Gudoomiyaha baarlamanka oo ku baaqay in la
Joojiyo Dagaalada K/somalia, Xoghayn KMG ahna magacaabay.
Shariif Xasan Shiikh Aden
Beesha::: Digil-Mirifle
Canab Mumtaz.
canabmumtaz@yahoo.com
Somalitalk.com, Nairobi | Sept 19
Afhayeenka baarlamaanka dowlada KMG ah
ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa in ay
joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo goobaha kale ee u dhawba.
Shariif Xasan Sh,Aadan oo markii ugu
horeysay gudoominayay Baarlamaanka waxa uu baaqan u soo jeediyay labada
dhinac ee kala hogaamiya maliishaadka iskaga soo horjeeda Kismaayo in ay
u daneeyaan shacabka soomaaliyeed ee ka soo daalay dhibaatada dagaalada
sokeeye ee ka dhacay somaliya, xalkuna uu ku jiro in la wada hadlo
labada dhinacbana waxa uu ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan shirka
iyagoo u tanaasulaya shacabka soomaaliyeed ee rajada wayn ka qaba
dowlada lagu dhisayo halkan.
Waxa uuna ka codsaday mudanayaasha baarlamaanka in aysan ka aamusin arrintan
gacan muuqatana ka gaystaan sidii loo dhamayn lahaa xiisadaha ka taagan
kismaayo ee aagaga ku dhawba ee ay dagaalada ka dhacayaan.
Gudoomiyaha waxaa kale oo uu baarlamaanka
ka codsaday afar xubnood uu magacabaay in ay si KMG ahaan ah u sii
wadaan shaqada Xoghaynta Baarlamaanka ayna xor u yihiin in ay wax ka
badalaan baarlamaanka magacyadan hadii la isla garto,balse baarlamaanka
ayaa ku raacay in ay aqbaleen afartan xubnood oo kala ahaa.
1: Axmed Maxamed Saleebaan
2: Ibraahim Shiikh Cali Jeebbe
3: Cali Axmed Jaamac "Jangali"
4: Drs. Fahma Axmed Nuur
Xubanahan ayaa si KMG ahaan ah waxay u
qaban doonaan xoghaynta baarlamaanka inta laga dooranayo Gudoomiye Ku
xigeenada baarlamaanka oo lagu wado maalinta talaadada ah.
Dhinaca kale waxaa la dhaariyay mid ka mid
ah xildhibaanada dhiman oo lagu magacaabo Axmad Cismaan Jibriil.
SABABTA KEENTAY DIB U DHACA DOORASHADA
MADAXWEYNAHA.
Dood ka dhalatay hadal uu gudoomiyaha u
soo bandhigay baarlamaanka oo ahaa in doorashad madaxweynaha dib loogu
dhigo illaa bisha ogtobar 2deeda ayaa keentay in siyaabo kala duwan ay
baarlamaanka u soo jeediyeen in ay doorashadaasi u dhacdo.
Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka
oo ah Coll.C/llaahi yuusuf ayaa soo jeediyay in doorashadu ay dhacdo
ogtobar 15keeda oo ku aadan sanad guurada 2aad ee shirka dib u heshiinta
soomaaliyeed,cod loo qaaday arrintaas ayaa ugu dambayn waxaa la isku
raacay in bishan tobankeeda la doorto ,madaxweynahah Dowlada KMG ah ee
soomaaliya.
Mudanayaasha u codeeyay in ogtobar
tobankeda la doorto madaxweynaha ayaa gaarayay 179 xildhibaan, halka 12
ka mid ah ay u codeeyeen in xiliga doorashada ay dhacdo 2da
ogtobar, waxaa ka aamustay 5 xildhibaan, sidaasna waxaa codka ugu badan uu
ku noqday in la isku raacay 10ka bishan in ay dhacdo doorashad
madaxweynaha KMG ah ee Dowlada soomaaliya.
Hakinta doorashada madaxweynaha ayay
siyaabo kala duwan u arkaan mudanaaysha baarlamaanka iyo dadka
siyaasadda soomaaliya ku dhex jira, qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa iigu
waramay in dib u dhigistan ay sababi karto in uu sii dheeraado shirka
soomaalida, halka qaar kalana ay qabaan in howlo badan ay harsan yihiin
dagaalo sokeeyena ay ka jiraan dalka meelo ka mid ah sidaas darteedna
aysan wax dhib ah keeni doonin baaqashan.
Wasiiradda arrimaha dibada ee urur
goboleedka IGAD ayaa qaarkood waxay safar ugu maqan yihiin xarunta
QM,midoobay ee Newyork si ay ugala xaajoodaan shirka dib u heshiinta
soomaaliyeed ee gagabada ah,sidii ay ugu heli lahaayeen taageero
dhaqaale iyo aqoonsi ku filan,safarka wasiirada ayaa macquul ka dhigi
kara laf ahaantiisa baaqashada doorashada madaxweynaha inkastoo ay
ogaayeen waqtiga loo qabtay doorashada qoraaladoodiina aysan uga
hadlin. Ugu dambayn waxaa
goobaha shirarka ka socda qabanqaabo iyo diyaar garow loogu jiro
Doorashadaas iyadoo ay jiraan isbahaysiyo kala taageera musharaxiinta u
tartamaya jagada madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee
soomaaliya. walina waxaa muuqata in aysan dhamaanin ururadii iyo
isbahaysiyadii jiray ka hor dhaarinta Baarlamaanka KMG ah dibna boorka
looga jafay doorashada madaxweynahana ay ku salaysnaanto sida ay qabaan
aqoonyahaniin wax kala socda shirka soomaaliyeed.