SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 
Afhayeenka Dooxada jubba oo warsaxaafadeed ka Soo saaray dagaaladii Jubada hoose.
 
Canab Abdalla Mahamud.
Somalitalk.com | Nairobi.
 
Gen Morgan oo Warsaxaafadeed ka soo Saaray Dagaaladii Jubbada Hoose
iyo Kulankii Baarlamaanka oo lagu magacaabay guddiyo, sida G/nidaaminta doorashooyinka
Guji...
Afhayeenka dooxada jubada ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa maanta warsaxaafadeed daba socda kii Gen morgan ka soo saaray dagaaladii jubbada hoose dhawaan ka dhacay.
 
Afhayeenka dooxada jubba oo lagu magacaabo Abdi Axmad Nuur ayaa warsaxaafadeedkaas ku sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid u dhaxeeyay labada ciidan ee ay kala hogaamiyaan dooxada iyo kuwa Morgan oo weerar ahaa sida warsaxaafadeedkaas lagu sheegay, waxaana intaas uu warka ku daray in ciidanka dooxadu ay ahaayeen kuwo iska difaacayay  ciidanka morgan.
 
Waxaa lagu beeniyay qoraalkaas in ay dooxada jubba  xasuuqeen, dhaceen, barakiciyeena dadka deegaanka waxaana uu afhayeenka qoraalkiisa ku cadeeyay in dadkaasi ay ku dhinteen rasaastii ay is waydaarsadeen labada dhinac ee isku hayay dagaalkaas, hadalka morgana uusan ahayn mid ka hadlayay xaqiiqda sida uu sheegay abdi Axmad waxaana ay sheegeen dooxadu in ay ka xun yihiin dadkii ku dhintay dagaalkaas,kuwii waxyeeladu ay ka soo gaartay iyo kuwii ka barakacayba,wax laga xumaadana ku tilmaamay in ciidanka morgan ay ku dhex galeen shacabka,sidaasna damacay in ay isku difaacaan balse u ahaan waysay hadalka morgana ku tilmaamay in uu yahay buun buunin iyo war aan jirin.
 
Waxaa kale warsaxaafadeedku intaasi ku daray in dagaalkaas uu kala qaybqaatay C/ladhiif Afdhuub,isagoo waliba ku been abuurtay in uu arkay ciidamada, Muuse iyo Cumar fininsh oo sida uu hadalka u dhigay afhayeenka ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG ah dagaalkaasna aan wax lug ah ka gaysanin.
 
Afhayeenka waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku xusay in aysan jirin dadka uu ku been abuurtay morgan kuna tilmaamay Al-itixaad iyo Al-Qaacida in ay yihiin kuwo xiriir la leh Dooxada Jubba xasuuqna u gaystay dadka deegaanka dhooblay.
 
Ugu dambayn waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedkii uu maanta uu soo saaray Afhayeenka dooxada jubba in Dagaalka iyo xabada shacabka dhexdiisa lala galo aysan xal ahayn,ee xalku uu ku jiro in la wada hadlo meelna la iskugu yimaado iyadoo la fiirinayo danta shacabka soomaaliyeed ee rajada ka leh shirkan,dagaalna uusan xal keenin.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2004

Gen Morgan oo Warsaxaafadeed ka soo Saaray Dagaaladii Jubbada Hoose
iyo Kulankii Baarlamaanka oo lagu magacaabay guddiyo, sida G/nidaaminta doorashooyinka
Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD