Prof Maxamad
Cumar Dhalxa
oo loo
doortay
Gudoomiye Ku
xigeenka
1aad ee
baarlamaanka.
Prof. Dhalxa
ISha Sawirka:
Google
search
Canab
mumtaz.
Somalitalk.com
Prf.
Maxamad
Cumar
Dhalxa
ayaa
xalay ku
guulaystay xilka Gudoomiye
ku
xigeenka
1aad ee
Baarlamaanka
KMG ah
isagoo
helay
codadka
ugu
badan ee
baarlamaanka.
gudoomiye
ku
xigeenka
2aadna
waxaa ku
guulaystay
Cismaan
Abdi
Boqore,labadoodana
waxay ku
heleen
cododka
ugu
badan ee
baarlamaanka.waxaana
loo
dhaariyay
labadooda
in ay
kala noqdaan
labada
gudoomiye
ku
xigeen
ee 1aad
iyo
2aad.
Cismaan
Abdi
Boqore
waxa uu
ka soo
jeedaa
somalida
dagta
jabuuti(ciise),mana
helin
taariiqdiisa
oo
kooban.waxa
uuna
sheegay
dhaartii
ka dib
in uu
xilkiisa
u gudan
doono
sida
saxda
ah,gacana
ka
gaysan
doono
amniga
iyo la
shaqaynta
baarlamanka
KMG ah.
Maxamad
Cumar
Dhalxa
oo
hadalo
gaaban
soo
jeediyay
markii
la
dhaariyay
kadib
waxa uu
sheegay
in xilka
loo
magacaabay
uu yahay
mid aad
u culus
kaligiisna
uusan ka
soo baxi
karin
hadii
aysan
baarlamaanku
gacanku
siinin,baarlamaankana
uu
taageero
ka
sugayo
shacabka,waxa
uu
intaas
ku daray
ka soo
baxayo
mas'uuliyada
saaran
ee loo
doortay
lana
shaqayn
doona
baarlamaanka
horseedena
u noqon
doona
inta
bulshada
ka
saarta
dhibka.
Waxa uu
wax
barashadiisi
sare iyo
jaamacad
ku soo
kala
qaatay
mogadisho
isagoo
ka qalin
jabiyay
jaamacada
Ummadda
soomaaliyeed
qaybta
affafka,sidoo
kale
dalka
suudaan
ayuu ku
soo
qaatay
waxbarasho
tacliinta
sare ,waxa
uu hadda
ku
hadlaa
Prof
Dhalxa
afafka
carabiga
englishka
iyo
waliba
somaliga..
Sanadkii
1986-1987
waxa uu
macalin
ka ahaa
kulliyada
saxaafada
ee
jaamacadda
ummadda
soomaaliyeed.sidoo
kale
waxa uu
xilka
soo
qabtay
Intii u
dhaxay
sanadihii
1985
ilaa
1987
waxa uu
ahaa
kaaliye
macalin
ka ahaa jaamacada
ummadda
soomaaliyeed.
Prof,Dalxa
waxa uu
ka mid
ahaa
Aas.aasayaashii
ururka
samo."Somali
African
Muki
Organization"1994
ayuun
noqday
xoghayaha
ururkaas.
Waxa uu
ka mid
ahaa
ergadii
ku
sugnayd
shirka
tan
bilowgiis
sanadkii
2002-da
bishii
ogtobar,waxa
uuna ka
mid
noqday
xildhibaanada
baarlamaanka
KMG ah
ee
soomaaliya.
Canab
Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>
Faafin:
SomaliTalk.com
| Sept 22,
2004
SOMALITALK
JAWHAR::
WARAYSI
GABAR
SOOMAALIYEED
OO QABTA CUDURKA
AIDS-ka
»Reerkii ay
ka dhalatay
gabdhaas oo
go’aan la
yaab leh ka
gaaray iyo
war naga soo
gaarey
Jawhar
waraysiga ka
dib
Guji