SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BBCda Laanta Af-Soomaaliga Oo Dhex Dhexaadnimadii Habeen Ka Guday!. 

Faarax Jaamac
daryeel2005@yahoo.com

Ugu Hoaryna Su’aashani waa mid aan qabo in mar hore lays weydiiyo in ay ku haboonayd, waayo BBC-du waxay soo martay xilliyo kala duwan iyada oo aan qabo in ay ugu darnayd markii la dareemay in ay Soomaaliya Burburkii ka dhacay ay qayb libaaxle ka qaadatay tan iyo intii ay bilaabmatay Mucaardada Hubaysani,waayo waxay ahayd meesha ay si aan toos ahayn ay u adeegsan jireen  kooxihii mucaaradka, ahaa iyaga oo taageerayaashooda kula socodsiin jiray hadba halka xaal marayo , sida waraysiyada oo ahaa xog dhamaystiran oo ay dadku ku qiimayn jireen dhacdooyinka. 

Waxayna Xaaladu meel xun gaadhay oo ay BBC-du hogaankii maskaxda qofka soomaaliga ahba gacanta ku dhigtay markii dagaaladu Muqdisho ka bilaabmeen dhamaadkii 1990kii ilaa iyo maanta waxaa la odhan karaa gacanta ayey ku haysaa dhegta qofka Soomaliga ah, iyada oo adeegsanaysa lalis aad u cajiib badan(Anteno) iyo dhaqaale aad u badan oo u sahlay in ay wariyayaal ku kala yeelato daafaha aduunka, gaar ahaan meelaha Soomaalidu ku dhaqantahay ee geeska afrika in ay gacanta dhegta Qofka Soomaaliga ah ku hayso ,waxaa daliil kuugu ah qofkasta wuxuu odhanayaa BBC-dii maxay tidhi. 

Waxaase Baryahan Danbe intii adeega Internetku baahay soo yaraanaysa xogtii BBC-da kaligeed laga heli jiray iyada oo ay Soomaalida aad u adeegsato warbaahinta lagu soo bandhigo webebka kuwaas oo Soomaalida ka haqabtiray wararka goobo badan oo ay BBCdu cadaadiso in ay wararkooda soo bandhigto. 

Hadaba Goobahaas waxaa ka mid ah Gobolo ka mid ah Puntland sida Sool,Sanaag Iyo Cayn, ayaa waxa laga soo wariyey Maamulka BBC-DU in ay aaminsan yihiin Qaybta(Abla-Ablaynta) ku salaysan Somaliland iyo Koonfurta Somaliya, iyaga oo sheegay in Goboladaasi ka tirsan yihiin Somaliland waxaanay goboladani ka mid yihiin kuwa dhibaatada ugu weyn ka tirsanaya Laanta Afsoomaaliga ee BBc-da, waxaana halkan ku soo qaadanayaa laba dhacdo oo aan anigu Goob jooga ka ahaa sidee ayey BBC-DU War bixin uga  soo gudbisay Akhristoow dhacdada koowaad waxay ahayd bishii afraad ee sanadkan ayaaa shaqaaqo keenta dhimasho iyo dhaawac ka dhacday tuulada Dabtaag oo ka tirsan Gobolka Sool, waxaan halkaas ku dhintay afar qof ,toban kalena way ku dhaawacantay Sidee BBC-du Warka uga soo gudbisay?. 

Iyada oo ay aaminsan yihiin bulshada ku dhaqan deegaankan in ay had iyo jeer BBC-du dhiilada uun Goboladan ka shegto ayaa wariyaha BBC-DA ee hargeysa u joogaa oo aynu hore u soo sheegnay in ay maamulka BBC-du u xilsaaray dhinaca waqooyi in uu wararka ka soo diro iyaga oo aaminsan kala go’aynta Soomaaliya Axmed Siciid Cige, wuxuu culayska saaray dhiiladaas in uu BBC-da ka sheego isaga oo uu kal sooni dheeraad ah ka haysta Maamulka BBC-da  ayuu si balaadhan u faahfaafiyey sidii wax u dhaceen oo uu waxna ku daray,  ujeedadiisuna waxay ahayd in uu dhibaata uun tabiyo waayo waxaa jira waxyaalo wanaagsan oo had iyo jeer Gobolada Puntland ka hirgala haday noqon lahayd wabarashado, jaamacado iyo Cisbitaaloba oo aan intaas laga xusin BBC-da. 

Markii uu sheegay wariye Axmed Siciid Cige warkaas Muddo ka dib waxaa yimi Gen:Cadde Muuse Iyo Wafti balaadhan oo uu horkacayo oo nabadayn u yimi Gobolka Sool, sidee arrintaasna warkeeda looga soo tabiyey BBC-da?. 

Markii uu yimi Cadde Muuse gobolka Sool iskuma aanu dhibin Axmed Siciid Cige in uu soo raadsado war sidii uu kii dhiilada xanbaarsanaa isugu hawlay in uu baahiyo, waxa uu ba cadaadis saaray sidii aan warkaas loo gudbin lahayn nabadeynta haa iyada oo xataa Axmed Kismaanyo wararkii uu dirijiray laga reebay inta ku saabsan Gen: Cadde Muuse iyo Waftiga nabadeynta ,arrintaas oo dad badan oo u dhashay Puntland ku abuurtay Dareen aad u weyn oo ay aamineen in BBC-da wararka dadka lagu kala fogeynayo uun culayska sarta gaar ahaa Gobolada Puntland. 

Labadaa dhacdo ee isku halka qodob ka hadlaya waa tusaale kooban oo dhibaatada BBC-da Gobolada Puntland ku hayso ka mid ah, waxa iyana jirta Had iyo jeer in aan Goboladan Horumarkooda dhinacyda kala duwan ah laga sheekayn, iyada oo la doonayo in loo tuso dadka intiisa badan gobolo dhibaato ku nool ah. 

BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]

Waxaa iyana layaab ahayd oo laba todobaad oo isku xiga ahaa laba war oo kala ahaa Jaamacad Laga furay Magaalada Laascaanood oo ay ka soo qayb galeen madaxda sar sare ee Dawlad Goboleedka Puntland Sida madaxweyne ku xigeen ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Maxmed Cabdi Xaashi iyo Wasiiro badan oo lagu casuumay dhaxdhigii Jaamacada Nugal University Iyo Furitaankii Jaamacadaasi, waxayna ahayd dhacdo weyn oo horu marineed oo u soo kora dhay gobol ka mid ha Puntland, Guud ahaana Soomaaliya, hasa yeeshee BBC-du maalintii xafladaas la qabtay Maxay ka sheegatay Puntland , Akhristoow Rumayso ama harumaysan wariyaha BBC-da waa loo sheegay xafladaas in ay ka dhacayso Laascaanood , waxay ka sheegtay BBC-du Puntland Ciidamo Boliska Puntland oo gadooday mushahar la’aan dartood , hasa yeeshee kulankii Jaamacadaas waxba kamay soo qaadin. 

Dhacada labaad ee todobaadkan ka danbeeyey kii Jaamacada Lagu furay dhacday waxay ahayd Markii ciidmada Maamulka lamagacbaxay Somaliland ay soo weeraraeen ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sool, Maamulka Bbcdu wuxuu culayska saaray sidii warkaas uu u buunbuunin lahaa iyada oo uu Axmed Siciid Cige wariyaha BBC-da uu warar been iyo borobogaande isugu jira uu baahiyey isaga oo sheegay in ay Ciidamada Maamulka Hargeysa ku sugan yihiin Xargaga Oo u jirta 7km, Laascaanood isaga oo ku gabanaya nin uu ku magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ee Riyaale. 

Hadaba waa arrin aan cidna ka qarsoonayn sida qaawan ee Maamulka BBC-da ee uu Yuusuf Garaad Hogaamiyo ay dhexdhexaadnimada uga fogyihiin iyada oo Gobolada Qaarkoodna ay buunbuuniyaan, kuwa kalena ay colaad iyo dhibaato joogta ah ku hayaan,  waxaana xusid mudan in uu Yuusuf Garaad u adeegsadey habka qaldan hogaankan uu ka hayo BBCda Gaar ahaan Laanta afSoomaaliga, waxyaalaha kale ee layaabka ah waxaa ka mdi ah oo lagu eedeeyey Yuusuf Aflahaar In uu jecel yahay in uu had iyo jeer barnaamijyada xiisahale isagu hogaamiyo isaga oo saaxiibadiisa kale hoosta dhigaya ,waxaana arrintaas daliil u ah waraysiyada muhiimka ah isn uu isagu qaado, Bal u Fiirso waraysigii ugu danbeeyey  oo kuu cadaynaaya arrinkaas lagu xusay wuxuu ka qaaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, (Qudhaanjooy Ku quuso).   

 Faarax Jaamac
daryeel2005@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD