SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ku saabsanaa Ku xigeenada Gudoomiyaha.

Maalinta Nabada Aduunka oo baarlamaanka lagu casuumay.

 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com
 
Kalfadhigii labaad ee baarlamaanka KMG ah ayaa maanta looga hadlay qaabka ay u dhacayso doorashada labada gudoomiye ku xigeen oo loo balan san yahay in ay dhacdo bari galinka dambe.
 
Mudanayaasha baarlamaanka qaarkood ayaa soo jeediyay in la raaco Axdiga KMG ah oo sheegaya in labada ku xigeen loo doorto si siman codna loo qaado kadibna sida ay u kala cod bataan labadaas jago loogu kala aqoonsado.
 
Doodaas oo qaatay mudo la iskuna mari waayay go'aan mid ah ayaa kadib waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah oo sheegay in uu magacaabayo sharci yaqaano xal ka soo gaara sida ay u dhacayso doorashada gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka.
 
Doorashada labada gudoomiye ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bari galab,iyadoo ay shanta xubnood ee uu magacaabo gudoomiyahana ay keeni doonaan qaabka ay u dhacayso doorashada ku xigeenada gudoomiyaha baarlamaanka.
 
Musharaxiintan u tartamaya jagada ku xigeenada waxa ay ahaayeen 15 xubood laba ka mid ah ayaa ka tanaasushay waxaana iskugu soo haray 13 xildhibaan oo ay ka mid yihiin Prof,Maxamad Cumar Dhalxa iyo Qamar Aadan oo ka mid ahaa xoghayntii uu magacaabay Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka sida KMG ah u waday Xirsi Bulhan Faarax.
 
Dhinaca kale waxaa maalinta bari ah lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Nairobi munaasabad la xiriirta Maalinta Nabada Aduunka "21/9/04"oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Qaramada Midoobay Xafiiska nabada ee ay ku leedahay magaalada Nairobi,waxaana lagu casuumay baarlamaanka,siyaasiyiinta iyo aqoonyaniin ka kala socda hay'daha caalamiga ah ee u ololeeya nabada iyo is dhex galka bulshda,sanadkii hore waxaa lagu qabtay xarunta shirka dib u heshiinta soomaliyeed ee Mbagathi,balse sanadkan waxaa lagu qabanayaa Bomas of Kenya somaliya oo leh baarlamaan KMG ah.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2004

»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'

»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD