SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

AAGGAN ANAGAA KA TALINA! 

  Ismail A. Hassan (khaliil)
 <khaliilha484@hotmail.com>

 

Oraahdan kor ku xusan waxaan filayaa inaanay ahayn mid dhagaheena ku cusub waana  waxyaabaha laga dhaxlay xaaladda dawlad la’aanta  ee Soomaaliya ku sugnayd afar iyo tobankii sanno ee aynu soo dhaafnay.

 

Waxay ahayd maalmo yar uun kadib  markii Maxamaed Siyaad laga saaray magaaladii caasimadda u ahaan jirtay Soomaaliya markii aan ka raacay baabuur bas ah magaaladaas anigoo u jeeddda dhinaca Afgooye. Markii aanu soo gaarnay kantaroolka Afgooye ayaa wiil qori AK ah sitaa inta uu baabuurkii soo fuulay uu mid mid isha u mariyay rakaabkii baabuurka saarnaa ka dibna inta uu ka degay dhinaca daaqaddii wadaha istaagay weydiiyay sababta uu baabuurka  ugu qori waayay SPM, kuna sii daray isagoo hadalkii sii wata “miyaanad ogeyn in aaggan SPM ka taliso”.?

 

Marka aad fiirisid wadankoo idil xilligaas kooxaha aag ka taliyaa kama badnayn afar urur, SPM-na waxay gacanta ku haysay sidii uu Mengiste u soo qoondeeyayay laga soo bilaabo xadka Kenya ilaa duleedka magaalada Muqdisho carigaas oo ah dhulka Soomaaliya ugu dadka iyo khayraadka badan.

 

Inkastoonan sannadihii u danbeeyay maqal dhul la leeyahay SPM ayaa ka talisa hadana toddobaadadii aan soo dhaafnay mar kale ayay magacaasi aad u hadal haysay saxaafaddu siiba marka laga hadlayo dagaalada ka soo cusboonaaday Jubbooyinka.

 

Maanta magaalo, tuulo iyo geed wal oo Soomaaliya ku yaala dadbaa hub la yuurura oo leh aaggan anagaa ka talina. Bal u fiirso  caasimaddii Soomaaliya immisa goobood oo kooxo, dagaal oogayaal iyo xataa ganacsato ka taliyaan ayay u kala qoqobantahay.

 

Aag ka talintu waxay noqotay awood ay dagaal oogayaashu ku gorgortamaan laguna qiimeeyo marka ay isugu yimaadaan waxa loogu yeero shirarka dib u heshiisiinta, iyagoo isla markaana aaminsan ciddii aanan aag ka talin xaq u lahayn ka ariminta ayaaha Soomaaliya ,  nin kasta oo damac xukun qabana waxaa hortaala su’aasha ah horta aaggeed ka talisaa?!

 

Dhanka kale aag ka talintu waa hab ay dagaal oogayashu ku helaan dakhli fara badan oo siday doonaan u isticmaalaan kuna maal geliyaan maleeshiyooyinkooda

 

Arrintani waxay sii holcisay dagaaladii sokeeya maadaama dagaal ooge kastaa ama koox kastaa isku dayday sidii ay dhul ballaaran oo ay ka amar ku taagleyso u qabsan lahayd,

waxaana dhacday in magaalooyinka qaarkood lix jeer iyo in ka badan la kala qabsado oo marba qolo ay gacanteeda gasho shacabka deegaankaasna dhib iyo dibindaabyo joogto ah mutaan.

 

Maanta Soomaaliya dadka ugu ayaanka darani waa dadka nabadda jecel ee aan iyagu hubaysnayn oo inta dhulkooda la qabsado mararka qaarkoodna addoonsi loogu sii daro.

 

Waxaa jira qabiilooyin dhulkoodii ka soo guuray oo beelo kale oo masaakiin ah  sida ayaxii ugu dul habsaday cid uga miciintaana aanay jiri, Soomaaliyana waxay noqotay meel ciddii xoog leh la tix geliy oo qoriga keliya wax lagu qiimeeyo.

 

Beelo badan oo xilliyadii dagaalada sokeeya bilaabmeen la isku dul haystay oo marba qolo u talin jirtay ayaa markii ay qoriga qaateen ee ay iska xoreeyeen kuwii xaqdarrada ku haystay maanta tix gelin weyn la siiyaa oo aan cadkooda cid kale damac ka geli karin.

 

Sidaan hore u soo sheegnay kulan kasta oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaa mudnaanta la siiyaa ciddii aag ka talisa iyadoo aan marka hore la is weydiin in dadkaasi  xaq u leeyihiin inay aaggaas ka taliyaan iyo in kale.

 

Shirka hadda gebagebada ah ee ka socda Kenyana waxa uu bilawday iyadoo ay jiraan goobo badan oo ay xoog ku haystaan dad ka soo duulay deegaano kalena, la iskumana deyin in marka hore xal loo helo dhibaatooyinkaas ee waxaa xoogga la saaray sidii xal guud loo gaari lahaa taasoo u muuqata in arrinka kor laga dhoodhoobo iyadoon marka hore dhibaatooyinka jira la lafa gurin.

 

Waa ayaan darro in waqtigan oo la filayo in dawlad Soomaaliyeed wadanka looga soo diro dhinaca Kenya in hadana dhanka kale ay bilaabmaan dagaalo ujeedada keliya ee laga leeyahay ay tahay aag ka telin.

 

Jenaraal Morgen oo dad badni ku eedeeyaan inuu yahay ninka isagu mas’uulka ka ah dagaaladaas ayaa in badan ay dhibaato ka haysatay siiba intii uu ka qayb gelayay shirka Kenya sidii uu  jawaab ugu heli lahaa su’aasha ah aaggeed ka talisaa?

 

Hadaba dagaalada iyo dhaq dhaqaqa uu hadda Jananku  ka wado deegaanka Jubbooyinka ayaa u muuqda mid uu kaga jawaabayo  su’aashaas mudada dheer lala daba taagnaa hase yeeshee weydiinta meesha ku jirta ayaa ah mar haddii dawlad la dhisayo maxay tahay qiimaha ay yeelanayso aag ka talintu maadaama ay wadanka oo dhan iyadu u talin doonto?

 

Waxaa jira wax yaabo badan oo mugdi ku jira oo aanay cadayn sida ay ka yeeli doonto dawaladdaas qaybaheedii ugu horeeyyay la unkay ee dhammaytirkeedana la wada sugayo.

 

Sida ku xusan axdi qarameedka mudada shanta sanno ee soo socota wadanka lagu maamuli doono Soomaaliya waxaa lagu dhaqayaa nidaamka federaalka inkastoo aanay caddayn waxa uu federaalkaasi ku salaysnaan doono sida qabiil, gobolada hadda jira,waqooyi iyo koonfur, kala duwanaanta afka maadaama la xusay in Soomaaliya laba af looga hadlo, maamul goboleedyada iyo aagagga ay hadda dagaal oogayaashu ka taliyaan iwm.

 

Waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyin badan oo adagi ay ku soo fool leeyihiin dawladda Soomaaliya dhawaan ka dhalan doonto.wax ka qabashadooduna waxay ku xirantahay sida ay daacadda uga yihiin dagaal oogayaasha iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed dhismaha dawladdaas.

 

Si kastaba xaalku ha ahaatee waxaan cidna daah ka saarnayn in dagaalada jubbooyinka iyo gobolada kale ee xoogga looga taliyaa ay noqon doonaan imtixaanka ugu horeeya ee la filayo inay ka gudubto dawladdan la sugayaa..

 

C/qaasim, Yalaxow, Caato, Indh cadde, Barre Hiiraale, Morgan iyo kuwa kale ee maanta la sheegayo inay isku haystaan gobaolada jubbooyinku waxaa keliya ee ay ka wada siman yihiin waa iyadoo uuna midkoodna u dhalan goboladaas ay isku dagaalamayaan iyo aaggag kale oo ay ka taliyaanba.

 

Hadaba iyadoo aan rajo fiican laga qabin wax qabadka dawladda dhismaheeda lagu gudo jiro ayaa hadana ay noqon doontaa mid isha lagu hayn  doono bal in shan sanno oo tii Carta oo kale ah loo tiriyo iyo inay ka dhabayso rajada shacabka Soomaaliyeed ee dawladnimada u ooman.

 

 

 

Ismail A. Hassan (khaliil)
 <khaliilha484@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD