SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaabka ay u dhacday doorashadii afhayeenka barlamaanka ku meelgaarka ah (aragti)

W/Q:Mohamed Ali farah
m_alishiino@hotmail.com  

Ilaah baa Mahad leh naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato suubane nebi maxamed (s.c.w) 

Waxaa dadka soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaamahaan danbe hadal hayeen doorashada afhayeenka baarlamaanka   Dolada kumeel gaarkaa ay soomaliya yeelan doonto ,  

Si kastaba ha ahaatee waxaa jirey rag badan oo oo isu soo taagey jagada ra’isul barlamaanka dowlada kumeerka ah ay yeelandonto soomaaliya , sida  

  1. Shariif Xasan sh.Aadan
  2. Sh.Aadan Madoobe
  3. Maxamed Cabdi Yuusuf
  4. Shariif-saalax Maxamed
  5. Xuseen Cismaan Xuseen
  6. Xirsi Aadan Rooble
  7. Zakariye Maxamuud Xaaj
  8. Cabdalla Deerow Isaaq
  9. Axmed Ibraahim Maxamed
  10. -Cabdi Cabdulle Siciid (jinni boqor)
  11. iyo -Hilowle Imaan Cumar

dad wayanaha ayaa in badan hadal hayay , ninka ku soo bixi doona jagad ra’asiul baarlamaanka soomaliya musharaxiintan kor ku xusan , si kastaba ha ahaatee waxaa hoolalka  shirka soomalidu ka socdo  ka bilaabmay doorashadii  saacudu markii ay ahayd 6:30 fiidnimo  taariikhdu markii ahayd 15/09/2004  doorashada ayaa  waxaa goob joogayaal ka ahaa  Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD

Dawlada Ereteeriya uu ka fadhiyey Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda waxaa kale oo doorashada ka soo qaybgalay Goobjoogayaasha beesha caalamka ee shirka,dawladaha deeqda bixiya,Qaramada Midoobey,Ururka Midawga Afrika,Ururka Midawga Yurub iyo safiiro kale oo badan . 

Si kasta ha ahaatee  waxaa wareegii 1aad ku harey musharaxiinta badankood,  dabadeed waxaa loo gudbay wareegii koowaad iyada oo musharaxiinta qaarkood sameeyeen tanaasul  waxaa isugu soo horay labada nin oo kala ah Sheek Aadan madoobe iyo Shariif Xasan sh.Aadan  halkaas oo ay kala heleen 161 oo uu ku geelaystey mudane Shariif Xasan sh.Aadan halka sheek Adan madoobe uu ka helay 105 cod , halkaas ayaa waxaa ku guulaystey Shariif Xasan sh.Aadan in uu noqdo hogaamiyaha baarlamaanka kumeel gaarka ah mudada 5 sano ee soo socota,  

Shariif Xasan sh.Aadan ayaan ah nin aan isagu xaga siyaasada aqoon saas ah lahayn   , taas oo laga yaabo in ay saamay ku yeelato hogaanka mustaqbalka baarlamaanka soomaaliya , waayo xilkaasu ma ahan xil yar waxaana qaban kara nin siyaasi ah aqoon wayna u leh Maamulka khibarada farabadan oo maamulna leh ,  

Marka aad fiiriso raga badan oo isu soo taagey in ay mid  noqdaan ra’isul baarlamaanka soomaliya waxaa aan shaqsiyan  taageersanaa Cabdala Deerow isaaq, ninkaas oo ah runtii nin aqoon wayn u leh xaga maamulka , ahaana hogaamiyihii hore ee baarlaamankii doladii carte lagu soo dhisay , cabdala deerow isaaq ayaa ah isagu nin aad daacad u ah  wadanina ah ,  

Hadabe akhriste su’aashu waxa ay tahay doorashadu cadaalad ma u dhacday ? 

Sida uu sheegay musharaxa jagada laga guulaystey sheek Adan madoobe  waxaa uu  sheegay in ay jirtay  is dabamarin , taas oo uu ku eedayay mudane shariif in uu is ticmaalay lacag ,aad u farabadan , eedaynta Sheek Aadan madoobe ayaa lagu tilmaamay mid  ay ka keentey caro , ma daama laga guulaystey . 

Hasa ahaatee marka aad u fiirsato qaabka ay u dhacday doorashada ayaa iyadu ahayd mid cadaalad ah , tusaale ahaan marka aad fiiriso qaabka baarlamaanka codka u bixiyeen ayaa iyadu ahayd mid caadi ah oo ninkasta oo ka mid ah baarlamaanka markas  u codeenayay si xor nimo ah , iyada oo markaas u codka ugu shubayay musharax markaas  uu taageersan yahay ,  

Marka aad fiiriso dareenka bulsha waynta soomaliya ee gudaha iyo dibada ayaa iyagu aad u soo dhowayay Hogaanka kumeel gaarka ah ee baarlamaanka soomaliya , dad waynaha soomaaliyeed ayaa  aad ugu rajawayn dowlada in ay noqoto mid wax wayn ka bedeli doonta arimaha ka taagan wadanka , sidoo kale  waxaa la is orankaraa taageerada aduunwaynaha ayaan iyaduna meesha ka maqnayn,  

Waxa aynu eegnaaba waa madaxwaynihii Dowlada kumeelkaarka soomaaliya ay yeelandoonto, iyada oo aad loogu raja wayn yahay in isagana la doorto 10.Oc.2004 

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Gudoomiyaha baarlamaanka kumeel gaarka ah Mudane shariif in uu noqdo  kii daacad ugu shaqeeya shacabka soomaliyeed ee uu xilka u hayo , ilaahayna waxaan uga rajaynaynayaa in uu u fudeeyo, dowlada cadaalad ahna ka soo baxdo shirka , 

WABILAAHI TOWFIIQ

W/Q:Mohamed Ali farah
m_alishiino@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»BAARLAMAANKA CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'


»SHIRKA KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile
»XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY: Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey [C/waxid]
»
Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»
Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD