SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 
Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah.  ( Taqi)

Bismillah al-rahman al-rahim, wa al-salat wa-I salam a’la Mohammad wa a’la alihi wa sahbihi wa azwajihi ajma’in  Aamiin Amma ba’d: 

 Ugu horeen waa maxay mudaaharaad? Sida xaqiiqdaa kalmada mudaaharaad (demonstration, affirmation, evidence, expression) macno  ahaan waa diidmo, muujin, cadeen inaad wax kasoo horjeedo. Wax kastoo aad mucaad kutahay ama aadan jecleen ayaa looga hortagaa- shayga aad mudaaharaadka  kusameeneeso hanoqdo mid sharciyaa ama mid aan sharci aheen ujeedada mudaaharaad waa diidmo qayaxan.( veto power). 

Qaabab badan ayuu mudaharadku udhacaa sida jamac(tiro badan)  iyo kali kali  hadba xaalada laga mudaaharaadaayo ayey kuxiran tahay; qaar socod ayaa lagu muujiyaa qaarna fadhi(shaqo joojin)  halka qaar rabshado lagu muujiyo marka sidii ladoono ayaa loosoo bandhigaa mudaaharaadka.  

Hadaba waa yaabe majiraa mudaaharaadyo Illaah looga soohorjeedo oo dunida kadhaca ? Qaab noocee ayuu udhacaa mudahadaarka ilaah lagu diidan yahay? Tolow dad badan miyaaa dhiga mise  dad yar? ma mid qarsoodibaa mise waa mid dibada loola soobaxo? Waa noocma mudaaharaadka ilaah lagu diidan yahay? Mamid boorar lagu sooqoraa qaraarka ladiidan yahay  mise waa mid qaylo iyo buuq lagu muujiyo? Haduu jiro mamid dal iyo dad muslim sameeyaan miyaa mise waa mid dal iyo dad aan diinta muslimka heesan kadhacay weeye? 

Intaas oo su,aal iyo kuwo kabadan  ayuu qofka qalbigiisa iimaan  kujiro isweydiin mar alle markuu maqlo mudaaharaad Ilaah lagu diidan yahay ayaa dhacay.

Waxaan isku dayaa inaan kuusheego intaanoo su,aal jawaabahooda  si heer cilmiyeesan waxaana kaacodsan inaad iila jaad qaado si hagaagsan  adigoo mahadsan aqristoow. 

Mudaaharaadka qaraarada ilaah lagu diidan yahan wuxuu kadhacay dal muslimaa oo luqada aad kuhadasho kuhadla waliba gobolka, degmada ama xaafada  aad kunooshahay  dad kunool ayaa sameeyay intaas waxaa kusii dheer oo  xaqiiqaa  inuu kujiro dadka mudaharaadkaas sameenaayeey qof kunool guriga aad kunooshahay  hadii aadanba adigu nafsadaadu aheen qof mudaaharaadkaas sameeyey.  

Taqi Bashir-oow sidee wax uwadaa? mawaalan tahay mise waa soosidataa?  Sidee suuragal utahay in mudaaharaad qaraar Illaah lagu  diidan yahay uu kadhaco dalka Somalia waliba dad Somali dhigaan misana xaafadayda  ama qofaan heeb garanaayo uu sameeyo mudaaharaadkaas? Aqristow waa xaqiiqo  aan hubo inuu mudaharaadkaas dalkeena kadhaco iyo dalalka dunida oo dhan waliba maalin kasta ayuu dhacaa mudaaharaadkaas  jamac iyo mufrad waa udhacaa, dumar iyo rag ayaa kawada qeeb qaato si isla,eg  dhamaan dadka mudaharaadkaas sameen waa dad caqli usaaxiib, qaangaaraa, caafimaad qaba wax dunida guudkeeda looga baahan yahay oo kamaqan majiraan dadkaas. 

Qodobada lagu soo bandhigo muhaadaraadka waxaa kamidaa kuwaan iyo kuwo kale. Adigoo Illaaha kabaqanaya--soo subax kastaa lamo kulantid masaajidka kuudhaw (oo salaad laga tukan  adigoo aamiintiisa maqlaayo) dad banaankiisa ama maqaayadaha udhaw fadhiya oon kaqeeb qadan qaraarka ilaah soodajiyey(salaada) oofintiisa – dadkaas aadanka iyo aamiinta maqlaaya misana aan kaqeeb qaadan miyeysan aheen kuwo mudaaharaad kujira oo o,ran waan kasoo horjeednaa qaraarka salaada  lagu oofin –faraa nootaagan waana kafiijinay-Haa waa lamid dad mudaharaad kujira waayo haddii ay taageersan yihiin way kasooqeeb gali lahaayeen. Makujiraa dadkaas dad aad taqaano? Haa waa kujiraa oo hebel iyo heblaayo ayaa kamidaa oona salaada tukan? Muslim mayihiin? Haa .somali mayihiin? Haa  qaangaar mayihin? Haa  xoog iyo xoolo maleeyihiin? Haa  hal iyo labo makabdan  yihhin? Haa. Okay –mudaaharadkan mayahan mid qaraarka ilaah lagu diidan yahay? Haa  marka ha,ila yaabin walal –midda kale maalinkastaa madhacaa mudahaarkan mise usbucii, bishii, ama sanadkii ayuu mar dhacaa? Usbuuc iyo sanad iska daaye saacad iyo daqiiqad kastuu dhacaa mudaaharaadkaan- dalkeena maahee dalla kale oo muslim ah ama muslin kunool yahay makadhacaa mudaharaadkaan oo kale? Haa waa kadhacaa  - waa mahad ilaah mar hadii aan isla garanay machana ciwaanka maqaalkan xambaarsan yahay.  

Hadda soon ayaa soodhaw, malagayaabaa inuu dhaco mudaaharaad kale oo lagu diidan yahay qaraarka soonka hirgalintiisa ? Haa waa qasab inaad arkeeso dad soonku kuwaajibay oo caafimaad qaba misana aan soomeen. Waliba dadkaas mudaharaadka sameendoona waxay jecel yihiin inay kadhaadhiciyaan dadka taageersan soonka inay kalaqeeb qaataan mudaaraadka, waayo hadda ayey bilaabeen inay lacag kaqaadaan dadka soomi doono si loogu soogado Dubnad, Turub, Laadhuu, Taraq iyo Banooni( kubad) si ugu yaraan soonkooda ajirkiisa udaciifiyaan.- 11ka bil ee kale maxay uciyaari waayeen Kubada, Turubka iwm waayo xiligaas ayay awoododa iyo firaaqadooda badan tahay waliba waxaa kujiro xili ay schoolada xiran yihiin? Walaahi waa run walal dadkaan waa dad ilaah qaraarkiisa kasoo horjeedo ee maahan dad jecel ciyaarta waayo hadii ay ilaah qaraarkiisa kasoohorjeedin kumeesan soobeegeen mudaaharaadkooda xili uu hirgalaayo qaraarka Ilaah ee soonka. 

Waa yaab!! Walal,waxaa iminka xaqiiqsaday  in Ayaan Xirsi  Ali iyo kuwa ladhacsan dagaalka ay kula jirto diinta iyo dadka muslimka aysan kaligood aheen dadka ilaah dagaalka kula jira balse dadka noocaan qudhooda waa askar kamidaa askarta shayaadiinta - askarina waxaa looqortaa dagaal iyo difaac. 

FG: waxaan kacudur daaran inaan cilmiga diinta aqoon ulaheen ugu horeen, marka walalaha muslimka ahoow aan isjirno oo shaykastaa  waafajino diinteena, walaahi dadka isku dhiba inay qaban qaabiyaan munkar xiliyada cibaadada gudashadeeda lagu jiro dadkaas xaalkooda  waa xaal daran. –naftayda iyo nafafta kale ee haboowsan waxaa ilaah uga duraamin hanuun iyo dhoowrsanaan aamiin aamiin. Walaahu waliyul mutaqiin. Wabilaahi towfiiq wasalaamu calaikum waraxma tulahi wabarakatuhu.

Dr.Taqi Bashiir
 <taqibashiir@hotmail.com>

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD