SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Ururka USC/SNMC Beesha Meheri ee koonfurta Somaaliya Carab Yaxyesaalax.

DHAARTA XILDHIBAANADA LA DHAARIYAY MAXAY DIINTA KA KHABTAA.

waxaa shaki ku jirin diinta islaamka in aay tahay diin muqadas ah caalami ah allaahna uu u soo dajiyay in la barto lagu dhaqmo leeysku xukumo oo dastuur laga dhigto, dadka noocaasi ahna waa dadka aaminsan allaah iyo diintiisa, amaa dadka muslimka ah oo aaminsan in diinta islaamka aay tahay diin jirta oo sax ah hadana aaysan la soconkarin waqtigaan casiriga ah ee uu aduunka marayo dastuurka iyo xeerarka aay dajiyeen Jon iyo david aay la soconkaraan waqtigaan casriga ah taas oo Dimoqoraadiyad loo bixiyay runtii waa kufrinimo cad maalinta qiyaamana dadkaas meesha aay allaah ka gali lahaayeen ha sii diyaarsadaan oo jon iyo david ha difaacaan.

Waa xaaraan in lagu dhaarto illaahay magaciisa adiga oo ku dhaaranayo in aad shacabka soomaaliyed ugu shaqaynaysid si daacad ah dastuurka aad ku shaqeeynaysidna uu yahay dastuurkii jon iyo david iyo munaafaqiin aay qoreen dastuurkii rabina aad ka tagtay adiga oo u fahmay lagaagana dhaadhaciyay in waqtigaan lagu dhaqmi karin laayskuna xukumi karin runtii taasi waa ayaan daro nasiib xumo aaqirkana naartii haawiya ayaa ku sugayso xildhibaanoow.

Waxaa xaqiiqa ah dastuurka hada soomaaliya loogu tala galay in aay ku dhaqmaan in uu yahay mid culimada soomaaliyeed iyo aqoon yahanada mutacalimiinta aaysan waxba ka ogeeyn dhaqan ahaana aay soomaalida shaqo ku laheyn badankoodana waxaa loogu tala galay dadka aan muslimka aheyn oo hada isticmaala.

Haddaba waxaan nasteexo u soo jeedinaynaa in aay ka foojignaadaan xildhibaanada rabaanna in aay shacabka soomaaliyeed oo ah 100% muslim xukumaan daacadna u ahaadaan in aay allaah u toobad keenaan kana noqdaan beentii aay ku dhaarteen allana waa towbad aqbale sakenkasta.

Assalaamu Caleeylum War Wab.

Gudoomiyaha Ururka USC/SNMC Beesha Meheri ee Koonfurta Soomaaliya Carab Yaxyesaalax

Dr Saciid Xusseen Haashim

Waqtiwalba E-mailkaan igala soo xiriir Dr_said_25@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD