Ugu Yaraan 15
Qof ayaa Ku Dhintay Dagaallo Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya
Wararka ka imanaya Koonfurta
Soomaaliya ayaa sheegay in aagga Kismaayo ay ku dhinteen ugu
yaraan 15 qof, kaddib markii uu aagaas dagaal ku dhex maray Gen. Maxamed
Saciid Xirsi "Moorgan" iyo Isbahaysiga Dooada
Jubba oo uu hogaamiyo Col. Barre Aadan Shire "Barre
Hiirale". Waxa kale oo dagaalkani sababay dhaawac aan
caddadkiisa la garanayn iyo xasilooni darri.
Sida ay werisey
Al-Jazeera oo
soo xiganeysey qof aan la maagcaabin waxaa dhanka Morgan laga
diley lix qof, waxaana laga dhaawacay sagaal, halka dhanka
Isbahaysiga dooxada Jubba laga diley tiro badan lagana qabtay
14, waa sida warku u dhigaye. Dhankalena waxa ay sheeganayaan in
ay ayagu khasaare geysteen.
Xaqiiqqo ahaan lama oga
khasaarada rasmiga ah ee dagaaladani geysteen.
Hay'adda wararka ee Reuters
waxa ay dagaalka aagga Kismaayo ku tilmaanatay mid caqabad ku ah
dawlada la filayo in Soomaalida loogu dhiso Kenya.
Dhanka kale
VOA ayaa
sheegay in Xildhibaan Xuseen Caydiid uu aad uga welwelsan yahay
ammaanka xubnaha (baarlamaanka iyo dawlada KMG) ee ka imanaya
Puntland ee imanaya Muqdisho kuwaas oo aan halkaas keensan karin
maleesiyadooda oo ay tahay in ay ayagu (USA) sugaan amaanka
xubnahaas oo aan haalkaasi ahayn gobolkooda, waa sida VOA warka
u dhigaye.
ISHA: Al-Jazeera, Reuters, VOA