kara oo markii cid kale madaxweyne noqotana diida markay iyagu helaana la raaco. Waxaanna ka sugaynaa oraahda ah: miyaanu idiin sheegin?! Yancii inaan hogaamiyayaasha Xamar wax wadi karin. 

Muxuu C/Qaasim samayn haddii kornayl C/hi madaxweyne noqdo? Waxaa lacag u baas lahaatay lacagta C/Qaasim ee C/hi ka celin weyday kursiga Soomaaliya. Waxay ku fiican tahay in wixii xumaan ahaa oo C/hi geystay dhabarka loo saaro C/Qaasim ilayn si kale oo loola xaalo ma lahee; wixii la dhihi lahaana shacabka Soomaaliyeed bay u taal. 

Talo: Si aan C/hi guushaas ula dheelman waa in aan wareeg labaadba la isla gaarin oo codadka xildhibaanada Soomaaliyeed la siiyaa walaalaheen reer Waqooyi si ay madaxweyne u noqdaan sidii horay loo soo jeediyey. Qofka loo doorto inuu kasoo baxo Waqooyi waa inuu baarlamaanka cusub ka istaagaa oo sheegaa: inay halgankii Soomaaliya lagu xoreeyey kasoo qeybqaateen dabadeedna keeneen xaqoodii iyagoo wada marka maanta si kale oo aan idinku aammini karto ma jirto oon ka ahayn inaad gacanta noo soo gelisaan hogaanka Soomaaliya dabadeedna fiirsataan sidaan wax u aqoolno. Waa arrin labada dhanba qancin karta. Maaddaama Daahir Riyaale iyo Ismaaciilba Somaliland xukumaan ma filayo in Buubaa iyo Kalluun loo diidayo inay wax intaas ka sii weyn xukumaan. 

Haddii taladaas la diido oo kornayl C/hi soo baxo waxaa dhacaysa in isaga iyo qabiilkiisu wax ka bedelaan taariikhda Soomaaliya. Ilayn waan is ognahoo qabyaalad baa na dilootay marka haddii kornaylku guushaas helo waxay noqonaysaa mid uga qiima badan balaayiin Doolar. Xitaa haddii uu daqiiqado ka dib god-galo marka madaxweyne loo dhaarsho waxay noqonysaa inaan dib dambe loo inkirin oo loo xasuusto siduu uga ciyaar badnaa qolyaha meelahaas isagu tegay. 

Haddii xitaa C/hi madaxweyne noqdo anigu weli waxaan ahaan doonaa mucaarad haddii Ilaah idmo laakiin waxaan ka qori doonaa buug aan ugu magacdari doono haddii Eebbe idmo: 

Kaadirkii (C/Qaasim), kirishbeeyadii iyo kaawo-jabiyayaashii oo kornaylku kursigii ka qaatay.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Baroortu Suldaan Hure ka weyn [Jagne]
»WAA GOB, WAA GUN, WAA BOON, WAA BEER LAXAWSI [Eelay]
»
Madaxweynanimadu Soow Markii Reer Waqooyiga Maaha [C/waxid]
»
YAA MADAXWEYNE KA NOQONAYA SOOMAALIYA? [Ingiriis]
»
Musharixiinta Madaxwaynanimadda somalia [C/casis]
»
Hogaamiyaasha “ Waxaa I riday gacantii isoo saartay” [Siyad]
»
Maxay ku kala duwan yihiin shirkii carte iyo kan Kenya? [M.A.]
»
XILIBAAN WAXAA KU SAARAN BADBAADA UMADAADA
idawaqaca

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD