SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma Caddow baan Doorannaa mise Cadow

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Nin baa mar sheegay inuu soo bandhigayo riwaayad loogu magac daray: (waa i kan, haddana waa i kan). Markii dadkii ka soo buuxsameen tiyaatarkii ayaa xiriiriyihii sheegay inay riwaayaddii bilaabatay dabadeena inta ninkii soo galay buu yiri: waa i kan markaasaa dadkii sacab iyo sawaxan ku dhufteen iyagoo leh caawa meesha riwaayad cajaa’ib ah baa ka soo socota. Ninkii inta haddana daaha shishay ka maray oo soo noqday buu yiri: haddana waa i kan oo iska baxay. Mar labaad dadkii waxay isku dareen sacab iyo qaylo laakiin waxaa sawaxankii ka jaray markii xiriiriyihii u sheegay inay riwaayaddii dhamaatay! 

Waxaa jiray nin ku jiray dadka uu la tashado boqor ka mid ahaa kuwii Cabbaasiyiinta oo sidoo kalana wiil ninkaasu dhalay waali/naa’ib uga ahaa boqorkaas gobol kale. Maalin ayaa boqorka war looga soo sheegay wiilkaas oo uu u xanaaqay. Dabadeedna aabbihiis oo ku jiray madaxya-weynta boqorka ayaa rabay inuu wiilkiisa u baaqo dabadeedna inta warqad soo qaatay oo salaanta Islaamka ku salaamay buu ku qoray “YAA MUUSAA” oo keliya dabadeedna u sii dhiibay askartii boqorka oo u socota magaaladii ninkaas dhallinta yari  xukumay. Waaligii markii warqaddii loo geeyey oo salaanta ka dib ku qoran tahay “YAA MUUSAA” wuu fahmi waayey; si kasta markuu isugu dayey oo uu ka quustay ayaa isagoo la rafanaya waxaa ku baraarugay arrintii mid ka mid ahaa shaqaalihiisii oo ku yiri wuxuu aabbahaa ka wadaa: 

“YAA MUUSAA INNAL MALA’A YA’TAMIRUUNA BIKA LAYAQTULUUKA FAKHRUJ INNII LAKA MINANNAASIXIIN.”  Waa markii inta nabi Muuse (CS) ninka dilo uu ninkii muslimka ahaa inta u yimaado oran jiray Nabi Muusoow waxaa kuu tashanayey madaxyaweyntii Fircoon si ay kuu dilaan ee meesha ka bax; anigu waxaan ahay nin kuu nasteexaynayee. 

Shirka Kenya wuxuu biloowday reer Puntland iyo reer Muqdisho oo is haysta haddana wuxuu dhammaanayaa isla sidii oo kale ilayn wataas Moorgan iyo Barre- Hiiraale oo is-bahaysiyada kala metalayaa isjafayaanne. Marka hadda waxaan  leeyahay Soomaaliyeey “YAA MUUSAA”.  

Waxaan maqaalka kusoo xirayaa ma Caddow baan doorannaa mise Cadow? Qofkii maqaalku ku noqdo sidii macallinkii sayniska ee inta arday weydiiyey: waa maxay walax uu ardaygii yiri: macallin walax maxay ka walax tahay; ha isoo weydiiyo faahfaahin.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Jawaabteeyda ku jiheeysan axdka la yiraahdo C/waxid

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2004 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD