SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

WAXAA INOO SUURTO GASHAY INAAN WARAYSI KALA YEELANNO PROF. IBBI  TARTANKA MADAXTINIMADA EE TOBANKA OCTOBER

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Waxaa inoo suurto gashay inaan waraysi la yeelanno Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo ka mid ah xildhibaannada cusub ee dhowaan looga dhawaaqay dalka kenya isla markaasna ka mid ahaa wasiirradii dowladda TNG-da, wuxuuna waraysigii u dhacay sidatan:

Su’aal: maadaama aad si wayn xog-ogaal ugu tahay shirka ka soconaya dalka Kenya marxaladda hadda uu marayo ee ku saabsan doorashada madaxtinimada Soomaaliya bal wax faah-faahin ah naga sii?

Jawaab: Doorashooyinka la qabtay waxa ay muujinayaan in Qabiil, TNG, SRRC iyo bulsho rayid ah midna aan lagu galin balse ay na tusiyeen wax ka beddelan doorashooyinkii ugu dambeeyey oo dhacay ee guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo xubnihii kale, taasna waxay keentay in guul darro ku dhacdo rag badan oo is lahaa wax baad heleysaan isla markaasna ku tiirsanaa qaybaha ka soo qayb galay shirkaas kuwo ka mid ah sida laga warqabo, oo waxaa halkaasi ka soo baxay waxaan la filayn.

Su’aal: Maxaa lagu caddayn karaa Barfasoore inay jiraan arrimahaas aad sheegaysid isla markaasna aysan jirin waxyaabo ay ka mid yihiin laaluush iyo hadallo la mid ah oo ballan qaadyo ah inay meesha ku jireen?

Jawaab: Horta labadii nin ee ku tartamaysay jagada guddoomiyanimada waxa ay kala ahaayeen nin macnaha iska xildhibaan ah oo kaliya, ninna waxaa uu ka xirnaa sidaan horayba kuugu sheegay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta, isla markaasna waxaa helay ninkii aan ku tiirsanayn cidna, taasna waxay meesha ka saartay waxyaabo badan.

Su’aal: Professore maadaama adigu aad ka mid tahay dadka sida wayn dhaq-dhaqaaqa ugu haya isla markaasna la socda xaaladda doorashada madaxtinimada musharrixiinta ka qayb galaysa ma jiraa mid ama qaar aad u saadaalinaysid?

Jawaab: inta badan waxaan filayaa inaysan heleyn wax cod ah oo ku filan marka laga reebo 7 ama 8 qofood ragga tartamaya oo tiradoodu kor u dhaafayso 60-ka

Su’aal: Maadaama aad sheegtay inay jiraan musharrixiin aad u fara badan isla markaasna aad hoosta ka xarriiqday in tirada isugu soo hari doonta ay gaarayaan 7 qofood maxaa daliil ah oo aad u haysaa arrintaas?

Jawaab: qaar ayaa waxa ay iska dhaadhiciyeen oo leeyihiin inay yiraahdaan mar baan galay inaan isku soo sharraxo madaxtinimada Soomaaliya, isagoo ula dan leh inuu galo CV-giisa, qaarna waa kuwa laga sugayo inay hoggaamiyaan dalka, waxaana ka mid ahaa kuwaas rag badan.

Su’aal: Professore, ma jiraan qof ka mid ah musharrixiinta ee aad adiga si toos ah xiriir ula leedahay isla markaasna aad rabtid inaad la shaqaysid si uu ugu guuleysto madaxtinimada Soomaaliya?

Jawaab: Haa, waxaan aad ula jeclaan lahaa inuu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Axmed Caddow oo aan horay ula shaqeynayay xilligii Carte, waxaana aan ku kalsoonahay inuu ku guuleysan doono jagada madaxtinimada Soomaaliya.

Su’aal: Waxaa jira in adiga lagugu riixi jiray inaad si wayn u rabtid C/qaasim inuu mar kale noqdo madaxwayne maxaa iska beddelay arrintaas oo aad hadda u dooratay C/laahi Axmed Caddow?

Jawaab: Waxaa jira in aniga iyo TNG-da inta ka joogta oo tiradoodu gaarayso 129 xildhibaan ay dhammaantood ku wada yimaadeen qaab qabiil ay suurto gal tahay in qaarkood ay la saftaan Dr. C/qaasim si uu ugu soo noqdo jagada ugu sarrayso ee dalka taasna waxa ay ku xiran tahay xildhibaannadaas aan soo sheegnay wixii ay soo doortaan aniguna ka mid baan ahay.

Heshiiskii gobollada Sh/hoose ee Beelaha Ceyr iyo Biyo-Maal oo aanu ka wareeysanay IBBI

Su’aal: waxaa jira inay dhowaan heshiis ku wada saxiixdeen siyaasiyiinta ka tirsan beesha Biyo-maal iyo kuwa Cayr magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi kaasoo muran xoog leh dhaliyey dadka qaarna ay u arkeen in ay tahay qiyaamo,maxaad ka ogtahay adigu?

Jawaab: Waxaan ka ogahay in anigu aan ahay ninkii ka dambeeyay isla markaasna ay dad badan ila qabeen arrintaas sidoo kale waxaa heshiiskan ka soo qayb galay nabadoonno iyo waxgarad fara badan waana laysku waafaqay.

Su’aal: sida aad qiraneyso waxaad aheyd shaqsigii mu alifkeeda ahaa heshiiskana waxaa ka mid ahaa sida la sheegay in beesha Biyo-maal iyo Beesha Cayr ay si isku mid ah ugu noolaan karaan ama ay ka mid yihiin beelaha daga s gobolka Sh/hoose ee ma arrintaasaa arrinta aad soo wada saarteen mise wax baa ka beddelan warkaasi oo aad noo caddaynaysaa?

Jawaab: heshiiska waxaa ka qayb galay dhammaan labada beelood waxgaradkooda iyo siyaasiyiintooda iyo weliba leaderrada ugu sarreeya balse saxiixa aniga kuma jirin waanse ogaa oo goob joog baan ka ahaa, wuxuuna ahaa in si walaaltinimo ku jirto loo wada noolaado isla markaasna wixii hanti ah ee la kala haysto laysku celiyo taasna ay ka mid noqoto dib u heshiisiinta billowgeeda dowladda la filayo inay ka dhalato dalka Kenya.

Su’aal: marka laga hadlayo arrintaas waxaa jira in weli aysan ka soo yeerin dadka ugu waawayn siyaasiyiinta beesha Biyo-maal hadallo taageero ama diidmo ah marka laga reebo xubnaha yar ee ku saxiixay kaddib doorashadii baarlamaanka magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi arrintan ee sidee bay taageero u heleysaa?

Jawaab: run ahaantii dadka wuu is yaqaannaa waxaana kuu sheegayaa in xubnaha saxiixay heshiiskan ay yihiin kuwii ugu macquulsanaa ee beesha Biyo-maal ay laheyd, heshiiska qaybo ka mid ahna ay adkaynayaan in uu sheegayo in gacanta loo geliyo maamulka dadka iska leh gobolkaasi ayna wadaagayaan labadii bee lee saxiixay taasna ay ku imaan karto fulinta go’aannada la saxiixay.

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
April 12, 125
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD