SHIRKA
KENYA OO SOO GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD (ALLOOW BADBAADI)
Marxaladihii uu shirku soo
maray
Shirka
Kenya oo muddo ku dhow 2-sano socday ayaa wuxuu soo maray marxalado kala
duwan oo qaarkood ay dhaxalsiin gaareen burbur isagoo aan curan, ayaa
haddana ILAAHAY mahaddii wuu soo gudbay marxaladahaas oo dhan.
Waxyaabaha
ugu khatarsanaa ee shirkaas la soo gudboonaday intii uu socday waxaa ka mid
ahaa: In hoggaamiye kastaa markii uu u arko in wax dantiisa ah aanay ka
socon madasha shirka ama aan lagu hayn uu sheegan jiray inuu ka baxay,
waxaase la yaab lahayd in hoggaamiye kastaa marka uu sheego inuu ka baxay
shirka inay soo caro celin jireen dad aysan isku af ahayn, isku dal ahayn,
isku jinsiyad ahayd, mararka qaarkoodna aysan iskuba diin ahayn, sida xubno
ka tirsan dowladda Kenya, xubno ka tirsan IGAD iyo ergooyin ka kala socday
waddamada daneeynayay shirkaas.
Sidoo kale
waxaa uu shirku soo maray in lagu qabto goobo ama madallo kala duwan sida
isagoo 15/10/2002 lagu bilaabay ama laga furay fadhigii ugu horreeyay ee
shirka Magaalada Eldoret ee gobolka Rift Valley dalka Kenya, waxaana markii
uu halkaas ka socday muddo ka badan sannad loo soo wareejiyay xarun ku meel
gaar ah oo ku taal Magaalada Nairobi iyadoo durbaba looga wareejiyay xarunta
uu haantan ka socda ee Mbagathi, waxaana shirka dhowr jeer oo kale si ku
meel gaarnimo ah loogu raray Magaalada Mombassa oo ah magaalo xeebeed aad u
cimilo wanaagsan, waxaana lagu qabtay dhowr shir oo looga hadlayay sidii uu
shirka Kenya u noqon lahaa mid laga gaaro hadafkii ama danihii laga lahaa
halkaasoo ay hoggaamiyeyaasha shirka ee is maan-dhaarsanaa kula hadleen
madax ka kala socotay: Urur goboleedka IGAD, guddi ka socda Midowga Afrika,
Safiirrada waddamada caalamka ee safaaradaha ku leh Kenya qaarkood,
waddamada Reer Yuruh iyo Mareykanka, iyagoo dhamaan kooxahaani ay ka
sinnaayeen sidii ay ergooyinka ugu sheegi lahaayeen in ay iyaga dan u tahay
haddii la helo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, iyadoo sidoo kale
loogu cago-juleyn jiray in haddii ay shirkaan ka miro dhalin waayaan ay
iyaga uun dhibi doonto ayna kala kulmi doonaan madaxda Afrika iyo kuwa
Caalamka arrimo aysan jeclaysan doonin.
Dhamaan hoggaamiyeyaasha kooxaha Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya shirka kuma
jiro hoggaamiye qura oo aan shirka ka soo bixin markii uu u arkay in
dantiisa aysan meesha ku jirin, waxayna ka sinnaayeen dhammaan
hoggaamiyeyaashi oraahdii ahaa (Haddii dantayda aan ka helo waan la socon
shirka; haddiise aan ka waayo waan ka socon) taasoo bulshada caalamka iyo
inta gacanta ku leh shirkaba ay aad ugu dhibaatoodeed sidii mar uun ay u
heli lahaayeen hoggaamiyeyaal isku raacsan hal ra’yi.
Shirku wuxuu soo maray mar
xalado kala duduwan waxaana qaarkood ay ahaayeen kuwo murugo ku reebi kara
qalbiyada shacabka, halka kuwo kalena ay ahaayeen kuwo ay shacabku ku farxi
kareen maqalkooda. Waxyaabihii aan weligood ka go’ayn shirka Waxaana ugu
xumaa markii qaar ka mid ah ka qayb-galayaasha shirka alaabooyinkoodii
banaanka loogu soo xooray iyadoo loo sheegay in dowladda Kenya iyo guddiga u
qaabilsan dhaqaalaha shirka aysan bixin lacagihii ay hoteellada ku jiifeen.
XULIDDII XIDHIBAANNADA
Wuxuu
shirku soo gabi-dhacleeyo, waxay hoggaamiyeyaashu isku qabqabsadaan
hoggaanka dalka oo aan xilligaa xitaa lahayn qalfooftiisa, wuxuu hoggaamiye
kastaahiba sheego inuu isagu mudan yahay inuu dalka hoggaamiyo, waxay
shacabku hoosta isugu sheegaan in hoggaamiye hebel uu noqonayo hoggaamiyaha
dalka iyo dadka ka saari kara dhibka iyo mushakilladda uu haatan dalku ku
jiro.
Is
jiid-jiid dheer kaddib waxaa la soo gaaray in la isku afgarto in dalka loo
dajiyo dastuur uu isku maamulo iyadoo loo saaray guddi inay dastuurka dalka
soo dejiyaa, waxayna ku guulaysteen in la soo dejiyo dastuur ku meel gaar
ah; intaa kaddib waxaa billowday is qabqabsi kale oo dhex maray
hoggaamiyeyaasha kooxaha kaasoo ahaa in dastuurka qodobbo ku jira ay yihiin
kuwo aan sax ahayn; kuwo waxay ku andacoonayaan in ay Soomaaliya maanta
ahayn dowlad ku dhaqmi karta nidaamka goboleysiga, waxaase markii dambe la
isku raacay in Soomaaliya ay noqonayso Federal; waayo qaar ka mid ah waxay
sheegeen in haddii aan Soomaaliya lagu xukumin Federal aanan la heli doono
gobollada goonida u ga’ay iyo kuwa leh maamul goboleedyada, waxayna noqotay
in dastuurka loo daayo qodobka ka hadlaya Federaalnimada Soomaaliya, saasna
ay Soomaaliya ku noqoto dowlad Federaal ah, waxaa sidoo kale laga dooday
dhowr qodob oo uu ka mid ahaa midka 30-aad iyo midka 19-aad waxaana markii
dambe wax yar-yar laga taataabtay qodobbadii la isku qabtay intooda badanna
sidoodii ayaa loo daayay.
Intaa
kaddib waxaa la gaaray markii la dhisi lahaa golaha baarlamaanka, waxayna
arrintani buuq weyn ka dhex dhalisay hoggaamiyeyaashii kooxaha iyo odayaasha
dhaqanka, buuqaasoo ku saabsan cidda soo xulaysa xildhibaannada baarlamaanka
cusub ee Federalka ah, waxayna tani keentay in hoggaamiyeyaasha kooxaha
qaarkood ay sheegeen inay shirka isaga bixi doonaan shirka haddii odayaasha
qabiilku ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka, labada dhinac mid walbaahi
wuxuu ku andacoonayay arrin isaga u gaar ah, taasoo ah inay iyagu u soo
xulaan ciddii ay doonaan golaha baarlamaanka.
Si kastaba
ha ahaatee waxay noqotay in dhex-dhexaadin laga dhex sameeyo iyadoo la yiri:
odayaasha dhaqanku waa inay soo xulaan xildhibaannada; halka
hoggaamiyeyaashana lagu sheegay inay ansixiyaan qofka xildhibaanka noqonaya,
waxayna taasi keentay inay arrintii ka sii darto iyadoo hoggaamiyeyaashu ay
sheegeen inay iyagu muddo sannad iyo bar ah soo fadhiyeen shirka, ayna iyagu
mudan yihiin inay soo xulaan xildhibaanka fariisanaya kursiga baarlamaanka
ee matalaya Soomaaliya, waxayna arrintaani taagnayd muddo ka badan 4-bilood,
waxaana markii dambe la isku afgartay inay hoggaamiyeyaasha iyo odayaasha
dhaqanku isla soo xulaan xildhibaannada, taasina muddo dabadeed waxay
noqotay mid lagu helay xubno baarlamaan KMG ah, iyadoo xildhibaannada
badankood ay noqdeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda ama dagaal oogayaasha
Soomaaliya.
Markii la
xulay xildhibaannadii baarlamaanka KMG-ka Federal Soomaaliya ayaa haddana
waxaa mixnad kale noqotay sidii loo dhaarin lahaa, waxay hoggaamiyeyaashu
qaar sheegeen in iyagu aysan ku qanacsanayn ragga noqonaya xildhibaannada oo
aysan u arag baarlamaankaan mid suurogal noqon kara inuu matalo Soomaaliya,
waxayna arrintaasi u badnayd dhanka hoggaamiyeyaasha kooxaha waxayna noqotay
in hoggaamiye walbaahi uu sheegay in hoggaamiye hebel uu yahay midkii xagal
daacada muddada 13-ka sano ah la soo garab taagnaa dalka isaguna uu yahay
midkii doonayay in Soomaaliya ay mar uu ka badbaado halista dagaal ee ay ku
jirto, mid walbaahina wuxuu sheegay inuusa kursi la fariisan doonin mid
kale, waxay noqotay arrin kale oo xallis u baahan, waa la xalliyay waxaana
dhaartay dhamaan xubnihii baarlamaanka intoodii badnayd.
Waxaa la
isku diyaariyay dhaar kaddib in la doorto af-hayeenka baarlamaanka, waxaana
ay hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah oo lagu ka koobnaa 11-xildhibaan oo ay ka
mid ahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan-ka hadda loo doortay Guddoomiyaha
Baarlamaanka, Guddoomiyihii hore ee Baarlmaanka C/lla Deeroow Isaaq; Sheehk
Aadan Madoobe oo isagu ka galay kaalinta labaad doorashadii guddoomiyaha
baarlamaanka Kenya iyo gabardhiii qura ee isku soo sharraxday jagadaaas oo
lagu magacaabo Fowziyo Sheekh Maxamed.
11-kaas
xildhibaan waxay billaabeen olole ay kaga doonayaan in xubnaha baarlamaanka
ay doortaan iyadoo mid walbaahi uu soo bandhigay taariikh nololeedkii iyo
waxa uu qaban doono haddii guddoomiyaha baarlamaanka loo doorto. Maalin
Arbaco ah oo ay bishu ku beegnayd 15-September-2004 abbaarihii
4:30-galabnimo xilliga Afrikada Bari ayay doorashadii guddoomiyaha
baarlamaanku ka billaabatay halka fadhiisinka u ah golaha baarlamaanka ee
Magaalada Nairobi waxaana saacaddu markii ay ahayd 12:15-habeennimo lagu
dhawaaqay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku guulaystay guddoomiyaha
baarlamaanka, wuxuuna helay 161-cod, halka Sheekh Aadan Madoobe oo ay isku
soo hareen wareeggii ugu dambeeyay uu ka helay 105-cod, waxayna codeeyay
267-xildhibaan, waxaan maqan hal cod oo aan la dhiiban.
DOORSHADA MADAXWEYNAHA
Waxaa caado
ah in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay si weyn u xiiseeyaan inay noqdaan
madaxweynaha Soomaaliya, waxayna tani keeni doontaa dhibaato aad u xoog
badan, Waxaana jagada Madaxweynenimada Soomaaliya isku soo sharraxay xubno
lagu qiyaasay 50-xubnood, wuxuuna mid walbaahi doonayaa in isaga loo doorto
Madaxweyne.
Haddaba,
mid walbaahi wuxuu dhawaan billaabay inuu u xusul duubo sidii isaga lagu
dooran lahaa, waxayna intooda badan baxsheen lacago si ay u helaan codka
xubnaha baarlamaan oo iyagu dooranaya madaxweynaha, waxayna tani keentay in
durba ay isku eedeeyaan xubnaha u tartamaya jagada ugu sarreysa dalka ee
Madaxweynenimada, waxaana uu mid walbaahi midka kale ku eedeeyay inuu
billaabi inuu leexsado xubno isaga horay u taageersanaa, waxaana laga yaaba
in taasi ay dib u dhac weyn ku keento doorashada madaxweynaha Jagada
Madaxweynaha Soomaaliya.
Wixii ka
dambeeyay doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka KMG-ka ah ee baarlamaanka
Federal Soomaaliya, waxaa madasha shirka ka socda haatan ololayaal ay wadaan
musharraxiinta u tartamaya jagada madaxweynenimada.
Soomaaliya ma xukumi karto
50-madaxwenyne ee allow shirka badbaadi wuxuu marayaa meeshii ugu halista
badnayde.
»SOOMAALIYA
WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO...
[Jantiile]
W/D:
Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)
E-mail:
jantiile12@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com
|
Sept
18,
2004
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
»IDOORO
AAN KUDAAYE HADDII KALE WAA KAA DULYAARMEYSA
»Shariif,
Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»BURHAANTAADU
BAAS IYO BARWAAQO MID UUN BAY NOQON
[AC]
»Cabdiwaaxid
Khaliif iyo Cabdillaahi Yusuf [Cawl]
»Shacbiga:
Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|