SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MPLS

   
Bayaan ka soo baxay wax garadka Jifida Reer ismaaciil ee Carab Saalax 

Bayaan ka soo baxay waxgaradka odoyaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, culumaa’u diinka, iyo ururka haweenka Jifida reer ismaaciil ee carabta maxamuud saalaax(Meheri) shir ay ku qabteen gudaha iyo debedda, waxay umadda soomaliyeed meel walba ay joogaanba gaar ahaan beela dhaqameedyada, gaar ahaan kuwa puntland, sida gobalada bari nugaal mudug sool iyo sanaagba in aan kalsoonidii suldaanimada kala laabanay suldaan C/qaadir Faarax Shabel hadaan nahay jifida reer ismaaciil ee carab maxamuud saalax (Meheri).

Waxyaalaha sababay inaan kala laabano kalsoonida waxaa ka mid ah

  1. maqal la’aan, tix galin la’aan beesha wax garadkeeda iyo xushmad la’aan aad u badan
  2. Sida aad la socotaanba beesha Meheri oo ka mid beesha 5aad ee shirka nayroobi wax ku qaybsaday, kana  madax banaan qabqablayaasha, nasiib daro waxaa dhacday in ergadii ay  beeshu lahaayeen inuu gacantiisa ku qortay qabqablaha c/laahi yuusuf ayna  masuul ka yihiin arintaa kaba qaadkiisa C/laahi cali cumar daad iyo suldaanka maqaar saarka ah suldaan C/qaadir faarax shabel.
  3. Markii laga tagay ergadii Meherigu u soo dirsadeen inay u matalaan baarlamaanka laguna badashay rag C/laahi yuusuf u ah dabadhilifyo, caada qaatayaal ah, arintaas oo ku salaysan inay codka isaga siiyaan, kuwaas oo aan beesha matalin, sidaa darteen beesha Meheri waxay arintaas ku riday niyad jab iyo fadeexo, waxaana ceebtaa dhabarka u ritay Generaal c/laahi cali cumar daad iyo Suldaan cabdiqaadir faarax shabeel.
  4. iska hor keen iyo isku dir beesha dhexdeeda ah, iyadoo beela dhaqameedka lagu yaqaano nabad iyo samaan ka talin.

Intaa dabadeed, afhayeen u hadlay beesha reer ismaaciil oo magaciisu yahay Cali Axmed Maxmud kooshin waxa uu xusay meesha fadeexadaasu ka dhacday inuusan joogin Suldaan cabdilaahi nuur(suldaan carab duur), oo shirkaan shirkii ka horeeyey ee lagu qabtay tuulada carta ee dalka jabuuti wax ku qaybiyey si cadaalad ah, una soo dhiciyey xuquuqda beesha Meheri. 

Haddaba wixii faahfaahin ah kala soo xiriir Afhayeenka beesha reer ismaaciil- Cali Axmed Maxamuud Kooshin Tal: 612-344-1574 ama ku dir emailka akhifilah@yahoo.com

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2004


Gen Morgan oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Nairobi
iyo Kulankii baarlamaanka ee maanta oo looga hadlay is diiwaan galinta musharaxiinta...
Guji...


aidsSOMALITALK JAWHAR:: WARAYSI GABAR SOOMAALIYEED OO QABTA CUDURKA AIDS-ka
»Reerkii ay ka dhalatay gabdhaas oo go’aan la yaab leh ka gaaray iyo war naga soo gaarey Jawhar waraysiga ka dib
Guji
Silsiladda Taariikhda Islaamka::
Muuqaal Guud oo ku saabsan Carabta: Nabiga (scw) Kahor Qaybtii 2aad ee Qormadii Shiikh C/risaaq
Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa
Guurka Wanaagsan iyo Furiinka: Xaaladda Soomaaliya... Qormadii  Axmed Qaasim Faarax

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD