SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

NIN AAN KUU FURIDOONIN YUUSAN KUU RARIN

Cumar Cabdinuur Nuux 
omarabdinur@hotmail.com

Mahad Ilaah baa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Doqonniimo iyo waatii Suldaan, uu ka digay waaye
Deelleyda waatuu ku yiri, waa dix dhagaxeede
Aniguna dadkaan la hadlayaan, doc u fayoobeyne
Duqey iyo indheergarad malaha, lagu dugaalaaye
Dibjir iyo majnuun baa hor kaca, daa’in abidkoode
Dabka lagu shidaa bay ku oran, waa durduur dharage

Waxaa caado u ah qof haddii baadi ay ka maqantahay in uu hadba mel ka dayo. Anigoo qololka warbaahinta soomaaliyeed ee Interneedka loo yaqaan hadba mid furaya si aan u baafiyo baadi aan in mudda ahba raadinayey – waa qarannimadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeede – ayaan waxaan kasoo kordhacay war sheegaya meydka dhalliyaro badan oo hilibkoodii dugaag cunay, qaarna dibadaha, kaymaha iyo dhinacyada waddooyinka ku dildillaacay kadib markii wax astura ay waayeen. Waa caloolxumo iyo murugo in ay sahlaneyd in la dilo dhallinyaro badan laakiin la awoodi waayey in la duugo meydkooda.

Akhbaartaan aan ka hadlayo waxay ku saabsan tahay dagaalladii dhawaan ka dhacay agagaarka magaalooyinka Xaliimocaddey, Dhoobley iyo meelihii kooxaha qabyaaladdu hurisay ee ay horkacaysay ay ku dagaallameen.
Qoraalkaan uguma talogelin in cid walbaa akhrisato (marka laga reebo dhallinyarada) waayo cidda dagaalladaan socdaa aafeeyeen ee meydkooda jidadka looga tagayaa waa dhallinyarada dabka la isaga dhigayo. Indhacadde, Hiiraale iyo Moorgan oo far(xagatin yar) ka dhaawacmay sida aan meelo kale ka akhriyey waxaa waardiye ka haya guutooyin ciidan ah si aan xagatin usoo gaarin, haddii ay soo gaartana waxaa loola cararayaa isbitaalka ugu fiican gobolka Bariga Afrika ama Gacanka Carabta.

Haddaba dhallinyarooy indhaha fura, horta yaad u dhimateen? dhiiggiina yaa qaba? Waxaan markale idin leeyahay “Nin aan idiin furi doonin yuusan idiin rarin”. Waxaa jiray gabay aan laba sano ka hor idiin soo diray magaciisuna ahaa “Dhambaal” kaas oo aan idiinkaga digayey waxa maanta qaarkiin ku dhacay, in badan oo idinka mid ahna horey ugu dhacay – waa in aad derbi uu xabbadda isaga dhigo u noqotaan dagaal-ooge markii foodda la isdaro dibadda ku dhacaya in uu meydkiina duugo iska daaye!

Gabaygii Dhambaal aan idiinku soo celiyo anigoo rajeynaya in aad ka faa’iideysataan, ogaadana dhibka idin soo gaara adinkuu idinku keli yahay. Kiinnii kasoo tagay xaas ama ilmo yar yar ma jirto cid haddii uu dhinto ama naafoobo u daryeeleysa – kiinnii dhintaa meydkiisa bahal baa cunaya ee waqti uu ku duugo odeyga ciidanka wataa ma jiro- kiinnii naafoobaa isaga uun bay utaal ee cid dib ugu soo noqoneysaa ma jirto. Isweydiiya inta aydaan dagaal gelin oo aan derbi lagu gabbado iyo xaabo dabka lagu hursado aan la idinka dhigan maxaa dan ah oo idiinku jirta adduun iyo aakhiro dagaal aad u gashaan magac qabiil iyo danta dagaal-oogaha idin wata.
DHAMBAAL (GABAY) – 08/08/02

Dhallin iyo waxgarad Soomaliyeey, waa ad dhimateene
Dhanba kuuma nooliyo, waxaad dhowrataa abide
Dhugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina

Dhufeysyada maxaad ugu jirtaan, dhaxan idiin laysay
Maxaa dheefa oo laga helaa, dhiilada an joogsan
Dhugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina.

Dhalashiyo hadday garanayaan, dhaqan wanaagiisa
Hoobiyaha maxay ula dhacaan, dhabarka tii saartay
Dhulka iyo dadkaba sawyagaas, dhaadadka ugooyey

Dhalanteedka beentaa arkoo, dhaayaha iftiinsha
Dhoohannaanta daayoo ukaca, dhaqankan aafoobey
Dhagar iyo waxyeellaa jirtee, bal dhan kale eega.

Dhaawacaba cidlay uga tagaan, dhaaxa abidkoode
Dhabbahay ku tuuraan haddaad, dhimato meydkaaye
Adinkuna sidii cunug dhashaad, xuma ka dhowrtaane

Dhibka iyo waxyeelada, maxaa dhaxal idiin siiyey
Habeen iyo dharaar sawdinkaas qubaya dhiigiinna
Maya dhaha dagaalkaan rag kale dhamayo xoortiisa

Dhaqaaliyo tijaariyo malaha, meel wax laga dhoofsho
Dugsi uma dhisaanoo ardada, anshax ma dhowraane
Dhalanteedka maxaa noogu wacan, dhaanka dabagaalle

Ma wax dhaama oo taliya baan, dhalanin waa yaabe
Naftu waa dhaceysaa kolley, dhimasho waa goore
Maya dhaha dagaalkaan rag kale dhamayo xoortiisa.

Dhambaal weeye gabayguye, u dira dhallinta soomaali
Inaad dhimato nimaan kala jeclayn, amase aad dhoofto
Dhoollaha maxuu uga qoslaa, dhereg intuu daaco?

Dhacadiidka isagoo hurduu, amarka dhiibaaye
Dhul qorfaa intuu kuu dirsado, dhaxanna aad jiifto
Dhalandhoolka gaajada, maxaa dhabarka kuu saaray?
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita
Dallaankiisa geystoo qurbaha, kaligi dhoofdhoofa
Dhagihiinna see ugu furteen, dhallinyarow maanta?

Dhabarkiyo kolkaad uga jabtoo, dhudhun ka naafowdo
Aduun baa dhakowleyn xeryaha, dhuuban oo qadiye
Dhiillada ninkii kuu horkacay, kuma dhaqaaleyne

Waxay kugu dhahaan qolo kalaan, kaaga dhicin maale
Ku dhuftoo ha weydiin madfaca, dhaawacna ha deynin
Dhab u fiirsha qoladiyo iyagu, dhaxalku waw qaybe!!

Dhibaatada ku soo gaartay arag, dhallinyarow maanta
Dhambaalkeygu waa kuu yimiye, dheeho hadalkeyga
Dhufeysyada intaad kaba baxdaan, dhaha ma yeeleyno

Uma dhalan inaad daafacdaan, oday dhallaan ruuga
Dhibic kheyr hadday leeyihiin, dhiigga ma cabbeene
Dhuuni qaate haw noqon gidaar, dhabarka uu saaro.

Dhagax weyn haddaad qaado oo, dhimbil dab aad saarto
Dhilfiifaha markuu uga dhigoo, dhibicba meel aaddo
Dhuxulaha sidaasaa raggaan, dhaqan wadaagaane

Dhammaad male bagteeriya sideed, waa is dhalayaane
Aduun baa dhimanayee, iyagu waa dhursugayaane
Dhaldhalaalka waxaa lagu sugaa, dhabar jabkiinaase

Dhambaalkeygu waa kuu yimiye, dheeho hadalkeyga
Dhufeysyada intaad kaba baxdaan, dhaha ma yeeleyno
Dugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina.

Dhagax jebi ama dhoobo qodo, kaaga dhow nolole
Dhismo laga shaqeystaa ka wacan, dhiig wax loo galoe
Dhabarkaaga raro waa iga talee, dhagarna haw laaban

Muslinimo haddii lagugu dhalay, diintu waa dhaqane
Dhinacaaga uma quuri karo, dhamacii naareede
Ha ku dhiman adoo lagugu daray, gacan ku dhiigleyda.

Cumar Cabdinuur Nuux 
omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

»Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD