SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

MAXAAD KA TAQAAN GENNERAL MAXAMED SICIID  XIRSI   MORGAN
xasan yuusuf jibriil
 
      Gen. maxamed siciid moorgan wuxuu kasoo jeedaa qows soomaaliyeed oo aan bulshada dhexdeeda ku lahayn wax ceeb ah,dhibaato ay u gaysteen ummada soomaaliyeedna lama sheegin, intaas kadib genneral a morgan waa nin geesi ah, waana nin halgamaa ah oo wuxuu ahaan jirey jannaraal ciidamadii  soomaaliya ka tirsanaan jirey kana soo noqday wasiirka gaashaan dhigga,
 
gen. morgan waa hogaamiyaha kaliya ee u dhaqdhaqaaqa gobolada jubbooyinka ee ay ku habsatey  gumaystayaasha soomaaliyeed ,kuwaasoo ka soo hayaamay gobolada dhexe iyo koonfureed ee soomaaliya. kuwaasoo manaam ku arkay inaysan meelkale ku noolaan karin.
 
gen.morgan wuxuu ahaa hogaamiyaha kaliya ee 14kii sano ee lasoo dhaafay ku jirey dagaal xaq u dirir ah kaasoo uu doonayey inuu ku xoreeyo dadkiisa iyo deegaankiisa guulo badanna uu ka gaarey,nabad galyo korkiisa ha ahaatee.
 
gen.morgan wuxuu leeyahay cadowyo fara badan oo isugu jira cadowga sokeeyaha ahna kan gudaha,waxaan ka wadaa waxaa layiri sidiisaba qofka xiniinyaha badan ee geesiga ah waxaa neceb 2,kuwaasoo kala ah,
doqon sokeeye waa kan isaga xigtada u ah oo ka xun inuusan arag qofaan isaga ahayn oo wax ah sidaa daraadeed uma muuqato waxaa uu ka dagaalamayo oo ah gumaysi diidka  qadiyadeed ee lagula wareegayo deegaanno dadkale leeyahay,dadkii lahaana la barakiciyey, lalaaley, ladhacay, la kufsanayo, laqaadanayo guryohoodi,naftoodii iyo maalkoodiibana la iska haysto,
 
Cadowgaas sokeeye ee neceb geesigiisa waxaa loo yaqaan  Afku xoogle,kaasi waa cadowga gudaha,hadaba muxuu doonayaa kaasi waa meesha kama tage waxna kama tare waana nin ku fiican inuu ka hadlo meelaha ay isugu yimaadaan Afku xooglayaashu,waxaanna dhihi karaa saaxiib naftaa kugu jirta ee wax kale kuuma dheera.
 
Waxaa kaloo jira waxaa aan u aqaan cadowga dibada ee gen.morgan,kaasi waa kuwa kusoo duulay deegaankiisii ee uu dagaalka kula jiro,kaasoo xusuusan mar walba inuu inta uu joogo gen moorgan uusan si cayaar cayaar ah ugu ladayn deegaanka jubbooyinka sidaas daraadeed si kasta oo uu isleeyahay waxbaad ugu dhimi kartaa uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo,ninkaas waa gartiis,waana cadowgiisa,magaciisana waxaa la dhahaa jiric shisheeye waana gartiis oo wuxuu rabaa inuu kunoolaado xaaraan layaabna malahan,laakiin muxuu kaga qaadi karaa af la iska ga hadlay?
 
jawaabta su aashaasi waa gaaban tahay,waana maya oo af wax la isagama qaado ee ninkii wax hayaa ha tago goobaha dagaalka xorayntu ka socdo,kii kaloowna iska aamus.
 
Gen. morgan waa nin libaax ah oo ku dhex nool dhurwaayo aan isu qabin inay yihiin dhurwaayo ee isu qaba inay kafiican yihiin.
Gen.morgan wuxuu qaybo badan uga egyahay boqorka habar dugaag kaasoo loo yaqaan libaaxa, meelaha uu ka shabaho waxaa kamid ah;
 
garka,indhaha,dhagaha,socodka,dagaalka kaymaha,udulqaadashada kunoolaanshaha howdka muddo fara badan,biqidda lagaga cabsado qofkasta oo og inuu ka gaalay godob oo aan sibana ugu ladin hurdo uu seexdo illayn dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqee.
 
waxaa jira dad hadda labaxay Af kuxooglayaal oo isugu jira doqomada sokeeye iyo diricyada shisheeye oo dhowaanahaan siyaabo kala duwan afka ugu diley gen.morgan waxaana kamid ahaa hababka ay u dileen,wuu dhintay,dhaawacmay,isdhiibey iyo kuwo kale oo fara badan.
 
saaxiibayaal jen.moorgan waxaa kusoo duuley kasoo bilow qaybta koonfureed ee gaalkacyo illaa raas kaambooni,qabaailka ku nool kuwaasoo isu soo bahaystay inay xoog kusii gumaystaan dadka jubbooyinka,oo uu hormood u yahay gen morgan,waana waxaan laga murmi karin,waxaa caddaan ah oo cidwalbaaba ogtahay inay kusoo duuleen morgan iyo ciidamadiisa,dhammaan qaybaha kala duwan ee reer koonfureedka  isbahaysiga labaxay dooxada jubba,dowladda kumeelgaarka ah ee cabdiqaasim,sabanta bixinta  oo dhan,maxkamadaha xamar oo dhan,ninka xukuma marka ee kayimid galguduud,itixaad oo dhan,iyo argagixisada caalamiga ah,hadaba maxaa ka dhacay meeshaas?
 
waa saan sheegay oo ahayd inuu yahay libaaxe waxaa dhacday in isbahaysatadii soo duushey waqtigaan xaadirka ah maydadkoodii wali waraabayaashu ku feentaan hilibkoodii kaymihii libaaxa loogu yimid dabadeedna ay si nafla caari waa ah marna ugu soo ordaan meelihii lagu laayey marna ay si habqan ah ay meeshii aay miciin bidaan isaga ordaan illayn horaa loo yiri neef gawracani geedo kama waabtee.
 
Hadda waxay ka joogtaa gen.morgan afku xoogloow maxaad af kaga qaadi kartaa libaaxa geeska africa gen.maxaamed siciid xirsi morga,
sow lama mid noqonaysid inuu ku yiraahdo ;
Dameer aan fuush nahay dhuusadiisu maxay iga dhimaysaa.
dhurwaa afna wax looga qaadi waah adimana lagu gaari waa,
harag libaax haad mafuulo,
hunnu hunnu hadal maaha himbiriirsina wax arag maaha,
walaalayaal waxaan kusoo gaba gabaynayaa qoraalkayga,
jananka oo leh ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye,
waxaan geesiga libaaxa ah ee halgamaagaa ilaahay uga baryayaa guul iyo horumar,waxaana leeyahay halkaas kasii wad waxaad ku dhex nooshahay dad u badan wax magaratee,ilaahayna ha kula garab galo geediga aad ugu jirto xoraynta dadkaaga iyo deegaan kaaga aad ku kaliyowdey.
 
waxaanna kugu dhiirigalinayaa dadaalaa waa gaaraa ee sii wad hayaankaaga xoraynta iyo soo celinta karaamadii luntay ee jubbooyinka adiga iyo geesiyiintaada ku garab taagan idinkoo ku kalsoon ilaahiinna wax walba arka iyo inta badan dadkaaga oo ku aaminsan
 
waxaa diyaariye   xasan yuusuf jibriil
                     xyjibriil@hotmail.com       wabilaahi atowfiiq.
                                      ina laaha maca saabiriin.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2004

»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD