SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo Xil-kasnimo Muujiyey 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan u mahadcelinayaa dadkii xalay tirinayey codadka tartamayaasha jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, goob-joogayaashii iyo xildhibaannadii cododkooda dhiibtayba. Maxaa ka wanaagsan in si cad lagu kala baxo iyadoon wax la is dabo marin? Waxaa la yiraahdaa madal kasta maqaalkeed bay leedahay ama sida Soomalidu u tiraahdo: raqba waa ku raggeed. Waxaan qofna shaki uga jirin inta dagaal-ooge ee xildhibaanno noqday laakiin waa inaan waxaan ka badin weyno yeelnaa. Wanaag iyo caddaalad lama gaarayo inta dariiqii Ilaah noo jeexay aan raacayno. Haddaan shar-doon nahay waa inaan labo dhib kan yare sii dhib yar dooranaa. 

Warqad furan oo ku socota gudoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaalia (Guniin)
U hiili gabdha yar yar ee Soomaalida (Foodlayda)
 
Gudoomiye Shariif Hassan Sheik Aden
 
Anigoo ku hadlaya gabdhaha yar yar ee Soomaaliyeed ee loo gaysto dhibta aadka u badan waa gudniinka fircooniga ee qilaafsan diinta islaamka waxaan kaa codsanayaa inaad baarlamaanka hordhigto in la mamnuuco
gudniinka  fircooniga.
 
Waa arrin waqti dheer laga seexday oo dawladihii hore ku fashilmeen
waxaan kaa codsanaynaa in uu noqdo waxqabadka koowaad ee baarlamaanka aad adiga af hayeenka u tahay.
 
dadkii waa bislaadeen waala soo gaaray waqtigii la mamnuuci lahaa waayo dadka badankood waa ogaadeen in aanay diinta shaqo ku lahayn.
 
Mahadsanid
 
Maxamed Korwaayeel
U doodaha foodlayda Soomaaliyeed.

korwaayeel@yahoo.com

Horta maalin kasta quus lama soo istaago; mar mar waa loo baahan yahay samo-saadsiga. Sidaan la soconno waa tii mar mushrikiintii Quraysheed ay Nabi Muxamad (SCW) iyo saxaabadiisii (RC) ka hor istaageen Cumradii ay rabeen inay ku gutaan Xaramkii Ilaahay. Dhowr jeer oo Quraysh iyo xulafadeedii ergo soo direen baan wax guul ah la gaarin ilaa markii dambe Qurayshi soo dirtay Suhayl Binu Camri oo markaas gaal ahaa. Nabigu (SCW) markuu arkay Suhayl ayuu yiri “sahulal amru” oo ah amarkii waa sahlanaaday. Sidii Nabigu (SCW) sheegay bay noqotay oo waxaa la gaaray heshiiskii Xudaybiya oo culumadu qaar dhahaan wuxuu ahaa guul biloowgeed. Hadda walaalayaal miyesan noo ekeyn inaan niraahno “Xasunal amru*” oo ah arrinkii waa wanaagsanaaday kaddib markii xalay guddoomiye baarlamaan loo doortay Shariif Xasan Sheekh Axmed? Inkastoonan hayn taariikhda Shariifka haddana waxaa lagu sheegay inuu yahay nin ganacsade ah oo aan dagaal-ooge ahayn. Sidaan la soconno Sheekh Aadan oo ay ugu dambayntii isagu soo hareen Shariifka wuxuu ka mid  ahaa hogaamiyayaasha RRA oo weliba SRRC-da ay Xabashida xulufada yihiin la sii jaal ah. Sheekh Aadan laftiisa waxaan uga mahadcelinayaa sidii fiicnayd ee laga sheegay inuu u aqbalay natiijadii iyo sidii wanaagsanayd ee uu u salaamay Shariifka isagoo uga hambalyeynaya guushaas uu gaaray. Taloow tartamayaasha jagada madaxweynaha ma ku qanci doonaan natiijada ka soo baxda baratanka? 

Xildhibaannadu waxay xuleen ninkii ay shacabku niyadda ku hayeen marka labada u dambaysaa isu soo harto. Waxaad mooddaa in hadda ka dib aysan shacabku ku degdegi doonin xildhibaannada iyagoo xifaalaynaya. Waxaa laga sheegaa gabyaagii Cali Cilmi Afyare Allaha u naxariistee mar uu ka hadlayey dhismihii jidkii laamiga ahaa ee isku xirayey gobolada Dhexe iyo Waqooyiga Soomaaliya oo Shiinuhu dhisayeen inuu gabay meeriskani ka mid ahaa  ku yiri: 

  • Boosaaso gaarsiiya waa geli karaayaaye.

Laakiin Maxamed Siyaad Allaha u naxariistee sanado dambe ayuu ka jawaabay codsigaas Cali Cilmi isagoon Boosaaso laami keliya gelinne ugu daray deked. Marka Xildhibaannada waxaan mar kale ka codsanaynaa inay  tartamayaasha SRRC-da ee madaxweyne isu rabana ay mariyaan waddadii Sheekhu maray.  

* Xasuna: kalmadaas aan kor ku qoray waa “awr-ku-kacsi” ee khasab ma ahan in ficilkaasi haysto howraartiisii saxda ahayd. Badanaa ficilkaas waxaa la raaciyaa waxyaalaha quruxda/wanaaga u saaxiibkaa ama qof ha ahaado ama shay kalee laakiin markii xagga amuurta laga hadlayo Carabtu wey isticmaalaan erayga sarfigiisa sida iyagoo leh “ amrun xaasinun” ama “wahuma xasanun”.

C/Waaxid C/hi Khaliif

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARAYSI:: C/LAHI AXMED CADDOW
"Looma baahna ciidamo shisheeye waayo dagaal waa laga daalay" sidaas waxaa yiri Caddow oo...
Guji Sept 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA: Ogoosto/Sept:::
»
34-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: C/shakuur Sh. Xasan
»16-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Abdikadir Garanage
»61-jir lagu Diley Minneapolis:: Marxuum: Abdullahi Dalmar Ali
»Lix Soomaali ah oo Lagu Diley Nairobi [September 2004]
Dhammaan ka akhri halkan...

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji


Maxamed Dheere vs Xijaabka




HTML CD