Dagaalka Xasan Dahir Aweys ka weyn Jubooyinka!
A. Dirir
burashadley@hotmail.com
Marka hore waxaa xusid mudan in dastuurkii Carte ee sida waalida ah u taageersanaa Xasan Dahirr Aweys uu la mid yahay kan hadda lagu ansixiyey Kenya, ee muxuuse ninkaan labada dustuur ee isku midka ah uu mid u taageeray , midna uu ku diidan yahay, uuna u leeyehay dawladda soo socota waan la dagaalamaya, dagaalkana hadda ugu jiraa Juboooyinka ?
Diidmada Korneelkii jeelashii cadaabta ahaa ee Siyaad Bare ayaa waxaa sabab u ah isagoo bil kuliyanba diidan in dawladda dalka yeesho, sababtoo ah wuxuu ogsoon yahay in dawald kasta oo dhab ah kana duwan tii Carte ee uu ku khudbadeenayey Xamar "Dawladeeyda" oo timaada ay waajib ku tahay in isaga & qaarka kaloo la midka ahba dalka laga qabto iyo isagoo ku jira 6da qofood ee isku reerka aha ee Mareykanka u ah "Wantedka" oo aan u maleeynayo in loogu dawgalay afcaashiisii hore ee xumeyd..
Intaasna , waxaa u sii dheereyd in isagoo wakiil qarsoon uga ah Gen Ceydiid ururkii 'Itihaad' , uu ku lug lahaa arrimaha socda ee wada fashilmay :-
Wuxuu dagaal ka abuuray Waqooyi Baridii hore balse danihiisii qabyaaladeysneyd ee uu ka lahaa ayaa lagu gartay, keentayana in laga adkaado kalana furfurmo ururkii Itiihaad .
Intaas ka dib, sidii la yiri reeraha kale balo kula wareeg ayaa wuxuu Xasan wax ka abuuray qolooyinkii wadaadada sheeganayey ee xukumay Luuq iyo meelo ka mid ah Gedo. Intii uu ururkaas meeshaas heystayna , waxay keeneyn dad Carab ah oo horay uga soo dagaalamay afqanisataan kana mid ahaa ninkii dhawaan Sucuudiga ay dileen ee la oran jray Almiqrin oo horay qoorta ka gooyey nin Mareeykan ah oo ay kooxdiisu Riyaad ku qafashay.
Aakhiritaankiina, wuxuu Xasan dantu biday in uu ku soo noqdo meelihii ay reerkiisu ay xaaraanta ku heysteen markii ayliicaday awoodii Ceydiid , isagoo ka dib dilkii Ceydiidna la wareegay goobihii ay reerkiisu horay u qabsadeen sida Shabeekada Hoose, Balidoogle iyo meelo ka mid ah Xamarba .Markii taasi dhacdayna wuxuu Illoobay daradaarankii Sayidinaa Cali ee kula dardaarmay wiilashiisii iyo dadka kaleba oo ahaa " Keena quwadda leh awood ma leh inta kan liita xaqiisa uu ka helayo". Taas oo aad ku fahmeeyso waxa uu falay fidnewadahakan sheekhnimada sheeganaya ee kala ahaa:-
A. Wuxuu sameeyey maxkamado ku sheegyo lagu bahdilo reeraha aan hubeysneyn ee Xamar .
B. Maxkamadahaas sida ku qoran *Markacadeey*, waxay qaadeen dacwad aan maxkamad kale
ee aduunka ku taalla ayan horay u soo marin aynaana qaadin muslim, gaal teey doonto ha
noqotee taas oo dhacday goortii labo burcad oo ay isku reer yihiin Xasan Daahir ay qabsadeen
guri laga dhacay Somaalida aan hubeysneyn l! Marka maxkamadda cadaaladda ah
ee Xamar si ay u oggaato kii u horeeyey ee gurigaas ku habsaday waxay telefoon u direen
ninkii guriga lahaa si ay u xaqiiqsadaan kii horay u qabsaday ee loogu sharciyeeyo!
C. Waxaa laga yaabaa qisadatan in dadka qaarkiis ay la noqoto wax aan suurtoobeynin in muslinku
ay waxaas oo kale ay ku kacaan balse in taasi xaqiiqdo tahay waxaad ka baadi goobtaa
shabakadda aan soo soo magacaabay.Waxaa kaloo jirtay in dhowaan la xiray isbitaalka SOS
markii naag halkaas looga soo saaray ilmagaleenka ay gabogabeeysay isbitaalkii , sidaasna uu u
xirmay . Naagtaas oo ka soo jeeday reerka Xasan ayaa waxay dalbatay in diyadeedii la siiyo si
isbitaaka loo furo inkastoo ay sheegtay in markii ilmagaleenkeedu qarxay ee la geeyey isbitaalka
loo sheegay sida ay ku badbaadi karto ay tahay in laga saaro ilmagaleenka oo keli ah haddii
kale ay dhimaneeyso.Intaas ka dib, waxaa dhacday in ay arrintaas xalinteeda ay galeen dad uu
horkacayey Xasan Dahir Aweys oo go'aankoodiina uu ahaa mid mooryaan-nimo ay ka muuqatay
iyagoo si muslin-nimda ka baxsan ugu xukumay in Dr. Bashir Sheekh Omar oo isaguba ka soo
Sheekhaal kana yimid Diinssor in uu baxsho $ 4000 si uu naftiisa u badbaadsho marba loona
furo halkii dadweeynah lagu daaweyn jiray ee bilaasshka aheyd.
Haddaba dadkii dartood dawladnimada loo dhisayey si degaanka ayan laheyn oo ay nabaad guuriyeen ee Shabeelle & Jubba looga kiciyo, kuwooda argagixisada ahna habsiga ay istaahiin loogu xiro ayaa la garan karaa in waligood dadka noocaas ah ayan marnaba ogolaaneynin dawladnimo & cadaalad hadaanan xoog lagu muquunin.
Si kastoo ay noqotana. waxaa hubaal in Illaahay uusan dadka laga gardaran yahay uusan illoobin wakhti kastoo ay qaadatana mar uun xaqooda ay heli doonaan maxaa yeelay Illaahay "Yumhil Walaa Yuhmil" ee sida ay ku dambeeyaan dadkaan looba joogee....
A. Dirir