SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Doorashada Maraykanka Iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Yussuf Mohamed.
Lisbon, Maine U.S.A.
E-MAIL:  afdinle03@yahoo.com

Waxaa dhawaan ka dhacaysa wadanka Maraykanka Doorashadii guud ee loogu tartamaayay jagada madaxwaynaha ee wadankaas oo afartii sannaba mar la qabto, taasoo sida uu yahay qorshuhu dhacaysa , November 2nd, 2004. Waxaa ka hadhay uun wakhti yar oo xadidan,Waxaana ku tartami doona George W Bush oo ka socda Republican Party ahna Madaxwaynaha hada xilka haya oo raba in markiisii labaad la soo doorto, Iyo Senator: John Kerry oo ka socda Democrat Party ahna senator laga soo doorto Massachusette State , Iyo Ralf Nadir oo isna iskii u taagan “independent” Sidaas darteedna waxa uu marayaa ololihii Doorashadu halkii ugu saraysay.

Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayaad moodaa sannadkani inuu aad uga duwan yahay sannadihii hore ee ay dhici jireen Doorashooyinka wadanka U.S.A, taana waxaa kuu cadaynaaya sida ay u tahay tani Doorasho ka dhacda wadankan tii ugu xammaasada badnayd, Waxaana lagu tilmaamaa inay noqon doonto Doorashaddii ugu dadka badnayd, macnaha dadka codkooda bixin doona inta la ogyahay.

Marka dhinaca kale laga eegana waxa socda dadaal lagu kala jiidanaayo dadka codkooda bixinaaya gaar ahaana dadka loo yaqaan “minority communities” oo ah dadka laga tirada badan yahay. Waxaana u caado ah inta badan dadka u tartamaaya Doorashadan inay qolo waliba dhinacooda u hawlgalaan inay soo jiitaan dadka ay filayaan inay iyaga u codayn doonaan, iyagoo ku dhiiri galinaaya uun dadkaas inay bixiyaan codkooda kuna dhaafa inta badan intaas. Waayo waxa inta badan dadka Maraykanku ay qiimeeyaan Inuu qofkaas akhtiyaarkiisa ugu codeeyo cida uu doono, iyadoo taa si ka mid tahay waxyaalaha ugu qiimaha badan wadankan oo ay ku sifeeyaan dadka Maraykanku inay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan waxa ay u yaqaanaan “American Values”. ayaa hadana si dadban loo kala jiitaa dadka aan iyagu wali go,aansan inay codeeyaan.

Sanadkanina waxa weeye sanad aad ugu muhiim ah dadka laga tirada badan yahay sida Bulshada Soomaalida, Waayo waxa uu u yahay mid ay ku cabiri karaan dareenkooda kuna tusaan Dadka kale ee kula nool wadanka inay yihiin dad jira.

Hadaba waxaa maanta ku nool cariga Maraykan Dad lagu qiyaaso ilaa 300,000 oo qof oo ah Soomaali, Waxaa kaloo lagu qiyaasaa Dadka xaqa u leh inay bixiyaan codkooda ee Soomaalida ah 50,000-65,000.

Arrinta hadaba ugu xiisaha badani waxay tahay, Bulshada Soomaalidu waxay aad ugu badan tahay meelaha maanta ugu xassasisan Ololaha Doorashada Wadanka U.S.A. ee loo yaqaan “battleground States” sida OHIO STATE Iyo MINNESOTA STATE. Waxaanan filayaa inay yihiin labada STATE ee ay Soomaalidu ugu xooga badan tahay.

Hadaba maanta waxaa la gudboon Bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan siyaasada wadanka U.S.A. ee ay ku noolyiin una fiirsadaan Murashaxiinta tartamaysa iyo barnaamij yadooda oo ay eegaan ka dantu ugu jirto Codkoodana bixiyaan.

Waxaana ogaataan maanta Siyaasada wadanka Maraykanka wax wayn ayaa ka badali kartaan. Tusaale ahaan haday ka codeeyaan OHIO STATE 10,000 oo qof oo ay u codeeyaan John Kerry waxay noqonaysaa inuu John Kerry Sidaas ku badiyo OHIO oo aanay waligood badin Xisbiga Dimuqraadigu, mida kale aanu waligii soo baxin Madaxwayne Maraykan oo ka soo baxa dhinaca Republicanka isagoon OHIO badin, Waxaanay noqonaysaa arrin macna wayn ku fadhida oo gasha taarriikhda wadanka Maraykanka, Magaceedana waxaa yeelanaaya Bulshada Soomaalida, Waxaan ula jeedaa ma moodayno inaynu nahay dad samayn kara faraq wayn laakiin waynu samayn karnaa ee taas ogaada.

Ugu danbay waxaan ku boorinayaa Bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan oo ay aad ugu soo baxaan Doorashada ka dhacaysa Sannadkan Wadanka U.S.A November 2nd, 2004.

Qofkasta oo qaangaadh ah (18 jir ah) isla markaana haysta Shahaadada Citizenship ka ee United States xaq ayuu u leeyahay inuu codeeyo, Cidii uu rabo ee qancisana uu u codeeyo.

By: Yussuf Mohamed.
Lisbon, Maine U.S.A.
E-MAIL:  afdinle03@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD