SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

RAJADA SHIRKA SOOMAALIDA: RAJO IFTIIN BADAN  iyo XILIBAANADA SOOMAALIYEED OO MUUJIYAY IN SHIRKU NOQON KARO MID MIRO DHALA

axmeddheere65@hotmail.com  Axmed Muuse Cabdulle (Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

 
 
Guud ahaan marka aad eegto qaabka iyo himilada xilibaanada soomaaliyeed iyo rajada ay ka muujinayaan in ay Doortan madaxwayne bulshada soomaaliyeed ka samata bixiya sanadihii colaadaha iyo muragada ayaad adiguna dareemi in aysan rajadu saa u sii xumeen  

Waxaa jira kulamo is daba jooga oo ay xilibaanada soomaaliyeed la leeyihiin musharaxiinta u sharaxan xilka madaxwayne nimo ee soomaaliya , 

Dhinaca kale xilibaanada soomaaliyeed ayaa isku muujinaya kal sooni is ixtiraam iyo isku dul qaadasho xiliyada ay leeyihiin kulamada baarlamaanka , 

Xilibaanada soomaaliyeed waxa ay kasoo kabanayaan labo sanadod oo ay u fadhiyeen shir iyaga oo in badan ku fakari jiray in ay ka mid noqonayaan ama helayaan mansabka xilibaanimo , 

Xilibaanada soomaaliyeed waxa ay soo mareen xiliyo walwal iyo murugo badan waxa ay soo mareen iyagoo laga xirtay goobaha ay ka daganaayeen wada hadalada soomaalida waxa ay soo mareen iyaga oo dhinaca raashiinka laga xayiray waxa ay ku wa bariisteen Ergooyin soomaaliyeed oo Meeyd ah oo dhinaca amaankooda ka fakareen in badan  

Helitaankooda xilibanimo waxa ay gashay surun cariiryoon oo mugdiya waxaana qarkood ciil iyo tiiraanyo baday Hogaamiyaasha siyaasada , 

Dhab ahaantii xilibaanada soomaaliyeed waxa ay ku kal soonyihiin xilkooda qaran  iyaga oo saadaalinaya in soomaaliya ay heli doonto doowlad dadka iyo dalka soomaaliyeed ku hagi doonta wadada nabada  

Xilibaanada soomaaliyeed ee DrsSakiyo Cabdi Salaam Caalim waxa ay ii sheegtay in ay umada soomaaliyeed u rajeeyneeyso guul iyo faraxad waxa kale oo ay xilibaanada soomaaliyeed Wabkan u xaqiijisay in ay dhamaadeen qabiileeysi kooxeeysi iyo is gaashaan buursi hadana loo gudbay dhisda qaranka soomaaliyeed , 

Dhinaca kale waxa aan wax ka waydiiyay Xilibaanada Drs Caasho Xaaji Cilmi  oo iyadu mudo badan ku dhax jirtay wada hadalada soomaalida kana qayb qaadatay shirkii wadanka Jabuuti Magaaladiisa Dahabiga ah ee Carta  

XilibaanDrsa Caasho Xaaji Cilmi waxa ay aheed oo lo doortay shir gudoonka beesha Hawiye iyada oo ku heshay kartideeda iyo aqoonteeda siyaasadeed Hadaba Drs Caasho Xaaji Cilmi waxa ay noo sheegtay in rajada shirka ay aad ufiicantahay iyada oo carabaabtay in ay dooran doonaan madaxwayne tayo leh iyadoo sheegtay in ay ku guuleesteen in ay doorteen Gudoomiyhii Baarlamaanka Faderaalka ah iyo ku xigeenadiisa waana guul lagu farxo ay tiri Xilibaan Drs Caasho Xaaji Cilmi  

Dhinaca Xilibaan Jaamac Cali Jaamac ayaa muujiyay rajadiisa isagoo sheegay Xilibaanku in uu rajeeynayo in lagaaro guusha ugu qiimiga badan taasi oo uu ku tilmaamay in ay doortaan madaxweeyne , 

Jaamac Cali jaamac waxa isagu uu ka mid yahay Musharaxiinta madaxweeyne ee Soomaaliya rajadiisa iyo qabanqaabadiisuna wa mid aad u sareeysa oo la oran karo waa ka guul gaari karaa hamigiisa ah in uu  noqdo madaxwaynaha soomaaliya  

Xilibaan Drs Fahma Axmed Nuur  oo iyadu ah xilibaanad ku firfircoon xilkeeda ahna xoogheenta shirka oo ah haweeneey ku caana cadaalada iyo udagaalanka xaqa ayaa iyaduna noo sheegtay aragtideeda shirka kuna tilmaamtay guul aan khiyaas la heen ayna fileeyso in ay guushi sii dhamees tirmi doonto marka la doorto madaxwaynaha soomaaliya , 

Dhinaca kale saraakiisha urur goboledka IGAD ayaa iyagu farxad la jiifa oo ku jira na siino ka dib markii ay soo mareen sanado Buuq iyo is heeysasho badan  ku dhamaaday  

Waxaa taageeray shirka soomaalida Midoowga Afrika Midoowga Yurub Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay iyadoo guusha hada uu shirku marayo ay tahay mid isi soo tareeysa oo cid waliba ay muujineeyso rajo fiicann


Eng,Siyaad Maxamed Nuuryare Madaxa Kooxda Nabada Somaliyeed Somali Peace Group umada soomaaliyeed waxa ay u baahantahay nabad

hadaanu nahay Kooxda Nabada Somaliyeed waxaan salaan Guud u direynaa dhamaan shacbiga Somaliyeed gaar ahaan kuwa nabada jecel

waxaan u hambalyeynaynaa hogaamiyayaasha somaaliyeed ee dhamaantood ka wada shaqeynaya maanta Nabada iyo Dib U Dhiska dalkooda waxaan xusid mudan sidoo kale Ra'yiga wanaagsan ee maskaxda fiican ka yimid ee ay soo saareen Aqoonyahanada ku shiray Kenya iyadoo aan tixraacayno wadada wanaagsan ee ay noo tilmaameen aqoonyahanadeena kana faaiideeysaneyna dadaalka iyo heelanaanta Beesha caalamka iyo wadamada gobolka ayaan shacbiga somaaliyeed waxaan usoo jeedineynaa inay u wada istaagaan Nabada taasoo ah furaha koowaad ee Guusha shirka Somalida uga socda kenya iyo Dowlada ka soo baxda
waxaan leenahay ummada Soomaliyeed Maanta waxay u baahantahay Nabad waana in muwaadin walibaa meelkastuu jooga mudnaanta koowaad siiyaa nabada iyo dib u dhiska dalkiisa waa inaan xusuusanaa dhibaatooyinkii ay soo mareen dadkeena waa in shaqsi walibaa si gaar ah isaga xilsaaraa fahamsiinta ummadeena baahida loo qabo Nabad aan shuruud ku xirnayn waxaan ayidsanahay hadaanu nahay Somali Peace Group (SPG)

talooyinkii aqoonyahanada iyadoo aan qabno inay tahay furaha guusha ee aan ku hanan karo haybadeenii qaranimo waan in laga gudbaa isqabqabsigii iyo qaladkii la soo gudbay loona jeedsadaa oo la raacaa wadada nabada iyadoo loo marayo Iscafis guud oo umadu isu sameeyso waxaan u hambalyeynaynaa Barlamaanka Cusub ee Somaliya iyo masuuliyiinta loo doortay waxaanu lenahay noqda kuwa ku haga shacbiga somaliyeed wado Cadaalad iyo sinaan taasoo soo celisa nidaamkii dowladnimo waxaad qaadeen masuuliyadii qaran waana inaad ka soo gudubtaan habkii Qabiilka ee la idinku soo doortay balse u gudbtaan wejiga masuuliyadeed ee aad qarankiina u haysaan waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan beesha caalamka gaar ahaan urur Igad, IPF iyo beesha caalamka intii gacan ka geeysatay soo celinta qarankeenii lumay mudada ka badan 14-sano waxaan leenahay dhalinyarada somaaliyeed waa in aad ka faaiideeysataan fursadaan oo aad wax ka dhistaan qarankiina kana baxdaan kooxeysiga iyo nidaamkii sharci darada dowlada somaaliyeedna waa inay muhiimada koowaad siisaa bulshada Rayidka ah gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo Caruurta
waxaan la garab istaagi doonaa dadaalka beesha caalamka wixii aan awoodno ee wacyigelin ah bulshadeena inagoo u marinayna Idaacadaha iyo Bogaga somalida  fariimo Nabadeed

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2004


»Cidlada anaa isdhigey ee cidna eersanmaye! [Alhassani]
»Dagaalka Xasan Dahir Aweys ka weyn Jubooyinka! [Dirir]
»Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya, ayaan xalay ku riyooday
»NIN AAN KUU FURIDOONIN YUUSAN KUU RARIN [Cumar]
»Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ololihiisii 1969 iyo kan 2004 [Faarax]
»
Galayax iyo Gabayadii [Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»
SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»
Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]


Guurka Wanaagsan iyo Furiinka: Xaaladda Soomaaliya... Qormadii  Axmed Qaasim Faarax

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD