Safarkaygii
Oslo::: warbixin nolosha Soomalida Oslo
Waxay ahayd markii iigu horeysey ee aan u safro dalka Norwey
waxaan gegida dayuradaha ka dagay habeenimo 9 :30 fiidnimo anigoo ku jeeda
casuumaad iiga timid ururka NORSOM ee jaaliyada Soomaaliyeed ee Norwey iyo
Somali Welfare Organisation SWO si ana uga qayb galo shir looga hadlayay
barashada Soomaalida iyo Xaquuqda Aadmiga waxaa casuumad iisoo gaarsiiyay
Maxamed Cilmi.
Bulxan, Aamina, Saida, Axmed
Axmed, MCilmi, Bulxan |
Markaan ka dagay Garoonka Diyaaradaha Oslo waxaa iga soo
qaday taxi uu waday nin Soomaliyeed oo markaan soo dagay isoo qaaday intaan
jidka kusoo jirney wuxuu ninkaasi igula dardaarmay wax aad u fiican oo ahaa
cabsida Ilaahay waana ku farxay wuxuu i keeney Hotel ku yaal bartamaha Oslo
oo la yiraahdo Ankar markaan galay waxaa igu soo dhaweeyey Cabdi raxmaan
Timocade oo ka tirsan NORSOM ahna shaqsi ad uga shaqeeya horumarinta Sports
ka dhalinyarada Soomaaliyeed isagoo waday kooxda Norwey mar aan july kula
kulmay dalka Holland halkaasoo uu Timocadde ii tusey qolkii aan degi lahaa
wuxuuna ii sheegey in ay hotelka degen yihiin dadkii lagu martiqaaday
shirkaa in ay ka hadlaan ama ay ka bixiyaan qudbadaha kuwaas oo kala ahaa
Axmed Cabdi Salaan oo ah Madaxa Ideecada iyo Tv ga Horn Afrik Dr Bulxan oo
ah ditoor wax ku bartay USA isla markaana xiligaa ka yimid Hargeysa iyo
Aamina Warsame oo ka socotay ururka Haweenka Somaliland kana soo safartay
Hargaysa iyadoo markeedii hore ka soo shaqaysay Soomaaliya isla markaana ku
noolayd Sweden hadana howlaheeda ka wada Hargaysa .
Waxaan tagay qolkaygii markaan soo arkey ayaan soo dagay siu
aan dadkii aan isla daganayn isku barano waxaa albaabka left ama isu
gudbiyaha guryaha iridkiisa aan ku arkay isagoo isna soo dagay Axmed Cabdi
salaan waan isa salaanay salaan kadib waxaa misna is baranay Dr Bulxan iyo
asxaab kaloo joogtay Goobtaas Aamina waxaan la kulmay subaxdii danbe
Shirka Siduu ahaa
Waxaan subaxdii ka qayb galay shirkii waxaa ugu horeyntii
kalmadaha lahaa Aamina Warsame oo ka hadlaysay doorla haweenka iyo
tacadiyadii loo gaysan jirey iyo waliba xaalada maanta waxay qaadata kalmado
ku saabsan moowduuca haweenka markii ay ka baxday waxaa sii raaciyay faalo
dheer oo xiiso lahayd Dr. Bulxan waxaa ku xigsaday aniga oo kalmado ku
saabsan doorka dhalinta ka sheegey goobtaas waxaa ku xigey Axmed Cabdi
Salaan oo ka hadlay doorka saxaafada nabada iyo colaada iyo dhibaatooyibnka
ay la kulmeen xiligii dowladii dhacday iyo xiligaanba kalmadaha Axmed Cabdi
Salaan oo aad uga yabaiyay dadkii dhagaysanayay ayaa noqday kuwa usoo reebey
xusuus sideey ii sheegen reer Norwey markuu dhamaaday Shirka ayaa waxaa
yimid gabdho Soomaaliyeed oo ka socday Ururka Haweenka Soomaaliyeed waxay
codsadeen in ay dadka safarada dheeer uga yimid reer Norwey ay iyagu marti
qaadan maalintaa laba maalin kadib oo ku beegneyd Sabti isla sabtiga ayaa
waxaa is hor fariistay martidii ka kala timid Somaliya Somaliland iyo
Brussels intaba iyo Jaaliyada Soomaaliyeed waxaa la isla soo qaday doodo ku
saabsan qurbo jooga kulankaasoo loogu magac daray Danta Qurbo Jooga
Soomaaliyeed iyadoo la isku dhaafdhaafsaday fikrado badan oo ay u badnaayeen
in ay shacabka Soomaaliyeed ee reer Norwey isku dayaan in ay kordhiyaan
xiriirka ay la leeyihiin dowlada iyo saxaafada dalkaasiba habeenimadii waxaa
casuumaad sameeyey Ururka Haweenka oo ay hor kacaysay Ayaan Yaasiin halkaaso
o ay uga hadashay taariiqda ururkaasi iyo wax qabadkiisa xaalada dhabta ah
ee Soomalida
Dowlada Norwey Maxay Ka Aaminsan tahay Soomalida
Waxaa jira maalmahaan danbe walaacyo kusoo badanaya reer
Norwey kadib markii uu wiil Soomaaliyeed oo xanuunka Maskaxda qabaa uu dilay
qof u dhashay dalkaasi Norwey taasoo keentey walaac badan oo ku soo siyaaday
Soomalida halka ay dowlda Norwey bilaawday in ay aad uga hadasho Soomaalida
oo ay ku tilmaameen in ay yihiin dada an samayn Integration ama is dhexgal
bulsheed iyo waliba in ay yihiin dad inta badan iyaga kaliya isku dhex
mereysta sidoo kale ay sheegen in ay yihiin dada an waxba usoo kordhin
wadankaas taas ayaa raad xun ku reebtey Soomaalida oo runtii aad uga
wlaacsan sida ba an oo ay weerar ugu heyso dowlada dalkaasi Dowlada Norwey
iyo Soomaalida waxaa ay kala taagan yihiin laba meelood oo kala fog taaso
xataa ay jiraan in ay soo if baxayaan dodo ku saabsan in ay Soomalida aan
sharciga lahayn ay dowlada ka saarto dalkeeda lacagatana ay ka jarto halka
uu gobol dalaaksi ka mid ah uu sheegey hadii ay dowlda taasi ku kacdo inuu
gobolkaais qaadanayo dadkaa hadii kale ay badanayaan dhaca iyo falal
danbiyeedka dhibaatooyinkaas dhan markaaan waydiiyay aregtida dadka waxaa
iisoo baxay in ay dhibaatooyinkaas ay Soomalida naftooda qayb ku leeiyihiin
sababtoo ah iyagu ma codeeyaan sidaas darted waxa soo baxa xisbi ku ah liddi
dhanka kale xiriir lama lahaa saxaafada dalkaasi ayaa ala leeyahay oo marka
lama arko wixii wanagsan Axmed Cabdi Salaan oo ka hadlay arintaas ayaa
sheegey in ay saxafadu mar kastaa waxa xun soo raadiso balse waxa wanaagsan
ay tahay in ay iyagu la raadiyaan una sheegaan waqti dheer si ay u suuro
gasho in ay saxaafada timaado.
Maxay qabtaan Soomaalida dalkaasi
Soomalida waxay ku leeyihiin dalkaasi dukaamo kala duwan
maqaayado aniga ahaan waxaan boqday maqaayada Hillac iyo mid lagu sameyo
raashinka carabta iyo Soomalida oo la yiraahdo Baab Al Mandab sido kale
waxay leeyihiin dukaamada internet ka iyo Taleefoonada balse ugu badnaan
waxaa ay leeyihiin kana shaqeeyaan Taxi oo ay wadaan dhanka wax barashada
waxaan soo arkey lana kulmay ardey badan gaar ahaan waxaan soo arkey gabdho
dhalinyaro ah oo barta Kalkaalisonimo oo aad runtii u dadaal badnaa waxay
ii sheegeen in ay yihiin 9 gabdhood oo iksu xiran oo barta kalkaalisonimo
gabdhahaas aya Soomaalinimo jacayl fasax usoo qaatay maalmihii aanu joognay
si ay waqtiga noola qaybsadaan Asbuucaas oo aan runtii ugu yeeri karo
Asbuucii Soomaalida waxaan soo arkey ururo badan oo Soomaliyeed oo runtii ku
haya Norwey shaqo wanaagsan oo loo riyaaqi karo halka ay ka maqan tahay wada
shaqayn iyo isku duubni balse uu urur kastaa hayo shaqo ay ka faaiidi karaan
umada Soomaaliyeed ee dalkaa ku nool dhanka diinta Islaamka waxay ahayd inta
badan dalalka Yurub ee aan booqday aad beey uga sareysey waxaa ku yaalay
Masjid la yiraahdo Towfiiq Islamic center waxaana ay dadku u badnaayeen dad
Soomaaliyeed oo diinta aad ugu dhagan una ilaashada dadka qaar waa ay
shaqeeyaan waana dadka soomaliyeed ee kaliya ee aan ku arkey Yurub oo xiriir
joogta ah leh iskana war qaba waxaa ka jirey ururo dhalinyaro iyo sport waxa
au ahayd Oslo safarkeygii iigu xiisaha badnaa Yurub
Sheikh
Ahmed, Saida" <saidavip1@yahoo.com>
Maxaad ka taqaana habka wax barshada jaamacadaha
Brussels : Warbixin kooban...
Guji.. Sept 20