SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Haddaan Madaxweynanimo isu Sharraxo sideen wax u Maareyn lahaa

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Horta waan jeclaan lahaa inaan arko qof ka socda gobollada Waqooyi oo madaxweyne  ama ra’iisul wasaare ah ilayn midnimada waddanku waa muhiim e. “Haddaan madaxweyne noqdo” maxaan samayn lahaa? Waxaan filayaa inay jawaabtu dhib yar tahay! Sida madaxweynayaasha Afrikaanka ama dunida seddexaad ahi sameeyaan. Si aan dacwo la iigu qabsan kasoo qaad in qabiilkeygu galo qolayaha beesha shanaad ama (0.5). Xisaabta istaatistikada ahi markay cabbirka iyo waxa la mid ah tirinayso way isticmaashaa dhibcaha sida qofka oo dhererkiisu noqdo 1.8 mitir laakiin suurtogal ma ahan marka la tirinayo dagaal-oogayaasha in la yiraahdo 24.5 nin! Mar haddii meesha madax-tiris soo galo dhibcuhu waa soconayaan. 

Ra’iisul wasaare waxaan ka dhigan lahaa qof ka socda Waqooyiga Soomaaliya. Laakiin intaanan ra’iisul wasaare dooran, waxaan isagu yeeri lahaa dagaal-oogayaasha caanka ah ooy ka mid yihiin. 

  • C/hi Yuusuf

  • C/Qaasim Salaad

  • Cismaan Caato

  • Muuse Suudi

  • Barre-Hiiraale

  • Maxamed Qanyare

  • Moorgan

  • Maxamed Dheere

  • Shaatiguduud

  • Xaabsade

  • Xuseen Caydiid

  • Sheekh Aadan Madoobe

  • Sayidka Balad-Xaawo

  • Axmed Cumar-Jees

  • Cumar Filish

  • C/Risaaq Biixi

  • Xaashiga Hiiraan

  • Iyo weliba dagaal-oogayaasha caanka ka ah ee kale.

Waxaan kusoo deri lahaa guddoomiyayaasha iyo ku-xigeennada ururrada siyaasadda ee Somaliland. Dabadeed waxaan kulligood u sheegi lahaa in maanta laga bilaabo ay madaxweynayaal oo kale yihiin! Sidee? Waxaan u sheegi lahaa in xafiiskeygu noqon doonno “hall” weyn oo la dhigayo miis wareegsan iyo kuraas tiradaas kasii badan. Waxaan u xaqiijinayaa in iyaga iyo aniguba aan isku mar shaqada soo galayno isku marna ka baxayno. Waxaan u xaqiijinayaa inaan la qaabili doonin qof shisheeye ah sida madaxda adduunka ama qof kale iyagoon joogin. Waxaa lagu aamminayaa sirta waddanka. Waxaa iyaguna kuraas joogto ah meeshaas ku lahaanaya ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa. Wasiir kasta hortooda ayuu warbixinta ku bixinayaa. Teleefan kasta oo soo dhaca waxay xaq u leeyihiin inay dhegeystaan iyadoo miiska lagu samaynayo qaybisada teleefoonnada oo mid kasta awoodo inuu makarafoonka iyo sameecadiisa suran karo haddii uusan teleefanku ahayn mid shaqsi ahaan aan u leeyahay oo ka madax bannaan siyaasadda Soomaaliya. Marka teleefoon soo dhaco waxaa laga codsanayaa inay kulligood dhegaystaan. 

Waxaa intaas u sii dheer in ay yeelanayaan xasaanad la mid ah tan madaxweynaha oo kale. Waxaa loo dhisayaa guryo iyo baabuur nooca ay rabaan xitaa kollay ku tahay limoosiinno (limousines). Haddii midkood dibadda aado waxuu xaq u leeyahay in waddankuu tagaa usoo dhoweeyo sidii madaxweynihii oo kale ilayn waa nin siyaasadda Soomaaliya ula socda sida madaxweynaha oo kale. Ma noqonayaan sidii wasiirradii madaxtooyada oo kale oo meelahaas dubnadda iyo turubka ku ciyaari jiray laakiin kuwani waxay la socdaan wax kasta oo ka dhacaya Soomaaliya. 

Waxaa dhici karta in qof is yiraahdo xaggeey ka imaanaysaa lacagta intaas oo nin guryo iyo baabuur loogu gadayo? Waa su’aal meesha ku jirta laakiin ma garan kartaa ciidanka la rabo in Soomaaliya la geeyo; inta ku baxaysa hubkooda, gaadiidkooda iyo masruufkooda? Shaki ma leh in arrinta hore kharash yar tahay. Ma u malaynaysaan qof sidaas loo sharfay inuu waddankiis khiyaamayo oo sir gudbinayo? Mise loo baahanyahay ciidamo shisheeye oo waddanka la keeno si Soomaalida hubka looga dhigo? 

Laakiin shuruudaa jira; maaddaama dadka muslimiinta ah ay sharuudahoodu kala xirto lama ogolaanayo dagaal-ooge cusub oo soo biira maalinta madaxweynaha la doorto oo haddii mid isku dayo inuu ku caasiyo hogaamiye-kooxeedkiisii isagoo cid kale garabsaday; waxuu la kulmayaa Soomaali oo duuban oo qabiilkiisa iyo dagaal-oogihiisu u horreeyaan. Tan labaad haddii qof naga jirrado (jirro uusan howsha la wadi karin) ama naga dhinto ma jiri doonto cid kale oo lagu bedeli doono maxaa yeelay awalba wuxuu ahaa xeer hoosaad aan dastuurka ku jirin. Marka dhaxalka jagada dagaal-oogaha cidna ma leh. Hantida la siiyey waa la dhaxli karaa oo isagaa la siiyey ilayn wax qof loo hibeeyey lagama ceshadee. 

Sida aqoonyahanno hore sheegeen, wasiirradu waxay ahaan doonaan kuwo aad u kooban oo aqoontooda lagu soo xushay. 

Waxaa dhici karta in dadka qaarkiis u arkaan khiyaali laakiin waa arrin sahlan oo hal habayn lagu samayn karo. Oo maxaa diidaya? Lacagaha dagaal-oogayaasha soo gala waxay boqolaal jeer ka badan yihiin taas aan ku kharash garaynay laakiin lacagaha dagaal-oogayaasha waxaa cunayey laaluush ay siin jireen odayaasha kale, qaadka iyo sigaarka, hubka iyo maleyshiyadooda. Laakiin markaan waa wada madaxweynayaal sharaf leh oon u baahnayn cid ay laaluushaan. 

Madaxweynuhu ma u baahanyahay inuu Kenya ama waddan kale sii joogo? Uma baahna ee hogaamiyayaasha iyo isagoo socda bey Xamar ka dagi lahaayeen iyagoo caleemo qayan lagu soo dhoweynayo. Ma dhib  baa lagala kulmayaa in la furo dekedda iyo garoonka diyaaradaha? Maya oo raggii isku haystay waa wada madaxweynayaal. 

Marka ra’iisul wasaaruhu xulayo wasiirrada waxaa lagu xulayaa hortooda oo iyagaa lala tashan. Marka wasiirka guduhu xulayo guddoomiyayaasha gobollada ama haddii dastuurku wax kale yiri, waxaa hortooda lagu gorfaynayaa qofkii u qalma. Sidoo kaloo iyagaa lagala tashan qofkii Xamar guddoomiye u noqonaya. 

Maalinta u horraysa ee laga dego Xamar waxaa la qorshaynayaa in maalin kasta mid ama dhowr ka mid ahi ay ka hadlaan warbaahinta Soomaaliya iyagoo Soomaalida u sheegaya waxay la kulmeen iyo soo dhowayntay heleen taas oo wax u taraysa Soomaalida oo dhan iyo khaasatan degaanka ay ka soo jeedaan. Hogaamiye-kooxeedyadaas markay waddanka dhex marayaan waxaa loo tixgelinayaa sida madaxweynaha oo kale. Marka miyey u baahan yihiin inay wasiirro noqdaan? 

Marka waa sida loo yiraadho shacabku wuxuu la mabda’ yahay hogaamiyahooda. Markaas waxaa Soomaaliya loo filayaa horumar iyo barwaaqo. Qaybaha kale ee dowladda waxaa loo dhiibayaa dad aqoon u leh howshooda. 

Marka ma arrin khiyaali ah oon la samayn karin baa? Dhaqaalo ahaan dhib maaha laakiin Soomaalidu dhaqan ma u leedahay wax-wada-cun iyo talo-wadaag? Arrintani diinta Islaamka iyo dhaqankaba waxay ku leedahay daliil. Dagaalkii Badar, nabigu (SCW) wuxuu la tashaday saxaabadii oo dhan ilaa ay hadalkii qaateen dad badan oo Muhaajiriin ah oo uusan nabigu (SCW) u dan lahayn marka maxay dhib ah oo ay leedahay haddii intaas oo dagaal-ooge la soo dhaweeyo oo weliba ay nooga baxayso wax aad uga yar waxa hadda iyaga soo gala? Xitaa haweenaydii Qur’aanku xuso ee reer Saba’ xukumi jirtay waa tay dadkeeda la tashan jirtay, iyaguna iyagoo raali ah u deyn jireen talada. 

Waxaa dhici karta in dad badan is yiraahdo “kariyayaal badani waxay halleeyaan maraqa ama doon naakhuude badan lihi waa degtaa!”. Arrintu sidaas maaha oo madaxweynuhu wuxuu meesha u joogaa inuu isagu leeyahay go’aanka kama dambaysta ah laakiin sida caadada ah mar kasta latashiga iyo afkaar-is-dhaafsigu ka fiican kaligi-talisnimada. 

F.G. Yaan loo qaadan C/Waaxid oo gudbinaya warqaddiisii uu ugu tartamayey jagada madaxweynaha Soomaliya sida anoo tiradii hore sii kordhinaya. Marka waxaan uga danleeyahay soow arrintaas kore ash/fiican maaha?

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Jawaabteeyda ku jiheeysan axdka la yiraahdo C/waxid

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD