XILMA DHIBAYAASHA NA LOO XULAY
Cabdulla faarax
faarax12@yahoo.com
Barlamaanka lagu dhisay dalka
Kenya ee la yiri waxaa loo dhisay somaliya, waxaa xushay dad aan
somalida wax khayr ah la jeclayn, waxaa lagu soo doortay
xubnihiisa qaab qarsoodi ah oo ogyihiin oo kaliya cadawga
ummaddu. Goobtii xulashada xubnahaas waxaa laga ilaaliyey in ay
wax lug ah ku yeeshaan culimada, waxgaradka iyo odayaasha feyow
ee Somalida.
Si dadweynaha loo maqashiiyo in
ay Xubnahaan soomaalidu soo xulatay waxaa Kenya la iskugu keenay
qaar ka mid ah madaxda beelaha Somaliyeed oo runtii u badan rag
horay ugu haftooday shirqoolada qarsoon ee shisheeyaha iyo kuwa
somalida ah ee u adeega. Odayaashaas oo horay si xun loola
dhaqmay ayaa in badan oo ka mid ah xubnihii ay xusheen lagu
amray in ay soo badalaan, ka dib markii taariikhdooda laga arkay
in ay garan karaa sirta qarsoon.
Xubnaha la dhaariyey intooda
badani waa dad ku naaxay burburka ummadda, waxayna rumaysan
yihiin haddii la dhiso awood dawladeed in la weydiin doono wixii
ay sameeyeen. Waxay u egyihiin nin wax iskuma fale ah oo maalin
dhawayd yiri: “ANIGA DAWLADDA LA DHISAYA WAY IIGA DARAYSAA,
WAANA HUBAA OO WAA LA I XIRAYA, SABABTA OO AH, WAXAAN RABAA IN
AAN WAX BADAN CUNO, WAX DAWLAD LAGA DHACAY AMA LAGA XADAY WAX
AAN AHAYNNA KAMA SHAQAYN AQAAN” sidaas darteed ragga naloo xulay,
xilka baarlamaanka waxay u arkaan in ay waxna ku cunaan, iskuna
difaacaan oo kaliya.
Culayska xil heer qaran ah
iyo micnaha XILDHIBAAN:
Qofka qabta maantay xil heer
qaran ah oo somaliyeed waxaa u yaal culays weyn oo uu aad u yar
yahay qofka ka bixi kara.
Ninka xilkaas qabanaya waxay
ahayd in culimada, waxgaradka iyo dadka masuuliyaddu dhibto ee
ummaddu in ay inta shiraan yiraahdaan HEBELOW hawshaan adigaa ku
haboon ee ha laguu duceeyee noo qabo, loona balan qaado in lala
shaqeeyo oo garba loo noqdo.
Waxay ahayd in uu qofkaasi
hurdo iyo hoyaadba waayo oo intuu meel fariisto dhafoorada
qabsado, dhulka gujiyo, tobanaan qorshe uu hadba mid dajiyo oo
uu misna badalo, in uu talada iyo shawrka u badsado, uuna aad
ugu mashquulo qaabka uu wax u fulinayo, dadka la shaqaynaya,
waqtiga uu fulinayo iyo kala horaynta baahida.
Waxay ahayd in uu la kacaa
fariisto xilkaas, in uu ka fakaro amniga ummadda iyo sidii uu ku
soo celin lahaa, siduu beelaha u walaalayn lahaa, siduu ula
dhaqmi lahaa danbiilayaasha jidadka taagan, siyaasadda dhaqaale
ee uu qaadan lahaa, masuuliyiinta la shaqaynaysa iyo sidii uu u
fahamsiin lahaa qorshihiisa shaqo. Madaxda gobolada iyo sidii uu
iskugu keeni lahaa, aqoonta iyo waxbarashada iyo siyaasaddii
lagu maamuli lahaa, soo celinta milyanka qaxay ayey ahayd in uu
habeenbarkii la soo salalo, waxay ahayd in uu meel hore dhigto
siduu u difaaci lahaa Caqiidada, cibaadaadka, dhaqanka islaamiga
ah iyo midnimada ummadda oo mantay cadow badani ku soo soo
duulay..
Waxay ahayd in uu la seexan
waayo sidii uu ku heli lahaa dariiq wanaagsan oo uu kula dhaqmo
dalalka dunida, kuwo daris ah iyo kuwo aan ahaynba, isaga oo
shartoodana iska ilaalinaya kana faa’iidaysanaya wixii ay
ummaddu uga baahan tahay.
Waxay ahayd in uu dhidid
waaweyni ka soo boodo marka uu jaleeco cadowga guunka ah ee
ummadda oo maantay miciyaha u lisanaya in uu Somalida liqo,
cadowgaas oo aan marna looga fadhin in uu aqbalo in ay dawlad
Somaliyeed iyo ummad Somaliyeed jirtaba.
Ma ciidan ayaad u dhistaa oo
difaac adag ayaad marka hore xirataa, ka dibna dalkaad dhistaa?
Mise hay’addaha kale ee dawladda ayaad dhistaa, ka dibna
ciidanka? Waa doorasho adag, ciidanka haddaan la dhisin cadowgu
markii uu doono ayuu kala daadinaya waxwalba oo aad samayso oo
horumar ah, haddaan hay’adaha kale ee dawladda la dhisina
ciidanka wax lagu dhiso lama helayo, cadowguna wakhti aad isku
habayso kuuma oggola, sidaas darteed waa in la helo siyaasad hal
mar labadaba lagu sameeyo taasina wax sahlan ma ahan, Qofka
culayskaasi haysto ayaa la siin karaa cinwaanka Xil-dhibaan
Akhristow anigu raga
baarlamaanka loo doortay ma wada aqaan, balse waxaan aqaan in
badan oo ka mid ah, waana raggii aan filayay in maxkamad
danbiyeed la soo taagi doono danbiyadii ay galeen darteed. Waa
rag la heli karo codadkooda oo duuban oo ay ku qiranayaan in ay
shacbi dhan xasuuqeen, degaanno dhanna ololiyeen. Waa rag ay aad
ugu yartay in la fahamsiiyo micnaha erayga XILDHIBAAN.
Marka aan aqaan hadafka cidda
soo xulatay iyo waxa raggaas ka suurtooba, waxaa I galay cabsi
ka weyn middii hore iigu gaamurtay. Waqaan alle qaddarine,
waxaan aarkay odayaashaas baas oo inta dhowr qodob laga
saxiixday oo degdeg loo fuliyey haddana loo kala diray si ka
fudud sidii loo kala diray Baarlamaankii iyo dawladdii Carta
lagu soo dhisay.
Qodobada aan isleeyahay waxay
iminkaba yaalin miiska safaaradaha reer galbeedka ee Nairobi
hoostiisa, waxay kala yihiin:
1-In ay ansixiyaan u aqoonsiga
Gobolada waqooyi in ay yihiin ummad ka gooni ah Somalida kale,
xaqna u leh aaya ka talintooda.
2- In ay ansixiyaan in ay
Somaliya iyo ITOBIYA samaystaan dawlad federaali ah oo magaala
madaxdeedu Addis ababa tahay.
3- In dastuurka lagu daro in ay
Somalidu ka kooban tahay dad diimo kala duwan leh, ayna tahay in
qof walba diintiisa lagu xushmeeyo, uuna xaq u leeyahay in uu
fidiyo oo weliba xuquuq gaar ah oo dastuuri ah la siiyo kuwa aan
muslimiinta ahayn.
Go’aamo noocaas ah oo ka soo
baxa baarlamaan ay ummaddu leedahay way ka khatarsan yihiin
dhammaan dhibaatadii horay noo gaartay, waana tirtiridda
jiritaanka ummadda. Haddaba dhammaan shacbiga Somaliyeed waxaan
ku baraarujinaya in ay aad uga digtoonadaan nimankaas iyo cidda
wadata.
Dardaaran khaas ah
Tirada yar oo xildhibaanada ah
oo ay dhici karto in ay ku jiraan golahaas, waxaan kula
dardaarmaya in ay yeelaan sidii ay sameeyeen toban xubnood oo
xisbigii SYL ka tirsanayd oo ka mid noqday golihii si walba
midkaan ugu ekaa ee sida kuwaan loo soo xulay oo kale loo soo
aruuriyey, waa golihii CONCILIO TERRITORIALE ee ahaa gole uu
maamulkii Talyaaniga ee koofurta oo ay kor ka ilaalinayeen xubno
jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka socda uu samaystay si uu ula
tashado iyo in ay u xalaaleeyaan go’aanadiisa ku dhisan
danihiisa gumaysi, sidoo kale goluhu wuxuu ahaa mid uu ugu
talagalay in uu u sii gogol xaaro baarlamaanka somaliyeed oo la
dhisidoono marka ay somalidu xornimo qaadato, waxaana golahaas
la dhisay sanadkii 1951kii.
Mid ka mid ahaa tobankaas
xubnood ayaa ii sheekeeyey, wuxuu yiri, “ waxaan ahayn toban
xubnood, goluhuna wuxuu ahaa 60 xubnood, dhammaan kontonka kale,
waxay ahaayeen rag ka yimid maamulkii talyaaniga ahaa ee
gobolada iyo degmooyinka ka jiray iyo rag ka socday xisbiyo
gumaysiga taageersanaa.
Waxaan lahayn mabda’, waxaan
haysanay taageerada shacbiga, sidaas darteed, tobankayagaas ayaa
ka miisaan cuslayn kontonka kale, waxa aan diidno golaha
dhexdiisa, waxaa na taageeri jiray oo ka hor imaan jiray
shacbiga lamana fulin Karin”
Haddaba inkastoo aan u
malaynayo in gumaysigii hore uu midkaan damiir dhaamo oo ay
waxweliba tayo xumaadeen, haddana waxaan tirada yar ee
xildhibaanada ah kula dardaarmaya in aysan isdhiibin ee ay maya
yiraahdaan waxkasta oo wax u dhimaya, diinta, dalka iyo dadka
muslimiinta ah, ummadana waxaa ka wakiil ah qofkii diin iyo
damiir leh oo kaliya, kuwa codkoodu beeca yahay ma ahan
xildhibaano ee waa xilma dhibayaal na loo xulay.
Qaabka
ka hortagga nimankaas iyo xalka ummadda:
Waxaan leeyahay saddex nooc
ayaa looga hortagi karaa:
1- Tirada yar oo damiirka
leh, oo ay ku jirto islaamnimada iyo somalinimadu ee Xubnaha
baarlamaanka ka mid ah oo aan hubo in ay diididoonaan
shirqoolada halkaas lagu maleegayo waa in ay ummadu taageerto,
ayna codkooda iyo taladooda ku biiriyaan, culimada, waxgaradka,
iyo warbaahintuba.
2- In uu qof walba oo ka
xanuunsanaya ummaddaan muslimka ahiba uu isku dayo in uu
baraarujiyo dhammaan xubnaha baarlamaanka kana dhaadhiciyo in
uusan marna codkiisa gadan, ummadana qar ka tuurin.
3- Ugu danbayntii waxaan ku
qanacsanahay in aan dawlad somaliyeed oo lagu nasto lagu helayn
shirar iyo taageero uu cadawga ummaddu ( London, WOSHINTON,
addis ababa iyo Nairobi) na siiyaan, sidaas darteed waa in loo
diyaariyo nafta iyo maalkaba difaaca diinta, dalka iyo dadka
muslimiinta ah ee jarka laga sii tuurayo.
Cabdulla faarax
faarax12@yahoo.com