SPM-ta Jen. Moorgan Vs Dooxatada
JubbaJabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com
Waxaan dhamaan ka dharagsanahay
taariikhda ay soo martay Gobolada Koonfureen ee Soomaaliya intii
ay burburtay dowladii Keligii taliska ahayd ee Ina Siyaad Barre,
kadib waxii dhacay waa lawada ogyahay, haday ahaan lahayd xasuuq
shacab aan hubaysnayn, kufsi, dhac, iyo dhulbalaarsiba.
Ficiladaas cida gaysatay iyo
dadka loogaystayba waa markhaanti ma doonto aan cidna la
waydiinayn maxaa yeelaay mid shaahid u soo arkay iyo mid sheeko
ku maqlayba waynu wada ogsoonahay.
Hadaba qormadaydaan maanta
waxay ku saabsan tahay oo qudha Kismaayo, ama Jubbada Hoose.
Deegaankani waa deegaan ka tirsan Soomaaliya, waa deegaan muran
ka bixi waayay sanadihii dagaalada xasuuqa maxaysatadu ay ka
dhaceen Koonfurta Soomaaliya (sidaad ka aragteen qormooyinkaygii
hore anigu dagaal sokeeye uguma yeero wixii ka dhacay koonfur ee
waxaan ugu yeeraa xasuuqii loogaystay shacabka maxaysatada ah ee
Soomaaliyeed iyo Kufsigii loogaystay Qaranimadii iyo Qowmiyadii
Soomaaliyeed).
Aduunyada waxaa ugu danbaysay
dhulkalaboob ka dhaca qarnigii 18aad, sidoo kale dhul la
yiraahdo cidina ma laha waxaa ugu danbaysay isla qarnigaas,
walow aan ognahay in dhulkasta oo reer Galbeedku ku habsadeen oo
boobeen ay shacab Ilaah ku abuuray dhulkaasi ugu tageen sida
Austaralia, ama North America-ba. Sidaa awgeed ma mirto maanta
dunida wax la yiraahdo dhulka cidina ma laha, ee dhulkasta iyo
magaalo kasta ama dal baa leh ama dad baa leh, xiligii boobka
iyo dhacuna wuu dhamaaday.
Hadaba hadalkaygaasi wuxuu
meesha ka saarayaa dadka caadada ka dhigtay Kismaayo waa dhul
soomaaliyeed oo loo siman yahay, haa oo Kismaayo waa dhul
Soomaaliyeed laakiin waxaan leeyahay looma sina ee waa magaalo
lawada ogyahay qabiilada dega , sidaa awgeed kuwa ku andacooda
eraygaani dhalasho iyo dhaqasho midna kismaayo kuma abtirsan
karaan, mana sheegan karaan.
Waxaynu wada ognahay in markii
dagaalada xasuuqa ahi ka dhaceen Soomaaliya ama Koonfur waxay
dagaaladaasi sababeen in dhamaan shacabkii maxaysatada ahaa ay
bara kacaan oo ka baqoolaan guryahoodii, hantidoonii iyo
magaalooyinkii ay qarniyada ku noolaayeen iyagoo bal doorbiday
inay aadaan meel kasta oo ay amni iyo difaac ku heli karaan,
taasina waxay noqotay in uu qof walbaa u baqoolo meesha ama
deegaanka uu qabiilkiisu ugu awooda badan yahay sidaa awgeed
ayaa ninka u asal ayaan ka soo jeeday waqooyi uu aaday Ama
hargeysa ama Burco ama Boorame,. Midka u dhashay Puntland uu ama
aaday Garoowe, gaalkacayo, boosaaso, badhan ama Laascaanood.
Kii asal ahaan u dhashay Soomaali Galbeedna uu aaday ama
Wardheer, jigjiga, goday, dirirdhabe ama qalaafe. Sidaa awgeed
ayaa ninkii u dhashay Waamona aaday Kismaayo, jilib, jamaame,
kamsuuma, ama afmadow.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan
waxa ay qolyahay u dhashay Caabudwaaq, dhuusa mareeb, cadaado,
ceelbuur, iyo gabahaaray, isugu dhajinayaan Muqdisho, Marka ,
Baraawe, Daafeed, Jilib iyo Kismaayo. Miyaysan jirin deegaano
ay ka yimaadeen oo dhaqan iyo Dhalasho u leeyihiin. Maxaase
sababay inay ku andacoodaan in dhulkaasi loo siman yahay.
Waa marka koowaade Soomaaliya
waxaa ka dhacay dulmi iyo xasuuq, waxaa ka dhacay boob aan ku
ekaan hanti laakiin uu ku jiro mid dhulboobnimo, sidaa awgeed
ficilooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay koonfur cid baa gaysatay
cidbaana loogaystay, daalim iyo madluum baana dadkii u qaybsamay,
hadaba dadkii la dulmay weeye kuwa qaxay oo bara kacay oo u
cararay meel kasta oo ay amni ku heli karaan dadkaasi waa kuwii
la weeraray, hadaba waxaa jira kuwo weerar ah waa kuwa xasuuqa
iyo dulmiga gaystaye, sidaa awgeed ayay iyagu ugu habsadeen
goobihii ay ka bara kiciyeen shacabka maxaysatada ah ee aan
hubaysnay.
Waa taasi tan sababtay in
Walaalaha Galgaduud ee ku xulafoobay dulmiga iyo dhulbalaarsigu
ay xooga ugu haystaan deegaamada aysan dhalasho iyo dhaqan midna
u lahayn, waa taasi tan sababtay in Kooxda Dooxatada Dooxada
Jubba ay baada, dilka iyo dhaca ugu hayaan har iyo habeenba
shacabka nabada jecel ee reer Waamo.
Dulmigaasi waxaa ugu danbeeyay
xasuuqii ay ka gaysteen Jilib, Xaalufinta Dhirta Jubooyinka,
Dhoofinta Warshadihii Shacabku lahaa iyo ugu danbayn Baada ay ku
hayaan ganacsatada Reer Kismaayo oo sababtay in ay
ganacsatadaasi iridaha u xidhaan goobihii ganacsiga ee Kismaayo.
Waxaa kaloo iswaydiin Mudan
USC-dii ku andacoon jirtay taliska Keligiis Taliska ah ee Siyaad
barre ayaanu tuurnay sowkuwaan iyagii iyo haraagaa Afwayne U
xulafoobay maaha Tiritirista intii ka soo badbaaday sodankii
sanno ee xarigii iyo toogashadii ina Siyaad Barre iyo 15 kii
Sano ee Xasuuqii Mooryaanta.
Intaas hadaa uga gudbo
Dooxatada Dooxada Jubba , hadafkooda iyo ficilooyinkooda iyo
hadalada ay ku hadaaqtamaanba, waxaa iyana xusin mudan in aan
wax ka sheego SPM-ta Moorgan iyo waxa uu u taagan yahay.
Moorgan waa Janan Soomaaliyeed
deegaan wuxuu ku ahaa sida ay reer Xamarku yiraahdaan ciyaal
xamar jajab, ku biiray ciidamada Soomaliya horaankii 70-meeyadii
kadib markuu ka baxay Dugsiga sare ee Carabta ee Muqdisho.
Wuxuu ahaa Sarkaal firfircoon, wuxuu ahaa nin sportiga jecel.
Qoys ahaan wuxuu calaf u yeeshay inuu guursado Ina Siyaad Barre
oo uu ilaa maanta qabo caruurna u dhashay, Qabiil ahaan Waa nin
Darood ah , Kablalax ah , Harti ah, Majeerteen ah, oo Cabiraxiim
Ibraahiim ka sii ah.
Wuxuu soo kala qabtay jagooyin
badan sida unuu madax ka noqday qaytii 21aad iyo 2aad oo kala
ahaa qaybtii dhuuso mareeb ee gobalada dhexe iyo hargaysa ee
gobolada waqooyi. Ugu danbays xiligii kala guurka wuxuu ahaa
wasiirkii wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya.
Moorgan taariikhdiisu waa ninba
siduu u arko iyo dhinacuu ka eego, laakiin waxaa waxaa la yiri
taariikhdu been ma sheegtee dadka un baa ka been sheega
taariikhda, sidaa awgeed Moorgan dadka Soomaaliyeed qaar sida
Reer Waqooyiga waxay ugu yeeraan butcher-kii Hargeysa oo ay ula
danleeyihiin inuu ka talinayay waqooyi waa markii SNM-tu ay
weerarka ku soo qaaday Burco iyo Hargeisee. Waxaa kale oo jira
dad aad u fara badan oo Moorgan u arka janan dhalinyaro ah,
geesi ah, aan harin oo haaban, kaas oo malaayiin qof u ah
geesigii Mooryaan ka hor istaagay inay Guumaystaan shacabka
Soomaaliyeed ee ku sugan koonfurta oo sida Jubbada dhexe,
Jubbada hoose, Baay, Bakool iyo Gedo, Waa Geesigii Caydiid ka
carsaday Baardheere iyo Baydhabo, Mooryaantana mar kastoo ay soo
weerarto ama qabsato Kismaayo iyo nawaaxigeeda aan uga harayn
dibna uga qabsanayay, Moorgan dad badan ayaa u arka Rajada
keliya ee Ay leeyihiin waa markaan ka hadlayo maatada ku nool
Kismaayo, Jilib, baraawe, marka, Qoryoolay, Afgooye iyo Walawayn.
Intii uu halgankiisa isdifaaca
ah ku jiray waa 14kii sano ee la soo dhaafaye Jen. Moorgan dad
uu xasuuqay, dad uu dhacay iyo dad uu dulmay midna laguma hayo
deegaamadaasi, balse markasta waa nin wada hadal iyo isku soo
dhawaansho aaminsan, isagoo had iyo goor doona nabad ku wada
noolaanshaha dadka dhul iyo dhaqan wadaaga ah ee reer Waamo iyo
Gobolada ay dariska yihiinbee. Muyuusan Moorgan ahayn kii qaar
reer Tolkiis ahi ay ku ceebaynayeen oo ku caynayeen inuu yahay
nin dad isku wad ah oo had iyo goor soo dhaweeya qabiilada
deegaan wadaaga ah sida Hartiga iyo Absamaha, sida Sheekhaasha
iyo Gaal jecelka sida Tunida iyo Biyo maalka.
Maantana waxaan oran karnaa waa
nin Wada abaabul nabadayn waa hadii Dowlad loo dhan yahay ay ka
soo baxdo Nairoobiye hadii kalese waa nin hogaaminaya kumanyaal
dhalinyaro ah oo reer Waamo ah kuwaas tababar iyo kala danbay
milateri leh kuwaas oo had iyo goor ilaalinaya xeerka Ciidan ee
Caalamku isku waafaqsan yahay oo ah, inaysan fara xumayn wax
maato ah inay difaacaan mooyee , laakiin la dagaalama
Daalimiinta gardarada iyo gafafka ka wada deegamada Waamo.
Hadaba intaanan gabagabayn
qormadaydaan waxaa xusid mudan laba dhacdo oo soo ifbaxayn
dhorkaan berri oo abaabulka dib ugu noqonsho ee ay reer Waamo
iyo Hogaankooda SPM ay wadaan taas oo ah:
1- Cuna qabatayn ku sheega
ay IGAD ku soo rogtay Jen. Moorgan. Arintaasi waxay dad badan
la noqotay wax lagu qoslo, sababtoo ah,
a) Morgan waa nin isaga
iyo Dhalinyaraduu hogaaminayaaba ay si nabad ah ugu socdaan
kusoo noqoshada goboladii xooga looga soo bara kiciyay .
b) Intii Shirka Geedi
Socodka Nabadu ka socday Kenya meel uu Moorgan weeraray iyo
ciduu dulmayna lama sheegin mana jirto.
Hadaba hadii qoryaha isugu
yeeray IGAD ay yihiin kuwo cadaalad ku salaysan, isla markaana
ilaalinaya amniga Soomaaliya iyo sidii aan dagaal danbe uga
qarxin miyaysan ahayn inay qaataan talaabooyin lagu cuna
qabataynayo cidkasta oo ka soo harjeesata shirka isla markaana
samaysan ficilooyin carqaladaynaya nabada soomaaliya sida:
1) inay talaabo ka qaado
oo qaadacaad iyo cunaqatayn ku soo rogto kuwa isugu yeeray
Somaliland kuwaas oo diiday kasoo qaybgalka shirka, xidhxidhay
dhamaan cidii sir Soomaali u dhantahay ka qaybgasha, xidhxidhay
suxufiyiinta ku sugan deegaankaas ee ka hadla Nabadaynta
Soomaaliya, sow maahayn inay Riyaale ka bilaabaan.
2) Sidoo kale sow maahayn
inay xidhxidhaan ama cunaqabatay ku sameeyayaan kuwa xasuuqa ku
haya shacabka Soomaaliyeed sida Dooxatada Jubba iyo Walaalaha
Galgaduud oo xasuuqka u gaystay shacabka nabada jecel ee reer
Jilib gaar ahaan Qabiilka Shiikhaasha, ficilkaan oo dhacay intii
shirku socday, iskaba daa baada iyo xooga iyo xaalufinta ka
socoda Jubooyinka.
3) Miyaysan ahayn inay
cunaqabatayn ku soo rogaan kuwa xooga ku haysta oo dagaalada ka
wada shabeelada hoose waa sida Indho Cade iyo Ina Ilqayte oo si
cad u diidan shirka balan qaadayna inay dagaal la geli doonaan
dhamaan wixii halkaas ka soo baxa iyo dowlad meeshaas lagu soo
dhisoba.
4) Ka warama Cumar
finishka xasuuqa ka gaystay dhanaane ee shacabka Biyo maalka ah
ku haya, ficilkaan oo dhacay intii shirku socday.
5) Ka warama Yalaxowga
intuu shirka ka soo baxo yimaada (Muuq-disho) si uu dagaal u
sameeyo oo u dilo reer tolkiis.
6) Ka warama Bashiir
raagaha muqdhiso ka wada dagaalada kaasoo shir jaraa’id ku
cadeeyay inuu ka soo horjeedo nabad iyo dowlad dhalata.
7) Ka warama Barre
Hiiraalaha Xildhibaan isku sheega ah ee intuu shirka dhuuntay
dagaalka raba inuu ka abaabulo jubooyinka.
Hadaba maanaa waalan mise cadan
baa laga heesayaa, aaway cadaaladii, ma maskiin un baa garbo
lagu socdo leh, mise timir lafbaa ku jirtee meesha laaluush iyo
eex baa ka socota. Soomaalidu waxay tiraahdaa fiqi tolkii kama
jana tago marka Moorgan walaa itoobiya walaa Kenya cuna qabatayn
ay ku soo rogtaa midna wax u dhimi mayso, deegaamo uu dhalasho
iyo dhaqan uleeyahay baana buuxa oo uu nabad iyo sharaf ku dhul
mushaaxi karo, caalamkana siduu doono ayuu ugu socon ama ugu
dhex safrin, marka waxaa ila haboon inay go’aankoodaa ka
noqdaan maxaa yeelay Jen. Moorgan wuxuu saxiixan oo ka go’aan ah
in nabad wax lagu soo dabaalo, wuxuu diyaar u yahay inuu
taageero oo la shaqeeyo dowladkasta oo ka soo baxda shirka,
wuxuu si buuxda caalamka ugu sheegay inuu taageersan yahay
shirka. Teeda kale maxaa moorgan laga rabaa xildhibaan xil
qaadayba maahee, isagoon ku jirin baarlamaanka ayuuba u heelan
yahay inuu taageero go’aamadooda, marka gabagabadii waxay iila
muuqataa in hal xaaraan ahi aysan nirig xalaala dhalin marka
shirku haduu ku socdo go’aamadaan cadaalada ka fog waxaan
filayaa wax weyn oo ka soo baxidoonaaba inaysan jirin.
Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan