SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MUSHARAXAN MA AHA KA U QALMA JADAGA HOGAAMINTA SOOMAALIYA

Diyaarintii Hereri XAAJI
 hereri01@hotmail.com

magaca RABBI ga ina ahaysiiyey ayaan ku bilaabayaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii subanaa

waxaa rajo wayn iyo himilo dadka Soomaaliyeed u qabaan shirka soomaalida uga socda wadanka kenya kaas oo ay ujeedadiisu tahay in la halo dawlad u adeegta danaha iyo baahida dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysnaan 14kii sano ee ugu danbaysay.

Burburka dawladii dhexe ee Soomaaliya waxaa sababaheeda ugubadan loo tiriyaa in ay keentay Itoobiya , arintan oo isugu jirta mid toos ah oo ay keentay dagaalkii laysla galay ama taageerada iyo dhiirigelinta ay siin jirtay kooxihii udagaalamaya riditaanka dawadii soomaaliyeed, welina ugu caawiso kooxihaas burburinta iyo is hortaaga jiritaanka Soomaliya.

Kaas oo ah maqaamka ay Itoobiya ka taagan tahay horena uga taagnayd jirtaanka iyo Qaranimada Soomaliya oo markale geeska afrika lagu arko.

Maanta dalka Soomaliya waxaa u dhisan dawladii hogaanka qaban lahad una adeegi lahayd dadka soomaliyeed ee tabaalaysnaa laga soo bilaabo markii ay dawladii Soomaliya afka dhulka dartay,

Hadaba iyada oo aan isla qirnay heerka ay Itoobiya kataagan tahay jiritaanka qaran soomaaliyeed oo lahelo kaaso oo ah in Itoobiya ay raali ka tahay oo kali ah in Soomaliya ugu jirto xaalada ay ku sugnayd 14kii sano ee lasoo dhaafay ama hadii ay kafursan waydo in ay hesho xukuumad daba dhilif u ahaata iyada oo si dadban looga maamulo xarunta Malas Sanaawi. .

Hadaba maanta waa maalintii shacabka soomaaliyeed ka gudbi lahaa dhibaatooyinka soo jiitamayay ee uu kala kulamay dawlad la'aanta

  • Maanta waa maalintii dib loo yagleeli lahaa lana soo noolaynayay jirintaankii, Qaranimadii iyo karaamadii Soomaaliya.
  • Waa maalintii aandunida caalamka kusoo laaban ;lahayn inaga oo qaran jira ah dawladna leh.
  • Maanta waa maalintii aan birta sudhi lahayn calankii Soomaaliyed ee dhulka yaalay mudada badan. .dhamaan lahaydna 14 sano oo burbur iyo qaranjab ah
  • Maanta waa maalintii ay caruurta Soomaliyeed ogaan lahaayeen in wadan koodu leeyahay dawlad.si farxadi ku dheehan tahayna ay u bilaabi lahaayeen iskooladii iyaga oo qaba dharka iskoolka .

Dhamaan waxyaabahaas iyo kuwa aanan xusinba waxay gacanta ugu jiraan xildhibaanada soomaaliyeed ee sharafta leh haystana fursada maanta oo kali ah.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee sharafta leh waxaan xasuusinayaan in maanta ay mustqbalka malaayiinta soomaalida ah gacanta ku hayaan oolina doonto halka ay maanta dhigaan.

xildhibaanada soomaliyeed ee sharafta leh waxaan xasuusinayaa

  • In gudinta lagu burburiyey qarankii sharafta lahaa ee dadwaynaha soomaliyeedna u horseeday dhibaata daabkeedu ahaa Axmaaro
  • In Itoobiya horena ugu taamaysan hadana ay ka go'an tahay in Soomaliya u ahaato meel burbursan ama hadii ay ka badin waydo ka yeesho xukuumad daba dhilif ah oo danaheda ka hor marisa midka dadka soomaliyeed.
  • In Itoobiya hada leedahay dad huwan shaadhka buluuga ah ee Soomaliga una sharaxaan in ay qabtaan jagada hogaamineed ee dalka iyo dadka soomaliyeed kadibna ay ka go'an tahay fulinta danaha Itoobiya.
  • Waxaan xasuusinayaa baarlamaanka sharafta leh ee Soomaaliye in Itoobiya tahay dalka keli ah ee taageersan kala go'itaanka dalka iyo dadka Soomaliya ee midka ah .tahayna mid had iyo goor ku hawlan arimahaas.
  • In Itoobiya tahay caqabada ugu wayn ee hortaagnayd14kii sano in soomaliya caga isku tagto ,ahaydna isha ugu wayn ee hubka ugu deeqda kuwa fikirka gaaban ee burburiyey Jamhuuriyadii Dimoqraadiga Soomaliya.
  • In dawlad la'aantu ka wanaagsan tahay dawlad danaha shacabka soomaliyeed ka hormarisa danaha Axmaaro iyo shisheeyaha.
  • Dadka wada danaha Axmaaro iyo shisheye waa kuwa laleh gacan saarka dhow iyo midka dheerba Axmaaro iyo dadka neceb jiritaanka Soomaalida.

       

  • Dadkaasi waa kuwa galay danbiyada dagaal waana kuwa hubka wax gumaada kasoo qaada Adisababa, kana soo qaada Miinada wax laysa kuna aasaya Xamar, Kismaayo iyo dhamaanba dalka Soomaaliya .si ay ula kacdo qaar ka mid ah shacabka hada uu leeyahay waan hogaamin.

Dhamaan dabinada iyo jalaafooyinka ay Axmaaro la damacsan tahay dadka soomaliyeed ayaan maanta haysanaa fursadii aan kaga gudbi lahayn taas oo ku jirta gacanta xildhibaana Soomaliyeed.

fursada aan kaga gudbi karo eekeli ah waa hadii:-

  • hadii ay xildhibaanada sharafta leh ee soomaliya ka fiirsadaan cida ay codkooda siinayaan,isla markaana doortaan cida ugu haboon ee fulinkarta danaha dadka soomaliyeed oo keli ah ahayna daba dhilif Axmaaro iyo dawlado kale.
  • Haddii xildhibanada sharafta leh ee Soomaliya il dheeeri u yeeshaan keli iyo wadarna isula badhaan cida ay codkooda siinayaan ,isakana jiraan kooxaha gacan saarka lalleh Itoobiyaanka, xildhibaanada waxaa looga baahan yahay in ay shaqsiga ka qiimeeyaan intee inleeg ayuu saamyn ku lahaa burburka dalka, hab dhaqankiisii, ma yahay kuwa hubka wax ku laynayay ee ee saanada wax gumada ay Itoobiya usoo dhiibi jirtay..
  • Waa in ay si wayn uga baaraan degaan aysan sahashan qiimaha uu codkoodu u leehaya mustaqbal ka dadka iyo dalka soomaliyeed.
  • waa in ay iska jiraan wixii marin habaabin eh ee ay isku dayaan in lagu kasbado codka mudanayaasha ee ay samayn karaan kooxaha fuliya danaha Axmaarada ee raba in ay talada wadanka u gacan geliyaan Axmaarada,

talaabiiyinkaas iy tala saarka RABBI marka ay is raacaan waxaa imaan in dadka soomaliyeed ku wada noolaadaan barwaaqo iyo babad buuxda sida wadamada dunida.

NB. waxaan hanbalyo uga dirayaa dhamaan 175xubnood ee baarlamaanka Soomaaliyeed sida xilkasnimada ah ee ay usoo doorteen afhayeen ka , kaasi oo aan aaminsa nahay in uu noqondoono mid si sharciga waafaqsan ugu adeega shacabkiisa Soomaaliyeed.ILAAHAna la garab galo hawsha adag .


Diyaarintii Hereri XAAJI

 hereri01@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2004

»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'

»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD