Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay
Gudniinka fircooniga ah.
Ridwaan Haji
30.9.2004, London
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen madax ka
socota xarunta ugu weyn ee Booliska "Scotland Yard", oo maalin ka hor lagu
qabtay London waxaa ay sheegeen in ay jiraan shaqsiyaad weli ku howlan ama
ku xadgudba xuquuqda cunugooda taas oo gudniin loogu soo sameeya wadama kale
oo ay ka mid tahay Sudan iyo Somaliya.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hey'ad
Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Somali Hope iyo Onkod ayaa sidoo kale waxaa
halkaasi isugu yimid haween Soomaaliya oo ka sheegeynayay dhibaatooyinka uu
leeyahay gudniinkan fircooniga ah.
Dhinaca kale
Cabdiraxman Jabriil oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Soomaalida
badankoodu aaney la'socon sharciga dalkan waxa uu ka qabo gudniinka, isagoo
weliba sheegay in uu cabsiweyn ka qabo in hadii aysan dowladda iyo Boolisku
aanay waxka qaban sida ugu dhaqsiyaha badan in la arki doono Soomaali badan
oo xabsiyada ugu jirta falalkaasi aykula kaceen caruurtooda.
Gudniinka ayaa ah arin aad u looga soo
horjeedo dalka Ingriiska waxaana qofkii ku kaca falkaasi uu mutaysanayaa
xarig dhan 15-sano, hadaba kulankan ayaa u badnaa mid lagu uruurinayo xogta
ay Soomaalidu ka qabaan gudniinka sharciyadiisa.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo
qaaday in la'furo adeegyo lagu gudbinayo wacyigalinta dadka sida idaacadaha
ama jaraa'idyada iyadoo isla markaasna loo sameynayo xafiis u howlgala
arinmahaasi.
Shirkan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay ka
soo qeybgalaan qabiiro daneynaya ka hortaga gudniinka fircooniga, waxaana ay
balanqaadeen ururadii halkaasi isugu yimid iyo qabiirada u xilsaaran dhinaca
Booliska dalkan la'dagaalanka gudniinka in talaabooyin waxku oola in ayka
soo bixidoonaan dhawaan.
About FGM
Female genital mutilation, sometimes called
female genital cutting (FGC) or female circumcision, is the cutting or
removal of all or a portion of the female genitals for cultural, not
medical, reasons.
FGM leads to lifelong pain and problems with
sexual health and childbirth. Depending on the environment and type of the
procedure, FGM can lead to serious health issues such as infection, illness
and death.
Approximately 2 million girls are mutilated
every year. Egypt, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Somalia, and the Sudan account
for 75 percent of all cases.
The number of girls and women who have been subjected to this practice range
from 115 million to 130 million worldwide and an estimated two million girls
are at risk each year.