SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NEW ZEALAND

WARAAQ NACAYB & CABSI GELIN XAMBAARSAN OO HILIB DOOFAAR KU JIRO OO LOO DIRAY SOOMAALIDA DEGGAN NEW ZEALAND:

Qoysaska Soomaalida ee deggan magaalaad Wellington ee dalka New zealand ayaa waxaa maalmahan soo gaarayey waraaqo nacayb ah, isla mar ahaantaasna cabsi gelinaya.

Mid kamid ah waraaqahaas la soo gaarsiiyey Soomaalida halkaas daggan ayaa waxaa ku sawiran doofaar xambaarsan naxash, kaas oo ay ku qoran tahay "Muhammad the Pig's" Funeral- (oo macneheedu yahay Muxamed, aaskii doofaarka). Kelmedda aaska waxaa ku ag qoran 'Amen' oo ku qoran luqada carabiga.


Adam Awad oo u hadlayey Jaaliyada Soomaalida Wellington waxa uu sheegay in ay jiraan kuwo iska hor keenaya Muslimiinta iyo Jewish-ka

Warqad kale oo kamid ah kuwa soomaalida magaalada Wellington deggan lasoo gaarsiiyey ayaa waxaa ku qoran iska hor imaadyadii dhex maray Israel iyo Islaamka ilaa 1948. Waxana warqadaas kelmedaha ku qoran kamid ah "Get out of Israel Islamic pigs."  (oo macneheedu yahay ka baxa Israel dioofarayahow islaamka ahi).

Waxaa taas ka sii daran in warqadaha qaarkood ay ku jiraan hilib khaansiir ama doofaar, kaas oo ka xaaraam ah Muslimiinta, jaa'ifona ku ah in qof muslim ah loo diro hilib doofaar. Waxaa kale oo waraaqahaas ku qoran kelmedaha "F"-da.

Hooyo Soomaaliyeed oo deggan Wellington ayaa sheegtay in ay la yaabtay sida ay qolyahaas waraaqaha soo diray ay ku heleen magaceeda iyo cinwaankeeda, maadaama aan magaceedu kujirin buuga boostada ee ay ku qoran yihiin cinwaanada dadka. Hooyadan oo magaceeda la yiraahdo Sado Mohamed waxa ay la yaabtay sababta waradaha loogu soo diray ayada iyo gabadheeda 18-jirka ah. Sado Mohamed waxa ay heshay labo waraaqood oo mid ay ku socotay ayada, tan kalena ay ku socotey gabadheeda,  markii ay  furtay waraaqahaas aad ayey uga argagaxdey markey ku aragtay hilibka doofaarka ee kujira iyo erayada ku qoran oo ahaa keuyo ay ka mid ahaayeen xarafka loo yaqaan "F" - Xarafka "F" waa kelmed laga soo gaabiyey cay aad u qallafsan oo aan qoraal ahaan lagu muujin karin halkan..

Hadal ay si wada jir ah u soo saareen hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Yuhuudda ee Wellington ayaa lagu sheegay in "dadka kutubta" ay si nabad ah u wada noolaayeen boqolaal sano.

Warqadahan Soomaalida la soo gaarsiiyey oo hadda ay baaritaan ku wadaan booliska NewZealand, waxaa ka sii horeeyey in wax yeelo loo geysdtey qubuuro ay leeyihiin Yuhuuddu oo ku yaal magaalada Wellington.

HALKAN KA DHEGEYSO WARAAQAHA NACAYBKA EE LOO DIRAY MUSLIMIINTA WELLINGTON

Jaaliyadda Soomaalida ee Wellington waxa ay sheegeen in waraaqahaasi ay ku soo bilowdeen dhammaadkii bishii hore ee Agoosto.

Adam Awad oo u hadlayey Jaaliyada Soomaalida Wellington iyo David Zwartz oo u hadlayey Yuhuudda Wellinton, labaduba waxa ay rumaysan yihiin in waraaqahan nacaybka ah aysan ka imaan jaaliyada Yuhuuda, balse ay yihiin kuwo la iskaga hor keenaya Jaaliyadaha Muslimiinta iyo yuhuudda deggan Wellington.

Dawladda New Zealand aad ayey u cambaraysay waraaqahaas naacaybka xambaarsan ee la soo gaarsiiyey Soomaalida Wellington.

Chris Carter oo ah wasiirka jaaliyahada kala duwan waxa uu sheegay in warqadahaas qarsoodiga loosoo diray ay yihiin kuwo fuleynimo ah oo la rabo in la iskaga hor keeno Jaaliyadaha  Muslimiinta iyo Yuhuudda, waxana uu sheegay in uu aad uga welwelsan yahay, waxana uu dalka (NewZealand) weysiistey in ay si adag uga ficil qaataan, waxana uu sheegay in uu booliska weydiistey in ay mar kasta la socodsiiyaan halka uu baaritaanku marayo.

Duqa magaalada Wellinton, Kerry Prendergast, waxa uu dareenkeedu tusayaa in uu xiriir ka dheheexyo waxyeeladii loo geystey xabaalaha Yuhuudda iyo warqadahan nacaybka ah ee hadda loo soo dirayo Muslimiinta.

Warbaahintu waxa ay ku tilmaameen warqahadan kuwo cabsi weyn abuuraaya, iyo welwel.

ISHA: http://www.somalitalk.com/news/somalia/ | http://xtramsn.co.nz | www.stuff.co.nz
Sawirada: Google Search

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004


CUSMAAN JAAMAC CALI KALUUN: HADII LA I DOORTO WAXAAN RAACAYAA TASTUURKA
"waana ka fogaanayaa nin jeclaysi, waana ku dadaalayaa midnimada umadda Soomaaliyed".. Guji

HESHIISKA BEELAHA BIYO MAAL iyo CEYR
Waraysi Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)...
Guji...

MA AWOODAA IN AAD WIILKAN YAR U GARGAARTID... Akhri halkan


Xildhibaan Xasan C/lle Qalaad oo Geeriyoodey:
waxaa isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ku geriyooda Xildhibaan Xasan C/lle Qalaad, ahaan gudoomiyihii Gobolka Hiiraan. waxa uu u geeriyooday cudur kaga dhacay dhinaca wadnaha waxaana geeridiisa si weyn uga naxay dad weynaha ku nool Gobolka Hiiraraan waana Xildhibaankii labaad ee geeriyooda tan iyo markuu la dhisay Golaha Baarlamaanka, waxaa ka horeeyaya Xildhibaan faarax Xasan Cali, waxaana la filayaa ion Meydkiisa la keeno dalka, laguna aaso magaaladda B/weyne. qore: amiinkhasaaro, Muqdisho.

Ururka P.E.D.O oo Hogaan Cusub Doortey
Mustaqbal kasta ee ummadi ama bulsho leedahay waxa uu ku hora maraa Taariikhna ku yeeshaa waa... Guji.. Sept 29

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD