Nin Soomaali ah oo Loo Magacaabay Golaha Xuquuqda Aadana ee Magaalada
Owatonna ee Gobolka Minnesota
![](ota1.jpg)
Siyaad Maxamud Cali
|
Markii ugu horeeysay taariiqda Soomaalida ku dhaqan Gobolkan Minnesota
intaan ka ogahay- ayaa maalintii talaadada, tariiqduna eey aheyd
September 21-keedii magaalada yare ee Owatonna ee gobolkan Minnesota
lagu dhaariyey qofkii ugu horeeyey ee Somali ah oo loo dhaariyey jagada
Xubin Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Owatonna'. Ninkan, oo magiciisa la
yiraahdo Siyad Max'ud Cali (Siyad Geelle) ayaa ka mid noqon doona gole
ka kooban todoba xubnood oo laga soo kala xulo qeybaha kala gadisan ee
bulshada magaaladaas.
Sida ku cad barta eey magaaladaas ku leedahay shabakada caalamiga ah ee
Internet-ka, Golaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu qabanayaa howlo kala duwan
oo isugu jira: Sare u qaadida tayada xuquuqda aadanaha ee Owatonna,
kala talinta maamulka magaladaas dhanka arrimaha xuquuqda aadanaha, la
shaqeynta hey'adaha iyo qeybaha kale ee daneeya xuquuqda aadanaha, ka
haqab-tirida dadyawga magaaladaaas arrimaha la xiriira midab takoor-ka,
Diyaarinta barnaamij hagaajiya dhibaatooyinka ka kaca takoorka iyo
xuquuqda aadanaha iyo howlo kale oo badan.
Xubnaha golahan ayaa jagada heyn kara 3 iyo 1 sano, hadba inta loo
doorto, iyagoo si bilaash ah ugu adeegaya dadweynaha. Waxaana soo
magacaabaya duqa magaalada Owatonna , kadibna waa in guddiga magaaladu
aqbalaan magacaabidaas. Xulidda xubnaha guddigan waa mid taxadiran oo
la doonayo ineey ku jiraan dhamaan qaybaha bulshada, sida; Rag iyo
dumar, Sabool iyo hodan, midabyo iyo isiryo kala duwan, Mid guri leh
iyo mid kireysta, da'a weyn iyo mid yar, oo eey xitaa ardaydu ku
jiraan.
Siyad Max'ud Cali wuxuu heystaa laba Master oo kala ah: Shahaadada sare
ee Maareynta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, oo uu ka soo qaatay wadanka
India . Haddana wuxuu wadaa takhasus la xiriira Human Resource
Development oo uu ka diyaariyanayaa Jaamacadda Minnesota Rochester .
Wuxuuna la taliye shaqo ka yahay Waaxda Horumarinta Shaqaalaha
(Workforce Development) ee isla Owatonna .
Magacaabista Siyad ayeey Soomaali badan oo reer Owatonna ah soo
dhaweeyeen, iyagoo u arkay ineey muuqaal wanaagsan ka bixineyso
jaaliyadda, isla markaana xoojineyso codkooda.
Lama hayo tirakoob rasmi ah oo sheegaya tirada Jaaliyada Soomaalida ee
Magaaladaas, ha yeeshee illaa iyo dhowr kun baa lagu qiyaasaa.
Waxeey magacaabistani ku soo beegantay xilli eey sii kordhayaan
xadgudubyada lala beegsanayo Jaaliyadda Soomaalida ee Gobolkan, guud
ahaan. Dhowr todobaad kahor ayaa oday Soomaaliyeed lagu dilay isagoo
socda meel ka tirsan koonfurta Magaalada Minneapolis.
C/raxman Ceynte
Waxaa somalitalk soo gaarissiiyeye
Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
26, 2004
Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay
in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka
gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo...
Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|