SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BERBERA

Wararka Safarka Culimda

  • Wafdigii culimada oo soo gaaray Berbera 

  • Wafdi culimo ah oo booqday Boorama

  • Culimo hawlgal dacwadeed ka fulisay Hargeysa 

Wafdigii culimada oo soo gaaray Berbera 

Wafdi culimo ah oo beryahaanba olole dacwadeed ka waday magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa soo gaaray magaalada dakadda ah ee Berbera 14/09/2004. Culimadu waxay habeenimadii muxaadarooyin kala duwan ka soo jeediyeen masaajidda waaweyn ee magaalada, waxay kale oo culimadu booqdeen muxaadarooyin aad u xiiso badanna ka soo jeediyeen dugsiga sare ee Bursade. Waxaa kale oo ay u soo bandhigeen dadweynaha reer Berbera mashruuc ku saabsan ciribtirka qoris iyo akhris la'aanta Afka Carabiga, mashruucaas oo dadweyuhu aad ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen ayaa qaar ka mid ah aqoonyahanka magaaladu ku ballanqaadeen inay dadka walaalohood ah si lacag la'aan ah wax ku baraan, kuwo kalana waxay ku yabooheen kutub iyo sabuurado dadka wax lagu baro. 

Waxaa xusid mudan in magaalada Berbera ay ka mid tahay magaalooyinka tirsan ee ku yaal bariga Afrika oo leh xadaarad iyo ilbaxnimo qadiim ah, taas oo ka soo jeedda dawladdii islaamka ahayd oo muddo dheer ka talin jirtay, walina ay ku yaallaan dhismayaashii ay ka dhistay, mashaariicda waaweyn ee dawladdii khalaafadu ka hirgalisay magaalada waxaa ka mid ah biyaha magaalada oo aan marna horay uga go'in. Waxaa kale oo ay caan ku ahayd magaaladani in dadkeedu ku hadli jireen afka Carabiga waqti dhaw ka hor. Waxay ku ballanqaadeen ducaadda iyo aqoon yahanka kale ee magaaladu in ay ka dhabeeyaan fulinta mashruucan. Waxay kale oo la kulmeen culimadu ducaadda magaalada, waxayna ka wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqdhaqaaqa dacwadeed ee ay ka wadaan magaalada iyo sidii loo awdi lahaa baahida waxbarasho iyo barbaarineed ee bulshada, waxayna culimadu aad ugu boorriyeen ducaadda inay sii labanaabaan dadaalkooda, ayna xoog saaraan say uga hortagi lahaayeen wax kasta oo wax u dhimaya bulshada, sida: fawaaxishta, maandooriyayaaasha …iwm.

Tillaabooyinka muhiimka ah oo ay qaadeen dadweynaha reer Berbera iyagoo ka ambaqaadaya baaqyadii culimada waxaa ka mid ah in ay ballanqaadeen in ay bil kasta soo duubaan cajalado diini ah oo farabadan si loogu qaybiyo ama loo caariyeeyo dadka saboolka ah ee aan soo iibsan Karin, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta hanuuninta iyo waxbarista bulshada. 

Gabagabadii culimada waxaa si diirran u soo dhaweeyay ducaadda reer Berbera, ka dib markii ay dhammaysteen hawlohoodii dacwadeedna waxaa sii sagootiyay qaar ka mid ah ducaadda magaalada. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com


Wafdi culimo ah oo booqday Boorama

 

Wafdi culimo ah oo ay ka mid yihiin Sh. Cali Warsame, Sh. Maxamed Idriis iyo Sh. Axmed Maxamed Suleymaan ayaa booqasho gaaban ku tagay magaalada Boorama 11/09/2004. Waxaa wafdiga si diirran u soo dhaweeyay culimada iyo ducaadda magaalada, waxayna wafdiga u sameeyeen martiqaadyo ay ku maamuusayaan. Culimadu waxay muxaadarooyin iyo duruus is daba joog ah ka jeediyeen masaajidda, iskuullada iyo malcaamadaha magaalada, waxayna soo booqdeen qaar ka mid ah goobaha waxbarashada. Hawlaha culimadu qabteen waxaa kale oo ka mid ah Seminaar ku saabsan dacwada oo socday laba cisho iyo tabarucaad loo uruuriyay mashruuca Ummul mu’miniina Caa’isha ee duubista iyo faafinta cajaladaha islaamiga ah. Duruusta culimadu ka bixiyeen magaalada waxaa ka mid ah: Tilmaamaha xisbiga Ilaahay marka loo eego xisbiyada kale, Yaa xambaarsan hammiga islaamka?, waajibaadka saaran dumarka muslinka, sarraynta islaamka iyo dhibaatooyinka haysta dhallinyarada iyo sida xal loogu heli karo.

 

 Wafdigu waxay kulamo la yeesheen culimada, ducaadda, qaar ka mid ah guurtida, maamulka iyo waxgaradka magaalada, waxayna ka wadahadleen horumarinta dacwada iyo tacliinta, ka hortagga waxyaabaha dhaawacaya diinta, dhaqanka, caafimaadka iyo nabadgalyada bulshada oo ay ka mid yihiin Sinada, Maandooriyayaasha, filimaanta xunxun … iwm, waxayna isku afgarteen in la isu kaashado horumarinta bulshada iyo ka hortagga xumaanta.

 

Waxaa xusid mudan in ay tahay magaalada Boorama mid leh ilbaxnimo da’ weyn oo ay ka dhaxashay ilbaxnimadii Saylac, waana magaalo dadkeedu ku caan bexeen jacaylka iyo ku dadaalka waxbarashada. Waxaa kale oo lagu ammaanaa dadweynaha reer Boorama xaqdhawrista iyo ixtiraamka walaalohood, taas oo keentay in ay u soo guuraan dad badan oo Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha adduunyada, waxaana la oran karaa taasi waa miraha ilbaxnimada iyo aqoonta ay ku tilmaaman tahay Boorama. Dhanka kale muuqaalka guud ee magaalada iyo dadweynuhuba aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaana hadda dib uga baxaya magaalada dad farabadan oo ka soo xagaa baxay Jibuuti iyo Yurub.

 

Ugu dambayntii culimadu waxay ugu baaqeen reer Boorame inay u soo jeestaan barashada iyo ku dhaqanka diinta, ayna ka hortagaan waxkasta oo wax u dhimaya adduunkooda iyo aakhiradooda, waxayna ka mahadnaqeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay, looguna maamuusay magaalada.

 

 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada

dacwah@hotmail.com


Culimo hawlgal dacwadeed ka fulisay Hargeysa 

Raxan culimo ah oo uu horkacayo Sh. Cali Warsame ayaa ka fuliyay magaalada Hargaysa hawlgal dacwadeed oo socday 07-10/09/2004. Wafdiga culimada waxaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyay magaalada qaar ka mid ah culimada iyo ducaadda, waxaana loo sameeyay martiqaadyo isdaba joog ah oo lagu maamuusayay, booqashada kooban ee culimadu ku yimaadeen magaalada waxay ahayd mid aad loogu diirsaday loogana faa’iidaystay ayna ku farxeen soona dhaweeyeen dadweynaha magaaladu, culimaduna waxay aad uga mahad celiyeen sida wanaagga iyo walaalnimada leh ee loogu soo dhaweeyay magaalada, qadarinta diinta iyo culimaduna waa sifo ay ku caan bexeen dadweynaha reer Hargeysa. Waxaa kale oo culimada dareenkooda aad u soo jiitay horumarka weyn ee magaaladu ku tillaabsatay gaar ahaan dhinacyada dhismaha, isgaarsiinta iyo nabadgalyada, waxayna ugu baaqeen ducaadda, dadweynaha iyo maamulkaba inay sii xoojiyaan nabadgalyada isuna kaashadaan ka hortagga wax kasta oo khalkhal galin kara danta guud ee bulshada, sida: Maandooriyayaasha, Ribada, Faaxishada, Filimaanta xunxun, anshax xumada …iwm.  

Ujeeddooyinka hawlgalka culimada waxaa ka mid ah:

  • 1.    in ay culimadu soo booqdaan dadweynaha walaalohood ah, una kuurgalaan xaaladda dacwo, waxbarasho iyo nololeed ee bulshada, isla markaana sare loo qaado aqoontooda iyo wacyigooda.
  • 2.    in ay dardar galiyaan dacwada magaalada, ayna isku xiraan ducaadda.
  • 3.     in ay dhiirrigaliyaan tayaynta waxbarashada iyo tarbiyada.
  • 4.    in ay kaga qayb qaataan horumarinta bulshada ra’yigooda.
  • 5.    in ducaadda lagu tababaro laguna boorriyo la falgalka wanaagsan ee bulshada.

Hawlaha culimadu qabteen muddadii uu socday hawlgalkaasi waxaa ka mid ahaa:

1.    muxaadarooyin is daba joog ah oo ka dhacay masaajidda, Madaarista iyo fagaarayaasha oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada.

2.    Seminaar kooban oo la siiyay qaar ka mid ah ardayda dugsiyada sare iyo dhexe.

3.    Seminaar ku saabsan dacwada oo socday seddex bari ayna ka soo qaybgaleen soddon ka mid ah ducaadda magaalada.

4.    Kulamo lala yeeshay culimada iyo ducaadda oo looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa dacwada magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya ducaadda, maamulka iyo guud ahaan bulshada.

5.    Booqasho ay ku tageen qaar ka mid ah wafdigu magaalada Gabiley, waxayna Muxaadaro u jeediyeen dumarka magaalada, muxaadaro kalana waxay ka jeediyeen Masjidka weyn ee magaalada, ka dibna waxay kulan la yeesheen ducaadda magaalada iyagoo ku boorriyay inay laban laabaan dadaalkooda, awooddoodana isugu geeyaan hanuuninta iyo waxbarista bulshada walaalohood ah. 

Culimada socdaalkaas ka qayb qaadatay waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Idriis, Sh. Axmed Maxamed Suleymaan, Sh. Cismaan Ibraahim Faarax, Sh. C/raxmaan Maxamuud warsame, Sh. Xasan Maxamed Ibraahin iyo Sh. Axmed C/samad.

Gabagabadii waxaa la filayaa in ay culimadu socdaalkooda ku sii kala bixiyaan magaalooyin ay ka mid yihiin Boorama, Berbera iyo Burco. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2004


Aqoon iswaydaarsi Cilmiyeed ka Furmay Gaalkacyo

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob

Ka hortagga ololaha Kirishtaamaynta

Olole dacwadeed oo ka bilowday Muqdisho

BAYAANKII CULIMADA SOOMAALIYEED EE KU AADANAA DASTUURKA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Waa taxane Asbuuc kasta Insha Allah oo uu soo tebin doono Shiikh C/risaaq Macalim Abshir:
Hordhac | Qaybta 1aad

Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida W/ Ameerika oo Ku Dhamaaday Guul
Caawa waxa si guul ah ku soo gabagaboobey mu'tamarkii saddexda maalmood ka socdey Minneapolis, kaas oo.. Guji...




HTML CD