Khayr
Shaafici Xassan
Maxamed
mi99mosh@chl.chalmers.se
Sanooyinkii la soo dhaafay waxay ummadda
soomaaliyeed ka dhergeen jagada madaxweyneha
jamhuuriyadda Soomaaliya, oo toban sannadood
meelahaas ayaa waxaa dalka Soomaaliya
madaxweynenimadiisa lagu tilmaamay rag badan. Waxaa
ragga jagadaas weyn sheegtay ama lagu sheegay ka mid
ah Cali Mahdi, oo ay xoogaa soomaalida ka mid ah oo
ay siyaasiyiin caan ahi ka dhexmuuqdeen madaxa ugu
duubeen cimaamad cad oo madaxweynenimo, wuxuuna
muddo dheer naftiisa qaaliga ah ku maaweelinayey in
uu hayo xilkii ugu weynaa xilalka dawladnimo ee
Soomaaliya.
Markii uu Cali Mahdi daaley oo uu calafkii uu Rabbi
u qoray helay baa jagadii madaxweynenimada waxaa
kala wareegey Alle ha u naxariirto ee jeneraal
Maxamed Faarax Caydiid. Waxaa jagadaas u doortay dad
soomaali ah oo xagga tirada ka badnaa kuwii doortay
Cali Mahdi, waxayna doorashada degdegta ahi ka
dhacday gudaha Soomaaliya. Qorshaha jeneraalku wuxuu
ahaa in uu jagada hayo ilaa uu ka dhimanayo, sidii
bayna noqotay oo Maxamed wuxuu madaxweynaha
Soomaaliya sheeganayey tan iyo intii uu xagga
aakhiro uga guurayey.
Jagadaas mucjisada ah waxaa dhaxlay oo si fudud ula
wareegey wiil ku abtirsada ninkii ka dhintay oo
magaciisa la yiraahdo Xuseen Maxamed Faarax, wuxuuna
madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya naftiisa ku
tilmaamayey ama lagu sheegayey ilaa ay dalka
Jabbuuti ka soo duushay diyaarad sidda madaxweyne
afaraad. Madaxweynaha afaraad wuxuu ahaa Cabdiqaasim
Salaad Xassan oo ay dad qaxooti u badani u rajeeyeen
in uu noqdo madaxweyne ka mid ah madaxweynenimada la
kala boobayey.
Cabdiqaasim oo aan weli ka dhergin jagadii uu
sheeganayey baa waxaa dalka gudihiisa lagu qabtay
shir ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen soomaali
badani, waxaana jagada madaxweynenimada Soomaaliya
lagu sharfay nin aanan magaciisa oo buuxa xasuusan,
laakiin uu madaxayga ku haray magaca Darmaan.
Madaxweynahaas shanaad oo jamhuuriyadda Soomaaliya
naftiisa ku maaweeliyey Cabdiqaasim kama uu yeelin
in uu uga wareego jagada, waxaana sababta loo malayn
karaa in ay jagadu xagga maaliyadda weli Cabdiqaasim
u irmaanayd markii la doortay madaxweyne Darmaan, oo
xagga lacagaha dartood uu Cabdiqaasim ugu
faro-adaygay in aan lagala wareegin jagada.
Cali Mahdi kuma uu qabsan Caydiid markii lagu
magacaabay oo waa uu u daayey madaxweynenimada, isla
markaas Xuneen kuma uu qabsan Cabdiqaasim markii uu
Ismaaciil Cumar Geelle la soo heshiiyey, sidaas
darteedna waxaa Cabdiqaasim lagu tilmaamaa in uu
yahay ninkii ugu hunguri xumaa raggaas jagada kala
boobayey, maaddaama uu jagada ka fuqi waayey markii
la doortay mudane Darmaan.
Haatan waxaa loo fadhiyaa shir la marayo heerkii la
dooran lahaa madaxweyne lixaad, waxaana hubaal ah in
jagadaas ay soomaalidu ka dhergeen oo maanta
xiisihii 1991 loo qabey aan loo qabin, maxaa yeelay
waxaa lagu daaley tirada madaxweyneyaasha iska soo
badagurmayey iyo in aysan jagadu maxba ku soo
kordhin dalka in ay uga darto mooyaane.
Waxaa la ogaadey soomaalidu in ay labo dabeecadood
leeyihiin. Midda kowaad in ay jecel yihiin jagada
madaxweynaha, waxaana laga yaabaa 21 sannadood oo uu
dalka ku qayilayey shiikh Maxamed Siyaad Barre in
loo maleeyey in ay jagadu ninkii qabta u kordhinayso
in uu dadka kale xirxiri karo oo uu layn karo iyo in
uu dadka iyo dalka xoolohooda iska qaadan karo.
Waxaa intaas dheer in heeso lagu ammaano in kasta oo
Maxamed Siyaad ammaantii iyo caydii loo geystey
aysan kala yarayn, oo ay weli cay badani ku socoto
asaga oo mootan.
Dabeecadda labaad oo soomaalida lagu bartay waa in
aysan aqoon madaxweynaha wax lagu sameeyo, ee ay
iska rabaan wax aysan garanayn, isla markaas aysan
xil sidaas u weyn hanan karin. Shantii madaxweyne oo
dalka Soomaaliya sheegtay sannadihii la soo dhaafay
waxay ka sinnaayeen hal dabeecad, waxayna ahayd in
uusan midna dalka u samayn boolis hal xaafad keli ah
xataa nabaddeeda suga, taas oo ay soomaalidu ku
macneeyeen in aysan madaxweyneyaashu aqoon u lahayn
sida loo sameeyo, oo ay sameeyeen waxii ay
yaqiinneen.
Waxay ahaayeen madaxweyneyaal yaab leh oo raalli ka
ah in xaafadda ay deggan yihiin dumarka lagu
qabsado/kufsado, isla markaas meel kasta oo uu nin
madaxweyne soomaaliyeed sheeganayaa ka dhow yahay
waxaa ku batay tuugta iyo isbaarooyinka. Mar kasta
oo laga fogaado meelaha ay madaxweyneyaasha
jamhuuriyadda Soomaaliya joogaan waxaa loo
dhawaanayey nabad iyo xasillooni, mar kasta oo
madaxweyneyaasha loo soo dhawaadana waxaa lala
dersayey kufsi, dhac, tuugo, dil, daroogo iyo lacago
xaaraan ah.
Maqaalkaan waxaa ”khayr” loogu bixiyey in
xildhibaanokusheegga wax dooranaya iyo ummadda
soomaaliyeed loogu baaqo in ay doortaan madaxweyne
ka khayr roon shantii hore, oo aan raalli ka ahayn
in uu dalka Soomaaliya ku sii jiro sida uu maanta
yahay iyo in la xishoodo oo aan la noqon xoolo iska
daaqaya oo aan wax ay laqaan ma aha ee dareen iyo
caqli kale lahayn.
Ujeeddada barlammaan iyo dawlad loo sameeyaa waa in
ay shacabku helaan boolis ay u kala dacwoodaan, oo
xukuumaddu ay dadka kala celiso iyo in ay hay’ad
kastaa baahida ummadda oo loo sameeyey ku shaqayso.
Sidaas awgeed markii aad wax dooranaysid ama aad wax
taageeraysid macnuhu waa in aad hoggaan u
samaynaysid dadkii fulin lahaa danaha aynu kor
sheegnay.
Marka Soomaaliya dawlad loo samaynayo iyo marka
qabiilkaaga isim loo caleemo saarayaa aad bay u kala
duwan yihiin. Isimka waxaa shardi ah in uu
qabiilkaaga ka dhashay, laakiin madaxda dawladda
shardi ma aha in ay kula qolo yihiin. Dadka isimka
caleemasaaraya oo taageerayaa waa ciddiinna keli ah,
laakiin barlammaanka madaxweynaha dooranayaa wuxuu
ka kooban yahay qabiillada soomaalida oo dhan. Danta
isimka loo dooranayaa waa maslaxadda qabiilkaaga,
laakiin madaxweynaha waxaa loo dooranayaa in uu
hoggaamiyo hawl ummadeed oo la rabo uusan qof ama
qolo xigsan.
Intaas iyo waxyaalo badan oo kale waxay muujinayaan
in aad kala ogaatid danaha qabiilkaaga u gaarka iyo
kuwa ka dhexeeya qabiilooyinka oo dhan. Markii
hay’ad qaran laga hadlayo waa in aad maskaxdaada ka
saartaa in uu madax ka noqdo qof aad isku qabiil
tihiini. Haddii uu madax noqdo qof ka dhashay qabiil
ay ciddiina islaayaan ama ay colaadi dhexmartay
macneheedu ma aha in qabiilkaaga la xumeeyey. In
dawlad qaran iyo barlammaan qaran la sameeyaa
macneheedu waa in ay midoobaan qabiilooyinkii
islaayey, taas uu macneheedu yahay in uu hoggaanka
guud qaban karo qof aan kula qabiil ahayni, waayo
waxaa la rabaa in hal hoggaamiye la yeesho oo uusan
qabiil kastaa hoggaamiye u gaar ah lahaan si loo
helo soomaali qaran ah.
In
aad sidaas oggolaatid adiga oo ku faraxsan waxaa
kuugu jirta xasillooni xagga nafta ah, sharaf iyo
akhlaaq xagga soomaalinimada ah, kalsooni ku
beeranta qabiilooyinka kale oo kula midka ah iyo in
la gaaro qaran xasilloon oo ay carruurtaadu
hooskiisa harsadaan.
Markii aad codaynaysid qof ama qabiil ha ka fakarin
ee waxaad u codaysaa sidii lagu gaari lahaa in
dhulka ay soomaalidu degaan nabad iyo midnimo loogu
heli lahaa. Qof aad adigu gaar u neceb tahay haddii
uu keeni karo dan soomaaliyeed waa in aad xanuunka
nacaybkaaga ku qaboojisaa danta uu keeni karo.
Hoggaamiyeha aad rabtaa muxuu baahida taal ka qaban
karaa, maxayse tahay baahidu? Baahida ugu xun oo ay
soomaalidu maanta qabaan waa in kalsoonidii ay
dhexdooda ka baxday iyo in aysan nabad haysan.
Labadaas in aad raadisaa waa ay ka duwan tahay in
aad qabiilkaaga ka fakartid iyo in aad nin lacag ku
siiyey ama ku siin doona dooratid. In uu qof kasta
oo Soomaaliya joogaa nabad ku seexdo iyo in uu qof
kasta iyo qabiil kastaa dareemo xasillooni iyo
kalsooni sida lagu gaari karo ayaad wax u
taageeraysaa ama u dooranaysaa. Caaddifad iyo xinif
laguma soo celin karo waxa ka maqan soomaalida.
Hoggaamiyaha aad rabtaa dhaqanka iyo fakarka
soomaalida oo dhan intee buu ka og yahay?
Deggaamadooda iyo madaxdooda kala duwan wuxuu kala
socdaa, sidee buuse ula xaajoon karaa? Duruufaha
qallafsan oo ay ka mid tahay in la jillaafeeya sidee
buu uga tillaabsan karaa? Dulqaadkiisa iyo
samirkiisu sidee bay yihiin markii dhibaato shakhsi
ama hawleed ay soo wajahaan? Danta uu u socdo in uu
gaaro ama uu saadaaliyo sidee buu ugu guulaystaa?
Markii duruuf amar adag u baahan la joogo sidee buu
talo adag u qaadan karaa? Nabadda sugiddeeda iyo
soocelinteeda sidee buu ugu mintidi karaa? Ciidamo
shisheeye haddii la keeno sidee buu uga faa’iidaysan
karaa, sidee buuse isugu dubbaridi karaa ciidamo
soomaali ah oo ummadda ka saara dhibaatada maanta
haysata.
Intaas iyo waxyaalo la nooc ah baa wax lagu
taageeraa ama lagu doortaa, ee caaddifadda
qabiilooyinka soomaalidu kala qabaan laguma gaari
karo dan ummadeed. Haddii aad adiga oo aan
su’aalahaas jawaabo u hayn wax dooratid waxaad
lugaynaysaa ummadda, waxaadna dooratay ama
taageertay Cigaal Shiidaad oo shaki qaba, halkii aad
ka taageeri lahayd Wiilwaal oo guul soo hoyin kara.
Qofka la taageero ama aan la taageerin laftiisu waa
in uu si sax ah u fakaraa. In aad is sharraxdid ama
aad jago u harraadan tahay waa arrin sahlan, laakiin
in aad ku guulaysataa waa arrin adag, maxaa yeelay
dadka sharraxan baa aad u badan. Soomaaliya oo dhan
hal qof baa ku guulaysanaya in uu madaxwweyne noqdo,
haddii kale qaran midaysan la heli mayo. Qofkii in
uu adiga noqdo waa laga yaabaa, laakiin haddii uusan
adiga noqon ka warran?
Bal dadka aan sharraxnayn xagga inaga
dhig! Adigu maanta musharrax baad tahay, waxaadna
isu qabtaa in haddii lagu doorto ay aad u fiican
tahay. Waa run oo aad bay u fiican tahay in lagu
doorto maaddaama aad jeceshahay in aad madaxweyne
noqotid. Sababta aad u jeceshay baa qiyaasayaa in
kasta oo aanan qalbigaaga ogayn! Waa in joornaallada
lagugu soo sawiro adiga oo tay xiran oo timaha si
fiican laguugu jaray haddii aadan bidaar lahayn oo
laguu madoobeeyey haddii aad cirroole tahay.
Midda labaad
waa in aad la kulantid madax kale. Midda saddexaad
soomaalida masaakiinta ah baa kaa fakaraya oo
makhaayad kasta magacaaga ayaa oollaan doona, isla
markaas maalintaas ka dib xoogaa awood ah baad xagga
lacagta iyo xagga fulinta leedahay. Dadka ku doortay
waxaa isugu kiin danbaysa markii ay codka ku
siiyaan, oo ”Nin aad duudtey iyo nin aad dooratayba
kuguma ay soo noqdaan”! Codka markii aad ka heshid
waa ”Macasalaamo”, waayo meeshaan waa la kala
xoogsanayaa, oo ilaahay baa kaaga soo sahley in
raadiyaha lagaa sheegay adiga oo ereyga ”madaxweyne”
uu magacaaga ka horreeyo.
Haddii aad sidaas u fakaraysid waxaad tahay nin raba
in dhawr maalmood laga sheekeeyo, dabadeedna la
caayo ilaa maalinta Qoyaame! Carruurta dhalan doonta
ayaa ku caayi doonta, waxaadna tahay maangaab aad u
liita. Ummadda soomaaliyeed baad shan sannadood
lugayn doontaa, waxaadna ilaahay hortegi doontaa
adiga oo saani ah, oo saariq ah, dabadeedna waxaa
saljugle ama madaxmadax laguugu tuuri doonaa cadaab
aadan ka soo bixi karin oo lagugu qufuli doono,
waayo maanta ayaad tahay qof qufulan oo munaafaq
ah!
Haddii aan adiga lagu dooran oo lagaa cod bato
macneheedu ma aha in lagaa fiican yahay, oo dad
codkood laguma qiimeeyo dadka fiicnaantooda iyo
liidashadooda. Adduunka ummadaha badankooda waxaa
hoggaamiya kuwo aan karti weyn iyo dadnimo miiggan
midna lahayn. Qofka codka bixinayaa heerka ay
fakarkiisa iyo caddaaladdiisu gaarsiisan yihiin iyo
aqoonta uu dadka uu kala doorayo u leeyahay aad bay
u hooseeyaan ama aad bay u sarreeyaan, isla markaas
ujeeddada wax loo dooranayo waxaa laga yaabaa in
uusan isweydiin ee uu adiga ama nin kale isaga jecel
yahay si nacasnimo ah, ama uu qof ama qabiil iska
neceb yahay.
Haddii nafley sidaada oo kale waji dad leh, oo labo
lugood ku socdaa ay kaa cod bato ma xanaaqaysaa?
Awal shirka ma waxaad u soo aaddey in adiga lagu
doorto keli ah? Haddii aad sidaad u fakaraysid in
lagu doorto uma aad qalantid, waayo danta ummadda
soomaaliyeed adiga keligaa kuguma ay xirna ee dadka
oo dhan baa kula wadaaga. Haddii soomaalida uu qof
kastaa dawladnimada ku xiro in uu asagu madaxweyne
noqdo yaa shacab noqonaya, yaase jidadka dalka
nadiifinaya? Haddii lagaa cod bato waxaa loo baahan
yahay dad badan oo ninkii codka helay iyo dawladda
la shaqeeya oo taageera, ee maad kuwaas ka mid
noqotid si loo helo nabad iyo khayr? Ereyga ”khayr”
ma wuxuu ku xiran yahay in adiga lagu doorto mase in
ay ummaddu midnimo hesho?
Ma
og tahay in qofka la doortay laftiisu uu isla fiican
yahay sidaad oo kale? Qof kasta ayaa isla fiican!
Su’aal baa ku weydiinayaa. Haddii aad aragtid nin
jaahil ah, oo nacas ah, oo foolxun, oo qaba naad
fiican oo fiican ma waxaad ugu xanaaqaysaa ”sidee
buu u helay”! Adiga waxba lagaa weydiin mayo sidii
uu u helay ee waxaa lagaa rabaa in aad ninkaas
miskiinka ah naagtiisa u daysid. Wax ”maqaaddiir” la
yiraahdo ayaa jira, oo dadka wax dooranayaa
maqaaddiir bay raacayaan, waxaana laga yaabaa in ay
doortaan qofka ugu karti liita dadka shirka jooga.
Dadka muhiim ma aha in uu hoggaamiyo qofka ugu
fiicani ee waxaa muhiim ah in ay midoobaan. Qof
kasta oo karti leh dadnimadiisu wax ma ay hirgelin
karto haddii uusan haysan ummad midaysan, laakiin
qof nacas ah haddii la taageero waxaa shaqaynaysa
taageerada iyo midnimada. Dad midaysan waxba kama ay
xumaan karaan, dad kala daadsan oo isxumaynayana wax
uma ay socon karaan.
Waxaynu xooga ka hor soo ishaarnay in wax kasta oo
madax dad iyo labo lugood leh haddii shirka Nayroobi
ay xildhibaannada qabiilladu u codeeyaan la taageero
si loo yareeyo khilaafka joogtada ah oo ummadda
soomaaliyeed soo diloodey. Haddaba taageero qaawani
waxba ma ay tarto ee waa in ay jiraan talooyin uu
qof kastaa aragti ku leeyahay iyo dano haddii la
waayo aysan taageeradu sii jirayn.
Aragtida ay shacabka badankoodu qabaan waa in waxii
Nayroobi ka soo baxa markii Soomaaliya lagu celinayo
ay xarun ka dhigtaan magaalada Kismaanyo iyo in
koofurta Soomaaliya la geeyo ugu yaraan labaatan kun
oo ciidamo Afrikaan ah ah. Inta aan barlammaanka iyo
dawladda Soomaaliya loo rarin waa in ciidamada
Afrikaanka ah iyo ciidamo soomaali ah oo meelaha
nabadda ah laga keenay laga soo buuxiyaa gobollada
koofurta sida Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka,
isla markaas malaysiyooyinka dhulalkaas joogaa hubka
ay hayaan gacanta ciidamada la geliyo, ayagana la
ciidameeyo haddii ay rabaan.
Lixda bilood oo ugu horraysa haddii aysan xarunta
Kismaanyo iyo gabolladii aynu soo sheegnay
nabadoobin waxay dawladdu noqonaysaa mid aan ka
turjumayn baahida ummadda soomaaliyeed, waxayna
taageeradii shacabku isu rogaysaa mucaarid diirran,
oo aan dacaayad riqiis ah ahayn ee lagu caddaynayo
in aysan madaxda la doortay rabin in ay soo noqoto
nabaddii iyo midnimadii Soomaaliya.
Lixdaas bilood ka dib waa in loo soo jeestaa
nabadaynta Hiiraan iyo labada Shabeelle iyo in la
isku daro ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.
Markii sannadda 2005 dhammaadkeeda ay hawlahaasi
qabsoomaan waxaa loo soo jeesan karaa sidii hubka
iyo isbaarooyinka looga xaaqi lahaa Banaaddir ayada
oo shacabka la kaashanayo iyo in si sugan loo
xaqiijiyo arrimaha fedderaalnimada Soomaaliya.
Arrimaha bulshada waxba lagama qaban karo muddadaas
la nabadaynayo degaanka Soomaaliya, mana ay shaqayn
karaan hay’ado rasmi ah oo aan ahayn ciidamo,
waxaana mudnaanta kowaad lahaanaya heshiisiinta iyo
dhammaynta khilaafka ciddii wax hoosta ka tabanaysa
sida qabiilooyinka Woqooyiga qaarkood.
Waxyaalahaas oo dhan haddii aan lagu xaqiijin muddo
ugu badnaan 2 sannadood ah waxay caddayn u tahay in
aysan dawladda iyo barlammaanku daacad ka ahayn in
ay Soomaaliya hagaagto, ee ay yihiin kooxo
musuqmaasuq ah, oo tumasho iyo tuugnimo ku fushanaya
magaca ummadda soomaaliyeed ama dano qabiil oo liita
hoosta ka wada.
Haddii ay nabadaynta iyo heeshiisyada soomaalidu
sidaas u dhacaan waxaa lagu xijin karaa bidudhiska
dalka iyo sidii loola dagaallami lahaa qabyaaladda,
oo laga bilaabayo in mustaqbalka dhow la helo
barlammaan soomaaliyeed oo ka socda degmooyinka ee
aan sida midka xunka ah oo maanta jira qabiil salka
ku hayn. Federaalnimada iyo in degmooyinka xorriyad
loo siiyo sidii ay xildhibaannadooda kula iman
lahaayeen waa in xoogga la saaraa, isla markaas lagu
guulaystaa tirakoob run ah oo lagu qanci karo, si ay
u dhammaadaan kutirikuteenta iyo caaddifadda
qabyaaladdu.
Jidkaas cagaaran oo loo marayo nabadda iyo midnimada
soomaalida haddii laga leexdo, annaguna waxaannu ka
leexanaynaa jidka taageerada, waxaana lagu
raadjoogsanayaa daallin kasta oo magaca soomaalida
jeebkiisa iyo jeebka qabiilkiisa ama
dabadhilifyadiisa ugu daneeya. Qalinka iyo afkaba
waxaannu ku taageeraynaa ciddii marta waddadaas
macaan oo aannu kor ku soo sheegnay, ciddii ka
leexatana waxaa la tegaya webiyaal qoraallo iyo
gabayaal ah oo laga soo afuufo shacabka dulman
maskaxahooda iyo dareenkooda.
Shaafici Xassan Maxamed
mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan