Khalid
wuxuu kusoo biirey xifdiga Qur’aanka.Wuxu ahaa wiil yar oo xishood badan,
dagan,. Wuxuu kuwanaagsana xifdinta iyo muraajacada Qur’anka. Dadka oo
dhan ayaa jeclaadey sida uu Diinta ugu dadaalayo awgeed.Macalinkiisii
Qur’an oo kahadlaya arintas wuxuu yiri:
Wax ceeb ah kuma aanan arag ilaa marka laga
reebo maahsanan iyo fikir farabadan sida qof ay wax kamaqanyihiin.
Maalin ayaan ukaxeeyey dal xiis yar xaga bada. bal waa intaas oo sirta
weyn ee wiilkan yarka ah kuqarsoon, baddan weyn kula kulmo dareen kasoo
saara sirta weyn ee kuduugan ee uu lafikirsanyahey.
Waxan is-hortaagay wiilkan yar ee aamuska
badan , waa jawi gabigiisba wada aamusan!!
Waxyar kadibna waxa kasoo fakatey ilmo
kulal iyo hinraag…waa Khalid oo oynaya. Waxan jecleystey in aanan
oohinta macaan ku kala goyn waaba intaas oo ay dajiso dareenkiisa.Waxyar
kadib wuxuu yiri:
“Waan idin jeclahay, Qur’aanka waan
jeclahey,dadka Qur’aanka waan jeclahey… laakinse Aabahey! Aabahey had
iyo jeer wuxu iiga diga inaan idin raaco, wuu idinka cabsi qaba, wuu
idin necebyahey. Adinka dartiin ayuu iila coloobey; isagoo soo
daliishanaya sheekooyin aan sal iyo baar laheyn! Ani ahaan markan waxan
kheyr aheyn idinkuma arkin, Qur’an akhris, waji kheyr kamuuqdo iyo hadal
wanaagsan.
Markan kusoo biirey taxfiidka Qur’anka,
waxan dareemey raaxo iyo sakiinah aan horey uhelijirin! Waxaan
kudadaalaa inaan xifdiyo Qur’anka habeyn iyo maalinba.
Aabahey wuxuu dareemey isbadalka kuyimid
noolasheyda. Si’uu ku ogaadeba inaan taxfiidka tago oo aan wadaadada
saaxibo kadhigtey!
Habeen habeenada kamid ah
Waxan sugayney inuu kasoo laabto maqayadaha
iyo sheekeysiga saaxibadiis sida ay caadadu aheyd, waxanu sugi jirney
inta uu kasoo laabanayo si’uu noola casheeyo. Wuxuu guriga lasoo galey
waji ay caro iyo xanaaq kamuuqato. Waxan wada fariisaney xeeradii
cashada. Dhamaan waa la wada aamunsanyahey sidii ay caadadu aheyd cabsi
laga qabo. Qof waliba wuxu kabaqayaa inuu hadalo isagoo jooga. Waxyar
kadibna waxaa xeraga goostey aamuskiisii markii uu iweydiyey:
Waxan maqley inaad lasocoto waddaado! Carabka ayaa hadalka soo
dhifan waayey,codkii ayaa iga lumey, jawaab igama sugane wuxuu soo
qaadey Ibriiq(kildhi) wajiga ayuu iiga dhuftey. Dhulka ayaa ila
wareegey, kadibna dhulkaan kudhacay. Waxa kor ii qaadey hooyaday.
Gacmaha hooyadey ayaan kusoo miyirsadey; waxan sii maqlaa cod leh:
Faraha kaqad,haddii kale wixii isaga kudhacay ayaa…!Hooyadey gacmaheeda
ayaan kadhexsiibtey oon uguur-guurtey xaga qolka jiifka- isagoo igu sii
sagootinayo aflagaado iyo cay tan ugu fool xun.
Maalin alle keeno, wuu idilaa, wuu icaaya,
laad iyo feer ayuu igala daala; wax alle iyo wixii gacantiisu haleesho
iigama turo- ilaa uu jirkeygu noqdey bar cad iyo bar madow.Waan karhay,
waxaan uqaadey xiqdi iyo xumaan.
Maalin maalmaha kamid ah,anagoo dul
fadhina cashada ayuu igu yiri: “Istaag oo hanala casheyn”
Inta aanan kicina isaga ayaa istagey oo wuxuu ila fuuley laad iyo feer
ilaa aan kuhabsadey saxanka dushiisa. Waxaan ismoodsiiyey inaan
kuqaylinayo wajigiisa oo aan kuleeyahey: Waan kaa aar goosandoona,
waan kudilidoona sida aad ii dileysid. Waan kucaynaya sida aad ii
cayneysid… waan weynaandoona ….waan xoogeysandoona.. Adna waad gaboobi
doonta, waad taag dareen doonta... Markaas ayaan kugu samayn doona waxa
alle iyo waxa aad igu sameyneysid maanta!!!
Kadibna guriga ayaan orod kaga baxay. Waan
iska ordaya, meel aan u ordayana ma ogi… ilaa aan soo dul istaagey
baddan, halkan aan taaganahey. Musxafka ayaan kudul habsadey anigoo
akhrinaya… ilaa aan wadi waayey oohin darteed!!!
Intaas marka uu marayo waxaa kasoo‘gobo’
tiri ilmo!Yaab iyo amakaak ayaa iga soo harey; hadalkii ayaa iga soo
bixiwaayey. Ma waxaan layaabaa ‘abahan’ dugaaga ah ee qalbigiisa
naxariista laga qaadey, mise waxan layaaba ‘wiilkan’ yarka ah ee
ilaahay hanuunka ladoonay ee waalidkiisu ladiidanyahey! mise
labadoodaba… xariirka wiilidnimo ee kala go’ay ilaa uu noqday sida
xariirka kadhexeye waxarta iyo dawaacada,ama dhurwa iyo libaax?!!
Gacanta ayaan qabtey anigo ilmada
kamasaxay, waxaan iskudayey inaan samirsiiyo. Allah ayaan kheyr
uweydiiyey, waxana kubooriyey inuu waalidkiisa u ixsaan falo, dhibtiisa
udul qaato.
Waxan ubalan qaadey inan walidkiisa
lakulmidoono, kalana hadlidoono arintan.
Mudo marka ay kasoo wareegtey, waxan
kumashquulsanahey sidii aan Khalid aabihiis mowduucanna ugula
hadlilaha,iyo sidii aan isu barilahaa marka hore.
Ugu danbeyntiina, waxan go’ansadey inaan
qaabilo wixii kadhacaba ha kadhaceene.
Gurigisii ayaan abaarey, ayadoo gacanta
igariireyso , wadnuhuna I,boodayo; albabkii ayaan gar-garaacey, talow
muxu idhihi doona! Waa kan Khaalid aabihiis oo albaabka furay mise waxa
ihortaagan waji careysan oo indhihiisa shar kamuuqdo. Inta aandhoolo
cadeeyey ayan isku dayey bal inan caradiisa iska yareeyo oo aan soo
jiito! Intan hadlinba, wuxuu ilaacay kalarka(kuleetiga).
Markan kusigtey inan cagaha dhulka kaqaado
ayuu igu yiri: Ma adigaa wadaadka Khaalid wax kubara masjidka? “MM…Aa….arrrr”
Ayaan kuhantaatacay. ‘sikumeelgaaer ah ayuu dhulka iigu soo celiyey’
wuxuna yiri: “Walaahi haddii aan kugu arko adigoo Khaalid lasocdo luguha
ayan kaa jabinaya;Khaalidna idin iminmaayo maanta kadib.
Inta wixii uu afka kuhayey ee candhuuf
aheyd isu keeney ayuu wajiga iigatufey, albaabkana sinaxariis daro ah
indhaha iiga dhuftey, taas oo aan uqadanwayey inuu intaas iiga harey!
Wajiga ayaan kamasaxay wixii uu iigu
deeqay; dib ayan isaga noqdey anigoo nafteyda kusasabayo “Rasuulkii
ilaheyba waxa lola dhaqmey si sidaas kadaran. Tolkiis ayaana
beeniyey,waa lacaayey,waxa lala dhacay dhegxaan, jirkiisa yaa laga
dhiijiyey waxa dhabarka lagasaarey madheerta xoolaha. Way ceyriyeen oo
waxay kasaareen wadankiisii”
Waxa kasoo wareegey maalmo, bilo,sanado anigoo aan
Khaalid arag.
Habeen salaada cisha kadib anagoo joogna masaajidka
dhexdiisa,
gacan adag ayaa garabka gadaal iqabatey. Haaaah… waa gacantii iqabatey
luqanta mudo kahor… waa wajigiisii... laftiisii… waa muuqaalkiisii… waa
afkii igu tufay waxaanan uqalmin. Hase ahaate, waxaa wajigiisa kamuuqda
isbadal. Wajigii xanaaqsana wuxuu noqdey mid niyad jabsan… jirkii xooga
badna wuxuu laliita tiiraanyo iyo ciil; waxaan ku iri:
“Haye Adeer!”
Oohin ayuu afka furtey! Subxaanahali,waan uqaadanwaayey,ninkii qalafsana
ee xooga badna, goormuu isbadalkani kudhcay! “Hadal adeer, waxaa naftada
kujira soo saar” Ayaan ku iri anigoo ubeer jilcaya!
Xoog intuu
uneefsadey ayuu yiri: Khalid…Khalidkii aad taqaney ma’aha. Khalid
wiilkii aad wanaga ,dagananta,iyo barinimada ku ogayd ma aha. Maalintii
uu idinka go’ay ayuu kuxirmey koox kamid ah kooxaha fasaadka. Wuxu
bilabey sigaar, diley oo cadaabey si’an ugureebo haseyeeshe wax faa’ido
ah kama soo naaso cado! Jirkiisii usha ayuu laqabsaday, cananta iyo
qaylada wuu kuraaxaystaa!
Ninweyn ayuu
noqdey oo aan hadal yeeleyn! Dhafrida habeenka iyo soo dhixistu waa
ucaadi!Iskuulkii waa laga soo ceyriyey!
wuxuu noo
yimaadaa isagoo cabsan oo kuhadaaqaya waxaan lafahmeyn. Jirkiisii ayaa
isbadaley, madow ayaa wajiga kafuuley, indhihiisu waxay noqdeen sida
dabka, qalbigiisii wanagsana,xuman mooye wanaag mayaqaan.
Maalin alle
keenaba waa dagaal,aflagado,feer iyo weerar joogta ah. Bal ufiirso
anigoo aabihiis ah ayuu idilaya”
Halkaa markuu
marayo ayuu hadalkii wadiwaayay oo oohintii ayuu dib ubilabey! Isagoo
ilmada iska tirtirayana wuxuu yiri: “Wiilkeygow, qabta Khaalid!
Gurigeygu waa idin furanyahey;raaliban ka’ahey inuu idin raaco oo idinla
noolado.Waan ku tuugayaa, garka iyo gomoda ayaan kuhaysta! Hadafkeygu
waa inuu Khaalid kusoo noqda wanaagii”
Waxan ku iri: “Adeer
waxa maanta kuhaysto waa waxaad abuuratey mirahoodii; hadana waan
iskudayaya inan bal wax kaqabto oo aan Khaalid lakulmo”
Waxaan
awoodayda isugu geeyay inan Khalid kusoo celiyo shabaabka, jidkii
toosana iyo hanuunkii uu kaleexiyey aabihii iyo saaxibada xun ee uu
maciinka bidey kadib markii laga reebey dadkii wanagsana.
Waxan geed
dheer iyo geed gaaban ufuuley sidii aan Khaalid uhor fadhiisanlaha,
isagana wuxuu ku dadaalay inuusan hortayda iman. Waraaqo iyo fariimo
kala duwan ayan udirey,waxan iskudayey inan kuhorsugo gurigooda hortiisa
saacado badan iyo maqayadaha. Talaabo kasta oo aan qaado, waxay
kudhamataa natiijo la’aan oo kuma guuleysan inaan qaabilo Khalid!
Maalin maalmaha
kamid ah anigoo iska lugeynaya wado,waqti aad ukulul ayaa waxaa horteyda
sikadis ah kasoo baxay Khalid! Isla markiba waan gartey walow uu
isbadaley jirkiisii; isaguna wuu igartey. Inuu iga cararo ayuu isku
dayey. Gacanta ayaan ku dhegay, laabta ayan laabta usaarey “Waxay aheyd
xaalada aad qiiro leh”, Khaalid wuu is-heynwaayey oo afka ayuu oohin
furtey aniguna waan kudarey! Inta dhowr daqiiqo ah ayaan isku dheganeyn
oo aan suuxsaneyn!!!
Guriga ayaan
ukaxeeyey, waxan wada fadhiisaney mudo dheer. Wuxuu iga soo bilaabey
sheekada markii uu dugsiga katagey iyo isbadalkii kadanbeeyey. Waxaan
usheegey inuu aabihiis iga dalbey inaan arintiisa soo dhex galo oo aan
dib ugu soo celiyo xalaqadii Qur’aan. Waxan dareensiiyey inuu aabihiis
imika jecelyahey dadka wanaagsan. Waxan ugu baaqey towbad-nasuux inuu
layimaado.
Waxaan ufarey
albaabyada rajada iyo raxmada Allah inay waasictahey. Waxaan kubooriyey
inuu dib ugu soo laabto masjidkii, xalqadii Qur’anka iyo lasocodka
dadka wanaagsan.
Markaan
kabad-badiyey waanada iyo waxsheegis ayuu oohin ladhacay isagoo leh: “
Ma irumeysaneysa macalin Salmaanow waan jeclahey inaan dib idinku soo
laabto, masaajidkii, Qur’aankii…haseyeeshe ma’awoodo… ma awoodo!
Aabahey, naceybka dadka wanaagsan uu uqabo ayuu kudumiyey waxkasta oo
wanaagsan oo aan samayn jiray.
Waxaan noqdey
qof kunool hadaf la’aan, waxaan weheshadaa mukhadaraadka, filmada xun,
dumarka , soo jeedka iyo safarada. Macalin waqtigii aan soo noqonlahaa
waa tagey, meel aan wax kaqabto majoogo ee iska keydhaafa aan kusocdo
godka modow ilaa aan guntiisa soo taabanayo,Allah uunba og meesha uu
kudhamaan doono”
Inta uusan iga
dhaqaaqin ayuu isoo eegey- eegmo naxariis kujirto; wuxuuna yiri:
“Macalin Salmanow, Allah ii bari inuu ii danbi dhaafo dunuubteyda iyo
jariimooyinka aan gaystey. Habaar aabaheygii ii horseedey naarta
HAAWIYA!”
Kadib wuu iga
dhaqaaqey isagoo ay ilmadu kaqubaneyso, isagood moodo inuu ku leeyahey:
“Waxaas waa wuxuu aabahey gaystey, ma’aha waxaan anigu galabsaday”
Kulankaas wixii
kadanbeeyey aniga iyo Khaalid xiriirkayagu wuu kala go’ay. Aabihiis ayaa
goor danbe ii sheegey inuu kasii darey, caasinimo, micsiyo iyo
mujrinimo. Waxaan ubaryi jirey Allah inuu soo celiyo.
Habeen aad
umadow, salaada subax kahor ayaan guriga kasoo baxay si’aan daawo ugu
soo iibiyo ilmo iga xanuunsanaya. Jidka wuxuu hormara guriga Khaalid.
Waxay isheydu qabatey baabuurta poliska oo hortaagan guriga Khaalid,
gaariga ayaan kadagey waxaan aadey guriga bal inaan soo ogaado waxa
meesha kadhacay.
Waxaan lakulmey
Khaalid walaalkiis oo aad u ooyaya; waxaan weydiiyey waxa dhacay. Wuxuu
ii sheegey masiibada meesha kadhacdey.
Khaalid ayaa
guriga kusoo laabtey waxyar kahor salaada Fajir isagoo sakhraansan oo
isla hadlaya. Albaabka ayuu gar-garaacay, hooyadiis ayaa damacdey inay
kafurto haseyeeshe Khaalid aabihiis ayaa udiidey inay furto.
Khaalid
albaabkii ayuu xoog ugaraacay ilaa uu aabihiis usoo baxay si’uu meesha
ugu cayriyo. Labadoodii ayaa goroda isla galay, aflagaado iyo gacan
kahadal ayaa dhex marey. Khaalid oo aan is ogeyn ayaa weerar kusoo
qaadey aabihiis, odeygiina wuxu bilaabey inuu isdifaacaya ayaa madaxa
kaga dhiftay ul!
Khalid markaas
ayaa miyir ugu danbeysey oo wuxuu jeebkiisa kasoo saarey toorey- odaygii
ku boobay. Dhowr toorey kadib odeygii odaygii dhulka ayuu ku dhacay
isaga oo dhiigu meel kasta boodayo,Khaalidna cagaha ayuu miciinsadey.
Ambalaskii ayaa
yimid, waxaa lala cararey odeygii oo aan dhiman aana nooleyn…intii lasii
wadeyna wuxuu neefsadey tii ugu danbeysey.
Khaalidna waa
lasoo qabtey, waxana loo taxaabay xabsiga si loogu diyaariyo maxkamad
xukunta dilkiisa!!
Waxaan kaqayb
galey Janasada, waxay aheyd mid lala wada qiiroodey oo lawada ooyey.
Markaan sidu sharcigu ahaa uduceeeyey ayaa ku iri: Khaalid aabihiisow
ma imaqleysa…taas waa wixii aad abuuratey… tana waa wixii kasoo go’ay”
Isha sheekadan:
Qisasun murawica, nihaayaatuha mu’sifah
By: Max’ed Amiin
Al-Jundi, daarul iimaan, Alexdaria.
Turjumid:
Abuzuhri Al-Hassan!