SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TALLO SEEGTAY MADAXWEYNE CIGAAL, TUSMADII JIRDE IYO TALLO LA'AANTA BAARLAMAANKA

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

 

cigaal
Mraxuum Ibraahim Cigaal | Mels Zenawi | Daahir Riyaale
[1996 Somaliland flag]

Seddexdii Sannadood ee ugu danbaysay laga soo bilaabo sannadkii 1999-kii, Waxaa Madaxweynahii hore ee Somaliland Ilaahay ha u naxariiste Maxamed Ibraahim Cigaal hayey xanuun aad u weyn, balse Madaxweynahu xanuunkaasi uma dhicin ee wuxuu wattay hawl maalmeedkiisa Madaxweyne Nimo, balse Sannadkii 2000, mar uu Madaxweyne Cigaal Safar ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayuu go'aan ku gaadhay inuu xilka Madaxnimo iskaga degayo isaga oo caafimaadkiisa awgeed aanay u samaxaynin gudashada xilka hogaanka Somaliland, sida uu ku xaqiijiyey Wasiirka hore ee arrimaha dibadda ee Somaliland Mudane Gees xasuus qorkiisa, wuxuu Madaxweyne Cigaal Safar hawleed ugu baxay sannadkii 2000 xarunta waddanka Ethiopia ee addis Ababa isaga oo halkaasi kula kulmay Ra'isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaliga ah ee Ethiopia wakhtigaas wuxuu Madaxweyne Cigaal ka codsaday Ra'isal Wasaaraha dalka Ethiopia in ay si gooni ah isku arkaan, ka dib markii labada Hogaan ay si fool ka fool ah oo ay ku keli yahiin  ugu kulmeen qasriga Madaxtooyada ee dalka Ethiopia ayaa uu Madaxweyne Cigaal wuxuu Zanawi u cadeeyey in uu doonaayo inuu xilka ka dego, wuxuuna u sheegay arrin sir ah oo labada hogaamiye uun ay ogaayeen, arrintaasi oo ahayd cidda uu Madaxweynahu doonaayo inuu xilka u dhiibo?

Hadaba iyada oo hadda laga joogo muddo laba sanadood iyo dheeraad ah geeridii Madaxweyne Cigaal ayaa waxaa soo shaac-baxaya inuu Madaxweyne Cigaal doonaayey inuu xilka kaga tago Mudane ka tirsan golaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiye xigeenka golaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde xilka madaxtinimada Jamhuuriyadda Somaliland.

qoraal aan saxaafadda loo gudbin oo ka soo baxay xarunta Ethiopia ee Addis Ababa oo loo soo gudbiyey golaha wasaaradda Somaliland markii la maqlay geerida Madaxweynahii hore Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaahay ha u naxariiste Sannadkii 2002, ayaa sidaasi lagu cadeeyey, sidoo kale dad ku dhawa wakhtigaasi Madaxweyne Cigaal ayaa cadeeyey inuu Madaxweynahu damacsana sidaasi.

Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde oo wakhtigani ku sugan waddanka Ingiriiska ayaa wuxuu ka biyo diiday sida Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hadda u maaraynaayo xukunka Somaliland, isaga oo sideedii bilood ee ugu danbaysay Cabdiqaadir dibadda ka joogay fadhiyada golaha baarlamaanka, Cabdiqaadir wuxuu hormood ka ahaa ashkhaastii u ololaysay in xilka loo dhiibo Daahir Riyaale Kaahin wakhtigii la soo sheegay geeridii Madaxweynahii hore Somaliland ilaahay ha u naxariist Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland oo aan maalmahani ugu danbaysay aan hagaagsanayn ayaa waxaa durtaba soo baxaya ifafaalo ay dawladda Ethiopia kaga cagajiidayso xidhiidhkii ay la lahayd Somaliland iyada oo u aanaynaysa in aanu Madaxweyne Riyaale danaynaynin wada shaqaynta labada dhinac, Todobaadkii hore ayuu Madaxweynahu xilka ka qaaday wakiilkii Somaliland u fadhiyey xarunta waddanka Ethiopia Addis Ababa, waxaana la sheegay inuu xilka kaga qaaday la tashi weyn oo uu la sameeyey wasiirkiisa Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Sidoo kale wararka hadda ka soo baxaya xarunta jamhuuriyadda Somaliland ayaa xaqiijinaya in xubno badan oo ku jira golaha wasaaradda Somaliland aanay maalmahani ugu danbaysay ku niyad samayn wada shaqaynta Madaxweyne Riyaale, iyada oo loo aanaynayo inuu Madaxweynahu yeeshay Ra'isal wasaare qarsoon uu awoodiisa u maamula, iyada oo taasina loo macnayn karo xuseen Cali Ducaale (cawil), oo Madaxweynaha dhegta ugu qabta "Belief me aniga ku keenay meesha ee ninkaasi inalama shaqayn karo!!!!!"

Sidoo kale Baarlamaanka Somaliland ayaa noqday qaar laf dhabarta lagala baxay oo marka uu xildhibaanku doono in uu hawl u fuliyo Madaxweyne Riyaale iyo Ra'isal wasaarahiisa qarsoon Cawil laga iibinayo laf dhabarta iyada oo uu Cawil dhegta u saaro xildhibanada iyo golaha guurtida "Belief me bustahaagu waa dibadda hadaanad ballanka noo oofin" si kasta ha ahaate Shacabka Somaliland ayaa iyagu ah qaar isha uun ka daawanaya riyaawadda lagu matalayo magaalada Hargeysa, hal sanno ka hor waxaa loo sheegay shacabka in ciidamada Somaliland xuduudka beri soo taaban doonan kana sifayn doonan argagixisada halkaasi joogta, waxaasi waxay ku danbaysay in xuseen Cali Ducaale uu Madaxweynaha dhegta u saaro "Belief me Reerkaygu UDUB waa ka yacayaan haddii aad dagaal ku fuliso Sool  iyo Sanaag beri"

aan ku soo gunaanado Belief me shacabka somaliland ilaahay ayey leeyahiin, ilaahay ayeyna ka sugayaan barwaaqo iyo xukuumad tan dhaanta.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Karachi, Pakistan. 

FAALLADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Karachi, Pakistan.

 diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2004

»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'

»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


RIYAALE vs SAXAAFADDA.. GUJI


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD