SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dab baa nagu Baxayee ma Baansiin (shidaal) baan Doorannaa mise Biyo, Xildhibaanno 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cilmiga ka hor, waxaa jirta fidro lagu dhasho oo la raaco. Xagga cilmiga haddaan milicsanno sidii Eebbe Weyne Qur’aanka usoo dejiyey waad u qushuucaysaa. Aayaddihii ugu horreeyey ee Qur’aanka ugu soo hor degay waxay ka hadleen cilmi iyo Ilaah oo iskeen baraya. Markii nabiga (SCW) laga dalbay in uu akhriyo Magaca Ilaah dabadeed Ilaah waa is keen baray. Ilayn sida Qur’aanku sheegay cibaadada waxaa ka horraysa cilmi. Haddaan Ilaah saas noogu bilaabeen Qur’aanka waxaa la is weydiin lahaa: Alloow kumaad tahay? Maxaanse kuu caabudaynaa? Ilaah biloowgiiba wuxuu sheegtay inuu na abuuray oo Isagu na leeyahay weliba uu ka hadlay marxaladaha qofka binu Aadamkaa soo maray; wuxuu Ilaah sii sheegay inuu na karaameeyey oo na baray cilmiga iyo qoristiisa. Hadduu doono Ilaah waa naga dhigi karay duunyo marka dadnimadaa keenaysa in Isaga la maqlo. 

Soow meynaan arag khudbooyinkii ay soo jeediyeen madaxweyne Bush iyo John Kerry si dadka Maraykanku ugu doortaan madaxweyne doorashada soo socota ee lagu wado inay dhacdo bisha Nufeembar? Labadaas nin ma sheegan karaan abuuridda dadka laakiin dadkooda waxay u balanqaadeen nabad iyo barwaaqo. Bush wuxuu sheegtay inuu yahay nin dagaal, uuna u qalmo in fursad kale la siiyo si uu dhammaystiro howlaha adduunka uga qabyadaa sida Ciraaq oo kale. Kol hore dadka Maraykanka, kee u fiicnayd inay doortaan Al Gore iyo Bush? Maaddaama Al Gore uu ka socday xisbiga Dimuqraadiga waxaa loo filayey inuu raaco siyaasaddii Clinton oo ahayd in Maraykanku xoogga saaraan dhaqaalaha waddankooda; hadday cid kale weerarayaanna ay isticmaalaan NATO iyo dowladaha kale oo dhan iyagoo u sii maraya UN. sidii ay ku sameeyeen Kosova iyo Serbiya. Marka hadday Soomaalidu raacayso dhibta qabsatay Maraykanka oo kale oo ay dooranayso mid Bush oo kale ah oon u qalmin in la doorto haddee iyagay jirtaa. Ama ha ogaadeen ama yeysan ogaanne, dadku qaabkaas Rabbaaniga bay u hadlaan laakiin dadka badankiisu been iyo xukun-dood bay ku sifoobaan. Sunnadaas ayaa laga soo qaatay in muslim iyo gaalaba markay is baranayaan ay isticmaalaan isbarasho “introduction” ama markii shaqo, wax-barasho ama wax marka ugu horraysa la isu dirayo waa in marka ugu horraysa la isu tuura-gooyo waxay ku saabsan tahay “induction”. Dhowrkaas aayadood ee Qur’aanka usoo hor degay waxba ma hambeyn 

Hadda guddoomiye baarlamaan la dooray; waxaa la filayaa in 10-ka Oktoobar madaxweyne la doorto. Intaan xildhibaannadu cid dooran waa in la isweydiiyaa qofka la dooranayo oo arrintiisu noo caddaataa. Muxuu yahay? Muxuu ku sifoobay? Sidee dadku u arkaa? Iyo su’aalo badan. Haddaan doorashada yaqiin iyo caqli lagu salayn waxaa dhacaysa in fikrado la iska qabo ama ku-tiri-ku-teen  wax lagu saleeyo sida hebel dowlad xoog badan baa wadata ama ninkaasi waa libaax-san-ka-taabte. Adoon wax la fahmin haddii la iskal boodo waxaa dhacaysa   sidii nin reer baadiye ah qabsatay. Fiiri sheekadan: 

Nin reer baadiye ah baa salaad subax ku dabo tukaday imaam dabadeedna imaamkii wuxuu ku furfurtay Suurat Al-Baqarah ilaa qorraxdii ka soo baxday. Subaxii dambe ayaa haddana reer baadiyihii soo aaday masaajidkii si uu ugu soo tukado. Markii Imaamkii Faatixadii dhammeeyey ayaa Imaamkii wuxuu bilaabay Suurat Al-Fiil (ALAM TARA KEYFA FACALA RABBUKA BI ASXAABIL FIILI). Reer baadiyihii markuu Al-Fiil maqlay buu inta salaaddii gooyey iska tagay isagoo leh: shalay buu Al-Baqra akhriyey wuxuuna salaaddii dhammeeyey maalinta bartankeedii marka hadduu saaka bilaabay Al-Fiil ma filayo inuu caawa habayn-barkii ka hor dhammaynayo! Reer baadiyahu wuxuu is yiri mar haddii Suuraddii saca loogu magac daray, akhrinteedii qorraxdu ka soo baxday maxaad ka filaysaa tan maroodiga loogu magacdaray ilayn maroodiga saca ka weyne! 

Waxaan uga danleeyahay haddaan maqalno dagaal-ooge ama hogaamiye-kooxeed kale oo la yiraahdo shimbir, tuke/tukaale, shabeel, haramcad ama dhurwaa looma baahna inaan sida reer baadiyahaas wax u fahanno oo niraahno kan dhurwaa la baxay wuu ka adagyahay kan shimbir la baxay maxaa yeelay dhurwagaa ka weyn shimbirta ee waa inaan derisnaa dabeecadda qofka iyo wuxuu galo iyo wuxuu gudo. Reer baadiyihii waxaa la rabay bal inuu xooggaa sugo in Suuradda Al-Fiil dheer tahay iyo kale sidoo kale waa inaan sugnaa neynaasaha. Horta neynaasta yaa leh? Waxaa dhici karta in aabbayaashood iyo awoowayaashood leeyihiin. Waxaa suurtagal ah kan shimbir loo baxshay in laga wado inuu yahay nin nabadeed sida qofka dhurwaa ama horor la yiraahdo looga wado qof halac ah, hunguri badan oon wax hubsan. Sidaas darteed waa in dadka madaxweynanimada Soomaaliya u tartamayaa la baaro waxay yihiin oo weliba iyaga laftoodu soo jeediyaan khubado. Anni ahaan waxaan isweydiin lahaa su’aalahaan: 

  1. Qofkaas iyo Ilaahiis xiriirka u dhaxeeyaa sidee yahay? Diinta Ilaah sidee isku yihiin? Xitaa hadduu diinta ku liito sidee u arkaa dadkaas muslimiinta ah ee dhibban oo dadka Soomaaliyeed ku jiro? Gabyaa Soomaaliyeed baa yiri: Sheydaan malcuunnaa la col ah sheekh muxaafid ahe. Marka haddaad aragtid qof diin iyo dad neceb ka fogoow.
  2. Dalkii Soomaaliya oo noqday labo gobol oo waaweyn sida Waqooyi iyo Koonfur iyo weliba kuwo yarya; muxuu ka qaban karaa? Waqooyi iyo Koonfur ma isku keeni karaa, wejise ma ku leeyahay dadka ku dhaqan gobolladaas? Hadduusan saaxiibo ku lahayn Waqooyi iyo Koonfur,faa’iido kuma jirto doorashadiisa. Koonfurta lafteeda ayaa dhibaato badan ka jirtaa; waan aragnaa in maalin kasta dhinac la isu cayrsanayo sida dagaaladda ka socda Jubbadda Hoose; marka ma dhexdhexaadin karaa Barre Hiiraale iyo Moorgan?
  3. Ninkaasi cadow ma u arkaa cadowga Soomaaliyeed?
  4. Horay faro ma uga yaalleen, sida kuwa la xiriira dilka shacabka Soomaaliyeed?
  5. Yuu xiriir la samayn karaa, sokeeye iyo shisheeyaba?
  6. Qof aan taariikhdiisa la aqoon ayaa ka fiican intii la dooran lahaa mid inkaar qaba oo taariikhdiisa madoow la wada yaqaanno.

Haddaan maqaalkeyga cinwaankiisa ka dhigi lahaa: Baasiin iyo Biyo kee doorannaa waxaa dhici karta in mid is-jiidyo lihi (N3, baabuur) yiraahdo aniga waxaa ii daran shidaal marka waxaan xiiseynayaa shidaalka ee biyo dan kama lihi; oo waxaan degennahay dhinaca webiga ama ceel iyo barkad baan leeyahay. Si aanan wax uga hambeyn dadka caqliga gaaban iyo kuwa jikaarka badan ee danaha khaaska ah leh midna baan Soomaaliya ku sheegay inay tahay dal uu dab ku shidan yahay; marka dabka ma waxaan u doornaa madaxweyne baansiin la ordaya oo wax sii halaagaya mise nin biyo wata oo nabaddoon ah? Haddaad qormooyinkeygii hore xasuusataan waxaan SRRC-da ku soo sheegay magacyo badan ooy ka mid ahaayeen: Soomaalidii Rumaysatay Ra’yiga Cadowga (SRRC). Waxaan u arkaa inay yihiin darawalo ay Itoobiya u soo dhiibtay booyado ay ka buuxaan baansiin (shidaal) oo la yiri kusoo damiya dhulka Soomaaliyeed ee gubanaya. Iyaguna ma leh caqli ay ku dhahaan: Zenawi sug, ma shidaal baa dab damiya? Marka Zenawi wuxuu rabaa intii Soomaaliya tartiib tartiib u guban lahayd (aanada iyo qabiilka) waxaa ka fiican in Soomaaliya shidaal lagu sii shubo si ay hal mar u bas beesho oo hadhow adduunka oo Itoobiya u horrayso ay dib u dhisto! 

Marka waxaan u mahad celinayaa xildhibaannadii gaarayey 161 ee hor istaagay musharrixii SRRC-da; waxaan kaloo ka codsanayaa kuwii ninkaas taageeray inay intooda badan ka soo noqdaan oo aysan taageerin nin dambe oo ay Amxaaro wadato. Maaddaama hadda doorashadii madaxweynanimada dib loo dhigay waxaa la haystaa waqti lagu kala daadiyo SRRC-da maaddaama ay yihiin dad aan lagu kalsoonaan karin. Waa lagu doodi karaa kuwa aan SRRC-da ahayn laftoodu naf ma leh; waa run laakiin qofkii wax isku hayaa ha u tartamo madaxweynanimo. 

Waxaa la oran jiray Xarardheere xoog; Xamarna Xisaab. Xerada Mbagathi waxaa loo baahan yahay xirfad, xikmad iyo xulafaysi. Xildhibaannadu waxay metalayaan qabiilooyinka Soomaaliyeed marka haddii qof SRRC ka socda madaxweyne loo doorto waxay noqonaysaa waxaa doortay dadkii metelayey qabiilooyinka Soomaaliyeed sidaas darteedna Soomaalida badankeedu waxay raacsanyihiin Xabashida. Hadday taasi dhacdo waa arrin magac-xumo leh.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'


»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile
»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD