SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

5- Madax-weyne Soomaaliyeed, 5-ta- sanno ee soo socota.. 

Bile Jaamac ( Gaagaale )
sharmarke10@hotmail.com

Oslo, Norwey

Markaan, is-weydiiyey xaalada sida fudud lagu dooran karo, madax-weyne Soomaaliyeed, oo xil-dhibaanada baarlamaanka federalka ee cusub-na, eey ku qanci karaan.

Is-weydiinteeyda su`aalahaas ku saaabsan madaxweyna-nimada Soomaaliya, u arkay in shanta sanno (5 sanno), eey jiri doonto Transitional National Federal Government (TNFG), ama Dawladda Federalka ku-meelgaarka Soomaaliya in:

-Halkii sannadba, hal madax-weyne la doorto;

-Halkii sannadba, hal ra`iisal wasaare la doorto;

-Halkii sannadba, 15 wasiir waxaan ka badneeyn la doorto.

Inkastoo aan maqaalkaan uga hadlaayo, Madax-tooyo sannad-wareegto ah, haddana meesha waa in carabka lagu dhuftaa -Wasiirka Koowaad ama ra`iisul wasaare iyo wasiiradiisa- oo qofkaas madaweynaha noqday ku xiran xaaladiisa, sida badan.

Waxeey, ila tahay hal-sanno, Cabdulaahi Cadoow, sannadka ku xigo Cabdulaahi Yuusuf, sannadka ku sii xigo Al - Haji Muuse Yalaxow, sannadka ku sii xiga Col- Shaati-guduud iyo ugu danbeeyntii Gen- Jaamac Mohamed Qaalib.

- Labo Hawiye ah, hal Daarood ah, hal Digil iyo Mirifle ah iyo mid Isaaq ah; Hawiye, hal dheeriga waxaan u siiyey, caasimadda oo Xamar ah iyo jab-hadahaan tiradda badan ee Xamar joogo, si loo qanciyo oo dalkana uu ku dego.

Madax-tooyo wareega ee halka sanno ah, halagu -dayo siyaasadaan cusub ee federalka ah, ee soomaalida tijaabada ku ah..

Waxaana la soconaa, shan sanno ka dib, nidaam-yadaan ku meel gaarada ah, waa ka baxeeynaa- baarlamaanka ku meel gaarka ah, dawlad ku meel gaar ah iyo axdiga ku meel gaarka ah- oo waxaan u gudbeeynaa, wax joogto ah.

- shiicada ayaa qabta- guur la dhaho "mutca" oo waa guur ku-meel gaar ah, ka dibna waa fureeysaa markaad dantaada gaartid, adigoon danbinna galin, xaaskaadana ka xanaajin.

Soomaaliyeey, 5-taan sanno, ee wax kasta ku-meelgaar ah, tijaabooyinna dabada ku wada-to oo nooc walba leh, aan wax kasta aan sameeyno, si danta guud ee 10 malyan ee soomaali ah, loo badbaadin lahaa.

-Geed dheer iyo mid gaaban-ba, aan u foolno si dantaas guud ee soomaali loo gaaro.

Prof- Cabdi I samatar ayaa wuxuu ka xanaaqaa sidee bani`aadam loogu qeeybin karaa : 4 iyo 1/2 qabiileed, waa runtiis, waa wax laga xanaaqo; laakiin professorka, wuxuu ka booday ama uu halmaamay soomaaliya- baqtigaa u xalaal ah- si maslax macquul ah, loo helo, wax kasta oo tijaabo ah, waa la sameeynaayaa.

Tiradeena badan ee shacbiga caadiga iska ah, waxaan raali ka nahay, marxaladaan adag ee masiibadda nagu naqotey, sideen uga gudubnaa.

Si kastana, waa in aan u fikirnaa, wax macquul ah iyo wax aan macquul-ba, aheeyn.

Si nabad looga helo dagaal-ooge, ama qabiiliiste kasta ee soomaali ah, oo wax u geeysan karo, geedi -socodka-dawladeed; lagu qanciyo in sannadkaan, reerkiisa eey madax-weyne Soomaaliyeed yihiin.

- Xeego see loo xagtaa; ilkana ku nabad galaan...

Madaxtooyo wareejiskaan, wadamo jiro aduunkaan aa ku dhaqma, oo khilaafkooda awood-qeybsi, markuu batey, nidaamkaas doortey, si fiicanna ugu guuleeystey. Laakiin, dadkeena iyo dalkeena tusaale looma soo qaadan karo, wadamadaas ku guuleeystey -madax-tooyo wareejinta- arimo badan awgeed.

Gaba-gabo, madax-tooyo qeybsiga, ee sannad -wareega ah waa arin macquul ah, oo xal-loogu heli karo; dagaal- ooge iyo qabiiliiste, dawladaan federelka ah, curyaamin lahaa ama dagaal ku qaado si loo qanciyo- waa in jago lagu sasabo.

Midda kale, dastuurka ayaa muhiim weyn noo ah, ee qof shakhsi ah, oo madaweyne noqday, runtii muhiim nooma aha, ee waxaan u baahanahay, dastuur-adag.

40 sanno iyo + - aan xoriyadda nahay, wax dastuur fiican oo lagu dhaqmo, waligeen mayeelan.

Dhibkaas-na sababo badan, baa ku leh tusaale ahaan dagaalkii qaboobaa ee East and West iyo ummad hadda uun sida wax loo qoro ama loo akhriyo baraneeysa, waa la fahmi karaa dhibka eey la mareeyso ( nation -state ) dhismihiisa.

20 sannana, waxaaba nala haray askar waalan oo dastuurba aanba qiimo iyo ixtiraam u haayn oo 1969 dastuurkiiba jacburka noo ahaa tir-tiray, oo noo sameeystey sharci xoriyada-sharafta qofka lahaa ka qaadaayo, wax kastana qub-jac u dhisay

Afar iyo toban sanno, iyo ilaa haddana, " jungle law" oo noo socdo, dastuurba warkiisa yaaba hadal haayo.

Xil-dhibaanoow, xil-kas noqda oo baarlamaan fadhiid-ah sidii tii Carta -camal naga ilaaliya, mid xiiso leh, oo furfuran noqda, talo kalena iga qabsada - website u sameeya baarlamaankaan cusub- dadkaan soomalida dibada iyo gudaha jooga ee halka doolar dhiibi karo ayaa qarashka bixinaayo. 

Wabilaahi Toowfiiq..sideey wadaadado dhihi jireen

Bile Jaamac ( Gaagaale )

sharmarke10@hotmail.com

Oslo, Norwey

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2004

»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'

»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD