SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

CIIDAMADA SOMALILAND OO SOO GAADHAY MEEL HAL KILOMETER U JIRTA LAASCANOOD

Yagoori: Sida Wararka ka soo baxaya Magaalada Yagoori ee Xarunta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland qeexayaan, waxaa Maanta gelinkii dambe soo gaadhay meel qiyaas ahaan u jirta 1 Kilometer Magaalada Laas-Canood ee xarunta Gobolka Sool Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sida warar ku dhaw dhaw taliska guud ee Ciidamada Aaga Beri ee Jamhuuriyadda Somaliland sheegayaan Ciidamadu waxay bilaabeen ruqaansi hore oo aaga hore ee ku beegan Magaalada Laas-Canood, iyada oo aanay ka hor imanin wax iska caabin ah, lama garan karo in Ciidamada Qaranka Somaliland ay gudaha u galayaan badhtamaha Magaalada iyo inkale, dhinaca kale Wasaaradda Gaashandhiga ee Somaliland ayaa ka gaabsatay inay wax tafaasiil dheeraad ah ka bixiso hawl-gallada ugu dambeeyey ee ay Ciidamada Somaliland ku dhaqaaqeen.


Mid ka mid ah dhuumaha B-M-ka oo loo dhaqaajiyey dhinaca l/canood
 

Muddo Afar Cisho ka hor ah ayaa sida laga warqabay waxa ay Xukuumadda Somaliland ku eedaysay Maamulka Puntland in ay ka dambeeyeen Mu'aamaradayn loo sameeyey Taliyaha guud ee ciidamada Qaranka Somaliland oo lagu Rasaaseeyey meel ka baxsan magaalada Yagoori oo qiyaas ahaan u dhaw tuulada Adhi-Cadeeye.

Muddo todobaad ka hor ah waxaa ka yimid magaalada Hargeysa wefdi uu hogaaminayo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia, sida warar ku dhaw dhaw sheegayaan wada hadal dhex maray Madaxweyne Riyaale iyo Safiirka ingiriiska waxay isla soo qaadeen dhibaatada coladeed ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland, laba cisho dabadeedna waxaa u ambabaxay gobolada beriga Somaliland wefdi balaadhan oo ka socda Taliska guud ee ciidamada qaranka Somaliland oo uu hogaaminaayo Taliyaha Guud ee ciidamada qaranka Somaliland, sidoo kale labadii bilood ee ugu danbeeyey ayaad ka dheehan-karaysay taliska guud ee ciidanka Qaranka Somaliland abaabul Balaadhan, iyada oo uu Madaxweyne Riyaale ku booqday Taliska warbixinana ka dhegaystay ciidamada qalabka Sida ee Somaliland.

Saxaafadda Somaliland iyo Puntland ee internetka ayaa iyaguna dhinacooga midiba midka kale is weydaarsanaya kelmado aan haboonayn in colaadda lagu sii kiciyo oo haboonayd in la dejiyo wakhtigan xaadirka ah, maadama oo dadka halkaasi ku naf waayaya ay yahiin dad walaalo ah oo isku ilmadeer iyo adeer ah, waxaan usoo jeedinaya Saxaafadda labada dhinac in laga soo dhawaado mawqifka Halkaasi, bal u fiirso tusaale ahaan laba bog oo ka tirsan kuwa Somaliland iyo Puntland.

WEBSITE LAGA LEEYAHAY SOMALILAND "Maamulka uu gacanta ku hayo Gacan ku dhiigle dadkiisa xasuuqay cabdilaahi Ilka yey ayaa weerar ku soo qaaday taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland.:::::::

WEBSITE LAGA LEEYAHAY PUNTLAND  "Ciidamada uu madaxda u yahay Basaas Daahir Riyaale kaahin ayaa daan daansi ka wada meel u dhaw magaalada Laas Canood"

Waxaa soo diyaariyey

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2004


»Cidlada anaa isdhigey ee cidna eersanmaye! [Alhassani]
»Dagaalka Xasan Dahir Aweys ka weyn Jubooyinka! [Dirir]
»Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya, ayaan xalay ku riyooday
»NIN AAN KUU FURIDOONIN YUUSAN KUU RARIN [Cumar]
»Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ololihiisii 1969 iyo kan 2004 [Faarax]
»
Galayax iyo Gabayadii [Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»
SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»
Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]


Guurka Wanaagsan iyo Furiinka: Xaaladda Soomaaliya... Qormadii  Axmed Qaasim Faarax

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD