SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise?

Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

 

Waxaa dhowaan soo badanaya kooxo badan oo damacsan inay buunbuuniyaan qof ay isleeyihiin waxaad ka dhamaysan kartaan dannihiina, dadkaas dhamaantood waa shaqsiyaadka ugu neceb in la helo dawlad leh, maamul, kala dambayn, iyo sharci..

 

Layli

Kalmada layli waxaa loo isticmaalaa marka la rabo in wax/qof/rati laga dhigo rabbaayad (nacamle), dad badan waxay sheegaan in Odeyga Cabdullaahi Yuusuf ah uusan laylismi karin!

 

Waxaa hubaal ah in Odeyga Cabdullaahi Yuusuf ah uu yahay nin aaminsan fikrado amase aragtiyo uu ku adagyahay, badanaa fikradihiisa qaarkood iyo baahida maanta soomaali qabto isma diidana, sababtoo ah;

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu jecelyahay in la helo kala-dambayn, nabad, xasilooni, iyo sharci, maantana baahida soomaali waxaa ugu weyn intaas, hadday rabaan soomaali ha doorato ragga jilicsan marka la gundhigo aas-aaska ummadda…

 

Odeyga Cabdullaahi Yuusuf ah horeyna uma carbismin maanta lagama yaabo inuu layli cusub u galo rag ay ka muuqato dhiigii, dhicii, iyo barikicintii Ummadda soomaaliyeed raggaas waxaa ka mid ah, maanta se waxay heleen Odey kale oo ka ogol layliga dhibweyna aysan ku hayn taariikhda raggaan ileyn waa isku jifo e…

  1. Cusmaan Caato
  2. Axmad Ducaale Geelle (Xaaf)
  3. C/rashiid Ilqeyte
  4. Cabdi Qaybdiid

Waxaa nasiib daro ah, in qof ay intaas ku wareegsanyihiin uu maanta ku andacoodo “anigu dagaalkii sokeeye kama qayb-gelin

Waxaa kaloo nasiib daro ah in qofkii xukuumaddii Siyaad Barre ka ahaa nacamle weyn uu maanta yiraahdo kama qaybgelin dagaalkii sokeeye, miyeyna xukuumadaas ahayn tii bilowday dagaalka sokeeye, miyaadan nacamle ka ahayn?

 

Raggan aan kor ku sheegnay miyeysan ahayn rag aaminsan ‘Aan ku dhacee, I dooro

Qof aad ogtahay inuusan waxba qabankarin, sababtoo ah anigu waxaan aaminsanahay in qofka ay wataad dadkaan sare uu yahay mid kasii liita C/qaasim Salaad Boy, ugu yaraan C/qaasim qaar kamid ah wuu iska dhiciyey oo mawada aaminin nimankaas…Laakiinse, ka waran midka ay maanta u hayaan sutida?

 

  

Dhismaha Dawladda iyo Hay’adaheeda

 

Cabdullaahi Yuusuf maanta wuxuu ku bixiyaa waqtigiisa ugu badan sidii loo istaajin lahaa hay’adihii dawliga ahaa, laakiinse ka waran qofka maanta ku mashquulsan guryihii uu ka gadan lahaa USA, UK, iyo UAE?

 

Dadka la tartamaya Cabdullaahi Yuusuf kuwooda ugu cad cad waa shaqsiyaad aan kala jecleyn inay soomaaliya hagaagto, iyo in kale, sababtoo ah hadday helaana waa joogayaan oo waa sarifanayaan, hadday waayaana boorsadooday qaadanayaan oo waxay ku noqonayaan waddamadii ay ka yimaadeen..?

 

 

Sheikh Yuusuf Maxamad Siyaad (Indhacadde)

Culimaddii kusoo baxday Dawladdii lagu soo dhisay Carte, maantana waxaa dhacday in isla sheekhii uu gubo magaalada Dhoobley? Haddaba imise Sheikh oo kale ayaan sugnaa oo ayaguna maalinwalba soo baxa, siina wada iscayr-cayrsigaas?

 

Waxay magaaladda gubitaankeedu isoo xasuusiyey 1991kii iyo jidkii dheeraa ee Habaarwaalid…Haddaba waan u jeednaa inaysan xal ahayn middaan, lagumana jiri karo, shan sanno oo kale, iyo mid Cabdiqaasim kasii liita..

Waxaan aaminsanahay shalay haddii la dooran lahaa nin soo celinkara kala dambayntii iyo sharcigii inaan la isku qabsadeen maanta Jubooyinka, sababtoo ah wiilasha dagaalka ku dhimanayaa magacay doonaan ha wateene waxay u baahnaayeen shaqo abuur, waxbarasho, iyo in loo sameeyo rajo….Haddaad leedahay dawlad, iyo sharci miyaad u baahantahay in qof kugu yiraahdo gurigaaga kuma noolaan kartid?

 

Danta Qofka Xildhibaanka ah

 

Qofka maanta loo doortay xildhibaan ma waxay dani ugu jirtaa in maalinwalba uu wiilyar afduubto oo gaajo hayso, madaxweynihiisana uu villooyin ka dhistay caalamka oo dhan, mise inuu ahaado midka sharci dejinta u qaabilsan dawladda, kan la xisaabtama, iyo kan u dhiga udubadii ay ku istaagi lahayd dawlad soomaaliyeed?

 

Maanta xildhibaanka doorta ragga qaarkiis waxay ila tahay inuusan ka shaqayn dantiisa gaarka ah iyo midda guud ee soomaaliya..

 

Maanta soomaali waxay u baahantahay ugu yaraan qof soo celiya kala-dambayntii, iyo hay’adihii lahaa shaqada dawladda…

 

Maanta soomaali uma baahna qof ku mashquulaya siduu uga taajiri lahaa, Hotel uga gadan lahaa UAE, siduu reerkiisa faqriga uga bixinlahaa iwm…

 

Qofka la dooranayaa waa inuusan ahayn mid ay maskaxda iyo muruqa ku haystaan kooxo dano gooni ah leh.

 

 Markaad fiirisid, rogrogtid, aad isbarbar dhigto ragga ugu cadcad meesha qofka kaliya ee kuusoo bixi karaa waa Cabdullaahi Yuusuf Axmad.

Shantan sanno waxay u baahantahay qof isku  soo xira waddanka, mideeda kale taariikhda intaan ka hayno waa qof horey uga bilaabay eber, oo sameeyey aas-aas, mana aha qof jecel lacag, maal, iyo inuu ka taajiro khasnadda ummadda….

 

 

Caqli Afrikaan

 

Markaan arko ragga kale ee la tartamaya Cabdullaahi Yuusuf, waxaan soo xasuustaa maahmaahdii loogu maahmaahi jiray dadka Afrikaanka ah, sheekadan oo siyaabo kala duwan loo sheego;

 

‘Markii xornimada la qaatay ayaa wasiir xamaasaysan wafdi ku tagay waddan Asia ka mid ah, waxaa qaabilay wasiirkii waddankaas, kadib howshii shaqo ayaa wasiirkii Asianka ahaa sameeyey qado gaar ah, wasiirkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka yaabay guriga uu ku jiro wasiirkaan oo quruxbadan, markaasuu yiri war ninyahaw sidee ku dhistay gurigaan anigu mudul baan degganahaye, wuxuu yiri, Buundadaas ma ujeedaa, suu yiri haa, wasiirkii Asianka ayaa yiri, anigaa iska leh 10% lacagtii ku baxday’ Afrikaankii waa tagey laakiinse dhowr sanno kadib ayuu casumay ninkii oo ku jooga howl shaqo waddankiisa, wasiirkii Asianka ayaa arkay gurigii uu deganyahay Afrikaanku oo qasri ah, markaasuu yiri, ‘waar maxaa ii tiri mudul baan deganahay’ sugbuu yiri anaa ku tusine meeshaan lacagta ka helay, wuxuu yiri ‘war buundadaas ma ujeedaa’ suu ye, ‘Maya’, kii Afrikaanka ayaa ku jawaabay ‘waa sidaas, 100% waa aniga’…

 

Waxaa laga hayaa mas’uul sare oo Dawladdii Carte ka mid ahaa inuu markii lagu eedeeyey inuu dhunsaday lacago badan uu ku jawaabay, ‘aniga soo igama darna kan hadda lacagta miiska hoostiisa ku haysta’ asagoo u danlahaa markaas C/qaasim!!!

 

Abdisaid Musse Ali-Koor <aabdisaid@hotmail.com>

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2004

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD