SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda oo Soomaalida ugu baaqay Maalinta Nabadda Adduunka darteed.........
 
     Waxaa maanta qoraal dheer oo uu uga hadlayo qiimaha Nabadda ay leedahay ka soo saarey magaalada ee London ee Dalka Ingiriiska Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda ahna Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed Mudane C/casiis Cali Ibrahim ''Xildhiban''.
 
     Xoghayaha Guud Dhaqdhaqaaqa Nabadda oo u waramayay  saxaafadda ayaa u sheegay qiimaha ay Nabaddu leedahay iyo nababadgalyo la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya  maanta oo loo dabaaldagayo Maalinta Nabadda Adduunka oo ku beegan maanlinnimada maanta ah darteed. 
 
     C/casiis Xildhiban wuxuu Soomaalida meel kasta oo ay joogto ugu baaqay sidii ay si nabadgalyo ah ugu wada noolaan lahaayeen, isla markaana uga wada shaqeyn lahaayeen nabadgalyo buuxda oo ka dhacda dalka ay dagaalladu halakeeyeen ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
     Sidoo kale wuxuu mar kale ugu baaqay kooxaha ay iska hor imaadyada iyo dagaallada ku dhexmarayaan goobo ka tirsan Koofurta Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada ay ka hurinayaan dadka walaalaha ah dhexdooda, isla markaana wixii qilaafaad ah ee jira ay ku xalliyaan wada hadal, oo uu ku tilmaayay aaladda kaliya ee lagu xallin karo ismarin waaga taagan.
 
     C/casiis Cali Ibrahim ''Xildhiban'' oo ka hadlayay dhismaha Baarlamaanka Federaalka ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya ee dhawaan lagu dhisay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida mudada labada sano ku dhawaadka ah uga soconayay dalka Kneya ayaa saxaafadda u sheegay in la soo gaarey xilligii nidaam loo aqoonsan yahay Soomaalidu yeelan laheyd taas oo wax ka tari doonto dib u soo celintii sharaftii iyo qarannimadii burburtay ee Soomaaliya, tanina tahay ruknigii ugu horreeyay ee la taago.
 
     Ugu dambeyntii wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kana codsaday in ay iska kaashadaan nabadgalyo ka dhacda dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
Wariye
Saleban H. Alassow
London, Uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2004 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD