MUXUU KU
DHAMMAAN KARAA SHIRKA NAIROBI?
Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com
Waa
mustaqbal, oo Ilaahay uun baa og, waxa ay ku danbayn doonto waan-waanta
kooxaha soomaalida uga socota Kenya, waxaase inoo bannaan inaynu diraaseeyno,
aragti ogaal ku dhisanna aynu ka qaadanno waxa kasoo bixikara shirkaasi.
Waxaan
xusuustaa sannadkii 2000, markii uu socdey shirkii (Carta) ayaan ka fakarey
waxa kasoo bixi kara shirkii Carta, waxaana iisoo baxday sidaas ay
xaaladdiisu ku danbaysey. Waxaan oran jirey sidii ay dad badan oo ila aragti
ahi qabeen: waxaa kasoo baxaya “ koox iyo qabqable cusub” “new faction and
warlord”.
Si
kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in shirka Nairobi uu dhinacyo badan kala
mid yahay kii Carta, iyadoo ay jiraan dhinacyo iyo duruufo kale oo ay ku
kala duwanyihiin.
Haddaba bal aynu is waydiinee ma waxaa ka dhalan doona Dawlad soomaalaiyeed
oo loo dhanyahay mise “faction” ama koox cusub? Oo loogu yeeri doono
“Mpagati Group”
Bal aynu fiirinno aragtiyahay ama filashooyinka (scenario’s) lagalasoo bixi
karo xaqiiqooyinka aynu hayno:
»»»Run
ahaantii waxay dhibaatada soomaalidu soo taagnayd muddo dheer, mana ahan
markii ugu horreysey ee ay soomaalidu isugu yimaadaan si ay u dhistaan
Dawlad loo dhanyahay, waxaa jirey shirar, hindisayaal iyo isku dayo la
doonayey in lagusoo af-jaro dawlad la’aanta ka taagan soomaaliya. Waxaad
moodda inaan weli si dhab ah la isku weydiin halka laga haysto ummadda
soomaaliyeed iyo waxa xalka loogu helila’yahay dhibka muddada kasoo taagnaa
dalka.
»»»Waxaase
iyana xaqiiq ah in shirka hadda ka socda Nairobi uu yahay kan kaliya ee ay
ka qayb qaateen dhammaan dagaal-walayaasha ka taliya deegaannada kala duwan
ee soomaaliya, iyo waliba kuwo aan meella ka talin, marka laga reebo
Somaliland.
»»»Waxaa
kale oo iyana xaqiiqa ah in cadaadiska markan lagu hayo kooxaha kala duwan,
si ay wax uun isugu waafaqaani, uu ka culusyahay cadaadis walba oo horay
loogu hayey.
»»»Waxa
kale oo iyana jirta in waqtiga iyo kharashka loo huray ay ka badan yihiin
kuwii la gelin jirey shirarkii hore oo dhan.
»»»Dawladaha
IGAD, ururada caalamiga ah iyo dawladaha shisheeye ayaa iyana quudaraynaya
in meesha wax ka soo baxaan, wajigey doonaanba ha lahaadeene.
Goldaloolooyin natiijada shirka bushinkara (weaknesses)
1. Arrinta ugu muhiimsan oo
hortaagan shirka Mpagati, ayaa waxa ay u muuqataa iska indhatirka la iska
indha tirayo bulshada rayidka ah, waxaan gebi ahaanba wax tixgelin ah la
siinin shacabweynaha soomaaliyeed, waana kaas farqiga ugu weyn ee u dhexeeya
shirkan iyo kii (Carta) ee Jabuuti.
2. Arrinta kale oo iyana
muhiimka ah, lagana yaabo in ay inbadan u heetiso dawlad walba oo kasoo
baxda shirkan ayaa ah maqnaanshaha gobollada Waqooyi. Haddii ay dhacdo
in ay hanaqaaddo dawlad kasoo baxda shirka Nairobi, waxaa hubaal ah inay
noqonayso dawlad ka arrimisa qaar dalka ka mid ah, oo aanay awooddeedu wada
gaarsiisnayn ciidda waddanka oo dhan. Haddii ay dhabowdo inay dawladdaasi
helayso aqoonsi caalami ah, waxay markaas walaalaha Reer-waqooyi ku
khasbanaanayaan ama ay dantooda iyo tan soomaaliyeedba ku jirtaa, in ay
lasoo qabsadaan ama ay soo raacaan dhinaca loo badanyahay ee Soomaali-weynta.
Waxaase muhiim ah in si
buuxda looga fiirsado shuruudaha midowga, ama waxa lagu midoobayo, si aanay
ula mid noqon midowgii 1960-kii oo ay siyaasiyiintii Reer-koonfureedko si
khaldan u fahmeen ama u isticmaaleen. Waxayse arrinta imaanshaha walaalaha
waqooyi ku xirnaandoontaa siyaasad-wanaagga ay muujiyaan Reer-koonfurka, oo
iyagu haatan huwan magacii soomaaliyeed. Haddiise ay dhacdo in aanay
siyaasiyiinta Reer-koonfurku fahmin waxa ay ka cabanayaan walaalaha
Reer-waqooyi, waxay ila tahay in arrinta soomaaliyeedi ay la mid noqon
doonto sida tan dalka Qubrus (Cyprus) oo u qaybsan laba dal oo midna la
aqoonsanyahay, kan kalana aan la aqoonsanayn. Waxaanse marnaba la illaawi
karin, kala duwanaanshaha u dhexeeya kala-qaybsanaanta Qubrus, oo ah dal ay
dadkiisu ku kala duwanyihiin xag diimeed, (muslim- kiristan) xag dadeed (
Giriig – Turkish) xag luqadeed iyo xag-dhaqanba, halka ay dadka soomaaliyeed,
Waqooyi iyo Koonfurba, yihiin kuwo iskumid ka ah dhammaan dhinacyadaas aynu
soo sheegnay.
3. waxaa jira qodob
saddexaad oo isagu u muuqda in uu gebi ahaanba burburinkara wax-walba oo
shirka kasoo baxa. Kaasi oo ah dagaallada haatan kasoo cusboonaaday Kismaayo.
Kismaayo waa magaalo xasaasi ah. Waa meel dhextaal u ah qabaa’il badan oo
soomaaliyeed. Waa meel uu Ilaahay ku mannaystay hodantinimo iyo meel
wanaagsan oo ay ku taallo. Arrinta Kismaayo waxay ka mid ahayd sababihii ay
la socon weydey dawladdii (Carta) markii ay si toos ah u garab istaagtay
kooxda la magacbaxday Dooxada Jubba, oo iyagu haystey magaaladaas ilaa
1999-kii.
Garab-istaaggaasi waxa uu keenay in ay
dawladdii (TNG) ku waydo kalsoonida qabaa’ilkii horay looga qabsaday
Kismaayo.
Haddaba maxay dawladda (Mpagati) laga filayo
ka samayn doontaa xaaladda Kismaayo?
Waxaad mooddaa in aan la gaarin su’aashaas
jawaabteeda, ayna ku xirantahay wajiga ay yeelan karto dawladdaasi.
Haddiise ay dhacdo in la xalliyo dhibaatada
kismaayo, kahor inta aan shirka Mpagati lasoo gabagabayn, ayna dhacdo in
khasab la isku soo hor fariisiyo beelaha Marreexaan & Majeerteen, ayna
labadaas beeloodi ogaadaan in aanay suuragal ahayn in qolo kaliyihi ay la
kaliyowdo gacan-ku-haynta magaaladaasi; markaas waxaa macquul ah in ay
caqabaddaas ka badbaaddo dawladda (Mpagati).
Xaalado [Scenario’s]
Bal aynu eegno wajiyada ay yeelan karto dawlad
ka dhalata Mpagati, iyo waji walba waxa laga yaabo inuu eedo:
Kasoo qaad in C/laahi Yuusuf ku guulaysto
madaxnimada Somaliya, Maxaa imankara?
Marka aynu fiirinno hannaanka uu shirkani ku
socdo waa suuragal in C/laahi loo doorto madaxnimada, maxaa yeelay qolyaha
ku hawlan meel-marinta shirku waxay xoogga saarayaan in wax uun ay kasoo
baxaan shirka, oo mar qura ay arkaan iyadoo madasha caleema-saarka looga
heesayo Madaxweyne soomaaliyeed. Ma ahan tan muhiimka u ahi, Yaa soomaaliya
ka saari kara xaaladda qallafsan ee ay marayso? Yaa karti iyo aqoon u leh?
Yaan danbi ka galin ummadda? Yaa mudan ama geyaankeed ah jagada madaxnimada?.
Run
ahaantii waxa uu doonayo Guddiga Fududaynta IGAD ayaa ah sidee lagu wada
qancin karaa dhammaan kooxaha shirka fadhiya?. Sidee looga badbaadi karaa
inay caroodaan, shirkana ka baxaan dagaal-walayaashu?
Haddaba haddii ay dhacdo in ay C/laahi u rumowdo riyadiisii uu ku taamayey
muddada aadka u dheer, oo ah in uu mar iska dul dhakooliyo kursiga
madaxweynenimada Soomaaliya; maxay fali doonaan qabqablayaasha ay waligood
C/laahi soo hirdamayeeni?
Macquul ma tahay in dhammaan siyaasiyiinta Habar-gidir kuwa Abgaal kuwa
Murusade iyo dhammaan siyaasiyiinta Hawiye ay yiraahdaan: “Samcan wa daacah”
Cabdullahoow na daadihi?
Ma
laga yaabaa in C/laahi uu ku dul fariisto kursi Xamar yaalla? Iyadoo la ogaa
tii kasoo martay kursiga Garoowe!
Maxay
fali doonaan siyaasiyiinta Marreexaan, oo iyagu ku tuhunsan C/laahi inuu ka
danbeeyo dhibaatada ka aloosan Kismaayo?
Muxuuse C/laahi ka fali doonaa magaalada Kismaayo?
Sidee
C/laahi ka yeeli doonaa xallinta muranka ka imaan doona hantida iyo
deegaanada ay beelaha soomaaliyeed isku sheegan doonaan?
Arrimahaasoo dhan oo kulligoodba ah kuwo xasaasi ah, ayay ku xirnaan doontaa
inay guulaysato dawlad uu C/laahi madaxweyne ka yahay. Umana muuqdaan kuwo
uu C/laahi si sahlan uga tallaabsan karo.
Caqliyadda dagaal-walayaasha ayaan u muuqan mid aqbali karta, kursigani waa
mid kaliya, nin ayaana ku fariistay!
Waxaa
hubaal ah in dhammaan kuwa madasha shirka joogaa ay ka dhursugayaan bal in
wax iyaga qanciyaa kasoo baxaan. Dhabna kama ahan heshiisyadii dagaal
joojinta ahaa ee ay saxiixeen, taasna waxaa muujin karta, sidii uu ugu
qanci-waayey Shekh Adan madoobe markii lagaga guulaystay tartankii
Afhayeenka Barlamanka Fedaraalka ah.
Waxaa
kale oo iyana muujinaya inaanay dhab ahayn heshiiska ay saxiixeen ee dagaal
joojinta ahaa, dagaalada ay Jubbooyinka ka wadaan labada gacan ku dhiigle ee
Moorgan & Hiiraale, oo labaduba saxiixay heshiiskii dagaal joojinta.
Kasoo
qaad in C/qaasim, Caddow ama Caydiid uu ku guulaysto, Maxay noqon?
Sida aynu horayba usoo sheegnay waa macquul in uu jagada Madaxa Dawladda
nimankaas midkood ku guulaysto. Labada hore ayaa iyagu ahaa labadii murashax
ee ku tartamay Jagadaas lafteeda sannadkii 2000, markii dawladdii Carta la
dhisayey.
Haddii
ay markaas dhacdo in uu mid ka mid ahi ku guulaysto jagadaas, maxaa la
filayaa?
Caqabadda koowaad ee soo foodsaaraysa ayaa ah, C/laahi Yuusuf, oo aan ahayn
wiil yaqaan waa lagaa adkaaday, Ethiopiana isku hallayn ka haysta.
Loogama fadhiyo in C/laahi uu aqoonsado ama uu aqbalo dawlad uu madax u
yahay C/qaasim Salaad. Labada nin {C/lahi & C/qasim} ayaa aad u kala
fogaaday, markii C/qaasim Madaxweynaha ka noqday Dawladii Carta, wuxuuna C/lahi
tuhumo weyn ka qabey in C/qaasim uu doonayo in uu rido Dawlad Goboleedka PL
ee C/lahi madaxda ka yahay. Arrintaasina waxay horseedday dagaallo ba’an oo
gilgilay kursigii C/laahi ku fadhiyey iyo ciidii uu cagaha ku hayeyba.
C/lahi
dagaal ba’an oo afka ah, iyo dacaayad kulul buu ku qaday C/qaasim.
Waxaa
kale oo ay sii kala fogaadeen markii C/qaasim uu la saftay Isbahaysiga
Dooxada Jubba, dagaaladii halkaas ka dhacay.
Haddaba aniga aragtidayda uma malaynayo in C/laahi Yuusuf uu aqbalayo haddii
uu C/qaasim nasiib u yeesho jagadaas. Waxaa iyana la mid ah C/lahi badi
saraakiisha SRRC-da.
Mr.
Caddow isagu waa nin aan wax xil ah kasoo qaban dalka intii uu burburku
jirey, taasina waxay ka dhigaysaa murashax ka nadiifsan, dagaal-walayaasha,
marka laga fiiriyo xagga sumcad xumada ka haysata danbiyadii ay ka galeen
ummadda. Dagaal ba’an oo u dhexeeya isaga iyo C/lahina ma jiro.
Ø Hadii ay dhacdo in
Ilaahay uu C/qaasim kasoo gudbiyo isbaarada C/laahi Yusuf, waxaa weli
horyaalla caqabado aad u waaweyn, oo aanay u muuqan in C/qaasim oo dhabarka
ku sita ceebihiisii hore (kuwii dawladdii Carta) uu ka bixi karo.
Dhammaanba shacabka Soomalaiyeed ayaa ka niyad
jabay, wax taageero ahna aan u hayn C/qaasim.
Ø Haddiise ay dhacdo
in Allaah uu shacabka u khasbo, oo ay taageero siiyaan C/qaasim, isla
markaana uu ka soo wada gudbo caqabadaha oo idil, waxaa caddaan ah in
C/qaasim aanu haynin wax barnaamij siyaasadeed oo uu ku badbaadin karo
Dalka, mana lahan dad-kasbasho uu kusoo jiidan karo siyaasiyiinta kale, ama
uu saaxiibo ku kasban karo. Waxaana la ogaa halka uu dhigay Dawladdii Carta,
iyo yooyootankii dhexmaray isaga iyo raggii tiirarka u ahaa dawalddiisii.
Ø Ina Caydiid,
ninkaas dhallinyarada ahi, waa nin ka tirsan golaha SRRC waxayna xiriir aan
xoog lahayn yeelan karaan C/lahi yuusuf. Waxayse u badantahay in aan isaga
xilkaas loo dhiibin marka la fiiriyo sida uu ugu guul darraystay inuu
xasiliyo inta uu Muqdisho ka arrimiyo, iyo da’yaraantiisa, khibrad
gaabnidiisa iyo waliba kala qaybsananta beeshiisa oo aan u saamaxayn inuu si
fudud ugu guulaysto jagadaasi. Ruug caddaayo ay isku beel yihiinna way la
tartamayaan.
Ma laga yaabaa in nin Reer
baydhabo ahi jagada nasiib u yeesho?
Ma muuqdo nin Reer Baydhabo ah oo la
tartamikara kuwa aynu kor kusoo sheegnay. Waxaana arrintaasi sii fogaatay
markii uu Shariif Xasan ku guulaystey tartankii Afhayeenka Barlamanka, in
kastoo
Mr. C/Risaaq Xaaji Xuseen, R/wasaarihii hore soomaaliya uu isagu qabey
in jagada Madaxweynenimada Soomaaliya ay markan ka tanaasulaan siyaasiyiinta
Hawiye & Daarood, fursadna loo siiyo qabaa’ilka kale in ay isku dayaan inay
xalliyaan mashaakilka dalka.
Haddaba yaynaan iskusii daalin (scenario) aad
u fog ee aynu ka hadallo kuwa dhicikara.
Haddii nin reer waqooyi ah
loo dhiibo, xagguu la aadayaa?
Waxaad mooddaa in badi beelaha dega Gobollada
Waqooyi, ay ka maqan yihiin Shirka inkastoo xubno ka tirsan xildhibaannadu
ay kasoo jeedaan G/waqooyi haddana waxaan cidina isku khilaafsanayn, in la
isku af-gartay in arrinta G/Waqooyi ay qabyo tahay.
Haddaba haddii xilkan loo dhiibo nin
Reer-waqooyi ah; xagguu la beegsanayaa?
Mase laga yaabaa in haddii loo dhiibo xilkan
nin Reer-waqooyi ah ay arrintaasi wax ka baddasho aragtida shacabka
Somaliland, oo ka daawayso goosi ku orodka? Ma laga yaaba in arrintaasi xal
u noqoto dhibaatada goosiga walaalaha waqooyi?
Waxaan u malaynayaa waa arrin u baahan in si
weyn loogu kuur galo. Waxay u baahan tahay in la sameeyo cabbiraad aragtida
dadka Reer somaliland.
NATIIJADA
Waxaad
mooddaa in aynu in badan kasoo sheekaynay, xaalado ismariwaa ah, lagana
yaabo in ay niyad jab ku abuuraan akhristaha, hase yeeshee soomaalidu waxay
ku maahmaahdaa Run ilaah baa kugu jecel, Wax la cayriyana been ba ugu
gaabisa. Waxaad mooddaa inay tahay lagama-maarmaan in aynu runta isku
sheegno, iyadana aynu wax ku dhisno.
o Waxaa
shaki weyni ku jiraa sida ay shirka daacad uga tahay dawladda Ethiopia.
Waxaana loo malaynayaa in ay siyaasiyiinta Ethiopia ka jooga shirku, ku
jiraan xaalad ah “waa la sugaa, la sugaa markii Ilaahay ku siiyana waa la
sugaa” oo macnaheedu yahay in ay dhagar isla gaabinayaan, fashilintoodana ay
la sugayaan marka shirku dhammaado, si uu niyad-jabku u waynaado.
o
Caqliyadda uu shirkani ku soconayo uma muuqato mid ay wax qiimagal ahi kasoo
baxayaan.
o Codkii
shacabka Soomaaliyeed oo ah kii sida tooska ah ay ugu dhacaysay dhibaatadu
ayaa meesha ka maqan. Waxaad mooddaa in shacabkii soomaaliyeed aanu wax
awooda lahayn, laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay in shacabku uu maanta diyaar u
yahay in la helo dawlad qaran, ciddii doontaaba ha u arrimiso, ama madax ha
ka ahaatee, waxay maanta shacabku taagan yihiin halkii carabtu kaga
maahmaahi jirtey “ Al-ceynu basiirah, wal yaddu qasiirah”.
o
Dagaal-walayaasha ku urursan Mpagati uma muuqdaan kuwo samada loogasoo
dajiyey inay dhaqankoodii hore wax ka baddalaan. Caado uma lahan inay
aqbalaan in lagaga guulaysto madal si xornimo ah wax loogu doortay,
markhatigeeduna waa ninkii qabqablayaasha Sheekha u ahaa iyo sidii uu u
qanci waayey markii Shariif Xasan kaga guulaystay tartankii Afhayeenka
barlamanka.
o Waxaa
caado u ah in ay ballamihii ay galeen ka baxaan, aaminaadna ma lahan.
o Ma
fahmi karaan: war wuxu waa hal kursi oo qura, inana waan ka badannahay ee
inoo nabadeeya aynu ku moogaysanno, oo ninba mar haku fariistee! Ama kan
ninbaa ku fariistaye aynu wax kale raadsanno.
o Ma oga
xataa in jagada Madaxweynaha ay ka awood badantahay tan R/wasaaruhu, xagga
hawl-fulinta, marka la tix-raaco dastuurkii ay iyagu ansixiyeen.
o Ma
garanayaan in awoodda la baahinkaro si koox walba ay u hesho awood u
dhiganta tan kooxda kale ay heshay oo kale.
Gabagabadii arrimahaasoo dhan markii la
iskusoo xooriyo, waxaan u arkaa in Riwaayadda Mpagati ay laba arrimood
midkood ku dhammanayso:
1. In marka la gaaro
Doorashada Madaxweynaha la is mari waayo oo uu shirkuna sidaas ku fashilmo.
2. In marka hore wax la
dhoob-dhoobo, laakiin qolo walbaa ay guryohoodii ku laabato iyagoo shakisan
islamarkaana fiirinaya bal sida uu yeelo ninka ku fariistay Kursiga dawladda
ugu dheer.
Tan saddexaad oo aan Allaah ka baryayno ayaa
ah in wax khayr-qaba, oo danta Diinta, Dadka iyo Dalka soomaaliyeedba ay ku
jirto ay kasoo baxaan.
Ilaahow sida roon na waafaji. Aamiin
Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
|
Sept
19,
2004
»SHIRKA KENYA OO SOO
GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile
»BAARLAMAANKA
CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'
»XILMA DHIBAYAASHA NA
LOO XULAY:
Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo
Xil-kasnimo Muujiyey
[C/waxid]
»Shariif,
Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»Shacbiga:
Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|