SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Caddow: Xabbad Caaraddeed iyo Cood midna Jago kuma Raadinayo

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 


C/Lahi Axmed Caddow

C/lahi Yusuf Axmed

Caddow oon haysan shilke, baroon iyo suu’ kaaga darane aan ka talin tuulo ama xaafad ka mid ah Soomaaliya sidee ku haweystay kursiga Soomaaliya? Xitaa bee- bee-jee (shimbiro-leys) oo hadda dhallaanka Soomaaliyeed bistooladaysiga ku ciyaaraan ma haysto. Waxaa la sheegaa in ciyaarta ragga waaweyni  tahay dagaalka. Ka filimeysid in marka Moorgan iyo Barre-Hiiraale ay bistooladaysiga ciyaarayaan inay bistoolad ka dhigtaan laamaha geedaha iyo lafaha xayawaanka ee rasaas holcaysa ayey afka isu geshaan. 

Oo haddii Maxamed Ibraahim Cigaal ciidda ka hoos maray; C/Risaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Abshirna ka abaadeen degaankey ka soo jeedeen; jananka Dhaqane iyo raggii u dhigmayna ay xaqii ku dhageen oo mansab adduun ka dheeraadeen ma C/Qaasim oon soo aragnay iyo C/hi oon naqaan baa Caddow hor istaagi kara? 

Xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska xukuma ayaa markuu gaararkiisa ka waayey xisbi mucaarad ah oo khatar ka gesha kursiga ra’iisul wasaaraha ayuu waxyaalo badan oo la xeerin jiray uusan xisaabta ku darsan ilaa uu dagaalkii Ciraaq Maraykanka iska raacay. Dad badan oo xisbigaas ah ayaa dagaalka ka soo horjeestay laakiin intii badnayd iyo xubnaha baarlamaanka ee xisbiga muxaafadka ahiba waxay taageereen dagaalka.  

Waraysi laga qaaday Caddow oo la weydiiyey mar haddii xildhibaannada la kala gadanayo kuwa isagu qaybta u helay. Caddow wuxuu difaacay xildhibaannada isagoo leh: xildhibaannadu ma aha  xoolo iib ah ee waa dad cuqaal ah oo qabiilkoodu  soo doorteen. Caddow wuxu hadalka ku sii daray in go’aanka ugu dambeeya ay iyagu leeyihiin. Waan jeclaan lahayn in xildhibaannadu noqdaan sida Caddow ka sheegay. Caddow wuxuu sheegay intaan codka loo qaadin qofkii madaxweyne noqonaya; waxaa la qaban kulan, si fursad loo siiyo tartamayaasha madaxweynanimada si ay dadka ugu soo jeediyaan qorshahooda ay dalka ku maamulayaan haddii madaxweynanimo loo doorto. Rag dhowr ahi mar horaba waa noo tuura-gooyeen waxay samaynayaan iyagoo diinta iyo dadkeedaba wax ka yiri. 

Waddankan Ingiriiska marka doorashada ra’iisul wasaaranimada loogu tartamayo soo dhawaato waxaad arkaysaa ra’iisal wasaaraha markaas xukunka haya iyo madaxda mucaaradka oo masaajidda iyo meelaha muslimiinta ku badanyihiin kusoo qamaamaya iyagoo leh: Qur’aanka oo tarjuman baan haysannaa; waana macaan yahay! Iyagoo u dan leh inay helaan codka muslimiinta halka hogaamiye-kooxeedyo Soomaali ahi aad arkayso iyagoo diinta qadfaya ama wax Ilaah banneeyey diidaya ama wax xaaran ah na amraya inaan falno iyagoo raba inay madaxweynayaal noo noqdaan oo aan innagu dooranno! Xitaa mar waxaa Kenya  ka dhacay in Odinga Odinga oo markaas mucaarad ahaa uu masaajid Mombasa ku yaal soo galay isagoo qamiis cad qaba. Halka rag u tartamaya madaxweynanimo Soomaaliyeed ay leeyihiin xijaabka haweenku waa khalad oo dhaqan iyo hiddo midna uma lihin! Waa hadal aysan oran karin madaxweynayaasha Maraykanka iyo madaxda Ingiriiska khaasatan markay jago doon yihiin. Marka ninkii Soomaaliya madax ka raba uma habboonna inuu ku hadlo wax diinta Islaamka kasoo horjeedda maxaa yeelay waxa Soomaali isu keena waa diin. 

Madaxweynuhu waa inuusan qaab qabiil wax ku raadin ee uu Soomaalinimo wax ku raadshaa. Arrintaas Caddow wuu sheegtay laakiin waxaan shacabka Soomaaliyeed weydiinayaa ka warrama C/Qaasim Salaad iyo C/hi Yuusuf? 

Xagga xildhibaannada waxaa jira qeyb garaadkooda iyo waddaninimadooda darteed noo doori doona qofka ugu mudan ee u qalma jagadaas. Kuwa kale waxaan ku leennahay haddaad rabtaan wax iska balaqsada laakiin marka ugu dambeysa ee ay codaynta gaarto noo doora qofka aad isleedihiin waa ugu fiicanyahay. Haddii aad ku balan furtaan hogaamiye-kooxeed idinkoo horay lacag uga qaatay ka dibna noo doora kii ugu mudnaa waxaan rajaynayaa inaad heli doontaan dambi-dhaaf xag Ilaah ah iyo qiil. Qiilku waa iyadoo beenta loo dulqaato xaalado dhowr ah ooy ku jirto markii labo qof ama labo qabiil la heshiisiinayo oo kheyr la iskaga sheegayo? Anigu sidaan qabo waa haddii inta xildhibaanno ay hogaamiye-kooxeed dhib badan lacag ka qaataan hadhowna iyagoo u danaynaya in Soomaali dowlad yeelato ay codkooda siiyaan mid kaga habboon in beentoodu noqon doonto mid la dhaafo sidaan Ilaah ka rajaynayno. Marka xildhibaankii baahi darteed ama sababo kale darteed lacag qaatoow, bal Soomaali ha iloowin marka ugu dambaysa.  

Kalsoonida Caddow qabo iyo qaabkii loo tirshay codadkii guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisii ayaa kalsooni geshay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale rajaynayaa in tirinta codadka madaxweynanimada loogu tartamayana  sidaas u dhacdo ooy meesha ka baxdo wax-is-dabo-marin. Marka qofkii laga raayo ha garto in xildhibaannadu codkoodii kala bakhayleen. 

Maaddaama SRRC-du tiraahdo C/Qaasim waa wadaad, inkastoo wadaadnimadii dambi laga galayo bal isaga iyo kornaylkaba aan xasuusiyo labo hadal oo isku mid ah laakiin mid xag diin naga soo gaaray midna si dhaqan ah loo turjumay: 

C/Qaasim waxaan xasuusinaynaa in qofka muslimkaa aan labo jeer hal god laga qaniinin sidoo kalana waxaan Kornayl C/hi ku leeyahay: mar i dage Allaha dago; mar labaad i dagana anaa is dagay. 

Sida la sheego hal-abuurada ama ragga gabya la iskuma halayn karo; marka waxaa dhici karta inay diyaarsadeen suugaan ku habboon nin kasta oo la doorto; sida mid ammaanaysa Caddow ama C/hi ama C/Qaasim. Laakiin waxaa muhiim ah inaysan mid hebel ku socota aan hebel kale lagu dul akhriyin!

Mar hadduu Caddow yiri xildhibaannadaa hadalka ugu dambeeya leh; ma suuroowdaa in xildhibaannadu isu jiibiyaan iyagoo leh: 

  • Odaygii caddaa
  • Codka siinnayee
  • Cabdullaahiyoow
  • Cabdi-qaasim raac
  • Raac raac
  • Weligaa raac
  • Raac raac raac.

Mar Khaliif Sheekh Maxamuud rabay inuu soo qaato meerisyo uu lahaa gabyaagii caanka ahaa ee Cali Jaamac Haabiil si uu u xuso meeshuu ka soo qaatay wuxuu yiri: 

  • Haddaan mu’alifiinteennii hore uga mulaax diiro
  • Cali Jaamac maraxuu ka tagay waa mid qaaliyahe
  • Haddaan maansadii laga dhaxloo mabala’ kuu taabto
     
  • Munaaqisho abwaan leeyahaad meyrac ka heshaaye
  • Su’aal la isu wada meeriyoo muran ka seeraaray
  • Isagoo munaasibad fadhiya mar aannu weydiinnay
     
  • Waxa uu maqdaraddii ka yiri talaba moogeede
  • Muslinnimo nimaan kugula socon muuminnimo khaas ah
  • Gaal maxasta kuu korinayaad magansataa dhaama.

Marka waxaan uga danleeyahay, kaftankaas kore (odaygii caddaa) waxaan filayaa inuusan maskaxdeyda kusoo dhaceen haddaysan  jirin heestii: waddadii caddayd cagta saarnayoo ku carraabisee ee uu tiriyey Cabdi Muxumed. Marka waa sidii Khaliif u lahaa: 

  • Munaaqisho abwaan leeyahaad meyrac ka heshaaye.

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Jawaabteeyda ku jiheeysan axdka la yiraahdo C/waxid

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2004 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD