SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya, ayaan xalay ku riyooday

Bile Jaamac ( Gaagaale )
Oslo, Norwey
sharmarke10@hotmail.com

145 cod ama vote Danjire Cabdulaahi A. Cadoow iyo 125 Col. Cabdulaahi Yuusuf A.

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Qormadii Wardheere

60-ka qof ee u sharxan, madax-weynanimada Soomaaliya, 5-ta sanno ee soo socoto waxaan shaki ku jirin mar hadii cod-qaadid eey tahay ama vote-bixin lagu kala baxaayo oo xil-dhibaanada 275 inta ka joogto ? madasha Mpagati eey dooraneeyso, sida saadaasha u egtahay; waxaay dad badan la tahay in labadaan " Cabdulaahi " eey iskugu soo hari doonaan, wareega ugu danbeeyo ama saddexaad af-ka baarlamaanka looga hadlo.

Weey dhici kartaa, wareega ugu danbeeyo rag kale in eey soo baxaan, laakiin taas uma eka, runta hadaan isku sheegno, oo sida wax u jiraan ama u dhacaayaan aan ka fiirino, odoro-sida ugu dhaw, waa labaan oday.

Gallup-kaas, ama tira-koob-qaadistaas, ayeey ila tahay mid macquul ah, qof jooga Nairobi ma ihi, mana soo baran macluumaadka "statistikada ama tira-koobka" laakiin, anigana joornaalkii Xidigta Oktoobar, tirikoobkii lagu qori-jiray kama qiyaas xumi sidaan isku arko ama website-yada 300 ah,  ee Soomaalida saadaasha madaxweyne yaa noqonaayo looga sheekeeyo,  kama liito beey ila tahay.

Danjire Cabdulaahi-yow, beesha aan ka dhashay ee Direed, waxaad ka heli doontaa 40 cod taas iga qor aniga, taada Hawiyana waxaan ku qiyaasaa in aad ka heli doontid 50 cod ama vote, beesha Daarood 15, beesha Digil iyo Mirifle 30 iyo 10 beesha Shanaad.

Danjire Cabdulaahi Cadoow, waxaan kuu rajeeynayaa in jagadaas aad noo qaban doontid, 5-ta sanno ee socoto, in sidaad noo sheegtey aad marka hore, hub-ka -qaadista bilaabeeysid, taas ayaan marka hore kugu tijaabin doonaa sidaad uga soo baxdid.

Waa hawl culus runtii, oo eedo badan waa jiri doonaan, laakiin waa dulqaadan doonaa, sannad iyo labo, laakiin nabadda ayaa ugu horeeysa wax kasta oo eey noqon laheeyd oo horumar la sameeyn lahaaba.

Asxaabteena dibadda ku daahay ee waqtiga badan jooga, hadii nalaga rabo in aan Soomaaliya ku soo noqono si joogta ah, oo horumarinta wadankaasna la rabo in aan ka qeyb qaadano, midda noogu weyn waxaa waaye nabad -nabad -nabad.

Cabsida iyo baqashada aan dalkeena hooyo ku soo noqo-shadiisa, ka qaadnay weey ka darantahay cab-sidii Cigaal Shiidaad iyo meel dagaal iyo is-dil ka jiro u lugta la galo.

Gaba-gabo, odayga adeerkeey soomaaliyeed ah ee Col.Cabdulaahi Yuusuf , waa fiicnaan laheeyd in aad mar uun Soomaaliya madax-weyne u noqoto, aniga wax aan ka qabo maba jirto. Laakiin, sida waaqiciga ah, ee muuqato oo cod qaadista ah, uma eka in tirada aan kugu sheegay ka badan eey xil-dhibaanadaan ku siinaayaan, sorry sorry, laakiin mid ogow-se, in taariikh-da buugaagta lagu qori doono, in aad aheeyd qofii ugu danbeeyey ee la tartama madax-weynihii Cabdulaahi Cadow ee 5-ta sanno loo doortey 2004-2009.

Col Cabdulaahi Yuusuf, midna ha hilmaamin dawladaan waa mid "federal" ah, taas macnaheeda waa Puntland oo sideeda u jirta oo aan maamulkeeda la fara-gashaneeynin.

Mana kugu dhaceeyso, sidii Afqanistaan madax-weynaheeda Karzaay oo maalin dhaweeyd ka qaaday duqii magaalada Herat ee mudane Khan oo la yiri waxaan kaa dhigaayaa wasiirka macdanta iyo warshadaha ee Afqanistaan uu asagana diiday- waaba Afqanistaan iyo macdan- waa sheeko beenaad.

Colonelo Cabdulaahi Yuusuf, waxaa tahay nin soo halgamay oo 1964 dagaalkii xabashida lagu siiyey bilad adiga iyo colonelkii kale magaciisa waa iga maqanyahay hadda ee u dhashay Murursade, halgan-weyn baa soo gashay, 6 sanno xarig ah ee Soomaaliya iyo 6 sanno xarig ah ee Ethiopia.

Laakiinse, tan waa mid baarlamaan oo cod bixin ah, weeyna adagtahay in 30kaan wada mujaahidka sheekta ee qabiilka ku saleeysan, in eey kuu ogolaadaan in aad ka heshid tiro ka badan intaan kor ku soo sheegay.

Hadii lagu doortana Coloneelo, qof aan ahayoow, waxba kama qabo, laakiin aniga dastuurka aa ii daran in aan lagu tuman, oo yaa madaxweyne ah, maanta Soomaali ma joogto, ee waa seen nabad ku helnaa, iyo maamul cadaalad ku dhaw oo sidii hore dhaama.

Bile Jaamac ( Gaagaale )
Oslo, Norwey
sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

»Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD