SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa!!! 

C/Rahman eelay eediran@yahoo.com

Waxaa ii sheekeeyey saaxiibkay Mohamed. Mohamed wuxuu yidhi: “sanooyin hore ayaa anagoo dhalinyaro badan ah ayaan College dhigan jirnay. Waxaa nala fasal ahaa Gabadh Soomaaliyeed. Gabadhu waxay ahayd mid Eebe Weyne ku xardhay qurux dheeraad ah, Asturan oo diinta aad u taqaana, Xariifadna ah oo naga wada buunda badan, waxayna ahayd gabadha keliya ee nala joogtay magaalada. Tartan dheer iyo is reebreeb ayaa naga dhex bilowday oo ah ninkii ku guuleysan lahaa helida gabadhaas. Waxaa naga dhamaaday ayuu Mohamed yidhi lebiskii, is jejebintii iyo istuskii. Waxaa uu mid walba oo anaga naga mid ah jeclaysan jirey in uu ka kale kaga hor maro salaanta iyo bariidada gabadha si uu maalintaa uga diyaariyo in uu iyada la fariisto.

Anagoo baratankii, ganbar bajiskii, hadiyadii iyo booqashadii naga dhamaatay oo nin waliba uu ka kale waxba u ogolayn, sida Dagaal Oogayaashii, ayaa waxaa nagu soo biiray mid na yidhi bal bareega qabta. Cabaas oo bacdiisii qaba ayaa diyaarad ka soo degay waxayna markiiba is nabdaadiyeen gabadhii oo sheeko dheer iyo waayo waayo laga sheekeystay. Waxaanu u soo kala dhuumanay habeenkii gurigii Cabaas ku soo degay oo aanu weydiinay su’aalo badan oo aanu ku raadraacayno gabadhan na xiijisay iyo asalkeedu meesha uu ka soo jeedo. Cabaas baa mar keliya afkiisa furtay: “Laa Ilaaha IllaLaahu! Waar ma Midgaantii aanu isku xaafada ahayn baad u baratamaysaan”! Yaab baa Illaahay noo keenay! Waxaanu bilawnay istaaqfureysi iyo shalaayti aanu ku soo jeednay habeenkii oo dhan. Ragga qaarkii waxay ahayd markii u horeysay ee ay la kulmaan Midgaan oo ay la sheekeystaan! Osman baa yidhi: “ Weligey ma arag Midgaan! Aniga iyo Midgaan waxaanu isku ahayn Reer guuraa Raac iyo Ilmahii lagu cabsiinayey waayo weligood isma arkaan”!.

Subixii baa waagu beryay anagoo welwelsan oo u kalahnay iskoolkii. Waxaa fasalkii nooga soo horeeyey Zamzam oo fadhida kursigeedii. Anaguna salaan iska daayoo waxaanu ka wada fariisanay xaggii ay dabeeyshu ka soo dhacaysan si aysan noogu neefsan!. Aad bay u yaabtay oo dhowr goor bay na soo eegtay mise cirkaanu wada eeganaa!. Way iska fahantay in Cabaas cudur nagu abuuray!. Inta ay ooysan bay albaabka halhaleel uga siibatay maalma ka dibna gabadhiiba waanu ku diinay”!. Mohamed wuxuu ii sheegay in uu ilaa iyo maanta gabadhii raadiyo si uu cafis uga dalbado una wanaajiyo, wuxuuna yidhi isagoo ilmaynaya: “caqliga aan maanta leeyahay haddaan waagaas lahaan lahaa walaashay dhibkaasi sooma gaareen anagana dhib nama soo gaareen”!. Waxaan weydiiyey dhibta uu tirsanayo, wuxuuna I weydiiyey su’aasha ah

Maxaa ku kelifay nimanka Soomaaliyeed in ay doontaan haween ajnabi ah oo aan dhaafi Karin albaabka, barruur darteed?. Meeshii uu jawaab sugayey ayaan qosol is hayn waayey oo waxaan soo xasuustay sheekadii naga qabsatay fasalkii aanu ku jirnay aniga iyo Ciise!. 

Waxaad ogaataan in bulsho waliba ay quruxda si gooni ah u taqaan. Tusaale ahaan marka la tilmaamayo quruxda haweenka ee wadankan Mareykanka waxaa dadku eegaan sida ay gabadhaasi caato u tahay oo lafaheeda looga arki karo maqaarkeeda: waa in la tiring karaa lafaha luqunta, laf dhabarta iyo kuwa miskaha iyo suxulada. Inkastooy jiraan waxyaaba kale oo qiimeynta quruxda soo gelaya oo ay ka mid tahay daaman dhuudhuuban oo dhaadheer oo caata ah haddana qiimeynta u horeysa waa u ekaanshaha Reer Aakhiraadka. Sababtaa darteed ayaa dumarkeenii yimid qurbaha ay u bilaabeen in ay is caateeyaan oo waxaad maqlaysaa beryahaa waxba ma cuno oo waan is macaluuleynayaa, is caateynayaa ama cuntadaan ka soomayaa(Diet baan ku jiraa). Inkastooy faaiido ku jirto ismacaluuleyntu si looga baxsado cudurada aynaan garanayn ee ay keeneen deegaankan nagu cusub ee cuntadiisa iyo hawadiisuba kiimikadu ka buuxdo iyo dhaqdhaqaaq la’aantu, haddana dad badan ayaa qaba in quruxdu ay tahay lafalafonimada. Waxaad arkasaa hooyo kula doodaysa dhakhtarka ilmaheeda in uu fiitamiino u qoro carruurteeda waayo waxay u eg yihiin qaxooti!. Dhakhtarkii oo yaaban baa ugu jawaabaya: “nasiib baad leedahay haddii aad haysatid carruur sidan u caata ah! Alla qurux badanaa” Hooyadii Soomaaliyeed baa xanaaqasa oo ka bedelanaysa dhakhtarkaa oo raadinasa mid ka fiican oo u qora fiitamiino si carruurteedu u cayilaan.  

Waa sharixii quruxdee waxaa jirta in haddii gabadhu ay lafaheeda qarsoon yihiin ama ay hilib yar leedahay aysan heleeyn nin shukaansada ama ka damacsan mustaqbal waxaana lagu bilaabaa dacaayad iyo cay joogta. Waxaa gayaankeed iyagoo ku dhega hadlaya ay ku yiraahdaan orod oo doono raga madmadow waayo dhexdayada suuq badan kama lihid!. Waxaa halkaa gabdhahaa kaga dhacay niyad jab weyn oo ay markaa ka haajiraan bulshadoodii una guuraan xaafadaha ay ka degan yihiin magaalada dadka ajnabiga ah ama meelaha ay ku caweeyaan si ay saaxiibo ugu soo yeeshaan.

Waxaan la yaabaa sida ay Soomaalida iyo wadamadani u kala fog yihiin marka laga hadlayo xaga quruxda: Soomaalidu gabadha wayta(caato) ah waxaaba loo yaqaanay in ay cudur qabto oo waa laga carari jirey, haddii ay nafaqaysan tahayna waxaaba loo yaqaanay “Jiroos” Haddii reer dhan oo wada buurbuuran ama cas cas la arkana waxaa qasab ahayd in markiiba la yiraahdo aabahood ayaa wasiir ah oo dowlada soo boobay ama aabahood ayaa lacag leh oo ay dowladu u ogolayd in uu keligii taajiro. Waxaaba ka sii daran in marka la arko reerkii naaxnaaxsanaa ee cadcadaa oo gaadhi dhalaalaya wata in markiiba la yiraahdo waa reerkii dawlada haystay ee Soomaaliya ka talinayey, taasina waxaa keenay musuqmaasuqa iyo u nixid la’aanta xoolaha dadweynaha iyo qaranka ee layska caadeystay in sidii la doono laga yeelo. Waxaase jirey dad yar oo fara ku tiris ahaa oo xag Eebe iyo Maalinta Danbe xasuusnaa oo faraha ka laabtay dhacaa loo geysanayo hantidii qaranka. Waxaa kaloo jirey qaar kaba dheeraaday oo wadankaba iskaga haajirey. Akhristoow waxaa la weriyey in nin wasiir ahaa oo Dawladii kacaanka ka tirsanaa oo la oran jirey ina Buraale (Reer Sool) uu lugeyn jirey, reerkiisuna ay busaarad sanaayeen halka ay karaaniyadiisa iyo kuwa ka hooseeya ay ka wateen gawaadhi Land Cruiser ah lahaayeena guryo qasriyo ah. Waxaa ninkaas wasiirka ahaa la yaabanaa dhamaan dadka ehelkiisa ah iyo Soomaalida oo dhan marka la arko isagoo dhididku ka da’ayo oo lugeynaya dariiqyada Muqdisho!. Waxaa la oran jirey waa nacas oo waxbaa u dhiman waayo isagoo wasiir ah buusan waxba qabsan: Guryo badan kama dhisan Xaafadii Booli Qaran, baabuur ma leh, lacag ma haysto! markaa sibaa wax ka yihiin!. 

Waa yahay, warkii baa iga baahaye aan u soo noqdo markii la weydiiyey Ciise oo dhiganey Minneapolis Community College sanadkii 1994 in uu sharax dheer ka bixiyo gabadhii uu jeclaan lahaa in uu guursado. Ciise wuxuu markiiba qoray laba xaanshi oo buuxbuuxa oo uu ku soo farayareystay isagoo maanka ku hayey in uu heli doono 100%. Maxaase kala qabsaday Ciise iyo asxaabtiisii la dhiganaysey fasalka lagu barto sida haboon in loo qoro Ingriiska. Fasalkii oo dhan baa isu bedelay qosol, bulaan iyo in uu macallinkii aamusin kari waayey ardaydii! Waxaa ay ardaydu mar keliya ku wada qayliyeen: “Oh! Esse you’r killing me! She is a monster! Handicap!”!. “tilmaamihii aad Ciisow ka soo sheekeysay qurux maahe waa qof waraaba dadoow ah ama curyaan ah, markaa ma sidaasaad qurux u taqaanaan”. Ciise wuxuu ku bilaabay sidan: 

Gabadhaan jeclahay waa in ay ahaataa mid dheer, buuran, timo dhaadheer, garaara leh, cabaadhyo leh, indho waaweyn, kubab waaweyn, badhi weyn, dhex yar. Ciise ayaa markii uu wax qorayey isticmaalay turjumaada tooska ah Ingriiskiisuna wuu liitay. Wuxuu ku bilaabay: I would like to marry a very beautiful fat girl with curved hands, big legs, big hips, long neck with rounds, big eyes… halkaasuu la maray. Maalintaa waxbaa meeshaa naga raacay!. Ilaa usbuucyo ayay foorjada iyo qosolku socday oo marka nala arko ardaydu waxay ku dhawaan jireen in ay suuxaan qosol dartii iyagoo na leh qurux wax la yiraahdo garan meysaane quruxdu waa taas inta ay na tusaan mid qalalan oo meel dhug dhug leh.

Markaasaanu ku niraahnaa taasi AIDS bay qabtaa oo way jiran tahay!

Waxaanu baranay in dadkaa quruxda qalalnaanta u yaqaana ay gabdhaha buurbuuran ay xagooda heerin ka soo noqdaan. Haddaba iyada oo dadka Soomaalidu ay abuur ahaanba yihiin dad caata ah ooba lagu caayo looguna yeedho magaca lafalafo(skinny) ayaa waxaad arkaysaa raggii Soomaaliyeed oo u tartamaya in ay shabaq u dhigtaan dumarka buurbuuran ee dadkoodu ay soo naceen. Waxaad ku arkaysaa suuqyada iyadoo wiil dhuuban oo Soomaali ahi uu wato qof dumar ah oo baruur la socon kari la’ albaabkana geesgees u geleysa!

Waxaa xaqiiqa ah in wiilkan Soomaaliyeed uusan waayin gabadh Soomaaliyeed oo ah ta halkan laga jecel yahay ee qalfoofta ah laakiin uu ka doortay in uu raaco nafaqada haraacinaysa isku kalsoonaan la’aan iyo u arkid in jinsigeedu ka sareeyo ka Soomaaliga ah awgeed, ama in uu meelahaa kaga faano in uu qabo gabadh cadaan ah, ama in uu la dhuuqo waxyaabaha ay gabadha Soomaaliyeed dhaqankeeda iyo diintuba aysan marnaba ogolaanayn. Waxaa laga yaabaa in ninkan Soomaaliyeed uu lahaa xaas iyo carruur, kana saaqiday. 

Waxaa xaqiiq ah in Jaamacadaha iyo Iskoolada ay u badan yihiin dumarka Soomaaliyeed oo ku raran buugaag iyo boorsooyin; markaad tagto goobaha shaqada waxaad arkaysaa dumarkii oo la rogmanaya mashiinada waaweyn ee warshaduhu leeyihiin ama iyagoo qolalka waaweyn ee ay yaalaan sariiraha hoteelada iyo musqulaha ka dhextaalahaya hawsha badan awgeed. Waxaad arkaysaa iyadoo dumarku aysan wejiga siin Karin dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka kadib markii la weydiiyo aabihii ilmaha dhalay iyo meesha uu jiro iyo waxa uu ugu iman waayey? Aaway raggii?

Raggii sidii ay u badnaayeen waxaa laga shaqeeyaa wadida taksiga. Salaada subaxba waa dhaqaajiyaan waxayna soo noqdaan saqda dhexe. Qaar baaba bustuhu meesha u yaalaa oo aan soo noqonba! Kuwa kale wadooyinka waaweyn ee Mareykanka ayay isaga gooshaan iyagoo saaran gawaarida waaweyn ee quudiya Mareykanka ee har iyo habeenka u kala goosha gobolada kala duwan ee waddankan.

Intaasi waa in yar oo u googo’day shaqo oo aan xil badan iska saarin carruur iyo xaas ee aaway intii badnayd! Waa shaam shaam, waa fadhi ku dirir, waa qaadiro, waa nafaqo la jiif, waa usbuucan shaqee ka ku xigana ku qayil, waa maxbuus, waa homeless, waa dariiq ka tuugsade, waa meereyste dalxiise ah oo marba gobol ama wadan taga.  

Iyadoo markii horeba ay dumarku ka garaad badan yihiin raga sida ay ku doodaan qolada cilmi maskaxeedka yaqaanaa ayaa waxaa ay arrintani dhabowday markii 6 wiil iyo 6 gabdhood ay tartan u galeen kedis ay soo abaabuleen akhyaarta u qaabilsan waxbarida dhalinteena ee masaajidka Abubakar As-sadiiq ee Minneapolis. Wiilashii ayaa la yidhi waa inoo sanadka danbe oo waxaa guushii halkaa ku raacday 4 gabdhood oo helay lacag doolar ah iyo weliba 2 gabdhood oo kale oo helay doolar iyo dahab!. Gabdhaha xishoodaa ee dhaqankooda iyo diintooda ku adagi waxay meel waliba kaga hormareen raggii Soomaaliyeed ee afkii iyo calooshiiba uu madoobeeyey geed jiniga lagu magacaabo Qaadka. 

Haddaba waxaan u maleynayaa in ay raggan aanu ka soo sheekeynay ee u tartamaya Nafaqada haraacinaysa ay aad u daawadeen jilaagii Shallow Hall ee kula kulmay ninkii Hindiga ahaa wiishka. Hindigii bay sheekeysteen jilaaga filankan markaasuu ka dhaadhiciyey in quruxdu aysan ahayn waxa ay indhuhu qabtaan ee ay tahay mid hoose oo la niyeysan karo. Niyadaada uun u sheeg in waxaad aragtaa ay qurux badan yihiin ayuu yidhi Hindigii!. Shallow Hall ayaa ka soo baxay dhismihii dheeraa markaasuu markiiba isha ku dhuftay qof dumar ah oo baaxad Illaahay siiyey, markaasuu ku bilaabay sheeko iyo xodxodosho. Iyadoo aad ula yaaban bay weydiisay in uu dumar kale soo waayey iyo waxa ku kelifay in uu soo damaaciyo. Wuxuu u sheegay in ay aad u qurux badan tahay far keliyana uu ku qaadi karo! Dadkii meelaha marayey ayaa jaanta wada rogay markay arkeen ninkan dhuuban ee la socda kaaraha gurguurta iyo siduu ugu qanacsan yahay iyo sida uu u hadlayo marka la weydiiyo ee uu ku sheekeynayo in ay niyadiisu la socoto qofka adduunka ugu quruxda badan uguna dhuuban! Waan niyeystay ayuu hadalka ku soo jaray!  

Waxaan tusaalaha sare u soo qaatay in aad fahantaan sababta xilligan oo ay dumarkii Soomaaliyeen buuxiyeen meel walba oo dunida ah iyo sida ragga badidiisu ay uga door bideen in ay u daba hashleeyaan dundumooyin aan dhaqaaqi Karin! Waxay qaxootigu yimaadeen dacalada dunida iyadoo raggii ay dawladii soo dirsatay iyo kuwii soo tahriibay ay ka soo agtoosaan guumeyso buura ah oo dabeecad ay u ahayd: Soo soco lacagta, Soo soco qamriga, Soo soco doonfaarka, Sii soco haddii aad iswaashid! Markaasaan la yaabi jirnay dhibaatada iyo dulliga ka muuqda raggaas. Markii aanu weydiinayna waxay jawaabtu noqotay Sharcigaan ku qaadanayaa oo 5 sanoo danbe baa ii haray inaan Green Card helo, 10 horena sidaasaan ku soo jiray! Laakiin Alle mahadiiye Qarootigii kama horeyn in ay indhaha u furaan raggaas aasmay hadday ahaan lahayd xag dumar, ilbax, shaqo, dhowrsanaan, diin, dhaqan, baayacmushtar iwm. 

Waxaase nasiib darro ah in iyadoo meel waliba ay Yoobsan ama Ceel Gaab oo kale tahay waxa weli maanka ka sii qaaday raggii Soomaaliyeed badankoodii. Xataa haddii ay ragu jecel yihiin baaxad weyni dumarkeeniiba sidii ay dibada u yimaadeen kuwa kale habeen ama labo ayay ka sokeeyaan ee maxaa sababay dib u gurashada?! 

Haddaba maxaa ku kelifay Baruuro raadiska?

Ma naago yaraanbaa! Ma xoolo raadisbaa! Ma diin nacayb baa! Ma qurux raadisbaa! Ma baruur jacayl baa! Ma hab casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa!  

Sheekadu ma iska Niyeeyso oo iska Nasiibsaa

C/Rahman eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2004

 SOMALITALK JAWHAR:: WARAYSI GABAR SOOMAALIYEED OO QABTA CUDURKA AIDS-ka
»Reerkii ay ka dhalatay gabdhaas oo go’aan la yaab leh ka gaaray iyo war naga soo gaarey Jawhar waraysiga ka dib
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD