Ma waxgarad baa dacar
lalaqooshtaa? mise wax magarad baa malab lala
qooshtaa? (Taqi)
llaah
awooda sare leh muusan simin kuwa aqoonta
usaaxiibkaa iyo kuwa aan usaxiibka aheen.
Farqigooda waa sida mugdiga iyo iftiinka
adiga iyo anigaba shaki noogamo jiro.
Sheekadii “
dhibanaha aan dhalan”ee
kusaabsaneed jaceelka iyo dhibaatada gumeestaha ee
uu qoray maxamed jamac cowl (Alaa yarxam) waxaa
kujirtay xigmadan, markii Billan Aw-jaamac ay
kubaratameen guurkeeda inna adeerkeed Ali iyo Dalal,
waxay kula googaa caladeesatay dhoor su,aal ina
adeer Ali iyadoo baaresa heerka garaadka caqligiisa
waxayna kutiyi waxaad iisheegtaa 3 dumarka ku ceebaa
raga ku,amaanaa? Ali jawaab saxaa muusan uhelin,
su,aashedii 2aad oo aheed rag gogashii iyo haruur
iidaankii waa maxay? iyana jawaab waafiyaa wuu
uwaayey Bilan markay ogaatay caqli gaabnida inna
adeerkeed oo lahaa xoolo balse aan wax lala wadaagi
karin ayey dooratay inay nafsadeda uhibeeso Dalal
oon laheen wax xoolaa misana agoonaa iyadoo
usheegtay Ali “ in intay wax magarad malab
laqooshan laheed ay udhaanto inay wax garad dacar
lalaqooshato”
Shirka
Somalida ee Kenya kasocdo marxalado kala duwan ayuu
soomaray iyadoo qeebaha bulsho ee Somali wada
joogaan tusaale ahaan hogaamiye kooxeedyo, ugaasyo,
aqoonyahano, haween, culumo iyo caamo xisbi kamoqan
majiro qolowalbaa maslaxo ayey baadi goobayaan, 3da
tiir dhexaad ee dowladi kushaqeeso mid kamidaa ayaa
ladhisay oo ah gudoomaha baarlamaanka iyadoo
jegadaas isku sootaageen dad xilkasaa iyo kuwa
xeeso hayo, maadaamo hal shaqsi jegadaas qaban qof
unbaa nasiib uyeeshay hadba daruuftii ladoono lagu
doortee, waloow ay cadeen kan wax dooran iyo kan
ladooran midka fikirkiisu saliim yahay uu caafimaad
qabo – maadaamo lacag iyo madaxtinimo laysku xiran,
halka aduun weenaha kale aqoon iyo madaximo
wadajiraan.
Dalka
Iraq nin kunoolaan jiray ayaa ismooday inuu
yahay haruur markasuu bilaabay inuu kabaqo
shinbiraha maadaamo ay aad ujecel yihiin cunista
haruurka –eheladiisii ayaa bilaabeen inay daweeyaan
waxayna ugeeyeen dhamaan wixii dhaqtar ee dalka
joogay balse waa lagu guuldareestay oo mar alle
markuu arko shinbiro wuu kacararaa si,aysan ucunin;
maalin ayaa nin kucaan baxay cilmi nafsiga loogeey
si uu ninkii jiranaa uqanciyo wuxuuna kuyiri adigu
waxaad tahay ruux aadami sideedoo kale shinbiruhu
wax kuyeeli maayaan ee jooji cabsida iyo qeelada
badan waatan aniga may icunaan? ninkii xanuun sanaa
ayaa kuyiri dhaqtarkii aniga waxaad iisheegtay inaan
ahay ruux aadamiyaa waana kaaqaatay fikrikaas ee
intaad baxdo ood lahadasho usheeg shinbiraha inaan
aheen haruur si ay iiga leexadaan aysan ii cunin –
dhaqtarkii aadbuu uyaabay waayo suuragal umo ahan
inuu lahadlo shinbiro oo luqadiisa fahmimaayaan-
marka tollow waa cidma cidda hogaamiye kooxeedyada
wax usheegi oo oran tartanmadii waa la,idinka
guuleestay ee iska sabra 4 sano kadib isu soo
sharaxa –taasi waxay kaxigaan qori caaradiis oo
luqada kaliyaa ay fahmayaa waa in dagaalkii lagu
jabiyey oo dad badan looga laayey tikniko farabadana
looga gubay –sidee c/hi Ahmed caddow uu ugu
hanbalyey maalinta carta c/qasim kuguuleestay.
Lagamo filaayo qabqablayaasha inay sidaa sameeyaan.
Shiiq
A/man Hussen (Abuu xamsa) Allaha karaali noqdee -oo
umada Somali utarjumay buug badan midka midaa
wuxuu kusheegay xigmad caalamiyaa oo lagukala garto
dadka kuwooda liita iyo diracaa.-waana tan xigmadii
-bari ayaa 3 kaluun oo kuciyarayo wabiye sheeda
ka,arkay nin kaluumeestaa, rag karoonihii markiiba
waa kadhuuntay oo meesha isaga tagay, 2dii kale
iyagoo dheelaya ayey shabakadii kudhaceen, midkii
raga ahaa wuxuu kufekeray qaab uu kubaxsado wuxuuna
iska yeelay wax baqtiyaa, kaluumeestihii ayaa iska
tuuray isagoo leh “ sideen oran wax baqti iyadoo
malaay meelkastaa buuxo” markii latuuray ayuu
biyihii kubooday horayna udabaashay –kaluumeestihii
ayaa aad uga carooday xeelada uu kaluunka uga
baxsaday; kaluunkii 3aad oo ahaa kii ugu liitay
markuu arkay inuu kudhexjiro shabakada ayuu marba
dhan ucararaa isagoo iskudayaayo inuu shabakada meel
uga baxsado basle kaluumeestihii oo xeeladii hore
lacareesan ayaa gacana kudhigay halkaasna kuqashay.
shirka
Kenya kasocdo wuxuu hadda maraayaa fursadihii ugu
danbeeyey misana waxaa kuniyad jabin dad badan oo
caqili iyo aqoon usaaxiib oo markoodii hore shirka
olale xoogan kawaday inay xiligan iskaga tageen –
iyo dowlado arimaha Somali lafdhabar u,ahaa oo hadda
iskaga gaabiyey sida dalka Masar –dadka somali ee
goobta iskaga hayaamay waxaa tusaale usooqaadan
karnaa Dr Ali Qaliif Galeer – marar badan ayuu
jaamacadiisa isakaga sootagay, si uu arimaha
dalkeena hooyo kaalintiisa uga qaato balse xiligii
dadkoo idil islahayeen taloow Galeer tii carta prime
minister helee tan president ayaa kamudan iyo
su,aalo lamida, ayuu maalin cadeey arimada dalka
faraha kala baxay ilaayo hada wax sabab uu sheegay
majiraan –dhanka kale Ali Qalif oo qura arimaha
dalkeena kamo ayaamineen ee dad ka, cadaaladsan,
wadaniyadsan, aqoon badan ayaa joogay goobta shirka
– balse dhamaantood xiligan mamuuqdan oo rag horleh
ayaa soobaxay iyadoo qabqable uu fursad fiican helay
marka natiijada shirka wax yar ayaa kadhiman cirib
wanaagsan ilaah hanoogu dhameeyo aamiin aamiin.-
waayaabe hadii Galeer umuuqday kaluunkii 1aad oo
meesha iskaga cararay c/qasim iyo c/hi caddow
ma,oran karnaa shabakada ayey kaluumeestihii ugu
jiraan ninkii ragaana waa kii kasoobaxo oo xeelad
isticmaalo. Kan looga guuleesto oo meesha kuharo oo
wax magarad malab laqooshtaa isna uu yahay kan dad
ugu liito. Jawaabta aqristahaa udaayey.